Kaalinta Culimada Suufida ee Bulshaynta Soomaalida
Waxaa qoray: Cabdiraxmaan X. Daahir
Hordhac
Taariikhda Soomaalida laga qoray inta badan ma xusaan abaalkii culimada Suufida ah ay gashadeen bulshada Soomaalida. Inta aan arkay buugta ka warranta taariikhda dariiqadda Suufiyada aad bay u yartahay oo waa faro-ku-tiris. Dr. Cabdiraxmaan Baadiyo ayaa maqaallo cilmiyeedyo dhawr ah ka qoray taarriikhda culimada Suufida ah. Sidoo kale buuggiisa iftiiminta taariikhda Soomaaliya waxa uu wax ka yiri doorkii Suufiyadu ay ku lahaayeen qaabeynta nolosha raacatada. Waxaa sidoo kale jira buugga Iskudhoon oo ka warramaya saameynta Suufiyadu ku lahayd hab-nololeedka bulshada Soomaalida. Wadaaddadii Suufida waxa ay kaalin weyn ku lahaayeen soo-nooleynta iyo korinta ku-dhaqanka diinta Islaamka, sare-u-qaadidda dareenka walaaltinnimo ee bulshada, qaabeynta iyo casriyeeynta nolosha Raacatada iyo la dagaalankii gumeystihii caddaa iyo gaaladii madoobeyd. Sidoo kale Suufidu waxa ay yagleeneen nidaam bulsho maamul. Maqaalkani waxa uu dib-u-milicsi ku sameyn doonaa kaalintii ay dariiqada Suufida ah ku lahaayeen nolosha bulshada Soomaaliyeed, waxa uuna soo koobi doonaa waxa ay labadaa buug ka qoreen dariiqada Suufida. Waxa uu mar na si dul-ka-taabasho leh isbarbardhig ku sameynayaa doorka wadaaddadii Salafiyada iyo kuwa Suufiyada ay ku lahaayeen kobaca diinta Islaamka iyo ku dhaqankeeda.
Waxaa inta badan taariikhyahannadu isku raacsanyihiin in Islaamku soo gaaray dhulka Soomaalida xilligii asxaabta Rasuulku ay soo gaareen Geeska Afrika. Wixii intaas ka dambeeyay Soomaalidu waxay ahayd bulsho weysaysata oo Allaheed iyo Rasuulkeed taqaan. Wixii marxaladdaas billawga ah ka dambeeyay, Islaamka waxa ku dhacay dhawr marxaladood oo is qorqorid ah. Cabdiraxmaan Baadiyow waxa uu dhawrkaas marxaladood u kala qaybiyay sidan: Koboca Suufiyada oo loogu yeeri karo marxaladda soo-nooleynta Islaamka, marxaladda koboca wacyiga fahmidda islaamka, marxaladda baraarugga casriga ah ee islaamka iyo soo-ifbixidda ururrada udhaqdhaqaaqa islaamka. Afartaas marxaladood ayaa la oran karaa maraaxilladii kala geddisnaa ee Islaamku soo maray waa marka laga eegayo dhanka taariikhda Soomaalida. sida uu Dr. Baadiyow ku xusayo buuggiisa Iftiiminta, Islaamku waxa uu Soomaalida soo gaaray qarnigii 7aad waxa uu na saldhigtay oo saameyntiisa ugu weyn yeeshay qarnigii 11aad. Diinta islaamka dhulka Soomaalida waxa ay ku xoogeysatay bartamihii qarnigii 19aad, waxay na xilligan ku beegantahay waqtiga koboca dariiqooyinkii Suufiyada ee kala duwanaa (B.61, Iftiiminta Taariikhda Soomaalida).
Marka hore inta aan doorkooda diin barista u gudo galin bal waxyar aan ka tilmaamno si guud Suufiyada waxa ay yihiin, waxa ay ku salaysanyahay fekerka Suufiyada iyo dariiqooyinka ay u kala qaybsantahay Suufiyada. Cabdiraxmaan Baadiyow waxa uu tilmaamayaa in Suufinimadu ay ahayd wax soo jireen ah oo markii hore ku koobneyd shaqsiyaad illaa ay markii dambe isku baddeleen urur uruursan. Soo-ifibixidda dhaqdhaqaaqyada abaabulan ee Suufiyada waxay taariikh ahaan ka soo bilaabanaysaa qarniyadii 11aad, 12aad iyo 13aad sida uu Digtoorku buuggiisa ku xusayo. Waxa uu sidoo kale Suufinimada ku qeexay inay ku salaysantahay hagaajinta (dhammeystirka) cibaadada tiirka Ixsaanka. Suufiyadu inay rumeysan yihiin in quraanka iyo xaddiisku ay leeyihiin macneyaal daahsoon oo aan ahayn midka muuqda ayuu tilmaamay dhanka kale digtoorku. Ku dhaqanka iyo fahamka diinta Islaamka ee bulshada Soomaalida waxa ay ku biyo-shubanayaa saddex aragtiyood oo kala ah: caqiiddada Ashacariyada, mad-habka Shaaficiga iyo Suufinimada waa sida uu digtoorku buuggiisa Making sense of Somali history ku xusayo e. Buugga Iskudhoon, waxa uu tilmaamayaa in Soomaalidu ay ahayd dad aaminsan caqiiqada Ashacariyada, fiqigana ay ka heysteen mad-habka Shaaficiyada. Sidoo kale waxa uu tilmaamayaa in dhulka Soomaalida ay labo dariiqo ugu xoogganayd oo ay kala yihiin: Qaaddiriyada iyo Axamediya. Labadaan dariiqo waxaa ka sii faracma laamooyin yaryar. Tusaale, dariiqada Qaadiriyada waxaa ka faracma Sayliciya iyo Uweysiya, halka Axmediya ay ka faracmaan Raxmaaniya, Saalixiya iyo Dandarawiya. Sida uu xusayo buugga Iftiiminta Taariikhda Soomaalida, dariiqada Qaaddiriyada waxaa aasaasay Sheekh Cabdiqaadir Jeylaani (1077-1166) halka Axmediyada na uu aasaasay Axmed Ibnu Idiris al-Faasi (1760-1837).
Diin barista bulsho Raacato ah
Dariiqada Suufidu waxay door weyn kaa qaateen fidinta iyo barista diinta bulshooyinka ku dhaqan Aasiya iyo bariga Afrika. Suufiyadu waxay la yimaadeen habab hal-abuurnimo ah oo ay bulshooyinka diinta ku barayaan. Sidoo kale waxay dhaqamada kala duwan ku wajahayeen dareen-dhowris iyo ixtiraamidda bulshooyinka ay diinta Islaamka barayaan. Qodobkan waxa uu ka mid yahay waxyaabaha Suufida lagu ammaani karo oo ay dheeryihiin ururrada kale ee Islaamiyiinta ah. inta badan ururrada kale ee Islamiyiinta ah waxa ay bulshada Soomaalida ka dhigeen kuwo Carabiyeysan maadaamaa ay si toos ah u soo xambaareen afkaartii iyo dhaqankii qoyska Aala-Sacuud. Buuggiis Halgankii Gunnimodoonka waxa uu Ibraahiim Aadan ku soo bandhigayaa sida ururkii Itixaad ay iskugu dayeen inay bulshada Soomaalida ah u dhallanroggaan oo ay u carabiyeeyaan. Magacyadii asal Soomaaliga ah ayay xaaraantimeeyay oo waxa ay ku tilmaameen kuwo dareenka shahwada ah kicinaya, nidaamkii dugsi Soomaaliga na sidoo kale waa ay baddeleen oo waxa ay fureen xarrumo waaweyn oo ay ugu magacdareen Maraakis ubadka lagu baro afkaaro diimeed xagjireysan. Suufidu, waxay u yimaadeen bulsho raacato ah oo qabiileysan, oo aanooyinka, is-dilka, naceybka, xaasidnimada iyo xoolo iska-dhaca ku badan yihiin oo aan diinta waxba ka aqoon. Iyagoo arrintaas iska indho-tirin oo og hawlahaan adag, ayay culimadu billaabeen qorsho ay dadkaas raacatada ah diinta ku barayaan iyagoo adeegsanaya hal-abuurnimo cusub sida uu Dr. Baadiyow buuggiisa ku tilmaamayo. Waxay curiyeen qaab hal-abuur oo waxbarid baahsan ah (inclusive education), oo ku dhisan adeegsiga waxyaabaha dabiiciga ah ee laga helo deegaanka. Sida uu digtoorku buuggiisa ku xusayo, nidaamkan cusub ee waxbarashada ah dhinac kasta wuu ka fududeeyay sida dhanka barayaasha, waxyaabaha dadka la barayo, habka loo barayo, goobaha wax lagu barayo iyo ilaalinta waxyaabaha ku weyn dhaqammada bulshada (b.66, iftiiminta taariikda Soomaalida).
waxbaristu waxa ay ka billaabmaysaa barashada iyo xifdinta quraanka Alle iyo aqoonta aasaaska u ah diinta oo la baro xilliga ay ubadka yaryihiin. Dhaqankaas na waxaa aasaasay ama yagleelay culimada Suufida. Si quraanka iyo diinta loo baro bulsho raacato ah oo reer-guuraa ah ayuu caalimkii weynaa ee Sheekh Yuusuf Al-kowneyn 1150-kii hindisay nidaam cusub oo ah qaab higgaadeed xarfaha ku qoran Carabiga loogu dhawaaqi karo Afsoomaali. Waa sida uu Cabdiraxmaan Baadiyow ku sheegay buuggiisa Iftiiminta Taariikhda e. dhanka kale waxa uu tilmaamay ustaad Baadiyow in goobaha quraanka lagu baranayo Suufida ay ka dhigeen kuwo aan deegaanka waxyeelayn. ma laha culimadu waxa ay aqoon u lahaayeen baad is oronaysaa culuumta deegaanka oo waxa ay ahaayeen rag ka warqaba wax maanta qolyaha culuumta deegaanka ku taqasustay ugu yeeraan isbaddelka cimilada (climate change). Ardeydu waxa ay adeegsadaan waxyaabo dib loo adeegsan karo, sida loox laga qoray geed iyo khad laga riiqay caano iyo dhuxul. Dugsiyada ay abuureen Suufiyada waxay bixiyaan waxbarasho goor walba la heli karo, bulshaduna ay dhaqaale ahaan awoodaan. Halkaas waxaa kaaga baxaya in Suufidu ay ka warqabeen xaaladda dhaqan-dhaqaale ee bulshada Soomaalida ah ku sugantahay iyo in aysan Suufidu ahayn dad doonaya inay quraanka kaga bariiseeyaan. Heerkaas koowaad markii uu ardeygu ka soo gudbo waxa uu soo gudbayaa heerka labaad ee barashada diinta oo inta badan waxaa cashirrada laga bixiyaa masaajidada. Sida uu buugga Iftiiminta taariikhda Soomaalida tilmaamayo, manhajka waxa uu inta badan xoogga saarayaa barashada luuqadda Carabiga iyo naxwaheeda, Fiqiga, tafsiirka quraanka iyo barashada Axaadiista Suubannaha. Heerka saddexaad ee barashada diinta ah waxa ay ku koobanayd barashada Suufinimada, waxaana aqoonta bixinaya caalim weyn. Nidaamka waxbarasho ee Suufida waxa uu dhisnaa qaabkaas aynu kor ku soo araganay. Sida uu Cabdiraxmaan Baadiyow kaga dhawaajiyay buuggiisa, Suufidu waxaa lagu yaqaan inay si nabadgalyo ah ku gaaraan dhexgalka bulshada oo ma ahan kuwo xoog iyo juujuub bulshada kala dul dhaca sida lagu yaqaanno ururrada kale ee Islaamiga ah. sidaas ayay na bulshada inta badan ku gaarsiiyeen diinta oo ay jahliga u ciribtireen iyagoon bulshada carabiyeyn.
Dhisidda magaalooyin, deegaamo iyo walaaleynta bulsho reer-guuraa ah
Soomaalidu waxay ahayd bulsho raacato ah oo waliba guurguurta. Guurguurkaas badani waxa uu ku xirnyahay afarta gu’ ee sanadka. Xilliga barwaaqada ah waxay ahaayeen kuwo sal dhigta oo meel ku nagaada. Kolka uu curto xilliga jiilaalka ah ee abaarta, colaadda, biyo iyo daaq yarida ku suntan waxay ahaayeen kuwo guurguura oo sahamiya hadba meesha dhaanta oo ay nololi ka jirto. Noloshaas reer miyinimo ee raacatada ah waxay ku riixday inaysan yeelan deegaan rasmi ah oo ay ku nagaadaan maadaamaa ay ahaayeen dad reer-guuraa ah oo afarta xilli ay noloshoodu saameyso. Suufidu markii u yimaadeen bulsho qaabkaas ku nool waxay dhiseen dugsiyo ay caruurta iyo dadka waaweynba wax lagu baro. Taas na waxay bulshadii ku qasabtay inaysan ilmahood rarin illaa ay dugsiga quraanka ah ka dhammeeyaan. Qaabkaas waa sida ay ku baddeeleen noloshii reer-guuraanimada ku dhisneyn oo meelihii ay dugsiyada ka dhiseen waxa ay dib ka noqdeen tuulooyin iyo degmo. Asigoo qodobkan kore xoojinaya ayuu Dr. Baadiyow tusaale u soo qaadanayaa Sheekh Madar oo ahaa aasaasihii masjidka Jaamaca-Weyn oo markii dambe noqday billowgii magaalada Hargeysa. Sidoo kale Sheekh Madar waxa uu xertiisa barayaa qaabka wax loo beerto, taas na waxa ay meesha ka saareysaa dhaqankii reer-guuraannimada. Sida uu markale buuga xusayana, dhul beereedyadaas wali waxa ay ka muuqdaan Galbeedka Hargeysa, Gebilay iyo Boorama. Noloshii raacatada ee Soomaalida waxay ahayd mid qas iyo fawdo ku dhisnayd, culimadu inta badan iyagoo aqoontooda diineed adeegsanaya ayay si deggan u xalliyeen beelaha wada dega ee ehelka ah. si ay meesha kaga saaraan daacadnimada qabiilka loo haayo iyo dagaallada joogtada ah ee beelaha u dhaxeeya, ayay Suufidu ku dadaaleen in ay abuuraan bulsho aragti wadaag ah oo shiikhooda daacad u ah. arrintaana waxay u fududeysay Suufida inay bulshada maamulaan oo ay hoggaanka u qabtaan, maadaamaa ay markii horeba bulshada si deggan oo nabadgalyo ah ay ku soo dhexgaleen, diintana ay ku gaarsiiyeen. Arrintaan waxaa tusaale cad kuugu filan goobaha moolacyada ah iyo sida dadka xerta ka tirsan iskula falgalaan. Nidaamka xerownimada ah ee mawlacyada ka jira ayay ku heshiisiiyeen oo ay ku walaaleeyeen bulsho qabiilo u kala qaybsanayd. Sidoo kale soo-ifbixiddii Suufiyada abaabulsan waxay awood u siisay wadaaddada inay helaan awood kali ah oo ay bulshada ku maamulaan, taas na waxa ay meesha ka saartay maamulka talis-beeleedka ah. Taariikhda Suufida waxaan ka baran karnaa sida bulsho loo walaaleeyo iyadoo nidaamka diinta la marayo waliba mid ku dhisan nabadgelyo iyo degganaan.
La dagaalanka gumeystaha
Qarnigii 19aad, waxa uu Dr. Baadiyow ugu magacdaray Taariikhda Waayaha Cusub ee Soomaalida. Waxaa bulshada Soomaalida ah u dillaacay waa cusub oo dhulkooda, xoolahooda iyo daaqoodaba ay cidkale xoog ku soo duushay. Waxaa sidoo kale waqtigaan dillaacay hirdanka u dhaxeeya aragtida Islaamka ee horey u jirtay iyo aragtida gumeystaha cad (dawladnimada casriga ah). Haddii aan waxyar iftiimiyo gumeystaha ka hor dhulka Soomaalida, waxaa ka jiray dhulka Soomaalida Saldanooyin qabiileed oo bulshadu waxay ahayd mid kala qoqobsan oo ma jirin wax la yiraahdo midnimo, Jamhuuriyad Soomaaliyeed iyo aragtida Soomaalinimo ama Soomaaliweyn. Sida uu xusayo buugga Iskudhoon gumeystaha ka hor, Soomaalidu waxa ay ahayd bulsho kala qoqobsan oo qabiil kasta iyo saldannadiisa meel gaar ah ayay daganaayeen. Kala qoqobnaantaas iyo kala qeybsankaas gumeystihii caddaa waxa ay u sahashay inuu si fudud ku qabsado dhulka Soomaalida. Markii uu gumeystaha cad soo cago dhigtay dhulka, Soomaalidu waxa ay billaabeen iska caabbin aan abaabulneen maadaamaa ay ahaayeen qabaa’ilo kala qaybsan. Waxa uu buugga Iftiiminta Taariikhda tusaale u soo qaadanayaa, magaalada Warsheekh oo 40Km waqooyiga Muqdisho ka xigta oo ahayd meeshii ugu horreesay ee uu ka dhaco iska caabbinta aan aruursanayn ama aan abaabulneen. 1890-meeyadii waxaa halkaa lagu dilay labo sargaal oo Taliyaani ah. waxaana lagu kala magacaabi jiray Zavaglio iyo Bertorello. Dhacdadaas waxaa xigtay tii ka dhacday Cadale oo lagu dilay 40 Soomaali ah iyo 6 ciidanka gumeystaha ah, waxayna dhacday sida uu buugga xusayo bishii 5aad 1891. Culimadii Suufida ah waxaa u muuqatay khatar ah inuu gumeystaha doonayay in dadka Soomaalida ah uu diinta iyo dhaqankooda ka baddelo. Waxaa la is oran karaa, wadaaddadu ma dooneyn in dadaalkii diin faafinta ay galiyeen dadka Soomaalida ah in uu noqdo mid hal bacaad lagu lisay. Sida uu ku tilmaamayo buuggiisa Dr. Baadiyow wajigii koowaad ee looga difaacayay dhulka Soomaalida gumeystihii waxaa hoggaaminayay culimada Suufida. Waxa uu qodobkiisan ku xoojinayaa tusaalayaal dhawr ah oo uu ka mid yahay kacaankii daraawiishta ee uu hoggaaminayay Sayid Maxamed Cabdulle Xasan. Suufiyadu waxay jidgooyo ku sameeyeen dadaalladdii uu gumeystaha ku doonayay qabsashada dhulka iyo waxbarashadiisii ku dhisneyd aragti gumeyste. Tusaalaha kale waxa uu noqonayaa halgankii Biyamaal oo ay hoggaaminayeen Macallin Mursal Yuusuf iyo Sheekh Abiikar Gafle, halgankooduna waxa uu socday muddo 12 sano ah. Sidoo kale dagaalka Biimaal waxaa hoggaaminayay culimada oo waxaa halkudhig u ahaa “Fool kufaar ma fiirsahaayo; firdawsaan u fiidsahaa.” Sidoo kale buuggu waxa uu soo qaadanayaa halgankii la iskaga caabbinayay Talayaanigii Banaadir ku sugnaa, ee uu hoggaaminayay Sheekh Xasan Barsame oo ka tirsanaa dariiqada Axmadiya/Raxmaaniya. Tusaalayaashaas uu buugga soo qaadanayo waxa ay noo tilmaamayaan in culumadii Suufida ay door weyn ka qaateen la dagaalanka gumeystaha.
Gunaanad
Doorka Suufiyadu ma ahan wax hal qormo kaliya lagu soo koobi karo. Culimadii Suufiyada waxay qaabeeyeen oo ay isbaddel ku sameeyeen bulsho raacato ah oo cunfiga iyo aanooyinka qabiil ay ku badan yihiin. Waxa ay la yimaadeen hal-abuur, bulshada raacatada ah u fududeenaayo inay diinta bartaan. Sheekh Yuusuf Alkowneyn ayaa hindisay hingaadda si dadku ugu fududaado barashada quraanka iyo diinta. Arrintaanna bulshada Soomaalida waxa ay u sahashay inay noqdaan bulsho qaybisa quraanka oo xufaadiin ah. Suufiyadu waxay bulshadii reer-guuraaga ahaa u baddeleen bulsho reer magaal ah oo deegaan iyo magaalooyin leh. Sidoo kale Suufiyadu waxa ay yagleeleen deegaamo iyo magaalooyin waaweyn oo Hargeysa ay ka mid tahay. Suufiyadu waxay la yimaadeen hannaan cusub oo ay bulsho kala qoqobsan ay ku walaaleeyaan. Si guud taariikhda Suufiyada waxa aan ka baran karnaa sida bulsho loo horumariyo iyo sida bulsho kala qaybsan loo walaaleeyo.
