Waxaa qoray: Cismaan Axmed Aaden (Ow Aaden), Khabiir Ilaalinta Xogta, xeeldheere GDBR iyo sidoo kale Qareen asturnaanta xogta.
Email: Osmanaden1111@gmail.com
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu bishii Maarso 2023 saxiixay Sharciga Dhowrista Xogta Dadweynaha kadib markii ay ansixiyeen labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Sidoo kale intii lagu guda jiray sanadkii 2023, Soomaaliya waxa ay yeelatay Hay’adda Dhowrista Xogta oo ah hay’ad madaxbannaan oo u taagan hirgelinta Sharciga Dhowrista Xogta. Hay’addu waxa ay masuul ka tahay qaabaynta iyo dejinta xeerarka heer qaran ee ilaalinta xogta iyo asturnaanta, ayada oo hubinaysa in shirkadaha iyo hay’aduhu u hoggaansan yihiin sharciga. Waxa ay tani muujinaysaa sida ay Soomaaliya uga go’an tahay in ay ilaaliso xogta muwaadiniinteeda, lana jaanqaado halbeegyada caalamiga ee lagu dhowro xogta dadweynaha. Sidoo kale tallaabooyinkani waxa ay muujinayaan dhab-ahaanshiyaha in ay Soomaaliya u heellan tahay xoojinta ku kalsoonaanta iyo adeegsiga dhijitaalka.
Maanta oo la joogo casri dhijitaal ah waxaa shirkadaha iyo hay’adaha looga baahan yahay inay mudnaan weyn siiyaan ilaalinta xogta shakhsiga ah ee ay hayaan, si ay ugu hoggaansamaan sharciyada iyo xeernidaamyada asturnaanta. Fullinta arrinkaas hay’adaha iyo shirkadaha ugama dhigna kali ah in ay ka dheeraanayaan ganaax sharciyeed iyo mid maaliyadeed, balse sidoo kale waxa ay kaalin ka qaadanaysaa in ay xoogaysato kalsoonida macaamiishoodu ku qabaan iyo dhaqangelinta anshax suuban oo ku aaddan lamacaamilka xogta xasaasiga ah ee muwaadiniinta. Dunida dhijitaalka ah ee maanta waxaa ganacsiyada walaac badan ku haya asturnaanta xogta (data privacy), taas oo muujinaysa baahida loo qabo in la ilaaliyo xogta macaamiisha iyo shaqaalaha.
Si la mid ah dalalka caalamka, Soomaaliya waxa ay dajisay xeernidaameedyo, si ay u kor-joogatayso aruurinta, adeegsiga iyo kay- dinta xogta shakhsiga. Shirkadaha iyo hay’adaha Soomaaliya ka shaqeeya ee adeeg- sada xogta shakhsi ah ee muwaadiniinta waxaa saaran masuuliyadda lagu ilaalinayo xogta dadwaynaha. Haddaba si loo gaaro xilli Soomaaliya ay ilaalinta xogta shakhsiga ka tahay waajib la wada dhowro, waxaa loo baahan yahay in si wadajir la isaga kaashado sidii yoolkaas loo gaari lahaa, iyo in qof ama koox walba ay qaadato kaalinta kaga aaddan masuuliyad-wadareedkaan.
Qofka Xogta Leh (Data Subject)
Qofka Xogta Leh (Data Subject) waxaa loola jeedaa xogta shakhsiga ah ee la hayo qofka leh, taas oo lagu aqoonsan karo. Xogta shakhsi ah ee qofku leeyahay waxaa ka mid ah magaciisa, taleefan lambarkiisa, deegaankiisa, taariikhda dhalashadiisa, xogtiisa dhalyada sida indhaha iyo faraha, dhaqdhaqaaqiisa maaliyadeed, xogtiisa caafimaadka, xogtiisa waxbarashada, iwm. Dhammaan xogahaasi waxa ay tilmaam gaar ah ka bixinayaan qof gaar ah, taas oo lamahuraan ka dhigaysa in la ilaaliyo.
Dadweynaha waxay xogta ku bixiyaan habab kala duwan oo qayb ka ah nolol-maalmeed- kooda, sida marka ay lacag bixinayaan, codsiyada adeegga dowladda ama hay’adaha gaarka ah sida iskuullada, isbitaallada, iyo meelo kale. Waxaa kale oo ay dadku xogtooda shakhsi ah ku adeegsadaan baraha bulshada ama adeegyada barnaamijyada casriga ah, ka-dukaamaysiga internetka, iyo marka ay buuxiyaan dokumentiyo ama faylal online ah. Waxa ay tani qayb ka tahay habka guud ee dadka xogtooda loogu ururiyo, iyada oo mar walba xog uruuriyaha uu waajib ka saaran yahay inuu helo oggolaansho uu xogta ku uruurin karo. Shirkad walba ama hay’ad kasta oo xog ka aruurisa dadweynaha waxa ay noqonaysaa xog kontoroole ama xog adeegsade.
Saamaynta Qiimaynta (DPIA)
Waxaa xusid mudan in marka shirkad- du/hay’addu ogaato inay tahay xog konto- roole ama xog adeegsade. Intaas ka dib waxaa looga baahanayaa inay qaaddo tallaabooyin kale sida samaynta qiimayn ee hannaanka adeegsiga xogta (DPIA). Qiimaynta waxa ay sees u tahay in shirkadda ama hay’adda ogaato dulduleeda iyo inay hubiso heer u hoggaansanaan ee sharciga iyo xeerni- daamyada hay’adda. Waxa ay tani ka caawinaysaa in shirkadaha/hay’adahu waafaqaan mabaadii’da dhowrista xogta ee ku aaddan; sharci ahaansha, hufnaanta iyo cadaaladda; xadidnaanta xogta, sugnaanta xogta, yaraynta xogta; isla-xisaabtan iyo daah-furnaan; iyo in helo daacadnimo lagu kalsoonaan karo.
Farqiga u dhaxeeya Xog adeegsade iyo Xog Kontoroole (Data Controller and Data Processor)
Farqiga u dhaxeeya Xog Kontoroole iyo Xog Adeegsade Xog kontoroole waxaa ah shirkad/hay’ad walba oo go’aamisa ujeedka loo adeegsanaayo xogta shakhsiga ah. Haddii shirkaddaadu/hay’addaadu ay go’aamiso ‘sababta’ iyo ‘sida’ loo adeegsanaayo xogta shakhsiga ah, waxaa ay noqonaysaa xog kontoroole. Xog adeegsade waxaa dirsada xog kontoroole ka dib heshiis rasmi ah marka uu dhex maro. Xog adeegsade ma leh go’aan ka gaarista “sababta iyo sida” loo adeegsanayo xogta shakhsi ah, ee waxa uu ka amar qaadanayaa xog kontoroolaha.
Heshiiska u dhexeeya Xog Kontoroolaha iyo Xog Adeegsadaha
Macaamilka u dhaxeeya xog kontoroolaha iyo xog adeegsadaha waa in si cad loogu qeexo heshiis. Heshiiska dhex mara labada dhinac waxaa la yiraahdaa “Heshiiska Adeegsiga Xogta”, waxaana lagu caddeeyaa masuuliyadaha labada dhinac, halbeegyada adeegsiga xogta, hubinta u hoggaansanaanta Sharciga iyo ilaalinta xuquuqda qofka xogta leh. Sidoo kale heshiiska waa in lagu caddeeyo waxa laga yeeli doono xogta shakhsiga ah marka heshiisku dhammaado. Xog adeegsaduhu waxa uu xog adeegsade kale u gudbin karaa qayb ka mid ah hawshiisa kaliya marka uu xog kontoroolaha uu heshiiska kula jiro ka helo ogolaansho qoraal ah.
Masuuliyadda koowaad waxa ay saaran tahay xog kontoroolaha oo ah cidda go’aan ka gaarta “sida” iyo “sababta” xogta loo adeegsanayo, sidaas oo ay tahay xog adeegsaduhuna waxa uu leeyahay waajibaadyo gaar ah oo ku xusan Sharciga Dhowrista Xogta.
Diiwangelinta iyo Cusboonaysiinta ee Xog Kontoroolaha iyo Xog Adeegsadaha
Isdiiwaangelinta shirkadaha/hay’adaha adeegsada xogta shakhsi ah ee muwaadiniinta waa tallaabada koowaad ee u hogaansanaanta Sharciga Dhowrista Xogta. Shirkadaha iyo hay’adaha waxaa laga doonayaa in ay iska diiwaangaliyaan Hay’adda Dhowrista Xogta, ayaga oo u kala qaybsamaya xog kontoroole iyo xog adeegsade. Hay’adda Dhowrista Xogtu waxa ay faafinaysaa dhammaan hay’adaha iyo shirkadaha isdiiwaangaliyay, ayada oo lagu baahinayo faafin rasmi ah, laguna shaacinayo website-ka hay’adda. Sidaas waxaa loo yeelayaa in dadweynuhu kala ogaado hay’adaha iyo shirkadaha lagu kalsoonaan karo ee u hoggaansan Sharciga iyo kuwa aan lagu kalsoonaan karin. Marka ay shirkadaha/hay’aduhu isdiiwaangalinayaan waxaa laga qaadayaa khidmad yar, taas oo jaangoynteeda ay dejin doonto Wasaaradda Maaliyadda. Shirkadaha iyo hay’aduhu waxa ay diiwaangelinta u cusboonaysiisanayaan si sanadle ah. Hay’adaha Dowladda iyaga wax khidmad ah lagama qaadayo xilliga is-diiwaangalinta iyo cusboonaysiintaba.
Habraaca Is-diiwaangelinta
Marka shirkad ama hay’ad la diiwaangalinayo waxa ay Hay’adda Dhowrista Xogtu ka doonaysaa macluumaadka hoos ku xusan:
- Magaca shirkadda/hay’adda, goobta xafi- iska, magaca sargaalka u qaabilsan ilaalin- ta xogta iyo xiriirkiisa
- Sharraxaad ku saabsan xogta shakhsiga ah ee ka dhigeysa xog-dhowre muhiim ah;
- Tirada iyo qaybaha ay yihiin dadka ay shirkadda/hay’addu xogta shakhsiga ah ka aruusiso;
- Ujeedooyinka ay shirkaddu/hay’addu u adeegsato xogta shakhsiga ah ee ay hayso;
- Liiska xog-adeegsayaasha ay shirkad- du/hay’addu xogta shakhsiga ah la wadaagto;
- Hay’ad kasta oo caalami ah ama dal kasta oo ka baxsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee shirkadda/hay’addu xogta shakhsiga ah ee ay hayso u gudbisay ama doonayso in ay u gudbiso;
- Sharaxaad guud oo ku aaddan khataraha, ilaalinnada iyo tallaabooyinka badqabka iyo hababka ay shirkaddu/hay’addu ku xaqiijiso dhowrista xogta shakhsiga ah; iyo
- Macluumaad kasta oo kale oo ay uga baahan tahay Hay’adda Dhowrista Xogtu.
Waajibaadka Xog Kontoroolaha
- U hoggaansanaanta mabaadi’da ilaalinta xogta ee ku xusan Sharciga Dhowrista Xogta.
- Ilaalinta xuquuqda qofka ee ku aaddan xogtiisa shakhsiga ah (Data Subject Right)
- Hubinta badqabka habka adeegsiga xogta.
- Doorashada xog-adeegsade habboon oo sharciga dhowraya
- Heshiis la-galidda xog adeegsade walba oo uu xog shakhsi ah la wadaagayo
- Haddii ay dhacdo xog jabsasho (Data Breach), waa in xog kontorooluhu si dakhso ah u wargaliyo Hay’addu Dhowrista Xogta iyo dadka uu xogtooda shakhsiga ah hayo.
- Magacaabista sarkaal dhowrista xogta (Data Protection Officer) marka loo baahdo.
- U hoggaansanaanta waajibaadka ilaalinta xogta ee ku aaddan wareejinta caalamiga ah ee xogta shakhsiga ah.
- La shaqeynta Hay’adda Dhowrista Xogta.
Waajibaadka Xog Adeegsadaha
- Raacidda talooyinka iyo tilmaamaha xog kontoroolaha
- Hubinta badqabka habka adeegsiga xogta.
- Taageeridda iyo hirgelinta heshiiska kala dhaxeeya xog kontoroolaha
- In xog kontoroolaha lagu wargaliyo dhac- dooyinka xog jabshada
- Soo magacaabista Sarkaalka Dhowrista Xogta, marka loo baahdo
- Hubinta in wareejinta caalamiga ay waa- faqsan tahay heshiiska xog kontoroolaha iyo xeerarka kale.
- La-shaqaynta Hay’adda Dhowrista Xogta
Oggolaanshaha Adeegsiga xogta
Sharciga Dhowrista Xogtu waxa uu waajibinayaa in oggolaansho la fahmi karo laga helo qof walba oo xogtiisa shakhsiga ah laga qaadayo. Maqnaanshaha oggolaashaha qofka xog leh haba yaraatee shirkadda/hay’addu ma aruurin karto ama adeegsan karto xog shakhsi ah. Warqadda oggolaanshaha waa in ay ku cad yihiin nooca xogta ay shirkaddu/hay’addu ka aruurinayso macaamiisha, sida loo isticmaali doono, muddada la hayn doono, cidda heli doonta iyo haddey jirto gacan seddexaad oo lala wadaagi doono. Ogolaanshaha waxaa khasab ah inaan lagu qorin luuqad adag, taas badelkeedana waa in uu noqdo mid si fudud ay u fahmi karaan shakhsiyaadka xogta leh.
Sharciga Dhowrista Xogta waxa uu ogolaanshaha qofka xogta leh ku qeexay: fasax kasta oo xor ah, cayiman, ogaalna lagu sameeyay kaas oo si aan mugdi ku jirin u cabiraya rabitaanka qofka xogta leh isaga oo ku muujinaaya hadal ama tallaabo cad oo caddaynaysa in uu bixiyay oggolaanshaha adeegsiga xogtiisa gaarka ah.
Shirkadaha gaarka loo leeyahay ee aruuriya xogta shakhsiga ma habboona in ay ogalaan- sho sharci u tixgaliyaan haddii qofka xogta laga uruurinaayo uusan si qayaxan oo toos ah u bixinin ogolaansho oo uu muujiyo falal aan ka turjumayn ogaalansho cad (explicit consent), sida aamusnaanta (qofka oo aan diidin) ama meelo horay loo calaamadeeyay (check-boxs). Sidoo kale in qofka wax ficil ah ka sameynin adeegsiga xogtiisa looma qaadan karo sida in laga haysto ogolaansho buuxda. Waxa ay dhinacyadaasi xoojinayaan in cidda haysa xogta shakhsiga u adeegsan karin sida ay doonaan iyo ujeedooyin ka baxsan heshiis-ka, sida suuq-geyn.
Shirkdaha iyo hay’adaha ay gacantooda ku jirta xogta shakhsiyaadka uma bannaana in muwaadaniinta ay xogta kaga aruuriyaan ogaalashiyo mudgi ama isku-duubaan( bundled Consent) iyo in shuruudo guud (general terms) lagu dhex qariyo codsiyada ogolaanshaha xog ururinta. Oggolaansho kasta waa in si gaar ah looga codsadaa qofka xogta leh si muwaadinka u fahmo noocyada kala duwan ee xogta loo adeegsan doono. Tusaale: Haddii ay shirkad ama hayy’ad ku waydiisato inaad saxiixdo shuruud guud, laguna daro in xogta- ada loo isticmaali doono xayeysiis, cilmi baaris, iyo ujeeddo kale oo aan caddeyn taasi kama dhigna in la helay ogaalanshii saxda ahaa ee ka tarjumaayay adeegsiga xogta shakhsiga.
Haddaba shirkadaha iyo hay’adaha ee uruurinaayo xogta shakhsiga ah waxaa la gudboon inay la yimaadaan siyaasaddii lagu dhaqangelin lahaa ogolaanshiya qayaxan, kan fogaadaan in xogta shakhsiga loo adeegsado wax ka baxsan ujeedada asalka ah. Waxaa la gudboon inay ilaalinaay xuquuqda dadka xogtooda la kayddinaayo loona ogolaado codsigooda ku aaddan inay heli karaan in; xogtooda la saxo, la tirtiro, la xaddido, iyo in ay maamulaan sida xogtooda loo isticmaalaayo.
Magacabista Sarkaalka Dhowrista Xogta (DPO)
Xilligan casriga ah oo arrimaha asturnaanta xogta ay noqdeen kuwo muhiim ah ayaa sharciyada caalamiga sida Sharciga Guud ee Ilaalinta Xogta (GDPR), iyo kan gudaha ee Sharciga Dhowrista xogta (DP Act) waxay si faahfaahsan u tilmaamayaan nidaamyada sharciyeed ee ay shirkadaha iyo hay’aduhu u maareeyaan xogaha shakhsiga ah. Mid ka mid ah shuruudaha muhiimka ah waa in hay’adaha loo aqoonsan yahay inay yihiin xog kontoroole ama xog adeegsade ay waajib ku tahay inay yeeshaan Sarkaalka Dhowrista Xogta (DPO).
Xog kontoroole ama xog adeegsade kasta waxa ay masuuliyaddiisu tahay inuu soo magaacaabo Sarkaalka Dhowrista Xogta, islamarkaana ka soo diiwaangeliyaan Hay’adda Dhowrista Xogta. Si la mid ah dhammaan hay’ad kasta oo caalami oo adeegsata ama aruurisa xogaha muwaadiniinta, waxaa saaran masuuliyadda inay soo magacaaban sidoo kalana ay diiwaangaliyaan sarkaalka dhowrista xogta, ayaga oo raacaayo habraacyada degsan ee dalka, taas oo u adeegaysa dadwaynaha.
Shirkadaha iyo hay’adaha gaarka iyo kuwa guud waxa ay DPO u baahanayaan marka ay soo buuxiyaan shuruudaha ay ka midka yihiin; in xogta ay qabtaan gaaraysa 10,000 oo qof sannadkii, inay si joogto ah howlaheeda ugu adeegsato xog xasaasi ah iyo inay xogaha ay adeegsadaan ka gudbaan xuduudaha (Data transfer).
Sarkaalka Dhowrista Xogta waa qofka mas’uulka ka ah kormeerka iyo hubinta in hay’addu si buuxda ugu hoggaansanto sharciga. Si kastaba ha ahaatee Sarkaalka ma qaado mas’uuliyad shakhsi haddii hay’addu ama shirkadda ku xadgudubto sharciga. Tani waxa ay ka dhigan tahay in Sarkaalka Dhowrista Xogta aanu si gaar ah loogu eedayn karin khaladaadka ama jebinta sharciyada maaddaama uu yahay kaliya idmane balse uusan awood sharci ku lahayn go’aamada maamulka sare.
Sarkaalka Dhowrista Xogta waxaa lagamamaarmaan ah inuu leeyahay khibrad xirfadeed laguna tababaray sharciyada caalamiga iyo kuwa dalka ee dhowrista xogta, si looga dheeraado halis ku timaadda aqoondarro. Waxa uu shirkadda ama hay’adda uu u magaacaban yahay siinayaa talooyin ku aaddan hannaanka ilaalinta xogta asiga oo abuuraayo jawi ku habboon ilaalinta xogta shakhsiyaadka.
Gudbinta Xogaha ee Xuduudaha
Gudbinta Xogaha ee Xuduudaha (Cross-border data transfer) waa marka ay xogtu ka gudubto hal waddan una gudubto waddan kale. Tusaale ahaan, shirkad ku taal Soomaaliya haddii ay isticmaasho adeegyada kaydinta daruuriga ee shirkad ku taal Yurub waxaa ka dhalanaysa in xogta laga gudbiyo xuduudaha waddanka.
Gudbinta xogta xuduudaha waxay muhiim u tahay ganacsiyada caalamiga ah, laakiin sidoo kale waxa ay keeni kartaa khataro la xiriira badqabka, asturnaanta xogta, iyo ilaalinta xuquuqda dadka. Dalalka qaar ayaa leh sharciyo adag oo ku saabsan gudbinta xogta, sida Yurub oo leh, oo leh Sharciga guud ee Dhowrista Xogta (GDPR), kaasoo dhigaya shuruudo adag oo ku saabsan sida xogta shakhsiga looga gudbiyo xuduudaha.
Dhibaatada ugu weyn ee la xiriirta gudbinta xogta xuduudaha waa in xogta laga yaabo in loo isticmaalo si sharciga baalmarsan, aan la ilaalin ama in la jabsado. Sharciga Dhowrista Xogta waxa uu sheegayaa hababka la raaci karo marka xogta laga gudbinayo xuduudaha ka baxsan JF Soomaaliya. Sharciga ayaa waxa uu qodobkiisa 30-aad ku sheegayaa marka xogta loo dirayo dibedda, cidda direy- sa in looga baahan yahay arrimaha soo socda:
- Soo gudbinta liiska wadamada sida joog- tada ah loogu dirayo xogta shakhsiga ah ee muwaadiniinta iyo dadka deggan Soomaaliya
- Dalalka loo gudbinayo xogta waa in ay leeyihiin sharciga Dhowrista Xogta iyo hab- raacyo lagu ilaalinayo xogta, si la mid ahna ay soo saaraan warbixin ku saabsan habraaca lagu ilaalinayo amniga xogta iyo gudbinteeda iyada oo aan la aqoonsan.
Sharcigaan ayaa waxa uu xoogga saarayaa badqabka xogta iyo in aan lagu xadgudbin marka xogta ay ka gudubto xuduudaha JFS. Gudbinta xogta xuduudaha waa arrin muhiim ah oo xiriir la leh isdhexgalka caalamiga ah iyo teknoolojiyada casriga ah, laakiin sidoo kale waxay keentaa caqabado la xiriira amniga iyo ilaalinta xogta shakhsiga. Si loo hubiyo in xogta si ammaan ah loo gudbiyo, waa muhiim in la raaco habraacyada uu jideeynayo Sharciga Dhowrista Xogta Dadweynaha.
