
Fiirada Dhigdhexada
Nuur Ileeye, Gusoor, 2024.
Dhigdhexadu waa dhextaasha Aqalsoomaaliga ee udubxoogga ay badhtamaha guriga iska qaniinaan. Waa dhig dhidban oo labadeeda cidhifba dhulka ku arooraan, waana ay gudban tahay oo qabaxa, loolka iyo udbahaba waa ay gooysaa. Waa goobalamood halbeegga xisaabta derejadeedu 180° tahay. Dhulka halkii ay ka bilaabmatay halkeeda kale ayey ku qayootaa. Ma doonayo in aan faalleeyo isu-ekaanta xarriiqaha mala’awaalka ah ee dhulka iyo xarriiqaha dhabta ah ee aqalka, hayeeshee waxaan rabaa in aan dhismaha dhigdhexada iyo dhismaha nolosha qofka isku tusmeeyo.
Aqoonta dhulcabbirka, tirida xaglabeegga waxa ay dhigdhexadu u dhigantaa nusgoobada–xagal toosan– miisaankeedu yahay 180°, taas oo curad u ah afarta xaglood ee Daacsan, Qumman, Fiiqan iyo toosan(nusgoobo). Iyaga oo 0° ka bilaabma waxa ay ku kala cabbirmaan: 45°(Fiiqan), 90°(Qumman), 135°(Daacsan) iyo 180°(Toosan–nusgoobo).

Afartaas cabbir ayeynu dhigtana ku miisaameynnaa innaga oo halbeeg ka dhiganaynna tirada caadiga ah–0,1,3,4,5– da’da waxa aynu ku jaangoynaynnaa celceliska guga qofka Soomaaliga ah kaas oo ah 80sano. Siddeetankaa gu waxa aynu u kala hormaynaynnaa labaatanlabaatan: 20–40–60–80. Xagasha 45° qofku waxa uu marayaa labaatanjirkiisa, xagasha 90° waxa uu moodayaa afartanjirkiisa, xagasha 135° waxa uu jarayaa lixdanjirkiisa, xagasha 180na waxa uu gudbayaa siddeetanjirkiisa. Tusmada cabbirka tirada haddii aynu isla garannay waxa aynu uga soconeynnaa xogta tamarta iyo taagta uu qofku u leeyahay koritaanka dhigta nolosha ee uu ku guudsocdo. Qofka aynu muunadda ka dhiganaynnaa waa mid cimrigiisa laastay, waxaadse ogaataa in dad badan oo qofba dhigta kob kaga sugnaa in midba wax wad looga soo dhigay oo uu ka waday halkii lagu ogaa.
Qofku marka uu dhasho waxa uu nolosha ka bilaabaa gunta dhigta oo cabbirkeedu yahay eber, waa marka uu ugu taagta daran yahay oo ma leh tamar iyo talo midna, sidaas oo kale bilowga dhigtu waa eber, waana meel ay adag tahay in laga koro. Markaas qofka waa la koriyaa oo la kobciyaa ilaa inta uu ka gaadhayo da’da labaatanaad, goortaas oo isaga laga rabo in uu kaalin galo. Sidaa si la mid ah muuqaalka dhigta xagasha 45aad waa meesha ugu sokaysa ee lagu dulsocon karo sida ay inoogu muuqato. Sidaas buu u socdaa isaga oo marba wax u kordhayaan ilaa uu ka gaadho guga 40naad ee cimrigiisa. Sida ay xagashu derejada 90° ugu qumman tahay ayaa qofkuna guga 40 ugu toosan yahay oo waa marka la odhan karo talo iyo tamar midna kuma yara. Intaas ka dibna hoos buu u hoobtaa tabta dhigta ilaa uu ka gaadho bartii uu ka fuulay dhigta barteeda kale, dabadeedna ka dhaco.
Fiiradan waxaa ku cad in noloshu ku bilatay goobo(eber) sida oo kalena ku gayoon doonto goobo. Waxaa kale oo laga dheehan karaa in ay tahay goobo badhkeed, badhkii kalena aan la ogeyn wax uu yahay, waayo waxa ay u taal haaf goobo(xagal toosan) goobada dhankeedii kalena ma muuqdo. Waxaa ku duugan fahanka in noloshu tahay lamagayaan aan la soo goobi karin maadaama nus dhani noqday dululaati sii hulan iyo haadaan madoow. Farshaxankan dhigaynta nolosha waxaa ka soo baxay ogaal ah in aysan nolosha gudaheeda ka jirin meel la hiigsado iyo hadaf dhab ah oo la soo afjaro. Duudka dhigta ayaa dadka qofba meel kaga sugan yahay isaga oo tiisu cuslaysay–haba kala dhibaato yaraadeene– sidaas awgeed nolosha korkeeda kama jirto guul jaango’an oo gaadhisteeda loo halgamaa. Cid walibase bartii ay rabto waa ay suntan kartaa iyada oo aan ku negaan doonin marka ay gaadho, waayo socdaalka dhigta waa lagu khasban yahay oo gugu ma nasto. Gabayaagii aragtiyahanka ahaa ee Maxamed Xaashi ‘Gaarriye’ isaga oo fiiradan si kooban u guudmaraya waxa uu yidhi:
“Giraangir wareegsan iyo
Dhig baa lagu guudsocdaa!”
Labada af ee dhigtu waa isku mid, si isku mid ah baa loo saloolan karaa ama looga siiban karaa. Labadaas af ee dhulka hubantila’aanta ku aroorayna waxa ay marag u noqon karaan jihala’aanta halbeegyada nolosha ee baqdin aawadeed dhexda lagu celceliyo, sida taladan “ha wada macaanaan si aan laguu liqin, hana wada qadhaadhaan si aan lagu tufin” oo waxaa maarada la bidayaa dhexyaalnimada. Halbeegyada isdiiddan ee nolosha midna jidkiisa laguma dhaco in lagu carceero ee waxaa la isku waaniyaa in aan la talax tegin, tabta safarka dhigtaba loo jecel yahay dhakada siman lagu warwareego oo aan labada af midna loo dululuban, si aan carrada loo cantuugin.
Dhigta aqalka inta dahsoon ee dhulka ku aroorsani waa udub aan lahayn jil–haragga lagu duubo dhigta guudkeeda– waxaa la yidhaahdaa ‘daba-udub’ waana iyada dhab ahaan waxa dhigta muuqata hayaa. Haddii aan laba meelood oo kala durugsan dhulka laga aroorin lahayn dhig waliba waxa ay ahaan kartey goobo oo labadeeda af waa ay isu imaan karaan. Qormadani waa ibafur iska tusaale ah oo ma aqoomaysna dib ayeynu se ka hannaanin doonaa, iyada oo laga eegayo dhinacyo badan. Kolley dhulku waa seeska jiraalka, isaga ayaa dhalay wax walba oo guudkiisa yaal, isaga ayeyna ku noqon doonaan ee ugu danbayn waxaa la jeedaalin doonaa tusmada dhigta inta aasan(daba-udbaha dhulka qodan) iyo nolosha inta dahsoon(180° ee lamakoobaanka ah) bal in ay isqaataan.
