Suurtagalnimada Shidaalka iyo Gaaska Soomaaliya

Inkastoo shaki ku jiro in shidaal(oil & gas) Soomaaliya ceegaaganayo, Arinta waxaa isla qiray dhammaan machaydada iyo xeeldheerayaasha arrimaha batroolka daraasadeeyay, shirkaddaha shidaalka, iyo haayadaha caalamiga ah.

Dhowr darasadood oo la sameeyay, 1980yadii ilaa maanta ayaa muujinaya in xeebaha iyo dhulka Soomaaliya ay leeyihiin saldhigyo dhagaxeed( basins) oo muuqdo kuwa ay saameeymaan shidaalka iyo gaaska dabiiciga.

Shirkado waweyn sida Sinclair, Agip, iyo Conoco ayaa qoditaanno iyo sahamin ballaaran ka sameeyay gobollo badan oo ka mid ah dalka. Ceelasha sida Sagaleh, Cotton, Marka, Afgoye, Bandar Beila, Hobyo, iyo Afmadow ayaa dhammaantood muujiyay calaamado saliid iyo gaas ah (oil/gas shows). Si kastaba, waxaa la waayay wax-soosaar ganacsi ah oo joogto ah.

Halista farsamo ee markaas la wajahaya waxay ahayd in sahanku ku saleysnaa anticlinal structures, qaab-dhismeedyo aan si buuxda u jirin gudaha Soomaaliya. Waxaa lagu guuldaraystay in la helo folds weyn sida kuwa laga helo gobolka Khaliijka Carabta ama Waqooyiga Afrika. Taas beddelkeeda, cilmi-baarista waxay u wareegtay isticmaalka stratigraphic traps iyo sahamin horumarsan oo diiradda saaraya xeebaha Soomaaliya iyo meelaha dhulka hoose ah ee bacrinta leh.

Thomas O’Connor, oo ahaa injineer batrool ka tirsan Bangiga Adduunka ayaa sanadkii 1991dii ayaa yiri;

“Shaki kuma jiro in ay halkaas ku jirto(shidaal). Waxa keliya ee aan weli garaneyn waa inta ay le’eg tahay iyo heerka saxda ah ee suurtogalnimadeeda ganacsi, taas oo u baahan daraasad dheeraad ah. Hase yeeshee, suurtogalnimadeedu waa mid aad u sarreysa… marka Soomaalidu isku tashato oo ay xasillooni hesho ama nidaam sameysato.”

Isla sanadkaa, daraasad uu sameysay bangiga Adduunka ayaa ku dartay Sudan iyo Soomaaliya dalalka ugu sarreeyo afrika ee leh suurtagalnimada batrool ganacsi noqon karo.

Sido kale, sanad kii 1999, shirkadda Canadian ah oo lagu magacaabo Al consult international ayaa, iyadoo maalgelin ka helayso Canadian international development agency, waxay daraasad dib u-eegis ah( review study) ku samaysay ceelashii hore loogu qoday xeebaha koonfureed ee Banaadir. Natiijada daraassada waxey muujisay  in xeebtaas leedahay gaas dabiici ah; isla markaana  haddii loo sii weecdo dhinaca badda, ay suuragal tahay in batrool la gaari karo.

Aragtidaas waxaa sido kale qaba Dr. Bill St. John oo ahaa Maareeyihii shirkadda Hurt oil ee Yaman, Itoobiya iyo Niger; ayaa mar baaris ka sameeyay batroolka Madagascar Iyo Kenya.

Tixraacyo:

_The Oil Factor in Somalia: Four American petroleum giants had agreements with the African nation before its civil war began. They could reap big rewards if peace is restored. — Los Angeles Times (1993) Link

_Buugga Taariikhda Taxan, iyo Dhaqanka Soomaaliyeed

_Buugga Dagaalka Ranjariska

W/Q: Ismail Dhubow

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *