
Qoraa iyo turjumaan xiiseeya fanka iyo suugaanta.

Dagaalkii labaad ee adduunka markii uu gees walba galowgu eedaamay, waa tii ina rag intii gaashaanqaad ahayd loo kaxeeyay furimaha dagaalka ee fogfog. Rag badan oo dhallinyaro ah ayaa ayagoo ay ilmadu ka hoorayso sagootiyay qoysaskoodii iyo lammanayaashoodii ay ku indha-kuulan jireen, ka hor inta aan lagu daabulin gawaarida iyo maraakiibta dagaalka si loogu gacan geliyo geerida. “Noolaan maayo haddaad/soo laaban waydo,” iyo “Haddaan luxudka lay dhigin/soo laaban doonee,” ayaa guri kasta laga maqlay. Haweenkii ayaa ku kaliyoobay aqallada, gabdho badan oo jacayladoodii u boholyoobay ayay cidlada iyo caashaqu wadnahooda feenteen. Dabcan xilligaa, dhabbaha qura ee ay askartu kula xiriiri jireen guryahoodii wuxuu ahaa dhambaallada boostada ee uu dhambaalsiduhu ugu keeno kaymaha rasaastu ka ololayso.
Haddaba, waayahaas agtooda ayuu soo shaac baxay ifafaalaha dhambaalladii loo bixiyay “Dear John/Gacaliye John.” Milton Bracker, oo ahaa wartabiye goobaha dagaalka ka soo warrami jiray ayaa markii u horraysay sanadkii 1943 bannaanka keenay shaacsanahan ugubka ah.
Si kooban, dhambaallada Dear John waxaa loo yaqaannay warqadda ay naag u soo dirto nin (siiba askarta) dhul dheer ugu maqan shaqo qaran taasoo ay ku ogaysiinayso in uu xiriirkoodii jacaylku dhammaaday maadaama ay xiriir kale yeelatay ama nin kale is guursadeen. Arrintani askartii oo markoodii horaba la tiicayay qulubka iyo qalaalasaha jiritaan ee ay ka qaadeen foolxumada colaadda ayay waxay ku sii noqotay boog wadnaha ku taal iyo qarracan hor leh. Tani waxay ciidanka ku sababi jirtay burbur nafsadeed iyo baxaaddeg jeer ay askartu ku dhiirran waayaan in ay dhambaallada loo soo diray ku hor furaan saaxiibbadooda kale ayagoo ka baqanaya in ay ku noqoto warqaddii kalatagga ee had iyo jeer ku billaaban jirtay: Gacaliye John…
Dhambaalladan waxaa mahadhadooda wax aan la xammili karin ka sii dhigi jiray xaaladda magangooyada ah ee uu askarigu bartanka u taagan yahay goorta loo dhiibayo dhambaalka dhiillada leh. Sidoo kale, maadaama aysan waxba ka qaban karin dhibaatada ku habsatay, waxay askartu ku qasbanaan jireen sidii ay isugu dheellitiri lahaayeen dhamacda ku hoobanaysa iyo dhiig-baxooda gudeed.
Raggii warqadahan wadnaqabadka ah dhibbanaha u noqday waxaan ka xusi karnaa qoraagii weynaa ee Ernest Hemingway oo ay barbaarnimadiisii kaga naxsatay kalkaalisadii uu jeclaa ee Agnes von Kurowsky. Waxaaba la tabiyaa in ay dharbaaxadaasi ahayd tii Hemingway u dhalanrogtay qoraa lagu dhaato. Dhaawac dhaxalreeb ah dheh!
Ifafaalahan Dear John waagii dambe wuxuu noqday qodob si baahsan loogu haltabiyo waxqabadyada dhigan iyo jaadadka kala duwan ee fanka iyo suugaanta sida buugaagta iyo shineemada. Filimada lagu tusmeeyay xaaladdan murugsan waxaa ka mid ah filinka The thin red line ee uu gugii 1998 agaasimay Terrence Malick lagana dheegay noofalka xasuusqofeedka ah ee James Jones dhiteeyay sanadkii 1962.
Filinka gudihiisa waxaan ku arkaynaa baxaalliga Private Bell (Ben Chaplin) oo ah nin askari ah oo ay xaaskiisu u soo dirayso dhambaal tusaale u ah noocii aynu ka soo warrannay ee Dear John letter. Bell waxay xaaskiisu dhambaalkeeda ugu sheegaysaa in ay nin kale jeclaatay kana doonayso in uu furo. Waa beerqaad sida uu warkaas dhiillada leh u gilgilayo ruuxda Bell. Ogoobay waxaan marqaati ka ahayn sida ay xasuusta naagtiisu u ahayd gaashaan uu xabbadda isaga dhigo, sawirkeeduna u ahaa gabbaad uu cidlada ka dugaashado.

Warqadda ay naagtiisu u soo dirtay waxay u dhacaysay marka af Soomaali lagu tabiyo sida tan:
Gacaliye Jack, waxaan is barannay kabtan ka tirsan ciidamada cirka, waana jeclaaday. Waxaan doonayaa inaad madaxayga isiiso si aan ula dadab galo. Waan ogsoonahay in aad igu gacan-sayri karto, sidaas oo ay tahayna waxaan jeclaan lahaa inaad iga oggolaato adigoo qaddarinaya xasuusihii iyo kalgacalkii aynu soo wadaagnay. Iga raalli noqo, Jack, si daran baan u cidlooday. Maalin ay noqotaba dib waynu isku arki doonnaa. Dadka sidayada isku soo wacnaan jiray, badanaa dib ayay u kulmaan. Gar uma lihi in aan kuula hadlo qaabkan [laxawga leh], balse isma xakamayn karo, waan la qabsaday. Aah, mataankaygii maalmihii wacnaayoow, igu gacan sii in aan ku gooyo.
Horteenna ayuu Private Bell ku guda-burburayaa, fallaarta filinwaaga ayaa wadnaha kaga dhacaysa sidii cawl la ganay, wax falcelin ah oo muuqatana ma samaynayo, keliya si aamusan ayuu feeraha uga dhawaaqayaa isagoo dhaxanta hungada la qarqaraya.
Tixraacyo:
- https://time.com/6137746/dear-john-letters-world-war-ii/
- .https://blogs.loc.gov/folklife/2022/02/telling-dear-john-stories-vhp-collections-in-action/
- The thin red line (1998) Dir. Terrence Malick
- https://medium.com/the-professional-writer/the-mother-of-all-dear-john-letters-7e02a2bda6f1/

Qoraa iyo turjumaan xiiseeya fanka iyo suugaanta.