w/q: Shaafici Cabdiraxmaan Maxamed
Guurka Mutcadu, waa nooc ka mid ah hababka ay isu guursan jireen muslimiintu. Waa guur leh xilli xaddidan, oo labada lammaane ay ku heshiinayaan in ay xilli go’an is qabaan, saacad, daqiiqad, Maalin, saddex cisho ama bil, guurkan ma leh wakhti xaddidan, waxa keliya ee xaddidayaa ayaa ah heshiiska labada qof, iyo xilliga ay qabsadaan.
Guurkan waxa uu ahaa dhaqan soo jireen ah oo ay ku dhaqmi jireen asxaabtii Rasuulka SCW rag iyo dumarba sid aynu qoraalkan badhtankiisaba ku shegi doonno. Guurkan sida axaadiista iyo aayadka ku qoran, waxa uu ka mid ahaa diinteenna islaamka iyo waxyaabihii rasuulku bari jirey asxaabtiisa, sidaa aawadeed waxaan u cudur daarayaa cid kasta oo wax ka sheegta guurkan, ha diidanaato ama ha ogolaato xukunkiisa e, kuna sheegta xeerarkii jaahiliyada iyo guur “dhillaysi”, sababta oo ah ficil nebigu mar noloshiisa ka mid ah amray, Asxaabtii Rasuulkuna rag iyo dumar na ay kusoo dhaqmeen, in aad xumaan ka sheegto waa arrin weynideeda leh.
Guurkan sida aynu hore usoo sheegnay kala duwanaanshaha ugu weyn ee uu kaga duwan yahay guurka caadiga ah waa in meherku yahay xilli xadidan, isla marka uu xilligaas lagu ballamay dhamaadona si iskii ah uu u dhacaayo furriinka labada qof ee guurkaas wada galay.
Shareecada Islaamka iyo Guurka Mutcada
Sida culimadeenna shaaficiyada, ee sunniga ah fatwoodaan, guurkan waa xaaraan maqdac ah, balse waxa jirta doodo kale oo lugo adag ku taagan oo kasoo horjeesanaysa xaaraantinimayntaa, ha ugu weynaadeen shiicadu e’, qaybtan qoraalka waxaan idiin qoraya labada qoloba dooddooda, aniga u hadlaya dhinaca qofka 1aad ee xukunka dhiibaya(dhinaca sunniga iyo ka shiicada). Qaybta Hore waxaan ka hadlayaa fatwo shuyuukhda Sunnigu dhiibteen oo ay dhamaan ku jiraan Murannada ugu adag ee ay ku doodaan. Qaybta xigta waxaynu iyana ku eegaynaa doodda shiicada. Qoraalka intiisa dambe oo aan ciwaan uga dhigay “Doodda Sunniga iyo burinta Shiicada”, sida aad ciwaanka ka arkayso, waxaan isku dhafayaa daliillada labada dhinac, doodda iyo dood-celinta labada dhinac iyo sida midba midka kale u burinayo ka kale dooddiisa. Qaybtani waxay xoogga saaraysaa dhinaca shiicada, maadaama iyaga dooddoodu inagu cusub tahay.
Doodda Sunniga
Tiirarka ugu weyn ee guurku, waa in uu noqdo mid soconaya oo joogto ah, Guurka ku-meel-gaadhka ah(mutcada) waxa uu ahaa mid bannaan markii islaamku bilaabmayey, balse kedib waa la xaaraantinimeeyey illaa iyo maalinta qiyaame.
Cali Ibn abii Daalib RC ayaa weriyey in nebigu NNKH reebay Mutcada iyo cunista hilibka dameeraha dab-joogta ah, xilligii Khaybar(dagaalkii Khaybar). Riwaayad kale ayaa iyana tidhaahda, wuxuu reebay mutcada xilligii Khaybar, waxa kale oo uu reebay cunista hilibka dameeraha dab-joogta ah.[i]
Al-raabic ibni sabrah al juhayni ayaa isna weriyey in Aabbihii u sheegay in uu rasuulka la joogey markii uu yidhi “Dadkoow, waxaan idin ogolaan jirey in aad gashaan guurka mutcada, se imika ilaahay ayaa xaaraantinimeeyey illaa iyo maalinta qiyaamaha, Markaa kiinnii kasta ee leh xaasas uu mutco ku qabay, ha iska fasaxo, lacagta u siiyeyna yaanuu ka soo ceshanin”[ii]
Labadaa xadiis ee sida cad u xaaraantinimaynaya guurka mutcada marka laga yimaaddo, dooddayda kale waxa ay tahay:
Ujeedada Guurka:
Ilaahay sarreeye oo korreeye waxa uu guurka ka dhigay mid ka mid ah calaamadihiisa oo inoogu yeedhaya ineynu si qotodheer uga fekerno. Waxa uu abuuray jacaylka iyon kalgacalka u dhexeeya xaasaska, waxaana uu sawjadda ka dhigey il uu ninkeedu ka helo xasillooni. Waxa uu dhiirrigeliyey in aynu taranno oo carruur dhalno, sidoo kale amray gabadha in ay sugto muddada ciddada si ay u dhaxasho ama guriga ninkeeda ka tagto. Intaas midina kama jirto nooca guurkan mutcada ah ee xaaraanta ah.
Gabadha lagu guursadey guurka mutcada, marka laga eego dhinaca raafidada ama shiicada, waa kuwa dhaha waa xalaal e’, ma aha xaas, iyo kuwa ilaahay ku sheegay Malakat-aymaanka. Se ilaahay wuxuu yidhi:
“…Iyo kuwa ka ilaaliya dhowrsoonaantooda(xubnahooda taranka ka ilaaliya sinada), (ee ka dhowra) marka laga reebo xaasaskooda iyo kuwa gacantooda midig hantiday, kuwaasi wax eed ah ma laha”
“Balse kuwa raadsada intaa wixii ka baxsan; waa kuwa xadgudbay” [al mu’minuun 23:5-6]
Guurkan mutcada kuwa banneeyaa waxay daliishadaan aayadda 24aad ee suuradda An-Nisaa, taas oo odhanaysa;
“…..markaa dumarka aad kula raaxaysataan xidhiidh raaxo jinsi, siiya Meherkooda….”
Aayaddan ayay ku macneeyaan ereyga “Ujuurahunna” meherkooda, oo ay dhahaan kuwa aad wada raaxaysataan siiya meherkooda, sidaasna Mutcada ayaa xalaal ku ah,
Balse Aayaddan waxa lagu diidaya iney xalaalayso mutcada, in Aayadda ka horreysa ilaahay ku sheegay in dumarka kuwa ka xaaraanta ah inuu ninku guursado, kedibna waxa uu sheegay kuwa u bannaan, Kedibna waxa uu amray in uu siiyo meherkeeda gabadha uu guursado.
Farxadda guurka ayaa lagu sheegay aayaddan, waa halka ilaahay yidhi (‘kuwa aad kula raaxaysateen xidhiidh galmo’). Sidoo kale si sidaas la mid ah ayaa ku taal Sunnada Rasuul NNKH, xadiiska Abuu-hurayra Nebiga NNKH ka weriyey inuu yidhi “Gabadhu waa sidii feedh qalloocda(liicda), haddii aad is dhahdo toos waad jebinaysaa. Haddii aad doonayso in aad ku raaxaysatao(La raaxaysato), ugu raaxayso iyadoo sideedaas u qalloocan(Liicda).[iii]
Meherka Aayaddan lagu sheegay waxa loosoo qaatay ereyga Ajar(Ujuurahunna), se Meherkaas ma aha lacagta lan siinayo gabadha mutcada lala galay. Sidoo kale Meherka waxa lagu sheegay aayado kale oo Kitaabka Qur’aanka ku jira, oo ilaahay leeyahay:
“Nebiyoow, Run ahaantii Waxaannu xalaal kaaga dhignay xaasaskaaga, kuwaas oo aad siisey meherkooda (lacagta meherka ee ninku bixiyo ee gabadha siiyo xilliga guurka)….” Al axsaab 33:50.
Sidaa waxa caddaan ku noqotay, in meherka la bixinayo aanuu ahayn meher mutco, ee laga hadlayo guurka caadiga ah ee ninku bixiyo meherka gabadha uu xalaasha ku guursadey. Halkaana waxa meesha ka baxday sheegashadii ahayd in Aayaddani xalaal ka dhigeyso guurka Mutcada.
Xitaa haddiiaynu dhinacooda u raacno, oo dhahno aayadan waxay ka hadlayaa oo bannaynaysaa Mutcada, waxaynu odhan karnaa in Aayaddan uu nasakahay xadiisyada saxiixa ah ee sunnada ku yaalla.
Marka aynu u nimaadno riwaayadaha kale ee sheegaya in Mutcadu Xalaal sharci ah ee ay tahay, oo uu ku jiro Ibn Cabbaas RC:
Waxaynu taas meesha kaga saari karnaa in Raafidadu ay raacayso oo ay u hogaansan tahay hawadooda iyo waxa ay naftoodu doonto, waxa ay ku sheegaan Asxaabta Rasuulka kuwo gaaloobay, haddana waxa aad arkaysaa iyagoo soo xiganaya oo caddaymo ka dhiganaya ereyadoodii iyo ficilladoodii, sida hadda oo kale.
Asxaabta yidhi mutcadu waa xalaal sharci ah, waxa lagu tirinayaa kuwo aan maqlin in Rasuulku kedib mamnuucay oo uu xaaraan ka dhigay. Waxa sidoo kale jira Asxaab, dhamaantood ilaahay haka raalli ahaado e, oo ku diidey kana soo horjeestay aragtida Ibn Cabbaas ee ah in Mutcdu sharci tahay, kuwaas oo ay ka mid yihiin Cali Ibni Abii Daalib iyo Cabdillaahi Binu Subayr.
Waxa lasoo weriyaa in markii Cali ogaadey in Ibni Cabbaas banneeyey Mutcada uu yidhi “Haku degdegin, Ibni Cabbaasow, Nebigu wuu xaaraantinimeeyey mutcada iyo cunista hilibka dameeraha dab-joogta ah maalintii Khaybar.” [iv] [v]
Aragtida Shiicada
Suuradda An-Nisaa, Ilaahay marka uu soo tiriyey dumarka in ninku guursado ay xaaraanta ka tahay, waxa uu sii raaciyey:
“….Waxa idiin xalaal ah wixii intaa kasoo hadhay, ee aad raadisaan, idinka oo adeegsanaya hantidiinna, doonayana dhowrsoonaan, sino na aan rabin. Markaa kuwa aad ku raaxaysataan (Intifaacsataan), siiya meherkooda, waa qadaraad ilaahay; eedina korkiinna ma ahaanayso waxa aad ku heshiiseen, qadaridda kedib. Ilaahayna waa Wax-Walba Oge, Caaqil ah.” (An-Nisaa, Aayadda 24aad).
Guud ahaan culimada shiicada iyo kuwo ka mid ah Sunniga, waxay haystaan aragtida aha in ereyada ah ku jira Aayaddan ee aha “Markaa kuwa aad ku raaxaysataan(Istamtactum)… ay caddayn u tahay bannaanaanta Mutcada. Shiicadu waxay soo bandhigaan doodo kala duwan oo taageeraya aragtidoodan.[vi]
Aayaddan waxa lasoo dejiyey bilowgii degitaankii Rasuulku SCW degey Mediina, waayahaas oo dherernaa bishii 1aad ee 622 illaa bishii 10aad ee 632 sannadka Miilaadiga. Xilligaas, raggii ku noolaa Mediina, waxay ka raadsan jireen “Istimtaac” ama raaxaysi dumarka magaaladaas, xilli sheegan oo ku meel gaadh ah iyagoo bixinaya qaddar lacag ah.
Soo degitaanka Aayaddan, waxay bud-dhig u samaysey xaalad hore u taagnayd, kuna adkaysey in raggu bixiyaan lacagaha ay kula heshiiyeen dumarka ay la galeen heshiiskaas. Reer Mediina caadadan waxay ula dhaqmi jireen “Guur ku-meel-gaadh ah), waxaana ay ugu yeedhi jireen kelmeddam “Istimtaac”, isla kelmedda Qur’aanku u adeegsadey, inkastoo kelmedda micnaheeda qayaxan uu yahay “Ku Intifaacsi” ama “In raaxo laga dayo”.
Sidaa aawadeed, micnaha Aayaddan waa in lagu fahmaa sidii cadiga ahayd ee loo istcimaali jirey xilligeedii, innagoo og in marka la joogo cilmiga Qur’aanka ee tafsiirka iyo fiqigu, in Qur’aanku raaco hadba kelmedaha ay adeegsan jiren dadkii xilligaas joogey. Haddii midi doonayo in uu fahmo micnaha kelmed Qur’aanka ku jirta, se aanuu kelmeddaas ka raacin wixii xilligaas loo isticmaali jirey, waxa khasab ah inuu keeno sabab iyo dood adag oo uu sidaa u sameeyey.
Marka loo eego nuxurka guud ee Aayaddu sheegayso iyo aayadaha ay ku dhex jirto dulucdooda, waxay tusinaysaa in ay ka hadlayso guurka Mutcada. Aayadaha soo raaca, Qur’aanku waxa uu ka digayaa oo xarrimayaa caddaalad-darrada lagula kaco dumarka.
“Hoy kuwa rumeeyeyow, idiinma bannaana in aad dumarka xoog ku dhaxashaan, iyo inaad ku dhibtaan iyaga si aad u qaadataan qayb ka mid ah waxa aad siiseen…” (Al-Nisaa 19aad).
Fasirka ugu caansan ee Aayaddan la saaraa waa iney reebayso dhaqankii carbeed ee diinta ka hor, ee dhaxlitaanka gabadha aabahaa qabo. Marka nin dhinto, mid ka mid ah wiilashiisa ayaa dhaxli jirey xaaska ninka dhintay, waa haddii aanay hooyadii ahayne. Wiilkaas maro ayuu dusha ka saari jirey aayadii (xaaska aabihii), halkaasna waxay ku noqon jirtey hanti uu isagu leeyahay.
Haddii uu rabo, waa uu guursan jirey isagoon wax meher ah siinayn. Haddii kale waxa uu u hasyan jirey sidii qof maxbuus u ah. Waxa uu awoodey in uu gabadhaas nin kale u guuriyo meherka la siiyona isagu qaato, amaba uu kaba xaaraantinimeey iney dib u guursato inta uu noolyahay. Haddii ay gabadhaas hanti leedahay, waxa u bannaanyad wiilka inuu hantidaas isa siiyo.[vii]
Aayadaha xiga iyaguna waxay xaq adag siinayaan dumarka, kuwo waxay farayaan in haddii ninku rabo inuu xaas ku bedelo mid kale, in aanuu kala soo noqon wixii uu siiyey ta hore, xitaa haddii ay lacagtaasi tahay mid xaddigeedu badan yahay.
Midi waxay xaaraantinimaynaysaa guursashada nin guursanayo xaaska aabbihii,
Ta xigtaa waxay iyaduna tirinaysaa gabdhaha ay xaaraanta tahay in ninku guursado, waxaanay odhanaysaa;
“Waxa idinka reebban (Inaad guursataan) hooyooyinkiin, hablihiinna aad dhasheen, gabdhaha aad walaalaha tihiin, eeddooyinkiin iyo habaryarihiin, gabdhaha aad adeerka u tihiin iyo kuwa aad abtiga u tihiin, iyo hooyooyinkiinna naaska idin soo jaqsiiyey, gabdhaha aad naaska wada jaqdeen, sodohdiin iyo hablaha ay dhaleen xaasaska aad u tagteen ee aad idinku gacanta ku haysaan, se haddii aan waxba idin dhex marin eed kuma lihidin (inaad guursataan), iyo xaasaska wiilashiinna runta ah, iyo in aad isku mar guursataan laba gabdhood oo walaalo ah, marka laga reebo wixii hore u dhacay; run ahaantii Ilaahay waa Dembi-dhaafe, Naxariis-badane ah. (An-Nisaa 23aad).
Aayadda xigta ayaa kusii daraysa qayb kale oo dumarka muxrimka ah ah:
“…Iyo dumarka la qabo, marka laga reebo kuwa midigtiinnu hantiday…”
Way sii soconaysaa Aayaddu:
“…Waxa sharci idiin ah(inaad guursataan) kuwa intaa kasoo hadhay.”
Micnaha guud waa in marka laga reebo 15kaas qaybood ee dumarka ah, aya xalaal kuu yihiin dumarka kale oo dhan, guur ama magangalyo ahaan (kuwa midigtu hantiday ee aad magan-galisey markay raggoodii gaalada ahaa kasoo carareen).
Isla Aayaddan ayaa sii wadaysa ereyada Eebbe oo odhanaysa:
“..ee aad raadisaan, idinka oo adeegsanaya hantidiinna, doonayana dhowrsoonaan, sino na aan rabin”
Naxwe ahaan, jumladdani waxay toos u eegaysaa “wixii intaa kasoo hadhay”. Waxay sharraxaysaa habka sharciga ah ee dumarka looga raadsan karo xidhiidh galmo, ha ahaato guur ama in midigtaadu hantido.
Qaybta xigta ee Aayaddu waxay sii raacinaysaa “..Markaa kuwa aad ku raaxaysataan, siiya meherkooda,….” Kelmedda “Markaa” (fa), waxay tusinaysaa in qaybtan Aayaddan ka mid ah ay gebogebo u tahay xukun ay gooyeen kelmeihii ka horreeyey. Sidaa aawaadeed haddii qaybihii ka horreeyey ay kasoo hadleen xidhiidh jinsi oo sharci ah, oo guur ama kuwa midigtu hantiday ah, waxa caddanaysa in qaybtan dambena ka hadlayso hab kale oo dheeraad ah oo lagu raadsan karo xidhiidh jinsi oo sharci ah, oo aan hore loo soo sheegin, nooc kale oo u baahan in ninku siiyo meher iyo qaddar xaaskiisa.
Aayadda xigta waxay ka hadlayaan haddii ninku aanuu awoodin inuu guursado gabadh xor ah, oo mu’minad ah, waa inuu guursado gabadg ka mid ah kuwa magangalyo doonka ah. Aayaadka xigana waxay kasii warramayaan waxyaabaha looga baahan yahay guurka ninkaasi gursanayo gabadhaas loo soo jeediyey inuu guursado.
Ugu dambayn, waxa xukunkani kusoo gabagaboobayaa ereyadan:
“Ilaahay wuxuu doonay in uu idiin caddeeyo(xaaraanta iyo xalaasha), idiinkuna hanuuniyo caadooyinkii(wanaagsanaa) ee kuwii idinka horreeyey, idinkana toobad aqbalo, Ilaahayna waa Wax-Walba Oge, Caaqil ah.”
Odhaahyo badan ayaa laga diwaan geliyey in laga soo weriyey Asxaabtii iyo taabiciintii, oo xaqiijinaya aragtida Shiicada ee ah in Aayadda 24aad ee suuraddan An-Nisaa ay ka hadlayso Mutcada. Waxa ka mid ah asxaabtaas Ibni Cabbaas, Ibnu Mascuud iyo Ubaya Binu Kacab. Ubayya oo isagu ahaa Asxaabtii ugu horreysey ee Qur’aanka qoritaankiisa ka qayb qaadatay, waxa uu aaminsan yahay in saddex kelmedood Aayaddan laga saaray oo la nasakhay oo ahaa “Kuwa aad ku raaxaysataan muddo la cayimay” (Ilaa Ajalin musammaa).
Tani waxay caddayn u tahay in Aayaddu ka hadlayso Mutcada. Tusaale ahaan, waxa laga weriyey Ibni Cabbas in la weydiiyey Mutcada. Waxa uu ku jawaabay: ‘Miyaanad akhrin suuradda An-Nisaa. Su’aal weydiiyihii ayaa ku celiyey: ‘Haa waan akhriyey.’ Wuxuu yidhi mkiyaanad akhriyin “Markaa kuwa aad ku raaxaysataan muddo la cayimay…”, Su’aal weydiiyihii ayaa ku jawaabay ‘Annagu sidaa uma akhrinno aayaddaas”, kedib Ibni Cabbaas ayaa yidhi “Ilaahay baan ku dhaartaye, sidaas ayuu ilaahay kusoo dejiyey’, kedib isla hadalkaas ayuu laba jeer ku celiyey.[viii]
Kitaabka Majmac Al-Bayaan ee caalimkii weynaa iyo mufassirkii shiiciga ahaa ee At-tabarsi qoray, ayaa soo koobaya doodda shiicada: kelmedda “istimtaac” ee aayaddan ku jirta, waxay sheegaysaa Mutcada ama guurka ku meel gaadhka ah ee muddo cayiman lagu jiro. Aragtidan waxa laga soo weriyey Ibni Cabbas iyo taabiciin kale oo badan oo ay ka mid yihiin Ismaaciil Bin Cabdiraxmaan al-Suudi iyo Siciid Bin Jubayr al-Asadi.
Xaqiiqdii, waaba sidaas xukunku, sababtoo ah ereyada ‘istimtaac’ iyo ‘Mutca’, labaduba macnahooda qayaxan ayaa ah ‘raaxaysi’, luuqadda shariicadana, waxay la micno tahay guurka ku-meel-gaadhka ah, weliba waxaa sii raacsan ereyga “dumarka”. Sidaa darteed, micnaha aayaddu waa; ‘Markasta oo aad heshiis Mutco la gashaan gabadh, waa inaad lacagteeda siisaa’.[ix]
Doodda Sunniga iyo burinta Shiicada
Culimada Sunnigu waxay isku waafaqeen in bilowgii islaamka mutcadu ahayd shay xalaal ah, oo ahayd dhaqan asxaabta nebiga caan ka ah. Tusaale ahaan, Fakhru-diin ar-raasi oo ahaa faqiih weyn oo sunniga ah, waxa uu kitaabkiisa tafsiirka qur’aanka ku qoray in mutcadu bannaanayd bilowgii islaamka. Nebiga CSW ayaa u cumro tegey Makka, kedib dumarkii Makka ku noolaa ayaa isu qurxiyey oo isu diyaariyey maalintan khaaska ah ee Nebiga iyo Asxaabtiisuba imanayeen Makka. Kedib kuwo ka mid ah asxaabtii Nebiga CSW ayaa cabasho ugu tegey Rasuulka, iyagoo ka cabanaya muddada dheer ee ay xaasaskoodii ka maqnaayeen, Rasuulku waxa uu u sheegay “orda oo dumarkaas ku raaxaysta (“istimtac”). [x]
Shuyuukhda Sunniga ee haysta aragtida ah in aayadda aynu sare ku sheegnay (Nisa 23) ay ka hadlayso Mutcada, waxay sidoo kale ku doodaan in Aayddaas la nasakhay oo ay nasakheen aayado kale oo Qu’raanka ku yaalla. Waxaanay badka keenaan 3 doodood oo ay u daliishanayaan: Aayado kale oo Qur’aanka ah, Khudbaddii Cumar Ibn Khaddaab RC uu ku mamnuucay mutcada, iyo axaadiis ay asxaabtu ka weriyeen Nebiga. Shiicaduna taas bedelkeeda waxay ganafka ku dhuftaan oo dood ka hor geeyaan mid kasta oo ka mid ah daliilahaas ay sunnigu keeneen.
1. Doodda Ku Qotonta Qur’aanka
Sunnigu waxay ku doodaan in Galmadu ay xaaraan tahay marka laga reebo xaaska qofka, ama “addoon” uu qofkaasi iska leeyahay:
“Waxa liibaanay kuwa rumeeyey….kuwa xubnahooda taranka ka ilaaliyey marka laga reebo xaasaskooda, iyo kuwa gacantooda midig hantidey” (23:1-6)
Marka loo eego xaaskii Nebiga CSW, Caa’isha Ilaahay haka raalli ahaadee iyo asxaab kale: “Mutcadu waa xaaraan waxaana nasakhay Aayadda ilaahay Qu’aanka ku leeyahay ‘kuwa ka ilaaliyey xubnahooda taranka….” [xi]
Doodda sunnigu intaa waxay ku dartaa in aanay su’aali ka taagnayn in gabadha mutcada lagu guursado aanay ku jirin “Malakat Aymaan, ama addoomaha. Mana aha xaaska ninkaas, sababo badan awgood oo ay ka mid yihiin: Haddii ay xaas tahay, iyada iyo ninkeedu waa ay is dhaxli lahaayeen, waa halka ilaahay yidhi e’
‘Waxaa leedihiin kala badh waxa xaaskiinnu ka tagto…’ (4:12).
Se qof kastaa waxa uu ogyahay in Mutcadu aanay shaqo ku lahayn dhaxalka. Dooddii sunniga ayaynu wadnaa e’, Haddii ay xaaska ninkaas tahay, ilmaha ay dhasho waxa lahaan lahaa ninka, waa halka rasuulku yidhi e’ ‘Ilmahan waa ilmo-firaash’. Se haddana xaalku sidaa ma ah. Ugu dambaynna haddii ay ninka xaaskiisa tahay, gabadhaas waxay tirsan lahayd ciddada ama muddada sugitaanka, waa halka ilaahay qur’aanka ku Suuradda Baqara Aayaddeeda 234aad ku sheegay e, Se waynu ognahay mutcada in aan intaa midna meesha soo gelayn.
Dooddaas sunnigu sheegeen, ee laga soo gooyey Kitaabka Tafsiir al kabiir ee Al-raasi, xaqiiqada marka laga eego laguma dabbaqi karayo mutcada, waa sida shiicadu u fahmeen e’. Si kasta ha ahaate waxa khasab ah in aynu la eegno dood celinta ay shiicadu kaga jawaabtay daliilkaas Sunniga:
Nasakhidda marka laga hadlayo, taariikh ahaan taasi meesha qaban mayso, sababta oo ah Aayadda la yidhi waxay nasakhday Aayadda Mutcada waa Aayad Makki ah, oo soo degtey xilligii Rasuulku SCW joogey Makka, halka Aayadda Mutcadu soo degtay markii Nebigu NNKH usoo hijrooday Mediina. Sidaa aawadeed haddii daliilkaasi meesha qabanayo, Aayadda wax nasakhda waa iney ka dambaysaa oo xilli ka dambaysa oo degtaa Aayadda ay nasakhayso, ee aanay kasoo hor degin.[xii]
Arrinka Sunnigu ku doodeen ee ah in gabadha Mutcada lagu guursadey aanay xaas sharci ah ahayn, sababtoo ah masoo hoos geleyso shuruudihii laga rabay “Xaaska”, tan laftigeedu waa waxba kama jiraan. Su’aasha dhaxalka, Aayadaha ka hadlaya dhaxalku waa kuwo guud oo si caam ah u guud maraya dhaxlitaanka, mana jirto sabab aynu uga soo qaadno in aanay jirin xaalado gaar. Kaba sii daran e’, shuruudaha qeexan ee Mutcada ee axaadiista ku yaalla, ayaa si cad u tusaya in Mutcadu tahay xaalad gaar ah.
Keligeedna ma ahee, xaaladaha gaarka ah waxa ka mid ah in aan gaalku dhaxli karayn Muslimka, waxa ka mid ah in aan qofka qof diley aanuu dhaxli karayn isla qofka uu diley. Isku soo duuboo, dhaxalku wuxuu ku taxalluqaa guurka joogta ah, se xitaa guurka aan Mutcada ahayn ee joogtada ah isna waxa jira xaalado khaas ah oo dhaxalka meesha ka saaraya, sidaa aawadeed, in la is dhaxli waayo, meesha kama saarayso sharci ahaanshaha guurka Mutcada ah.[xiii]
Su’aasha la xidhiidha in ilmaha Mutcada ku dhasha, iyana ma jirayso sabab uu ilmahaasi u noqdo ilmo-xaaraan (Ilma-furaash/gogol). Mutcada gogoshu waa mid sharci ah, sidaa aawadeed ilmuhuna gogosha sharciga ah ama xalaasha ah ee uu ku dhashay ayuu xalaalnimada ka raacayaa, micnaha guud waa [xiv]“marka hore caddee xaaraantinimada gogosha Mutcada, kedib ilmaha sharcinimadiisa usoo jeeso, oo ha iska daba wareegin”. Shiicadu waxay kaloo daliilka kusoo adkeeyaan xadiis ku yaalla buugga Al wasaa’ilka, oo ah xul xadiisyo ah oon ka mid ah kuwa shiicada ugu waaweyn, kaas oo Jacfar As-saadiq Ilaahay haka raalli ahaadee oo haddii uu kugu cusub yahay ahaa imaamkii 6aad ee shiicada, macallinkii fuqaho badan iyo xaakimyo islaamka ah oo ay ugu cad-cad yihiin Abuu Xaniifa(imaamka Mad-habka xanafiyada ee sunniga), Maalik ibnu Anas(imaamka mad-habka maalikiyada), Wasiil Ibni Cataa(asaasaha iyo imaamka Mad-habka Muctasilada), Jaabir Ibnu Xayyaan(Aabbihii Kimisteriga), lagu weydiiyey “Haddii gabadhu uur qaaddo xilliga guurka Mutcada, Ilmaha yaa sheeganaya?” wuxuu ku jawaabay “Aabbaha” taas oo macnaheedu yahay in Ilmahaas xalaal yahay.[xv]
Waxaa sidoo kale jira tiraba dhowr xadiis oo qaarkood ilaha axaadiista sunniga yihiin oo kaas la mid ah sheegayana in gabadha mutcada lagu guursadey ay tirsato ciddada ama muddada sugitaanka. Tusaale ahaan, Ar-razi isaga laftigiisu waxa uu soo xiganayaa odhaah Ibnu Cabbaas ka timi lana weydiiyey “Mutcadu ma sinaa mise waa guur?” waxa uu ku jawaabayaa “Midna ma aha”, su’aal weydiiyihii ayaa ku celinaya oo odhanaya “Markaa maxay tahay?” Ibnu Cabbaas waxa uu ku celiyey: “waa Mutco, sida ilaahay yidhi”, “Ma jirtaa ciddo ay tirsanayso gabadhu” ayaa lasii weydiiyey Waxa uu ku jawaabay “Haa, muddada caadada.” “Ninka iyo gabadhu ma is dhaxli karaan” waxa uu ku jawaabay “Maya”. [xvi]
Waxa jira culimo sunni ah oo ku dooda in aan mutcaysiga loo tixgelin karin iney tahay nooc ka mid ah raaxada jinsiga ah ee xalaasha ah, sababta oo ah waxa iyada ka maqan Dhaxalkii, Furitaankii, Qadafkii, Nidarkii iyo Sixarkii (Hooyaday baad iga tahay). Isku-dhafanayaashaas guurku marka ay meesha ka maqan yihiinna, looma tixgelin karo guur ahaan, sidaa aawadeed, gabadhaasi xaas xalaal lagu qabo ma aha. Haddii aanay Xaas iyo Addoon hanti ah midna ahayn, xidhiidh kasta oo jinsi oo lala galaa waa sino:
“Waxa liibaanay kuwa rumeeyey, kuwaas oo ka dhowra xubnahooda taranka cidda aan ahayn xaasaskooda, iyo waxa gacantoodu hantidey…; se kii wax intaa ka badan doona, waa kuwa xadgudbay” (Al mu’minuun:1-7).
Sidaa daraadeed, cid kasta oo mutcaysta, waxa ilaahay ku sheegay kuwo xadgudbay.
Jawaabta shiicadu badanka ka bixiso hal xidhaalahan, waxay u dhigan tahay sidatan:
Ugu horreyn, Aayaddan waa bayaan guud, mana jirto sabab qodobadeeda khaaska ah ay mid mid isu dul taagi waayaan Aayado kale iyo axaadiis u gaar ahi. Run ma aha in waxyaabaha aad sare ku sheegtay ee aad dhahday waa isku-dhafanayaal guurka ah, ayna yihiin kuwo aan kala maarmin, oo haddii mid maqan yahay kuwa kale ay tilmaamtii ay ka mideysnaayeen ay lumayso, sababtoo ah: ma jiro wax is dhaxlitaan ah marka gabadhu tahay gaalad, qofka qof dila, iyo gabadha addoonta ah, haddana intaas oo dhami waa guur sharci ah oo ay ka maqan yihiin waxyaabaha aad ku doodday.
Guurka sharciga ku qotoma waxa dhici karta mar uu furitaan ama dalaaq la’aan uu ku burburo, waxa ka mid ah xaaladahaas, qadafka, gabadha oo diinta ka baxda, ama gabadha adoonta ah oo la iibiyo.
Qadafka, Nidarka(Ninka oon ku dhaarta in aanuu gabadhiisa u tegin muddo 4 bilood ah, haddii uu dhaartaas ka dhabeeyona guurkaas burburayo), iyo sixaarka dhamaantooda waa isku-dhafanayaal guurka joogtada ah ah, haddana ma aha kuwo guurka sharciga ah laga ogol yahay.
Isku soo wada duub oo dooddan ubucdeedu waxay tahay “qodobo guurka sharciga ah ka kooban yahay, mar ay maqan yihiin ayaa jirta oo uu haddana guurkaas sharci yahay, waa ta kale e’ qodobo aan sharci ah ahayn ayaa ka mid ah qodobada guurka joogtada ah(aan Mutcada ahayn), kuwaas oo haddii ay guurka sharciga ku jiraan, meesha ka saaraya guurkaas sharcinimadiisa. Markaa mutcadu haddii ay guurka joogtada ah kaga duwan tahay qodobo gaar ah, micnaheedu ma aha in ay guurka sharciga ah ka duwan tahay, ee waxay ka duwan tahay uun guurka joogtada ah”. Aynu ku soconno doodda.
Haddii aynu kasoo qaadno in caddaymo laga helayo Qur’aanka ama axaadiista, oo sheegaya in waxyaabahaasi ay u gaar yihiin guurka sharciga ah oo keliya, markaa waxa khasab noqnaysa iney jiraan xaalado gaar ah. Waana waddada keliya ee aynu is afgarad uga dhaxaysiin karno Aayadaha iyo axaadiista tusinaya in qodobadaasi isku dhafan ay u gaar yihiin guurka sharciga ah iyo Daliillada kale ee sheegaya si taa ka duwan.[xvii]
2. Khudbadda Cumar
Khudbaddiisii caanka ahayd[xviii] ee Cumar Ibni Khaddaab Ilaahay haka raalli ahaadee, Khaliifkii labaad ee Islaamka, Cumar waxa uu “ku mamnuucay Mutcada” ereyadan soo socda: “Laba Mutco ayaa la samayn jirey xilligii rasuulka SCW, [Mutcada guurka iyo Mutcada Xajka[xix]], Se anigu labadaba waan mamnuucay, waanan ku ciqaabi doonaa ciddii samaysa.”
Al raasi ayaa soo koobay micnaynta ama tafsiirka sunnigu saaraan ereyadan culayskooda wata, isagoo leh, Cumar Rc waxa uu ereyadan ka yidhi meel asxaabtu aad isugu yimiddeen, kedib cidina kama hor iman.
Sidaa aawadeeda xaaladdu waxaya ahay midba, (1) in qof kastaa ogaa in mutcadu xaaraan ahayd, markaa aanay cidina hadal kasoo celin; ama (2) dhamaantood way ogaayeen in ay bannaan tahay, haddana waa laga wada aamusay iyagoon muhiimad gaar ah siinayn Cumar na aan ka xanaajinayn; ama (3) maba ay ogeyn xalaal iyo xaaraan midka ay tahay, sidaa aawadeed maadaama oo imika loo caddeeyey way iskaga aamuseen.[xx]
Al-Raazi dooddiisa ayuu kusii socday, isagoo u dan leh inuu caddeeyo in arrinku ahaa ta koowaad. Waxa uu leeyahay, haddii aynu raacno xaaladda labaad, waa inaynu Cumar iyo asxaabta kale ee dhegeysanayseyba ugu yeedhnaa kufaar ilaahay ka go’ay, waayo way ogaayeen in ilaahay iyo rasuulkiisuba banneeyeen Mutcada, haddana Cumar wuu ku dhiirradey inuu xaaraantinimeeyo wax ilaahay xalaaleeyey, iyadoon Aayaddaas la nasakhin. Waa arrin gaalnimo ah, kuwii Cumar kusii daayey gaalnimadaasna way la qabaan. Markaa xaaladdaas kowaad sinaba caqli-gal uma eeka, oo diinta Islaamkaba waxay ka dhigeysaa diin gaalnimo ah.
Xaaladda saddexaad, asxaabta Cumar dhegeysanaysey ma ay ogeyn Mutcadu iney xaaraan iyo xalaal tahay toonna, xaaladaasina maaha caqli-gal. Innaguu xaaladdaas eegayna haddii aynu kasoo qaadno in Mutcadu bannaanayd, waxa lama huraan ahaan lahayd in dadku ugu yaraan fikrad ka haystaan xukunka Mutcada, sababtoo ah wax noloshaada maalin laha ah kla mid ah ayay ahayd, sida guurka caadiga ahiba uga mid yahay.
Al-Raasi waxa uu kusoo gabagabeeyey markii uu dooddiisa ku caddeeyey in xaaladda labaad iyo ta saddexaadba aanay caqli-gal ahayn, in aynu hubaal u ognahay in xaaladda kowaad ay jirtey oo dadku ogaayeen in Mutcadu xaaraan oo la nasakahay ahayd, sidaana y uga aamuseen.
Haddaba Shiicadu dooddan waxay kaga jawaabaan sidan soo socota[xxi]: khudbadda cumar waxay caddaynaysaa in Mutcadu bannaanayd xilligii rasuulku noolaa. Sababta uu cumar xaaraantinimaynta isagu isugu sheegay ee uu u adeegsadey “Anigu waan mamnuucay”, ayaa innoo sheegays in Cumar isagu dhiibanayey keliya aragtidiisa. Haddii Nebigu NNKH uu reebay Mutcada, ama bannaynteedu ay ku koobnayd xilli gaar ah, markaa Cumar waxa uu xaaraantinimaynta u nisbayn lahaa Nebiga NNKH, ee isagu iskuma sheegeen.
Odhaah kale ayaa jirta oo Cumar RC laga hayo, oo iyadu burinaysa difaacitaankan Shiicada, taas oo Cumar odhanaysa “ilaahay ayaa Nebigiisa u banneyey waxa uu doono, Qur’aankana waa lasoo dejiyey dhamaantii. Markaa dhamaysta xajkiinna iyo cumaradiinna sida ilaahay idin faray. Se ka fogaada guursashada gabdhahaas, hana ii keenina nin guursadey gabadh xilli go’an, haddii kale dhagax ayaan ku dilayaa”.[xxii]
Culimada shiicadu waxay tilmaamaan in aanay su’aal ka taagnayn in qofka mutcaysta dhagax lagu dilaa aanay wax bannaan noqon karayn, xitaa haddii aynu aqbalno in Mutcadu xaaraan tahay. Sababtoo ah qofka dhagaxa lagu dilayaa waa qof sinaystay isaga oo guur hore soo maray, ama nin ka sinaysta gabadh la qabo. Sidaa daraaddeed Cumar xaq uma lahayn in uu sharcigaas imika sameeyo.[xxiii]
Al-Raasi ayaa ka jawaabay oo odhanaya in laga yaabo in cumar soo hadal qaaday dhagxinta keliya hanjabaad ahaan uun uu u hanjabayo kuwa dhegeysanaya, si uu u dareensiiyo khatarta arrinkaasi leeyahay. Hajabaadda noocaas ahina way bannaan tahay, Nebiga NNKH ayaa xitaa isagu ku hanjabay “in haddii mid idinka mid ah sakadiisa bixin waayo aan wada qaadan doono hantidiisa oo dhan.”, Se islaamka marka la joogo xitaa Nebiga ayaanay u baannayn inuu cid kale hantidooda qaato hadday sakada bixin waayaan. Nebigu NNKH waxa uu intaas u yidhi uun in ereyada uu leeyahay ay u dhaadhaacan cidda uu la hadlayey. [xxiv]
Doodda shiicada ee ku qotanta labadaa odhaaheed ee Cumar RC yidhi, waxay isugu soo biyo shubanaysaa[xxv]: Haddii xaaraantinimaynta Cumar ay ku fadhido dedaal iskii ah iyo xukun goonni u ah oo diin iyo maaddiba ku qotoma(ijtihaad), markaas wax kasoo qaad ma leh, sababta oo ah dhammaan culimada Sunni iyo Shiicoba waxay isku raaceen in ijtihaadka ama dedaalka shakhsiga ahi aanuu marnaba boos ka helayn meel uu yaallo daliil Qur’aan iyo axaadiis ah.
Marka Doodaha iyo daliillada Qur’aanka ku jirana aynu usoo jeesanno, waxaynu hore isula soo qaadannay in Shiicada iyo kuwo ka mid ah Sunnigu ay qabaan in Qur’aanka Suurradda An-Nisaa lagu banneeyey Mutcada. Axaadiistana, meelo badan ayaa laga soo helaya in Mutcadu bannaanayd xilligii Nebiga NNKH, oo ay ka mid yihiin ereyadan Cumar Ibn Khaddaab ee uu ku sheegayo in laba mutco bannaanaayeen xilligii Nebiga NNKH.
Ijtihaadka Cumar Ibnu Khaddaab sameeyey oo daliil ahaan loosoo qaato iyadana, Culimada Shiicada ugu waaweyn waxay arrinkaa kaga doodaan: Cumar isaga ayaa go’aankaas xaaraantinimada ah keligii gaadhay oo u ijtihaaday, taasina waxay si qumaati ah uga hor imanaysaa ereyadii Rasuulka CSW; ama waxa uu ijtihaadkiisa ku saleeyey xaaraantinimayn Nebiga NNKH ka sugan. Haddii ta hore run tahay, markaa sheegashada iyo xaaraantinimaynta Cumar RC diinta ma qabanayso lamana daliishan karo. Arrinka labaad ee ah inuu Rasuulka CSW kasoo dheegtay, iyana run noqon kari mayso, maadaama oo tiro asxaab ahi ay ka markhaati kaceen inj Mutcadu bannaanayd wakhtigii Rasuulku noolaa, illaa laga gaadhayey dhimashadiisa. [xxvi]
Aynu ku soconno e, guud ahaan shiicadu waxay ku dooddaa in haddii Cumar ijtihaadkiisa ku qotomiyey wax Rasuullka ka sugan, ay asxaabtu la ogaan lahaayeen. Sidee macquul u tahay in Rasuulku reebay Mutcada, haddana, xilligii uu noolaa, xilligii Abuu Bakr iyo bilowgii waayihii Cumar, ay xaaraantinimaad Mutcadu u ahayd mid Cumar keligii og yahay?, intaa waxa dheer, maxaybuu Cumar xaaraantinimaynta isagu isugu sheegay oo uu Nebiga ugu nisbayn waayey?.[xxvii]
Al-raasi ayaa haddana kaga jawaabaya dooddaas, in intaa mid ka mid ahina aanay weli dooddiisa burin, midna ma caddaynayso in aan Mutcada la nasakhin Cumar hadalkiisa ka hor ba. Waxa intaa dheer, su’aasha xadiiska Mutcada Nasakhaya ee Cumar Ijtihaadkiisa ku saleeyey: Cumar ma keligii ayaa maqlay in Rasuulku mamnuucay, mise dadka kalena way la maqleen? Malaha qaar asxaabta ka mid ah way maqleen se way illaaween, se markii cumar xaaraantinimada Mutcada ka sheegay meel fagaare ah, qof kastaa wuu ogaa inu run sheegayo, sidaasaanay uga aamuseen.[xxviii]
Al-Raasi ayaa wata e’, Arrinka ah muxuu Cumar isagu isugu sheegay xaaraantinimaynta, waxa uu Al-Raazi kaga jawaabayaa isagoo ku halqabsanaya dooddiisii hore: Haddii Cumar u jeeday: “Mutcada waxa bannaysey shareecada illaa iyo imika, se imika anigaa mamnuucay” taasi waxay noqonaysaa, cumar iska daayoo qof kasta oo meeshaas fadhiyey oo ka aamusay kana hor iman waayey, waa gaal.
Waxa caddaanaysa markaa in xitaa Imaamka Shiicada, Imaam Cali RC uu noqonayo gaal, maaddaama oo uu isla meeshaas fadhiyey kana aamusay. Se cidina taas kuma doodi karto oo asxaabtaas iyo imaam cali cidina gaalaysiin mayso, ugu dambaynna waxay kusoo koobmaysaa in Cumar hadalkiisa u jeeday…“Mutcadu xilligii Nebiga way bannaanayd, se imika anigaa anigaa mamnuucay, innagoo wada og in rasuulku nasakhay.”
Shiicadu waxay dooddan iyana kaga jawaabtaa: Ugu horreyn, macquul ma aha in dhamaan asxaabta Rasuulka ee halkaa fadhidey dhamaantood wada illaaweey, oo Cumar keliya xasuustay in Rasuulku Mutcada xaaraantinimeeyey, inagoo tixgelinayna muhiimadda ay leedahay ee ama wax nolosha maalinlaha ah ku jirta. Dadku waxay u baahan yihiin xidhiidho galmo oo xalaal ah, sida ay ugu baahan yihiin biyaha iyo cuntada. Waa ta labaad, sababta cidina Cumar uga hor iman weydey ee uga aamustay, uma noqonayso caddayn in Rasuulku CSW uu reebay Mutcada.
Maadaama oo Cumar dadka ugu hanjabay in uu dhagax ku dilo, iyagoo dadku wada og kakanaanta iyo ad-adayga Cumar, cidina kama hor iman oo kuma dhiirran in hadalkiisa ay hadal ku daraan. Haddii Cali uu karayey in uu ka hor yimaaddo Cumar, kama uu joogsadeen, sababta oo ah xaaladda markaa taagnayd ayaan u saamixin, oo keliya waxa u bannaanaatay inuu ka aamuso wakhtigeedana la sugo. Arrinka Mutcaduna waa la mid oo waakii Cali yidhi “Haddii aanuu cumar Mamnuuci lahayn Mutcada, cidina sino kuma dhacdeen aan ka ahayn aadka u xun” [xxix]
Culimada Shiicadu waxa kale oo ay tilmaamtaa in Cumar mamnuucay laba nooc oo mutcaysiga ah, halka qof kasta oo Shiicada iyo Sunnigaba ka mid ahi isku raacsan yihiin in Mutcada Xajku ay tahay xalaal. Sidaa daraaddeed, Mutcada guurkuna waa iney xalaal noqotaa.(Maxay taasba uga hadli waayeen Asxaabta Cumar dhegeysanaysey).[xxx]
Ugu dambayn, aragtida Sunniga ee isla qodobkan ahina waxay mudan tahay in la sheego. Waxa jira xadiis kale oo laga hayo Cumar RC, kaas oo uu xaaraantinimaynta Mutcada isagu isu nisbayn ee uu Rasuulka kasoo xigtay. Waxaana male ah in aan la hayn ereyadiisa oo sax ah, se aynu helayno ereyo dib loo qaabeeyey.
Balse xitaa haddii aynu ku raacno Shiicada oo aynu dhahno Cumar ereyadaas uu Mutcada ku xaaraantinimeyey isaga ayunbay ka yimaaddeen, Markaa waxa caddaanaysa in ereyadiisa ah “Anigaa labadaba xaaraantinimeeyey”, inuu uga jeeday “waxaan idiin caddaynayaa uun in arrinkaasi jiro” ama “Wax Rasuulka ka sugnaaday ayunbaan ku dhaqmayaa oon idiin sheegayaa”.
Sababta oo ah waxa aad la isula yaqaannaa marka cilmiga fiqiga la joogo, in bannaynta iyo reebidda shay, loo tiriyo uun Rasuulka, inuu isagu caddeeyey. Tusaale ahaan, haddii la dhaho Imaam Shaafici ayaa arrinkaas iyo arrinkaas reebay, se Abuu Xaniifa ayaa xalaaleeyey, cidina isma odhanayso Shaafici iyo Abuu Xaniifa iyagu aragtidooda gaarka ah ayay dhiibanayaan. Balse waxa looga jeega in ay mas’aladaas xukunkeeda gaadheen iyagoo Qur’aanka iyo Sunnada adeegsanaya. [xxxi]
3. Daliillada Axaadiista
Ilaha axaadiista ee Sunniga, waxa kusoo arooray axaadiis Nebiga NNKH oo tusaya in Nebigu xaaraantinimeeyey Mutcada intii uu noolaa. Meelaha ugu badan ee axaadiistaasi kusoo arooreen waxa laga weriyey in Cali Ibnu Daalin RC uu yidhi “Runtii Nebigu wuu mamnuucay Mutcada iyo hilibka dameeraha dab-joogta ah”[xxxii]
Axaadiis kale iyo weli ba ilaha axaadiista ee Shiicada, ereyada ah “Maalintii dagaalkii Khaybar” ayaa lagu daraa. Culimada waaweyn ee Shiicada oo uu ka mid yahay Sheekh Al tuusi, waxa uu xadiiskan ku sheegay saxiix, se waxa uu kaga maquurtay “In Cali Taqiyya muujinayey (waxa uu aaminsan yahay uu qarsanayey si uu naftiisa u ilaaliyo) markii uu ereyadan yidhi.[xxxiii]
Ibnu Sabra RC ayaa aabihii ka weriyey intan “Waxaan uu imi Rasuulka ilaahay SCW aroor hore, isagoo ku tiirsan kacbada. Waxa Uu yidhi “War Dadkoow!, Waxaan idin fari jirey inaad dumarkan ka Mutcaysataan (isticmtaac), se imika ilaahay ayaa idinka xaaraantinimeeyey illaa maalinta qiyaame. Markaa kiinna xaas ku meel-gadh ah qabow, iska fasax, hana ka qaadanin wixii aad siisey”.[xxxiv]
Xadiis kale ayaa laga soo weriyey Salama b. Al Akwac. Waxa uu aabihii kasoo weriyey in Rasuulka Ilaahay SCW uu banneeyey Mutcada sannadkii Awtas (8aad/629) saddex cisho oo keliya, se markii dambena uu xaaraantinimeeyey. Xadiiskan laftigiisa waxa laga soo helayaa kitaabbo kale oo badan, isagoo ereyada xadiisku ay aad u kala duwan yihiin.[xxxv]
Shiicada intooda badan 3dan xadiis ma qabaan in ay wax xukun ah ku fadhiyaan oo la daliishan karo, si aynu u sharraxno waxyaabaha ay cuskanayaanna, waxa inagaga filan ineynu soo koobno dooddii Al Khooy ee kitaabka Al-Bayaan boggiisa 222 illaa 224:
Xadiiska cali loo nisbeeyey saxiix ma noqon karo, sababta oo ah Muslimka dhamaantii way isku waafaqeen in Mutcada ay bannaanayd markii Makka la qabsadey(8aad/630). Markaa sidee ayuu cali u odhan karaa Mutcada waa la xaaraantinimeeyey Maalintii Khaybar (2 ama 3 ano ka hor furshadii Makka)?
Kala duwanaanshaha iyo farqiga u dhexeeya halkaas xadiis iyo riwaayadihiisa sababtooda, qaar ka mid ah culimada Sunnigu waxay ku doodaan in ereyada ah “Maalintii Khaybar” in malaha ay ku socoto uun hilibka dameeraha dab-joogta ah. Se tani caqli gal ma aha, Sababtoo ah waxay si cad uga hor imanaysaa axaadiis kale oo Bukhaari, Muslim iyo Musnad Ahmad ku yaalla, se rawaayad kale ah. Riwaayadaha kutubtaa ku yaalla ayaa iyana u dhigan “Nebigu waxa uu mamnuucay guurka mutcaysiga Maalintii Khaybar, iyo sidoo kale hilibka dameeraha dab-joogta ah”. Iyo weliba naxwaha asaasiga ah ee carabiga. Isku soo wada duuduuboo, maadaama oo la isla wada waafaqay in Mutcadu bannaanayd maalintii Makka la furtay(Caddaymaheeda gadaal baynu ka sheegi), Nebigu ma uu mamnuuci karayn 2 ama 3 sano ka hor. Sidaa aawadeed xadiisku ma aha saxiix.
Xadiiska kale ee uu Ibn Sabra ka weriyey aabbihii, Al Khooy waxa uu tilmaamayaa inkastoo xadiiskan silsilad dheer oo sanad ah uu leeyahay, haddana jiridda werintu waxay isugu ururaysaa Ibni Sabra laftigiisa, taasoo xadiiskaa ka dhigeysa nooca loo yaqaanno “Waxidka” ama xadiis hal asxaabi keligii laga weriyey. Iyo in Aayad Qur’aanka ahna aanay nasakhi karin axaadiista kuwooda ugu saxiixisan iskaba daa mid daciif ahe.
Intaa waxa dheer isla ereyada iyo waxyaabaha xadiisku ka kooban yahay ayaa caddaynaya in aanuu saxsanayn. Waxa aan wax si yar loo rumaysan karo ahayn in inta Rasuulku SCW uu hor istaagay Kacdbada, lana hadlay koox asxaab ah oo badan oo cid kastaba leh, kedibna shay xaaraantinimeeyey illaa iyo maalinta qiyaamaha, kedibna hal qof keliya (Sabra) uu maqlay kana noqdayna ka keliya ee weriyey. Meeye Asxaabtii Rasuulka ee xitaa diwaangelin jirey ishaarada yar ama halka jalleeco ee Rasuulka CSW?
Waxa khasab ahayd markaa iney iyaguna Sabra kula biiraan xaaritinimayntaas illaa qiyaamaha ah oo ay iyaguna weriyaan. Teeda kale mee Cumar Ibn Khaddaab laftigiisu? Isna wuu ogaan lahaa xaaraantinimayntaas Kacbada horteeda laga sheegay, hadhwna isagu isuma nisbeeyeen oo ma dhaheen Mutcada anigaa xaaraantinimeeyey. Gebagebadii, kala duwanaansho xad ka bax ah ayaa laga hayaa xadiiska Sabra. Werin xadiiskaas ah iyadu waxay odhanaysaa in xaaraantinimayntu dhacday sannadkii Makka(8/630), werin kale iyana waxay sheegaysaa in Xajatul Waddaac nebigu xaaraantinimeeyey. Kala duwanaanshahaas ayaa xadiiskan kaba sii dhigaya mid aan lagu kalsoonaan karayn.
Al Shahiid al Thaanii isaguna qodob kale ayuu tilmaamayaa oo xadiiskan Ibni Sabra ku saabsan: Ibni sabra waa isha keliya ee xadiiska aabihii nebiga ka weriyey, se isaga (Ibnu SabrA) cid xog ka haysaa ma jirto. Meelna lagagama sheegin kutubta axaadiista weriye ahaan, xadiis kalena lagama soo werin oon kan ahayn. Sababtaas aawadeed, ayuu Imaam Bukhaari uga reebay kitaabkiisa axaadiista Ibnu Sabra.[xxxvi]
Xadiiska kale ee Salaama Bin Akwac, Al Khooy waxa uu mar kale ku doodayaa in xadiiskaasi yahay Waaxid oo hal asxaabi uun laga hayo inuu Nebiga kasoo weriyey, iyo in aanuu nasakhi karayn Aayad Qur’aanka ku taalla. Wuxuu kusii darayaa in haddii xadiiska saxiix yahay, ay qariib tahay sida xukunka xadiiskaasi sheegayo ay uga hoos baxday oo ay u gafeen Asxaabtii ugu mihiimsanaa ee Rasuulka oo ay ka mid yihiin Ibni Cabbaas, Ibni Mascuud, iyo Jaabir Bin Cabdillaahi. Sidee macquul u tahay in xadiiskan saxeex noqdo, haddii Intii Abu Bakar Talinayey oo dhan aanuu mamnuucin Mutcada, se Cumar dhamaadkii xukunkiisa uu u mamnuucay?.[xxxvii]
Waxa jira odhaahyo laga diwaangeliyey Imaamyada shiicada oo tusinaya in Mutcadu bannaanayd illaa iyo uu Cumar RC xaaraantinimeeyey. Saddex ka mida oo ugu caansan waa intii Cali Bin Abii daalib, Ibni Cabbaas iyo Cimraan B. Alxasiin. Oo aynu hore usoo sheegnay in Cali yidhi “Haddii aanuu cumar Mamnuuci lahayn Mutcada, cidina sino kuma dhacdeen aan ka ahayn aadka u xun”.[xxxviii]
Odhaahdaas iyadoo noocyo badan leh ayay kusoo aroortay kutubta Sunniga, kuwa Shiicadan waxay kusoo aroortay iyadoo laga soo weriyey Imaamkii 5aad ee Shiicada Al-Baqiir.
Odhaahda iyana laga soo weriyey Ibni Cabbaas waxa isna kitaabkiisa Dur al Manduur ku diwaangeliyey caalimkii noolaa qarnigii 16aad ee Jalaalu-diin As-Suyuuti, waxaanay u dhignayd “Ilaahay Cumar ha u naxariisto!, Mutcadu naxariis xagga ilaahay ka timid mooyane wax kale ma ahayn, taas oo uu ugu naxariistay ummadda Nebi Muxammed. Haddii aanuu Cumar mmnuuci lahayn, cidina sino kuma dhacdeen aan ahayn kuwa aadka u xun”.
Ta kale ee iyada laga soo weriyey Cimraan B. Alxasiin, iyadu aad bay u kakan tahay, muran badanna way dhalin kartaa, doodo qoraalka inagu badinaysana way u baahan tahay, ee labadaas faahfaahintooda ayaa inagaga filan.[xxxix]
Dhinaca Sunniga, oo odhaahda Ibni Cabbas ay marin waa ku noqotay, waxay iyana ku dood celiyaan iyagoo xiganaya hadal kale oo Ibni Cabbaas laga hayo, Al-Raasi waxa uu kitaabkiisa Al-Tafsiir Al-Kabiir ku werinayaa gabay loo tiriyey dabbaal-degga in Ibni Cabbaas ku fatwooday xalaalnimada Mutcada. Markii Ibni Cabbaas akhriyey meerisyadii gabayga ayuu yidhi “Ilaahay ha dilo, marna ma odhan anigu way bannaan tahay shuruud la’aan, se waxay u bannaan tahay qofka aan dookh kale haysan(dantu ku khasabto) sida bakhtiga, dhiigga iyo doofaarkaba ay u bannaan yihiin(marka dani keento).[xl]
Hadal kale oo Sunnigu daliishadaan isla markaana laga hayo Ibni Cabbaas oo uu ku sheegay in Aayadda Mutcada xalaaltinimaysey ay nasakhday Aaayadda Furriinku (Aayadda 1aad ee suuratu dalaaq). Oo uu yidhi “Alla Ilaahayow, waxaan kaaga toobad keenayaa wixii aan ka idhi Mutcada…”. Odhaahyadan iyana waxay la mid tahay hadallo ay Sunniga iyo Shiicadu isku tuurtuuraan oo rogaal iyo rogaal celis ah, se mid kastaa sii wado burinta ka kale taariikh ahaan iyo diin ahaanba, ugu dambayntana isugu biyo shubata ereyo aan tixraac loo haynin si la mid ah sida kuwa shiicada oo buugga ay ku qoran yihiin uun laga xiganayo.
4. Gebogebo
Marka la joogo Sunniga, aragtida guud ee afarta madhab waxay isku raacsan yihiin in Mutcadu bannaanayd bilowgii Islaamka, kedibna la mamnuucay.
Bilowgii Islaamka, diinta waxay ahayd qariib, Muslimiintana waa laga tiro badnaa, badankana dagaal ayay ku jireen. Kuwo badan oo Asxaabta ka mid ah ma ay karayn iney guursadaan, carrruur iyo qoysna mas’uuliyaddooda qaadaan, haka ahaato hayn lahaan, ama dagaalladaas iyo safarradaas ay masaafada dheer u gelayaan, kulana dagaallamayaan kufaarta.
Intaa waxa u dheer, isla markaas ayunbay Islaamka soo galeen, ka hor taas waxa caado u ahayd dhaqammadii carabtii islaamka kan hor ee gogol-dhaafka iyo galmo-doonka xad-dhafka ahayd ku salaysnaa iyo mukhbaaradihii dumarka iyo ragga xaasaska leh iyo kuwa aan lahayniba ku kulmi jireen. Ninku waxa uu xidhiidh galmo la samayn jirey tobannaankiisa xaas ta uu doono, kuna gogol-furi jirey ta uu qabo ee aanuu wax xiise ah u hayn. “Tiir bulsheedka” keliya ee u yaalla waxa uu ahaa galmo iyo hammad.
Marka ragga noocaas ahaan jirey ay Islaamka soo galeen, indhahana ku kala qaadeen xeerarka iyaga ku kakan ee Islaamku u dhigay xidhiidhka galmada, waxa ku adkaadey Asxaabtii Rasuulka in ay wakhtigooda ugu badan ku qaataan iney gaalada iska celiyaan, fursadna u waayaan iney dejiyaan balwaddii ay barteen iyo kaafinta dareemadooda ibni aadamtinimo ee dabiiciga ah. Sidaa aawadeed, waxa lagama maarmaan noqotay in loo banneeyo iney mutcaustaan, galaanna heshiisyo guur oo ku meel-gaadh ah, kuna habboon noloshooda safarka iyo dagaalka isla koobsatay, aan lahaynna masuuliyaddii dhaqanka ahayd ee daryeelka carruurta iyo xaasaska joogtada ah. Guurkaas oo aanay macquul ahayn in lagu dabbaqo micneyaashii kale ee lagu dhimi jirey doonitaannada jinsiyadeed, sida in la soomo.
Sidaa aaawadeed, diintu caqli kama maaranto, ku muran oo ku dood adigoo boqollaal daliilood oo ad-adag daliishanaya, haddaynaan caqligeenna saliimka ah ku darin, lumitaan iyo baadiyow ayaa innoo sugnaadey sida dooddan Shiicada iyo Sunnigu inoo habaabinayso oo ay innagu kelifeyso in aynu innagoo daliilka xoogga badan ee Shiicadu soo bandhigtay eegayna, aynu xalaashanno Mutcada. Qoraalkan gebegabadiisa, waxa caddaanaysa in Mutcadu xalaal ahayd, sababta ay xalaasha u ahaydna tahay xaalad gaar ah oo Asxaabta Rasuulka loogu talo-galay, haba sii wateen illaa iyo waayihii Cumar yimi e, se ay imika iyo markaasba ahayd, is-diiddo caqliyeed iyo damiireed. Xadiiska Sabra ee Muslim weriyey ayaa xaqiijinaya aragtidaas: “Rasuulka ilaahay ayaa ogolaansho noo siiyey in aannu mutcaysanno, maalintii aann Makka furannay. Kedib isla markii uu Makka ka baxay, ayuu mar kale xaaraantinimeeyey.” Xadiiskani waxa uu inna tusayaa in Mutcadu, bannaan tahay, xilli gaar ah oo ku xidhan hawlagallada militariyeed.
Ibni Maaja ayaa Nebiga ka weriyey inuu yidhi: “Hoy Dadkoow!, waan idiin ogolaan lahaa inaad mutcaysataan, se ilaahay baa xarrimay illaa iyo maalinta qiyaame.” Marka aynu eegno xeerarka Islaamka, xarrimidda Mutcadu waxay boos weyn ku leedahay Islaamka. Sababta oo ah, sinada iyo gogol-dhaafka ilaahay waxa uu gaadhsiiyey illaa iyo “in aan loo dhowaan” waxaana uu u yeelay ciqaab heerkeedu yahay in aan aakhiro lagula sugin ee adduunka lagaga jaro dembiga uu galay.
Sinadu waxay burburisaa dunta iyo xadhiga isu haya bulsho, damiirka iyo sharafta qofnimo, waxay isku qastaa xididka iyo xigtada, waxa meesha ka baxda dhowrsoonaantii iyo xeerarkii bulshada.
Islaamka waxa uu u yimid in uu cidhib tiro waxyaabaha keeni kara burburka intaas le’eg, waana uu ku guuleystey in uu meesha ka saaro xitaa falalka la xidhiidha. Innagoo tixgelinayna heerarka mooraal iyo damiireed ee Islaamku bulshada kula dardaarmay, haddana waxa jira waxyaabo daliillo cadcad innoo sheegayaan, se aan boos uga bannaanyn dhaqankeenna iyo waxyaabaha bulshadu aqbali karto.
Dhinaca akhrista waxa aan filayaa in wax badan u fur-furmeen, doodda lobada dhinac iyo go’aankaba aan gacmihiisa saaray. Waxaan filayaa in ka eegitaanka doodda hal dhinac oo keliya aanad marnaba ku kalsoonaan karayn, weliba haddii arrinkaasi taabanayo qiyamkaaga iyo hab nololeedkaaga diini iyo maaddiba. Qoraalkan, waxa uu isugu jiraa baadhitaankayga iyo aragtiyahayga shakhsiyeed anigoo adeegsanaya 90% kutubta Sunniga, kuwa shiicada iyo wixii kaga soo arooray Kitaabka Qur’aanka.[xli]
Waad ku mahadsan tahay akhriskaaga.
Tixraacyo:
[i] Sahih al-Bukhari 4215 Cutubka 38: Qaswadii Khaybar, Kitaabka 64: Hawlagalladii Militari ee Rasuulku SCW hogaaminayey (Al-Maqaasii)
Sahih Muslim 1407a, Cutubka 3: Guurka Mutcada: Waa la Banneeyey kedib waa la nasakhay, kedib waa la banneeyey haddana waa la nasakhay, sidaas ayaanay illaa qiyaamaha xaaraan ku ahaanaysaa, Kitaabka 16aad: Kitaabu Nikaax.
[ii] Sahih Muslim 1406d Cutubka 3: Guurka Mutcada: Waa la Banneeyey kedib waa la nasakhay, kedib waa la banneeyey haddana waa la nasakhay, sidaas ayaanay illaa qiyaamaha xaaraan ku ahaanaysaa, Kitaabka 16aad: Kitaabu Nikaax.
[iii] -Saxiix al-Bukhaari 5184
Cutubka 80: In Dumarka akhlaaq iyo naxariis lagula dhaqmo, Kitaabka 67: Kitaabu Nikaax
– Sahih Muslim 715l
Cutubka 18: Talooyin dumarka ku saabsan, Kitaabka 17: Kitaabka Nuujinta
[iv] Sahih Muslim 1407d
Cutubka 3: Guurka Mutcada: Waa la Banneeyey kedib waa la nasakhay, kedib waa la banneeyey haddana waa la nasakhay, sidaas ayaanay illaa qiyaamaha xaaraan ku ahaanaysaa, Kitaabka 16aad: Kitaabu Nikaax.
[v] https://islamqa.info/en/answers/20738/is-mutah-marriage-allowed
[vi] Sharx al-lumca, v, 248-53, Note; Jawahir, v, 163.
[vii] -Muxammad Xusayn Tabatabaci (d. 1982), Tafsiir al-miisaan, Bayruut, 1974; Turjumaadda Beershiyaanka ah ee Muxammad Khaatima, VIII, Qum, 1344/1965, 76.
-Tafsiirka Ibni Kasiir, Suuradda Al Nisaa, aayadda 19aad.
[viii] Sheekh Tabarsi, Majmac al-bayaan, Dehraan, 1339/1960 3, 32, -Sheekh dabarsi: Caalim iyo mufassir Shiico ah.
[ix] Sheekh Tabarsi, Majmac al-bayaan, Dehraan, 1339/1960 3, 32, -Sheekh dabarsi: Caalim iyo mufassir Shiico ah.
[x] AI Tafsiir al-kabiir, Istanbul, 1307 / 1889-90, III, 286.
[xi] Muxammad b. Axmad b. Abi Bakaar al-Ansari al-Qurdubi (d. 671/1273), al-Jaamic’ li axkaam al-Qur’aan, Qaahira, 1967 , v, 130.
[xii] Tafsiir al-miisaan, Nuskhada Faarisiga ah, VIII, 132; Xusayn Yuusuf Makki, al-Mutca fil-Islam, Turjumaadda Faarisiga ah, Dehraan, 1342/1963, p.59.
[xiii] Abu AI-Qasim al-Muausawi al-Khuy, al-Bayaan fii tafsiir al-Qur’aan, Najaf, 1375/1955-56, 219.
[xiv] Sharx al-lumca, v, 277, Note.
[xv] Wasaa’il, XIV, 488, Xadiiska 1aad.
[xvi] Al-Tafsiir al-kabiir,III, 286.
[xvii] Jawahir, v, 163.
[xviii]Axmad b.Xanbal, al-Musnad, Beyruud, n.d., 1,52.
[xix] Mutcada xajka: Xujaajta Makka uga yimaadda masaafo dheer ee doonaya iney cumraystaan, waxa loo ogolaa iney gaalaan xaalad ixraamka ee cumarada, kedib ay ka baxaan ixraamka illaa iyo ay dib u xidhanayaan xajka. Muddada intaa u dhaxaysa waxay samayn karaan iney iska nefisaan ama “raaxaystaan”(tamatuc), iyagoo hawl-maalmeedkoodii ixraamka kaga xaaraanta ahaa sii wadanaya. Tamatucan xajka ka horreeya ayaa loo yaqaannay Mutca Al Xajj
[xx] Al Tafsiir al-kabiir, III, 287.
[xxi] Majmac al-bayaan, III, 32.
[xxii] Muslim, Qaahira, 1334/1916, 4, 38 (Kitaabka: al-mutca bil-hxajj wal- cumra).
[xxiii] Jawaahir, V, 161; al-Bayaan, 229.
[xxiv] Al-Tafsiir al-kabiir,III, 287.
[xxv] Sharx al-lumca, V, 182-83; Jawaahir, v, 161; al-Bayaan,229.
[xxvi] Al-Bayaan Fii Tafsiir 229, Waxa qoray Abu Qaasim Khooy, oo ah caalim shiico ah, waa Tafsiir Qur’aanka ah oo ku fadhiya axaadiista, waxyaabaha uu kaga duwan yahay TAfsiirkani kuwa sunniga waxaa ka mid ah in Qoraagu uu adeegsadey ilo xogeed shiicada iyo sunnigab ah, qoraagu waxa uu aad uga soo horjeeday oo aad u dhaliili jirey Shiicada iyo Sunniga aaminsan in qur’aanka wax laga bedelay, waxa kale oo uu meel aan sidaa xagjir loosii odhan karin ka taagnaa mas’alada Nasikhitanka aayadaha Qur’aanka, isagoo ku doodi jirey in culimada nasakha adeegsataa ay weydey cilmi ay ku fahanto tafsiirka Qur’aanka, dhinaca axaadiista, qoraagu waxa uu aad uga soo horjeeday axaadiista Abuu Hurayra, waxaana uu dhaliili jirey ku tiirsanaanta xad dhaafka ah ee sunniga iyo shiicadu ku tiirsan yihiin axaadiista, Qoraagu waxa uu sida caadiga ah shiicada kala sinnaa diiddanaanta 3dii khaliif ugu horreeyey ee islaamka, waxaana tafsiirkiisa laga dhex arki karaa aragtiyadaas oo ku dhiig baxaya tafsiirkiisa.
[xxvii] Sharx al-lumca, v, 283; al-Bayaan, p.229; al-Mutca, 68.
[xxviii] Al Tafsiir al-kabiir, III, 290.
[xxix] Xaafid Jallaaluddiin Suyuuti,Tafseer Dur Al Manduur Kitaabka 2aad, Bogga 41, Aayadda Mutcada.
[xxx] Majmac al-bayaan, III, 33.
[xxxi] Muxammad Shaykh al-Islaam Kurdistaani, Rahnamayi mad habi Shaafici, Dehraan, 1337/1958, I,429-30.
[xxxii] -Al Tafsiir al-kabiir, III, 287-88.
[xxxiii] Wasaa’il, 4, 441, xadiiska 32aad.
[xxxiv] Al Tafsiir al-kabiir, III, 288.
[xxxv] -Al Tafsiir al-kabiir, III, 288.
– al-Jaamic, V, 131
– al-Bayaan, p.244; al-Mutca, pp.19-20.
[xxxvi] Sharx al-lumca, 5, 264-82, Qoraal-hoosaadka; 282
[xxxvii] Al-Bayaan, pp.222-23.
[xxxviii] Dur al Manduur/Al Tafsir al-kabir, III, 287
[xxxix] ka akhriso; Al-Bayaan, p.221 iyo al-Tafsiir al-kabiir, Ill, 286 iyo Axmad b. Xanbal, al-Musnad, VI, 436 iyo Muslim, IV, 48.
[xl] Al Tafsiir al-kabiir, III, 286.
[xli] Fikradda Tafatiraha, Shaafici Cabdiraxmaan Maxamed
