๐๐๐ข๐ ๐๐ง๐ ๐ฐ๐๐๐ ๐ค๐ฎ ๐ ๐ฎ๐ฎ๐ฅ๐๐ฒ๐ฌ๐๐ง ๐ค๐๐ซ๐ญ๐๐
Waxaa qoray: Mohamed Abdirizak
Sanadkasta inta u dhaxaysa bilaha Maarso ilaa dhamadka bisha Juun, waxaa furan ka qayb-galka tartan qoraal curineedka ay soo qabanqaabiso Guddiga Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas (ICRC). Tartankan waxaa la qabtaa sanadkiiba hal-mar, waxaana ka qayb-gala Jaamacadaha Bariga Afrika.
U jeedada tartankani waa in lagu dhiirigeliyo ardeyda heerka koowaad ee waxbarashada jaamacadda, qaasatan kuwooda baranaya maadada Sharciga in ay ka qaybqaataan doodaha ku saabsan sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada (IHL) iyo qabashada madal lagu soo bandhigo doodaha sharciga ah.
Sannadkii 2021-kii, aniga waxaan kamid ahaa ardaydii ka qaybqaadatay tartankaas aniga oo xilligaas ka socday jaamacadda SIMAD. Sanadkaas waxa aan kaalinta koowaad u galay dhammaan jaamacadihii tartankaas ka qayb galay. Sidoo kale, isla sanadkaas markale waxaan guud ahaan wadamada bariga Africa-ka ka-galay kaalinta afaraad, aniga oo matalayay Soomaaliya. Waxaa xusid mudan in aan ka horaynnay dhowr wadan oo ay ku jiraan; Tanzania, South Sudan iyo Uganda. Tani waxa ay ahayd markii ugu horeeysay oo uu qof Soomaali ah iyo jaamacad ka socota Soomaaliya ay kaalin muuqata ka galaan tarkaas.
Saaxiib, ka qayb-galka tartankaan kuma hungoobi doontid. Ugu yaraan haddii aadan guulaysta-yaasha kamid noqon, waxaad kororsanaysaa xirfad qoraal farabadan, waxaana halaysaa shahaado cadeenaysa in aad kamidka ahayd ka qayb galayaasha tartanka. Haddii aad guulaystayaasha kamid noqotidna, abaalmarin lacageed, shahaado caalamiya iyo sumcad ba, waad ka sameeyn kartaa. Haddaba, si aad ugu qaygashid tartankan waxaad u baahan tahay in aad qaadid tillaabooyinkan oo aan is leeyahay in ay anfici karaan qofkii raba in uu qoro, qoraal kooban oo ka hadlaya moowduuc xadidan (essay writing):
- ๐๐๐๐๐๐-๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐๐๐๐
Waqti fiican qaado oo aad ku aqrin karto, kuna fahmi karto bayaanka qormada ama waxa laguu diray. Si kale haddii aan u dhaho, fahan suโaasha lagaa rabo in aad ka jawaabtid. Fahnmidda waxa lagaa rabo waxa ay muhiim u tahay in aad si fiican wax uga qorto mowduuca lagaa rabo in aad wax ka qorto.Waxaan kugu adkeeynayaa, markale in aad si fiican u fahantid mowduuca iyo suรกalaha lagaa rabo in aad ka jawaabtid.
Dib u dhigashada shaqadan ama in aad waqti dambe bilowdo hawshan waxa aad kaqaadi kartaa wal-wal iyo shalaaltiyo. Sidoo kale, waxa aad iska lumineeysaa fursaddii aad qoraalkaaga isaga sixi lahay ama aad ku turxaan-bixin lahayd.
- ๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐:
Qorshaynta sidii qoraalkaaga u soo bandhigi lahayd waxay kaa caawin doontaa inaad aqoonsato qaybaha muhiimka ah ee qoraalkaaga iyo sida aad isugu xiri lahayd farriinta aad sido iyo habka aad ku gudbineysid. Markii aad sida saxda ah tilmaamaha u raacdo, waxaad haysaa wadadiii aad ku gaari lahayd curinta qormo aan hadhow kaaga baahnaanin doonin inaad wax badan ku laabatid. Tani waxay iyaduna kaa caawin doontaa inaad dhisto oo aad habayso, kadibna aad meeleyso fikradahaaga si aad u abuurto qaab-dhismeed habboon. - ๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐:
Cilmi baaristu waa qaybta ugu muhiimsan ee habka qorista Essay-ga. Xusuusnoow inaad soo xigato ilo sugan, la aqbalsanyahay, laguna kalsoonaan karo. Xogtaadu waa in ay taariikhaysan tahay oo sugantahay, meeshii aad ka soo xigatayna ay cadahay. Wax walba oo mowduucaaga khuseeya oo aad aqrin kartid, fadlan akhri. Inta aad aqriska ku jirtid haddii ay ku anfacdo fikrad ama qoraalka aad aqrinaysid in aad meel ku qorato macluumaadka isha ama meesha aad soo xiganayso. Tan waxa ay kaa ilaalinaysaa in aad sameeyso โxatooyo-cilmiyeedโ (Pligiarism). Ogoow Micorsof Word qaybtiisa โRefrence, Citation & Bibliographyโaad ayay kuu kaalmaynkartaa si aad u kaydiso xogta isha aad soo xigatay, si aad xigasho (Citation) u sameeysid.
๐๐ถ๐ถ๐ฟ๐ผ ๐๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ฎ: Iska ilaali in aad si toos ah u soo qaadato qoraal dheer. Qaab qoraalka noocan ah lama ogala xitaa haddii aad xustid isha aad ka soo xigatay. Waxaa meesha ka baxaya fikradaadii, naqdintaadii, ayโididaadii, isku bar-bar-dhigaagii, kala duwidaadii, doodaadii iyo soo koobiddaadii. Waxa aan kugula talinayaa in aad qoraalka aad aqriso oo aad fahanka guud soo koobtid adiga oo adeegsanay xirfad qoraal koobid iyo fikrad is-dhex galin ah.
- ๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐
๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐๐๐ ๐๐๐๐-๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐: (๐ง๐ฎ๐น๐ฎ๐ฑ๐ฎ ๐จ๐ด๐ ๐ฆ๐ฎ๐ฟ๐ฒ๐๐๐ฎ)
Inta badan warqaddaada waxaa guusha siin kara heerka aad falanqeysay xogta aad soo gudbineyso. Falanqaynta wanaagsani waxay qormadaadu ka dhigi doontaa mid toolmoon, tayo sare leh islamarkaana soo jiidata, dareenka akhristayaasheeda. Tani, waa waxa kala sooca qoraaga wanaagsan iyo qoraaga weyn! Habka qorista ee wanaagsan waxa ay koobsataa; hal-abuur, wargelin iyo feejignaan. Halka, nuxurka qoraaga weyni aan dhihi karno, waa mid soo jiidasho leh oo akhristayaasha ay rabaan inay mar kale akhriyaan. Si aad xogta u falanqayso, isticmaal xirfadaha: naqdinta-cilmiyaysan, ayโididaada,, isku bar-bar-dhigga, tilmaamidda kala duwanaanshaha, ka doodida fikirka, iyo soo koobiddaada. - ๐๐๐ ๐ ๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐:
Markaad is tiraahdo waad dhamaysay qoraalka, ka naso shaqada maalin ama labo. Kadibna kula soo noqo indho cusub iyo fir-fircooni horleh. Tani waxay kaa caawin kartaa in aad garato khaladaad ama macluumaad laga yaabo inaad si kale u seegtay markii hore. Xusuusnoow, waa sababta ay muhiim kuugu tahay inaad qoraalkaaga billowdo goor hore! Hubi in aad isticmaashay naxwaha saxda ah, xarakaynta ama astaameynta iyo higgaadda qoraalka. Dooro mid ka mid ah habka Tixraaca ee aad jeceshay, kedibna ku dabaq dhammaan qormadaada! Iska saar oraah kasta oo aan loo baahnayn ama aan wax ku biirineyn mowduuca qormadaada.
๐๐ถ๐ถ๐ฟ๐ผ ๐๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ฎ: Si fiican isaga fiiri in tirada ereyada qoraalka laguu diray XADIDAN yihiin iyo inkale. Waa kugula talinayaa in aad qoraakaaga ku soo koobid inta eray ee lagugu xadiday.
Haddii aad intaan ila soo gaartay, waa hubaa in aad rabtid ama ay kugu jirto rabid ah ka qayb galka tartankan, hadda maxaa sugaysaa, saaxib? Maantaba billow.
Qormadani kaliya ma dhiirigilinayso qofka raba ka qaybgalka tartankan ICRC-da ee waa talo-guud oo anfacays qofkastaa oo raba in uu sameeyo โCurisโ ama qoraal kooban oo ka hadlaya mowduuc qaas ah [Essay] sidaas oo kale qofkasta oo raba in uu qoro, Qormo abaal-marineed (An award-winning essay); fadlan, gaarsii saaxiib ama qofkii aad is leedahay waa ay anfacysaa. Aqoontu waxa ay ku bullaashaa in la wadaago!
Nasiib Wacan!