Sheeko gaaban: Sed & Calaf.

Sheeko gaaban: Sed & Calaf.
Saahid D Saahid
April, 2024
……………..

Waa Hargeysa oo itaal yar oo u luudeysa sidii qof lug ka jabey ama laxaadkiisu naafoobeen. Waa xilli quruxdii magaaladu laheyd ay dhimatay. Waa xilli hantidii taalley la burburiyay. Waa xilli dhismayaasheedii la dumiyay, kuwa taaganina ay wada liiqliiqanayaan.
Waa ka dib burburkii dawladdii dhexe ee Soomaaliya iyo dharaartii uu joogsadey dagaalkii sokeeye. Waxa Maalmahaas Hargeysa ka hirgashey nabad la isku halleyn karo. Xaaladda magaalada rajo ayey yeelatay. Ifafaalo fiican iyo soo kabasho ayaa jirtay.

Waa bilowgii 1996kii. Dadkii ka qaxey magaalada ayaa maalin ba reer soo laabanayey. Bulshadaas baannu annaguna ka mid aheyn. Hargeysa waxaannu ka hayaanney markii ciidankii jabhaddu gudaha u soo galeen. Intaas waxaannu ku nooleyn xero qaxoonti oo ku taalley tuulo Hawd ah. Gaadhi weyn baannu ku soo guurnay. Buuro waaweyn badhtankooda ayaannu ka soo galney magaalada oo meel bannaan ku taalla. Gaadhigii ayaannu ka degnay iyadoo hooyadey rajaynnaysa inaannu waxbaranno. Run ahaan hooyadey weligeedba wax ay xiisayn jirtay inay aragto ubadkeeda oo heersare ka gaadhey aqoonta, jahligana ka xoroobay. Dabcanna si ay ubadkeedu sareedo ugu noolaadaan, qudheeduna u dareento sarreyn iyo weliba in libintayada lagaga sheekaysto tuuladii, haweenkii Hawd oo idilna ubadkooda ay uga sheekeeyaan. Runtii, waa sababta keliya ee safarkayaga ka danbeysay.

Xilligaas dadkii magaalada ku soo noqdey noloshoodu sagxadda ayey wada aheyd. Waxaa lagu noolaa saboolnimo. Lama kala sarreyn. Waa la iska wada war hayay oo la is wada yaqaanney. Dabadeed qunyar qunyar buu horumarkii noloshu u bilaabmay mar kale. Mar kale ayaa dhexda loo xidhay xoogsi. Wakhtigu wuu is daba socdaa e ninkii maalintaas jeeble yar noqdey hadda waa jeebwayne, ninkii maalintaas bacadle furtay, hadda balaayiin buu haystaa. Xilligaas jidadka gaadiid badani may mari jirin oo jaam muu jirin. Gaadiidka kooban ee soo maraa ardeyda ayey sii qaadi jireen.

                 2

Dawankii dugsiga ayaa la garaacey. Waxa la gaadhey xilligii rawaxaadda. Irridka fasalka ayaannu orod ku dhaafney annagoo u faraxsan sidii maxaabiis laga jabiyay qufulkii jeelka ku xidhnaa. Niyadsamaan baannu dareemaynay oo nagamay qasneyn, sababtoo ah maalmahaas ayaa lanaga beddelay magacii uulo uusbuur oo la noo bixiyay 2A. Dirayskii dugsiga ayaannu ku lebbisnayn. Gacmahana buugaagtaanu ku sidanay. Waa galab roob mahiigaan ahi da’ay. Garoon dugsiga u dhow dhallinyaro ayaa ku ciyaaraysay.
Waxaa ila socota Siraad oo aannu saaxiib aheyn. Run ahaan muddo badan baannu is naqaanney oo xilli hore ayaan bartey Siraad. Ugu horreyn xeryihii qaxoontiga ayaannu kuwada barbaarney, haddana oodwadaag baannu nahey oo guryahayagu dheegga ayey isku hayaan.
Annagoo dalandal ah ayaannu wada looli jirnay, marna legdami jirnay.

Ka sokow Siraad inay aheyd saaxiibbadey sidoo kale waa qofkii ugu horreeyay ee aan jeclaadey. Ardeyda fasalka oo dhan baa isu kaaya taqaanney.
Xilligii carruurnimada loolanka noloshu wuxuu ku koobnaa dugsiga gudihiisa oo keliya. Loolanka imtixaanka ee dugsiga libin baan la huleeli jiray laakiin yaa garan karayey inaan Siraad calaf u yeelan iyo in kale.
Sannad kasta ardeyga ugu sarreeya fasalka ayaan noqon jiray. Siraadna sidoo kale dhibco sare ayay ku gudbi jirtay. Hubaashii sababtaas anigaa lahaa. In ka badan inta aan ka werwero natiijada imtixaankeyga ayaan ka fikiri jiray natiijadeeda. Waxaan ka caawin jiray ka shaqeynta layliska casharrada, si joogtana ahna waan u dhiirrigalin jiray.
Maalmo badan ayaan danteyda u seegay, ama meel u raacey iyadoo jidkaasi keygii uusan aheyn laakiin Siraad darteed. Waxaan xusuustaa mar telefeeshin loo soo dhigay gurigooda. Dabadeed dhallinyaradu inay daawadaan koobkii adduunka ay guriga u iman jireen. Laakiin anigu keliya iyada inaan arko aan u iman jiray, inta ciyaartu socotana aan ilqoodha ka eegi jiray.
Marar badan ayaan ka fikiray inaan u sheego waxa qalbigeyga ku jira laakiin candhuufteyda ayaan dib u liqi jiray mar kasta.

                  3

Siraad aabbaheed shirkad dhismo ayuu yagleelay markii dalka lagu soo noqdey. Dabadeed qandaraasyo waaweyn ayuu qaatey. Tartiib tartiib ayey shirkaddiisii horumar u sameysay oo u kobocday.
Si kedis ah ayey qoyskii Siraad u noqdeen dad hodan ah. Mar keliya ayay dhiisii faqriga tuureen. Dabadeed mar qudha ayey ka guureen xaaafaddii.. oo si lama filaan ah dugsigii uga baxdey dib danbe na aysan cag u soo dhigin.
Si kastaba ha noqotee, Siraad sidaas buu wakhtigu isu kaaya seejiyay, oo aysan isoo hor joogsan annagoo aan isa sagootin jeerkaasna aan isa sii macasalaameyn.
Inkasta oo xilligii aanu dugsiga sare ku jirnay, maalin annagoo jidka lugaynayna aan si kedis ah isha ugu dhuftay Siraad oo saaran bas na dhaafey, iyadu se imay arkeyn. Hase ahaatee, waxaan raadiyaba muddo ka dib waxaan maqley inay dhoofeen giddigood.

Dabcan Siraad aabbaheed haddii uu hadh iyo habeen dhisayey saro dhaadheer—aniguna Siraad oo keliya ayaan ka fikirayey daqiiqad kasta oo nolosheyda ah.

Xilligii dhallinyaranimada ee aanu wada joognay si wadajir ah ayaannu u wada qosli jirnay, laakiin keligay baan ooyi jiray kolkaannu kala fogaanney. Waxaan u jeclaadey sidii inaysan weligeed iga fogaan doonin sida hooskeyga oo kale, oo xitaa ma suuraysan.

Inkasta oo muddo dheeri ka soo wareegtay haddana weli laabtayda ayaan ku hayaa.
Weli waan xusuustaa dhuuxeedii iftiimayey, dhexdeedii dhuubnayd, socodkeedii degganaa, sunniyaheedii higilka ahaa, sanqaroorkeedii shushubnaa,
Ilkaheedii sida cudbiga u caddaa..

Haddaba, maxaa ka xanuun badan inaad jeclaatid qof aanad helin nasiib aad kula noolaato ama qaddartu isu kiin qorin.

Shaki la’aan sida aan ugu fiicnaa waxbarashada—ugumaan sedroonayn jaceylka!

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *