Qisada Silsiladda Harry Potter
Waxaa faafiyay: Aljazeera
Waxaa Trajumay: Cabdiraxmaan Caqiil
Joanne Kathleen Rowling waa qoraa iyo filim-sameeye Ingiriis ah oo si weyn ugu caan baxay taxanaha sheekada Harry Potter, kaas oo ka mid noqday buugaagta ugu iibsiga badan taariikhda. Waxay magaceeda ku soo gaabisay “J.K. Rowling,” taasoo ay kula talisay xarunta daabacaadda si ay u qariyaan in qoraaga uu yahay dumar. Magacan ayaa markii dambe si weyn ugu faafay dunida oo dhan.
Rowling waxay ahayd haweeney carmal ah oo subax kasta raadin jirtay shaqo, hase yeeshee, hal mar ayaa nolosheeda si lama filaan ah isu beddeshay, waxayna noqotay mid ka mid ah qoraayaasha ugu hantida badan dunida. Buuggeeda Harry Potter ayaa loo tarjumay in ka badan 80 luuqadood, waxaana laga soo xerooday in ka badan 500 milyan oo doolar.
Rowling waxay si siyaasad ahaan ugu dhowdahay axsaabta bidix, iyadoo sannadkii 2008 hal milyan oo giniga istarliinka ah ugu deeqday xisbiga shaqaalaha. Waxay si cad u diidday taageerada qolyaha isku jinsiga, taasoo sababtay inay la kulanto hanjabaado badan.
Dhalashada
Rowling waxay ku dhalatay 31kii Luulyo 1965 gudaha boqortooyada Ingiriiska, iyada oo ka dhalatay qoys dhex-dhexaad ah. Aabbaheed, Peter James Rowling, waxa uu ahaa injineer diyaaradaha qaabilsan, halka hooyadeed, Anne, ay ahayd kalkaaliso caafimaad. Waxa ay la dhalatay gabar ka yar 23 bilood oo lagu magacaabo Dianne. Qoyskoodu waxa ay u guureen magaalada Winterbourne, halkaas oo ay ku noolaayeen muddo dheer, waxaana Rowling ku biirtay dugsiga hoose ee Saint Michael, kaddibna waxay waxbarashadeeda sii wadatay dugsiga sare ee Wyedean.
Rowling waxay aad u jeclayd daryeelka xayawaanka, gaar ahaan bakaylaha, taasoo sababtay in ay qorato sheeko ku saabsan bakaylaha iyada oo weli yar. Waxay sidoo kale ahayd qof aad u jeclaa akhriska.
Hooyadeed Anne waxay la ildarnayd xanuun muddo toban sano ah, kaas oo ugu dambayntii nafteeda galaafatay. Rowling waxay aad uga xumaatay inaysan hooyadeed u sheegin inay qorayso taxanaha Harry Potter, taasoo murugo weyn ku reebtay nafteeda.
Waxbarashada
Rowling waxay baratay suugaanta Faransiiska iyadoo ardayad ka ahayd Jaamacadda Exeter. Muddo ayey ku nooleyd magaalada Paris, inkasta oo aysan waxbarashadeeda jaamacadeed aad ugu fiicneyn. Sannadkii 1990kii, Rowling waxay ka shaqo billowday Amnesty International magaalada London, iyadoo u qaabilsan xoghayn iyo turjumid.
Rowling waxay idea-da taxanaha Harry Potter ku soo heshay iyadoo tareen u raaceyso magaalada London. In kasta oo aysan wax qorin inta safarka ku jirtay, haddana sheekadaasi waxay si faahfaahsan ugu sawirantay maskaxdeeda.
Rowling waxay u guurtay dalka Portugal si ay u barato luqadda Ingiriisiga. Waxay 1992kii guursatay saxafi u dhashay Portugal oo lagu magacaabo Jorge Arantes, waxaana u dhashay gabar lagu magacaabo Jessica. Hase yeeshee, guurkoodii wuu burburay, waxayna Rowling dib ugu soo guurtay Scotland halkaas oo ay la degtay walaasheeda Dianne.
Waxay go’aansatay in sheekadeedu noqoto toddobo qaybood, iyada oo qorista qaybta koowaad ay ku qaadatay shan sano. Intii ay ku jirtay qorista, hooyadeed ayaa geeriyootay, taasoo saameyn weyn ku yeelatay nafteeda. Si ay u illowdo geerida hooyadeed, waxay dib u billowday qorista sheekada, inkasta oo ay marar badan qoraalladeeda ku tuurto qashin-qubka.
Intii ay ku jirtay nolosha shaqo la’aanta iyo dakhli xumada, Rowling waxay qorista saddexda qaybood ee ugu horreeya taxanaha Harry Potter ku heshay shirkad daabacaad oo ugu dambeyntii aqbashay inay daabacdo sheekadeeda kadib markii gabadh uu dhalay milkiilaha shirkadda, oo siddeed jir ah, ay aad uga heshay sheekada.
Buugga ugu horreeya ee taxanaha Harry Potter oo cinwaan looga dhigay “Harry Potter and the Philosopher’s Stone” ayaa la daabacay 1997kii, waxaana markii hore la daabacay oo kaliya 1000 buug. Kadib waxaa magacii buugga wax yar la beddelay waxaana Maraykanka lagu daabacay magaca “Harry Potter and the Sorcerer’s Stone”.
Sheekadan ayaa si degdeg ah u faafday, gaar ahaan sannadkii 1999kii, saddexda qaybood ee ugu horreeyayna waxay safka hore ka galeen buugta loogu iibsiga badan yahay ee ay soo saartay New York Times.
Dhacdo aan hore loo arag
Sannadkii 2000, qaybta afaraad ee taxanaha oo cinwaankeedu yahay “Harry Potter and the Goblet of Fire” ayaa noqotay buuggii ugu dhaqsiyaha badnaa ee la iibsaday taariikhda, waxaana la daabacay 35 milyan oo buug oo afaf kala duwan ku turjuman.
Sannadkii 2003, Rowling waxay soo saartay qaybta shanaad ee taxanaha Harry Potter, waxaana 24 saac gudahooda la iibsaday 6.9 milyan oo buug. Inkasta oo qaar ka mid ah buuggeeda ay gubeen kooxo Masiixiyiin ah oo caraysan oo ku eedeeyay inay xayaysiinayso sixirka, haddana buuggeedu wuu sii faafay.
Sannadihii dambe, Rowling waxay xoogga saartay soo saarista filimaan ku saleysan sheekadeeda Harry Potter. Sannadkii 2012, waxay u guurtay qoraallada dadka waaweyn, inkastoo aysan guulo badan ka helin. Sannadkii 2013, waxay qortay buug iyadoo isticmaashay magac kale, laakiin markii la ogaaday inay iyadu qortay buugga, si weyn ayaa loo iibsaday.
Waxa ay Rowling la kulantay hanjabaado uga yimid kooxaha isku jinsiga sheegta kadib markii ay ka hadashay arrimo la xiriira jinsiga. Waxaa xigay olole ballaaran oo lagu joojinayo iibsashada buugaagta iyo filimaanta ay soo saarto, laakiin buuggeedu wuxuu ku sii faafay dunida oo dhan.
Nolosheeda Danbe
Rowling waxa ay sannadihii dambe xoogga saartay soo saarista taxane filimaan ah, 2016, 2018, waxayna soo saartay dhowr filim oo shaashadaha dunida ka soo muuqdayn.
Sannadkii 2022 kii waxa ay warbaahintu werisay in Rowling ay hanjaabdo u soo direen qolyaha isku jinsiga sheegta, waxa ayna ka xumaadeen qormo ay walaac kaga muujisay ragga jinsigooda baddalaya kuwaas oo ku soo badanaya Yurub.
Waxaa intaas xigay olole ballaaran oo lagu joojinayo iibsashada sheeka-faneedyada ay qortay iyo xitaa filimada ay samaysay, qaar kamid ah jilayaasha taxanaha Harry Potter ee filimka loo baddalay ayaa kaalin ku lahaa ololahaas lagu joojinayo waxsoosaarka faneed ee Rowling.
Bishii sagaalaad sannadkii 2020 kii waxaa buuq iyo dood cusub abuuray buug ay qortay, waxaana buuggaas ka carooday qolyaha isku jinsiga ah oo u arkay in dhegahadal uu ku yahay iyaga.
J.K. Rowling waxa ay qortay buugaag badan oo laga tilmaami karo taxanaha toddobada buug ee Harry Potter.
- Philosopher’s Stone (1997)
- Chamber of Secrets (1998)
- Prisoner of Azkaban (1999)
- Goblet of Fire (2000)
- Order of the Phoenix (2003)
- Half-Blood Prince (2005)
- Deathly Hallows (2007)
Waxay kaloo qortay buugaag ay ku iftiiminayso kuna sharxayso sheekooyinka taxanaha ah ee Harry Potter. Waxa ay ku guuleysatay abaalmarino dhowr ah oo ay ku jiraan:
- Order of the British Empire oo ay ku mutaysatay suugaanta carruurta.
- Edinburgh Award.
