Sababta Dalal Qaar ah Loo Aqoonsaday, Halka Kuwo Kale Aan La Aqoonsan: 1990-2020
Waxaa qoray: Suhayb Caydiid Suleymaan
Arar
Laga soo bilaabo 1990-meeyadii, dunidu waxay markhaati ka noqotay soo ifbix cusub oo sameysanka dowladdo. Burburkii Midowgii Soofiyeeti, kala diriddii rabshadaha lahayd ee Yugoslavia, iyo khilaafyadii badnaa ee ka dhacay qaar ka mid ah dalalka Afrika iyo Aasiya, ayaa dhalisay sheegashooyin badan oo madaxbannaani. Intii u dhaxaysay 1990 iyo 2020, in ka badan labaatan dal oo cusub ayaa lagu daray nidaamka caalamiga ah. Koonfurta Suudaan, Timor-Leste, iyo Jamhuuriyadaha Baltiga ayaa si buuxda ugu biiray Qaramada Midoobay. Hase yeeshee, dhulal kale, sida, Abkhazia, Transnistria, Waqooyiga Qubrus, iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Sahraawi; ayaa wali helin aqoonsi rasmi ah, inkastoo ay u dhaqmaan sidii dawlado madax-bannaan.
Sharaxaadda farqigan aan sinnayn waxay u baahan tahay in la eego saddex fikradood oo qeexaya luqadda sharci iyo siyaasad ee dawladnimada. Marka hore waa dhisidda dawlad (state formation), taas oo loola jeedo habka loo dhiso hay’adaha maamul iyo xakamaynta dhulka (territorial control). Arintan waxaa si qoto dheer uga hadlay cilmi-baarayaasha cilmiga bulshada taariikhiga, gaar ahaan Gianfranco Poggi (1978), kaas oo tilmaamay in dawladaha casriga ahi lagu dhiso iyada oo la mideeyo isticmaalka xoog sharci ah, canshuur uruurin, iyo awood sharci-dejin. Waa marka labaade, aqoonsiga (recognition), waxaa loo kala saari karaa: ‘de facto’ oo ah in si qiritaan ah loo aqbalo in hay’ad siyaasadeed ay xukunto dhul, iyo ‘de jure’ oo ah in si buuxda loogu aqbalo dawlad madax-bannaan oo lamid ah kuwa kale xagga sharciga caalamiga (Crawford, 2006). Ugu dambayn waa xajira mabaadi’da aaya-ka-tashiga (self-determination), taas oo u oggolaanaysa bulshooyinka inay doortaan mustaqbalkooda siyaasadeed, inta badan iyadoo loo fasirto madax-bannaani ama is-maamul. Si kastaba ha ahaatee, mabda’ani wuxuu had iyo jeer keena khilaafyo joogto ah oo uu lala leeyahay midnimada dhuleed (territorial integrity), kaas oo ilaalinaya dalalka jira si aysan u kala go’in. Isku-dhafka fikradahan, marka la marsiiyo miiraha siyaasadda caalamiga ah, ayaa go’aamiya in dal cusub si rasmi ah u guuleysto ama uu ku haro xaalad aan la aqoonsan.

Xaaladda Taariikheed ee Dawladnimada kadib 1990
Meelaha ka baxsan Yurub hadaan eegno, Eriteriya waxay 30 sano la dagaallantay Itoobiya ka hor intaanay dal madax-bannaan noqon 1993 iyadoo la fulinayo afti ay kormeereen Qaramada Midoobay. Timor-Leste, oo muddo dheer heystay Indonesia, waxay xorriyada ka heshay 2002 kadib faragelin caalami ah iyo sanado badan oo iska caabin ah. Koonfurta Suudaan waxay dal madax-bannaan noqotay 2011, taas oo qeyb ka ahayd heshiis nabadeed oo lagu soo afjaray dagaalkii sokeeye ee ugu dheeraa Afrika. Kiisaskan waxay muujinayaan in aqoonsigu uusan mar walba ku imaan hal waddo. Dalal qaar ah ayaa ku helay, si nabad ah, kuwo kalena dagaalo dheer kadib, halka kuwo kalena ay ku yimaadeen wadaxaajood iyo faragelin bani’aadannimo (humanitarian intervention).
Si kastaba ha ahaatee, dalalka la aqoonsaday ma ahayn mid si siman u dhacday. Freedom House (2020) ayaa tilmaamaysa in ka badan soddon dhaqdhaqaaqyo gooni isu-taag ama madaxbannaani oo ka bilowday 1990-kii, balse wax ka yar kala bar ayaa helay aqoonsi caalami ah. Maamulka Waqooyiga Qubrus, oo tan iyo 1983 u dhaqma si maamul gaar ah isla markaana ku adkaysanaya madaxbannaanidiisa, kaliya waxaa aqoonsan Turkiga, inkasta oo uu buuxiyey inta badan shuruudaha caadiga ah ee dawladnimada. Dhanka kale, Boosniya iyo Harsegofina, oo tobannaan sano la daalaa dhacaaye dhibaatooyin maamul oo daba dheeraaday, ayaa la aqoonsaday horaantii jiritaankooda. Kala duwanaanshahan waxa uu muujinayaa in aayaha dalalka doonaya aqoonsi aan lagu qeexi karin oo keliya awoodooda maamulka ama buuxinta xeerarka sharciyeed ee dawladnimada. Halkii taas laga eegi lahaa, aqoonsigu waxa uu ku xidhanyahay danaha caalamiga ah ee isbeddelaya, walaacyada xasilloonida gobolka, iyo rabitaanka quwadaha waaweyn si aqoonsi calaami loo helo.
Sharciga, Siyaasadda, iyo Waddada Sinnaanta La’aanta ee Aqoonsiga
Sharciga caalamiga ah wuxuu bixiyaa qaab-dhismeed rasmi ah oo lagu go’aamiyo dhisidda dawlad cusub. Heshiiska Montevideo ee 1933 wuxuu dejiyey afar shuruudood oo ah: in la helo dad joogto ah, dhul qeexan, dawlad shaqaynaysa, iyo awood ay dawladaas kula xiriirto dalalka kale. Waxaa jira dalal badan oo aan la aqoonsan balse shuruudahan buuxiyey. Saxaraha Galbeed waxay leedahay hay’ado dawlad, ciidan u gaar ah, isla markaana weli waxay ku adkaysanaysaa madaxbannaanideeda. Taiwan waxa ay ka mid tahay dawladaha ugu dhaqaalaha weyn adduunka, waxa ayna la leedahay xidhiidh caalami oo baaxad leh, in kasta oo aan si rasmi ah loo aqoonsan. Kosovo waxa ay gacanta ku haysaa dhulkeeda waxaana aqoonsaday in ka badan boqol dal. Si kastaba ha ahaatee, kiisaskaan waxa ay muujinayaan in buuxinta shuruudaha Montevideo aanay ku filnayn in la helo aqoonsi caalami ah. Aqoonsigu ma aha hannaan sharci oo si toos ah u shaqeeya, balse waa fal siyaasadeed ay dalalka kale si ikhtiyaari ah u fuliyaan.
Tani waa sababta qaar loo aqoonsado halka kuwo kale aan loo aqoonsan. Eriteriya iyo Timor-Leste waxay madax-bannaanida ku heleen maadaama aysan kaliya muujin awood dowladeed, balse ay heleen taageero caalami ah iyo sharciyad ka dhalatay halganno dheer kadib. Jamhuuriyadaha Baltiga waxay ka faa’iideysteen diidmada waddamo badan oo reer Galbeed ah ee ahayd inaysan aqbalin qabsashadii midowgii Soofiyeeti, taasoo siisay sheegasho sharci ah oo gaar ah. Koonfurta Suudaan waxay ku heshay aqoonsigeeda heshiis nabadeed oo caalami ah ay kaasoo si weyn u taageereysay Mareykanka.
Cawaaqib xumada aqoonsi la’aantu waa mid daran. Dalalka aan la aqoonsan waxaa laga reebaa hay’adaha caalamiga ah, loon diidaa gargaar dhaqaale iyo ka qaybgalka diblomaasiyadda caalamiga ah. Transnistria ma heli karto deyn ka timaada Sanduuqa Lacagta Adduunka. Waqooyiga Qubrus dhaqaale ahaan waxay ku tiirsan tahay Turkiga. Taiwan, inkastoo ay dhaqaale leedahay, waxaa laga hor istaagay xubinnimada Qaramada Midoobay sababo la xiriira diidmada Shiinaha. Si kastaba, aqoonsi la’aanta mar walba micnaheedu ma aha guul-darro. Qaar badan oo ka mid ah dawladaha aan la aqoonsan ayaa ku fiican maamulka marka loo eego dalal si buuxda loo aqoonsaday. Tusaale, Kosovo ay ka dimuqraadi badan isla markaana ka musuq yar Koonfurta Suudaan iyo Eriteriya. Scott Pegg (1998) wuxuu ku tilmaamay kiiskan “dalal de facto ah” oo leh dowlado shaqeeya iyo sharciyad dadweyne balse aan haysan xaalad sharci oo de jure ah. Tani waxay caddeyn u tahay in aqoonsigu uusan si toos ah uga tarjumayn awood dowladeed, balse uu ka dhashay rabitaanka siyaasadeed ee nidaamka caalamiga ah.
Isbeddellada Casriga ah, Juquraafi-siyaasadeed-ka, iyo Caqabaddaha Aqoonsiga
Siyaasadda aqoonsiga qarnigaan 21aad waxay si qoto dheer ugu dhex milantay tartanka quwadaha waaweyn, danaha goboleed, iyo xeerarka hay’adaha caalamiga ah. Aqoonsiga aad ayuu uga fog yahay xukun sharci oo dhexdhexaad ah; waa qalab siyaasadeed loo adeegsado danaha istaraatiijiyadeed. Aqoonsiga Ruushka ee Abkhazia iyo South Ossetia 2008 kadib dagaalkii uu la galay Joorjiya, ma aysan ku salaysnayn mabda’ aaya-ka-tashi, balse waxay ku salaysnaayeen danaha juqraafi-siyaasadeed ee Ruushka ee Caucasus. Sidoo kale, aqoonsiga ay Maraykanka iyo Midowga Yurub siiyeen Kosovo wuxuu si dhow ula xiriiray faragelintii NATO ee Balkans iyo rabitaanka lagu xasilinayo Koonfur-bari Yurub. Labadaas xaaladoodba, go’aamada aqoonsiga waxay si dhab ah ugu milnaayeen danaha quwadaha waaweyn, halka dalal sida Shiinaha iyo Hindiya ay ka gaabsadeen aqoonsi si aysan uga dhiirigelin gooni-isu-taag gudaha dalalkooda.
Kiiska aan weli la xallin ee Saxaraha Galbeed wuxuu muujinayaa, marka mabda’a sharciga uu la kulmo xaqiiqooyinka siyaasadeed. Inkasta oo Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah iyo Qaramada Midoobay si isdaba joog ah u xaqiijiyeen in dadka Sahrawi ay xaq u leeyihiin go’aan ka gaarista aayahooda, haddana qabsashada Marooko ayaa ah mid weli socota, waxaana taageera isbahaysiyo reer Galbeed iyo Carab ah. Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Saxaraha (SADR) waxaa weli aqoonsan qaar ka mid ah dalalka Afrika iyo Laatiin Ameerika, balse xaaladdeeda wali waa mid hakad ku jirta. Tani waxay ka tarjumaysaa qaab-dhismeedka guud ee uu tilmaamay Ker-Lindsay (2012), kaas oo ku dooday in natiijooyinka aqoonsigu aanay inta badan ku salaysnayn joogteynta qiyamka (normative consistency), balse ay ku dhismaan danaha dawladaha oo si taxadar leh u xisaabiya kharashaadka, faa’iidooyinka, iyo tusaalooyinka ka dhalan kara.
Kooxaha aan la aqoonsan waxay u jeesteen xeelado kale. Jaaliyadaha qurbajoogta ayaa door weyn ka ciyaara dhiirrigelinta iyo maalgelinta dhaqdhaqaaqyada madax-bannaanida, sida lagu arkay kiiska Kurdiyiinta. Dhaqdhaqaaqyadooda waxay u adeegsadaan warbaahinta caalamka iyo baraha internet-ka si ay u faafiyaan aragtidooda, gaar ahaan kadib aftidii madax-bannaanida ee Kurdistan Ciraaq 2017. Si kastaba, aqoonsiga caalamiga ah waa laga reebay, sababtoo ah dalalka Ciraaq, Turkiga, Iiraan, iyo Suuriya; oo dhamaantood ay ku dhaqanyihiin shacab badan oo Kurdi ah ay ka soo horjeestay, maadama ay leeyihiin awood siyaasadeed oo xooggan. Tani waxay muujinaysaa in taageero gudaha ah oo ballaaran kaliya aysan ku filnayn aqoonsi haddii aysan jirin taageero caalamiyah.
Hay’adaha caalamiga ahi waxay sii xoojiyaan dabeecadda siyaasadeed ee aqoonsiga. Si loo helo xubinnimo Qaramada Midoobay, waxaa loo baahan yahay ansixinta Golaha Ammaanka, halkaas oo shanta dal ee joogtada (veto powers) Maraykanka, Ruushka, Shiinaha, Ingiriiska, iyo Faransiiska ay yihiin kuwo go’aamiya. Tani waa sababta Kosovo, Falastiin, iyo Taiwan loogu diiday xubinnimada Qaramada Midoobay inkastoo ay haystaan taageero ballaaran. Ururrada goboleedyadana waxay qaataan mowqif la mid ah: Midowga Afrika wuxuu diiday inuu aqoonsado Somaliland, isagoo ka baqaya in taas ay dhiirrigeliso sheegashooyin kale oo gooni-isu-taag ah, halka Midowga Yurub uu ku kala qaybsan yahay Kosovo sababo la xiriira walaacyada dalal sida Spain oo ka cabsi qaba dhaqdhaqaaqyo gooni-u-goosad ah gudaha dalalkooda.
Qodobka ugu weyn ee dhibaatadani salka ku hayso waa iska-horimaadka aan la xallin ee u dhexeeya aaya-ka-tashiga iyo midnimada dhuleed. Inkastoo Axdiga Qaramada Midoobay uu labadaba aqoonsanyahay, haddana ficil ahaan midnimada dhuleed ayaa inta badan laga doorbidaa. Dhaqdhaqaaqyada Catalonia iyo Scotland ayaa tusaale cad u ah: inkastoo ay haysteen aftiyo dimuqraadi ah iyo taageero gudaha oo xooggan, midna lama aqoonsan sababtoo ah dawladaha ay ka go’ayaan (parent states) ma aysan oggolaan, quwadaha waawayna ma aysan arkin sabab istaraatiijiyadeed oo ay u taageeraan. Buchanan (1997) wuxuu ku dooday in nidaamka caalamiga ahi si qaab-dhismeed ah ugu janjeero ilaalinta xuduudaha jira, taasoo ka dhigaysa gooni-isu-taaga aan lagu heshiin mid aan macquul ahayn, haddii aysan la socon colaad ballaaran, musiibooyin bani’aadannimo, ama faragelin quwado waaweyn.
Gunaanad
Diiwaanka siyaasadda aqoonsiga tan iyo 1990 wuxuu muujinayaa in aqoonsigu uusan ku xirnayn buuxinta qeexitaannada sharci ee dawladnimo, balse uu yahay geeddi-socod ay qaabeeyaan awood, siyaasad, iyo tusaale hore. Shuruudaha Montevideo waxay qeexayaan xaaladaha lagama maarmaanka ah ee dawladnimo, balse kaama dhigayaan in khasab laguugu aqoonsado. Dhanka kale, madaxbannaanida waxaa la helaa marka dalalka la aqoonsayahay ay ku siiyaan sharciyad. Kiisaska guuleystay sida; Eriteriya, Timor-Leste, Koonfurta Suudaan, Jamhuuriyadaha Baltiga, waxay isku heleen midnimo gudaha ah iyo xulufo awood leh. Kiisaska qayb ahaan la aqoonsaday sida Kosovo iyo Falastiin waxay muujinayaan in aqoonsigu noqon karo mid lagu kala qaybsanyahay. Kuwa wali aan la aqoonsan sida Transnistria, iyo Taiwan waxay muujiyaan in xitaa maamulo awood leh la xannibi karo, haddii ay halis ku yihiin danaha dalal saameyn leh.
Aqoonsigu waxa uu u shaqeeyaa sidii albaab ilaaliye ku dhex jira nidaamka caalamiga ah. Waxa uu ka tarjumayaa qaybsiga awoodda halkii uu ka ahaan lahaa adeegsi sharci oo dhexdhexaad ah. Dhaqdhaqaaqyada gobannimo doonka ah, ee ku dooda xuquuq sharciyeed ama muujinta rabitaanka dimuqraadiyadeed ma aha kuwo ku filan guul ahaan. Guushu waxay ku xirnaanaysaa sida ay ula jaanqaadaan siyaasadda caalamka, sida ay u helaan quwado garab istaaga, iyo sida ay isugu xirmaan danaha istiraatiijiyadeed ee waaweyn. Tani waxay muujinaysaa in siyaasadda aqoonsigu ugu dambayntii tahay muraayad ka tarjumaysa isku dheelitirnaanta awoodda caalamiga, halkii ay ahaan lahayd mabda’ caddaalad ah.
Tixraacyada
Buchanan, A. (1997). Theories of Secession. Philosophy & Public Affairs, 26(1), 31–61.
Crawford, J. (2006). The Creation of States in International Law (2nd ed.). Oxford: Oxford University Press.
Freedom House. (2020). Freedom in the World 2020: A Leaderless Struggle for Democracy. Freedom House.
Ker-Lindsay, J. (2012). The Foreign Policy of Counter Secession: Preventing the Recognition of Contested States. Oxford: Oxford University Press.
Pegg, S. (1998). International Society and the De Facto State. Aldershot: Ashgate.
Poggi, G. (1978). The Development of the Modern State: A Sociological Introduction. Stanford: Stanford University Press.
United Nations. (1933). Montevideo Convention on the Rights and Duties of States. Adopted at Montevideo, 26 December 1933.
