Muxuu ka dhigan yahay soo-saaridda shidaalka Soomaaliya?

Muxuu ka dhigan yahay soo-saaridda shidaalka Soomaaliya?

W/Q: Ismaaciil Dhuubow

Dr. Liu Guangdi, barafasoor ka tirsan Kulliyadda Culuumta Dhulka ee Jaamacadda Shidaalka ee Shiinaha (China University of Petroleum–Beijing), wuxuu marar badan si cad u muujiyay sida shidaalka uu saameyn xooggan ugu leeyahay arrimaha dhaqaale, bulsho, iyo siyaasadeed. Mar uu ka hadlayay mowduuca shidaalka, wuxuu si qoto dheer u sharxay doorka weyn ee shidaalka ku leeyahay siyaasadda caalamka, isagoo tilmaamaya in shidaalka uu yahay mid kamid ah arrimaha ugu muhiimsan ee sababa dagaallada casriga ah. Barefasoor ka asiga oo arimahaas ka hadlaayo waxa uu yiri:“Haddii dagaalladii hore ee caalamka (Dagaaladii Dunida 1aad iyo 2aad) ay salka ku hayeen dhul kala qabsasho, dagaallada maanta dhacaya badankoodu waxay salka ku hayaan loolan ku saabsan shidaalka.”

Wuxuu tusaale u soo qaadanayaa khariidadda Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika, isagoo tilmaamaya in dagaallada ka dhacaya gobolladaas ay si toos ah ugu xiran yihiin shidaalka iyo khayraadka dabiiciga ah ee ku jira. Wuxuu hoosta ka xariiqay in loolanka siyaasadeed ee ka jira gobolladaas ay yihiin kuwo ku saleysan damaca ah in la helo koontaroolka iyo ka faa’iideysiga shidaalka, taasoo keentay in dawlado iyo xoogag kala duwan ay isku dhaceen.

Tusaale ahaan, dagaallada u dhaxeeya Shiinaha, Mareykanka, iyo dalalka Carabta, waxa ay inta badan xoojisay doorka shidaalka, iyadoo loolanka shidaalka uu saameyn ku yeeshay xiriirka caalamiga ah iyo awoodda siyaasadeed ee dalalka.

Shidaalka, sida uu sheegay Dr. Liu, waa kheyraad muhiim ah oo si gaar ah u saameeya dhaqaalaha iyo awoodda, awoodda siyaasadeed ee dalalka, taas oo noqonaysa sababta keenta dagaallo siyaasadeed oo ballaaran. Wuxuu si gaar ah u soo bandhigay dhacdooyin siyaasadeed oo waaweyn, kuwaas oo ujeedadooda dhabta ah ay ku jirto damaca shidaalka, waxaana uu caddeeyay in arrintani aysan ku koobnayn Bariga Dhexe kaliya, balse ay tahay arrin si caalami ah u taabanaysa siyaasadaha caalamka.

Waxa uu sidoo kale tilmaamay in shidaalka uu si toos ah ugu xiran yahay xasilloonida siyaasadeed ee dalalka waaweyn iyo sidoo kale awooda dhaqaale ee ay leeyihiin.Marka la eego dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee casriga ah, sida loolanka shidaalka ee ka socda Waqooyiga Afrika, gaar ahaan waddamada sida Liibiya iyo Suudaan, waxaa si cad loo arkaa in shidaalka uu yahay sababta ugu weyn ee loo daneynayo dalalkaas, taasoo keentay xasillooni darro iyo fowdo siyaasadeed oo joogto ah. Sida Dr. Liu ku doodaayo, shidaalka wuxuu noqday kheyraad mudan in la intifaacsado, iyadoo ay ka dhigan tahay in dawladaha iyo xoogagga caalamiga ah ay isku dayaan inay gacanta ku dhigaan.

Haddaba Soomaaliya waxa ay ka mid tahay meelaha sida weyn ugu jira loolanka caalamiga ah ee shidaalka. Waxa ay Soomaaliya leedahay khayraad shidaal oo ballaaran, kaasoo soo jiitay danaha siyaasadeed ee dalal shisheeye iyo shirkado caalami ah. Ku tiirsanaanta istiraatiijiga ah ee goobta ay Soomaaliya ku taallo, isku xirka Bariga Dhexe iyo Afrika, ayaa sii xoojisay xiisaha caalamiga ah ee shidaalka dalka.

Sida muuqata, shirkado waaweyn oo caalami ah ayaa ku howlan sidii ay u heli lahaayeen xuquuqda sahaminta iyo soo saarista shidaalka Soomaaliya. Waxaa taas barbar socota xaaladda siyaasadeed ee gudaha dalka, oo u muuqata mid si weyn ugu xiran saameynta shisheeye iyo khilaafaadka dhaqaale ee shidaalka ka dhasha. Waxaa cad in shidaalka Soomaaliya uu yahay furaha horumarka dhaqaale ee dalka, balse sidoo kale uu sababi karo xasarado haddii aan si hufan loo maarayn. Haddii Soomaaliya ay hesho nidaam maamul oo hufan iyo qorshe caddaalad ku dhisan oo shidaalka looga faa’iideynayo bulshada, waxaa suurtagal ah in kheyraadkan uu horseedo koboc dhaqaale, shaqo-abuur, iyo xasillooni siyaasadeed.

Si kastaba ha ahaatee, haddii aan la helin hab maamul oo mas’uuliyad leh, shidaalka wuxuu u noqon karaa sabab sii hurisa khilaafaadka jira, sidii ku dhacday waddamo qaar oo uu shidaalkoodu noqday aragtida nimcada nacaladeysan. Tani waxay sababtay in dalal badan oo hodan ku ah shidaalka, sida Nayjeeriya, Angola, iyo Kuwayt (inta lagu guda jiray Dagaalkii Khaliijka), ay waayaan xasilloonidooda siyaasadeed, taasoo keentay burbur dhaqaale iyo mid bulsho. Taasina waxay keeni kartaa in Soomaaliya dib ugu noqoto dagaal sokeeha oo dhaliya burbur dhaqaalo.

Shidaalka Soomaaliya wuxuu tusaale u yahay sida kheyraadka dabiiciga ah uu u noqon karo mid leh labo weji: mid horumar keeni karo iyo mid burbur sii horseedi kara. Haddii horumarka laga dhaxlo, waxaa Soomaaliya uga suurtogelinayaa inay hesho jidka ay qaadeen waddamada Carabta ee sida Sacuudiga iyo Imaaraatka Carabta, kuwaas oo ka faa’iideystay shidaalkooda si ay u kobciyaan dhaqaalahooda una xoojiyaan xasilloonidooda. Haddiise ay dhacdo dhanka kale, waa aragtida nimcada nacaladeysan ee ku habsatay waddamo sida; Nayjeeriya, oo khilaafaadyo iyo musuqmaasuq ba’an uu curyaamiyay, Angola oo dagaallo sokeeye la ciirciirtay, iyo Liibiya oo burbur siyaasadeed iyo faragelin shisheeye ay gaadhsiisay xasilooni-darro joogto ah.

Ugu danbeyn waxaa loo baahan yahay in Soomaaliya ay ka faa’iideysato waayo-aragnimada dalalka kale, si looga fogaado in shidaalka uu noqdo cudur ama caqabad, loona rogo fursad wax ka beddesha nolosha dadka Soomaaliyeed iyo horumarka qaranka guud ahaan. Tani waxay ku imaan kartaa oo keliya haddii ay jirto aragti fog oo mideysan iyo maamul hufan oo caddaalad ku saleysan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *