W/Q: Cali Xuseen Axmed
Chinua Achebe buuggiisa A Man of the People waa sheeka-faneed ku qotonta siyaasadda Afrika iyadoo si baac dheer u qaawineysa musuqmaasuqa baahsan ee ka dhex jira dowladaha Afrika. Sheekadu waxay ka dhacaysaa waddan Afrikaan ah, gundhigeeduna waa loollanka u dhexeeya Odili Samalu, oo ah macallin, iyo Chief Nanga, oo ah siyaasi ku cirreystay musuqmaasuq, dadkuna u arkaan nin wanaagsan. Achebe wuxuu buuggan ku muujinayaa sida awoodda siyaasadeed loogu isticmaalo dano shaqsi ah, halkii loogu adeegi lahaa horumarka waddanka. Waxa uu si qoto dheer u dhaliilayaa hoggaamiyeyaasha Afrika ee ku takri-fala hantida dadkooda, doorashooyinka ku maamula khiyaano iyo cabsi-gelin, kuna sii nagaada xukunka iyaga oo adeegsanaya laaluush. A Man of the People wuxuu si mug leh u muujinayaa caqabadaha ka haysta Afrika yagleelidda dowlad hufan, isaga oo xoojinaya su’aasha ah: Mustaqbalka dimuqraadiyadda Afrika muxuu noqon doonaa?
Nuxurka buugga ee uu Achebe xuddun uga dhigayo dhaliisha Afrika waa Chief Nanga, oo hore u ahaan jiray macallin, balse hadda siyaasadda u xuubsiibtay. Inkasta oo uu isu ekaysiiyo nin muxtarim ah, haddana wuxuu u xuubsiibanayaa daneyste tiisa ka hor mariya danta shacabka. Nanga waa tusaalaha hoggaamiyaha musuqmaasuqa ah ee hantida qaranka ku takri-fala, heshiisyada waaweyn isaga oo keliya ku faa’iida, laaluushka aan lala gambanayn ku shaqeeya, kana takhalusa mucaaradka, iyada oo la handadayo ama la cabsi gelinayo. Inkasta oo uu si cad u musuqmaasuqayo, haddana weli waa siyaasi ay dadku taageeraan, maadaama uu si xeel-dheer u yaqaanno sida loogu ciyaaro dareenka shacabka. Achebe wuxuu Nanga uga dhigay astaan muujinaysa sida hoggaamiyeyaasha Afrika ay ugu fashilmeen dhisidda dowlad wanaagsan, iyaga oo doorbidaya in ay hantida iyo awoodda isku koobsadaan.
Odili, oo ah ninka sheekada soo werinaya, waa nin billowgii u muuqda mid ka duwan hoggaamiyeyaasha sida Nanga. Wuxuu matalayaa dhallinyarada kuwooda waxbartay ee doonaya in ay ka hortagaan musuqmaasuqa. Odili waa neceb yahay daacad la’aanta siyaasiyiinta, wuxuuna rabaa inuu nidaamka isbeddel ku sameeyo. Si kastaba ha ahaatee, Chief Nanga ayaa kala wareegayo Elsie oo ah gabadha uu jecelyahay. Odili aad ayuu kaga xanaaqaa, taas oo sabab u noqoneysa in uu mucaarid ku noqdo Nanga si uu uga aarsado. Halkii uu daacad uga noqon lahaa la dagaallanka musuqmaasuqa, Odili wuxuu galayaa isla siyaasadihii uu hore u dhaliilayay, isaga oo xulufo sameysanaya, rabitaankiisa shakhsiyadeedna ka hormarinaya danta guud. Achebe wuxuu sheekadan ku muujinayaa sida xitaa dadka asalkoodu wanaagsanyahay ay ugu dhici karaan dabinka musuqmaasuqa marka ay galaan siyaasadda. Buuggu wuxuu daaha ka rogayaa xaqiiqada ah in marka nidaam xumo jirto, ay aad u adag tahay in qofna uu daacadnimo ku sii jiro.
Mid ka mid ah dhaliilaha ugu waaweyn ee buuggu iftiiminayo waa sida doorashooyinka loo maamulo. Halkii ay noqon lahaayeen hannaan dimuqraadi ah oo shacabka codkooda xor u dhiibanayaan, doorashooyinka waxaa lagu go’aamiyaa laaluush, khiyaano, iyo cabsi-gelin. Marka Odili isku dayo inuu Chief Nanga kaga guuleysto doorashada, wuxuu si dhakhso leh u ogaanaa in nidaamku yahay mid loogu talagalay in uu xukunka ku sii hayo kuwa hadda jooga. Dadka codkooda waxaa lagu iibsanayaa lacag iyo farsamooyin kale, halka mucaaradka loo adeegsado hanjabaad iyo xadgudubyo. Qeexidda doorashooyinkan waxay ka tarjumaysaa xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta dalal badan oo Afrikaan ah, halkaas oo dimuqraadiyaddu ay mararka qaar noqoto wax magac-u-yaal ah oo aan run ahaan jirin.
Guud ahaan, buugga A Man of the People waa digniin siyaasadeed iyo falanqayn qotodheer oo ku saabsan xukunka iyo musuqmaasuqa. Achebe wuxuu si cajiib ah u muujinayaa sida hoggaamiyeyaasha Afrika ay u khiyaameeyaan dadkooda, iyaga oo danahooda shaqsiyeed ka hormarinaya horumarka qaranka. Wuxuu ka digayaa in haddii aan hoggaanka lala xisaabtamin, aysan isbeddel dhab ah dhici karin. Chief Nanga iyo Odili labaduba waxay matalayaan siyaabo kala duwan oo musuqmaasuqu u baabi’iyo rajada isbeddelka. Buuggu wuxuu weli muhiim u yahay maadaama dalal badan oo caalamka ah ay weli la daalaadhacayaan arrimaha musuqmaasuqa, dowlad xumida, iyo ku tagrifalka awoodda hogaamineed. A Man of the People wuxuu akhristaha ku dhiirrigelinayaa inuu hoggaankiisa su’aalo weydiiyo, isla markaana uu ka fogaado in dadku si sahlan loo sirto.
Buugga wuxuu ka tagayaa farriin cad: Isbeddelka dhabta ah wuxuu imaanayaa marka shacabka ay ka dhiidhiyaan caddaaladarrada, ayna ka hor yimaadaan siyaasiyiinta u adeegta danahooda shaqsiyeed, halkii ay danta guud ka shaqayn lahaayeen.
