WQ: Cabdishakuur Qodax
Amran
Qorraxdu intii ay ku taqaanney kulkeedii waxbaa ku siyaadey. In ay kaligeed ku tahay oo gooni loogu shiilayo kulaylkeeda iyo in dadku la qabo uma kala cadda. Awal mushkiladaha haddii lala qabo iyo haddii kale lur iyo liibaan toona kuma hayn, danteeda ayaa u caddeyd. Haddii maduxu xanuuno ama hargab ku dhaco, in dadkuba wada qabaan ma kala jeclayn, hadda se, kulaylka qorraxdu wax kale ayuu baday. Gurigan ay kaligeed deggan tahay waligeed lama aysan hadlin cidna. Shuuciyad aan dadka dabeecad fahmin ayey u yaqaannaan. Way ogtahay taas, dhib se kuma hayso. Marmar ayey ka fikirtaa sida ay u qalad fahmeen, haddana, markaba waxa ay ka soo noqotaa fikirkaas iyada oo isku sheegaysa in aysan muhiim ahayn sida dadku u arko iyada. Oo maxay kuu arki lahaayeen oo aan ahayn gabar kaligeed guri iskaabulo ku ah iyada oo qoyskeedu magaalada dhinac ka deggan yahay? Gabar kibir badan oo aamusan marwalbana danteeda ku hawlan ee aan dadka soo dhex galin? Intaas un bay kuu arki lahaayeen! Maalin ayey aad uga fikirtey dhabnimada waxa ay dadku ku sheegaan, waxayna garawsatey in aysan ahayn qof gooni ah, laakiin, dhabbaha lagu tago gooniyowga ay hayso, dadka in ay dabeecad fahamtana ay soo yaraaneyso.
Maanta iyada oo degdegsan ayey guriga timid. Furihii ay wadatey ayey boorsadeeda ka baartey. Waa boorso ay ku ridato waxa yaryar ee ay u baahato ee maalinlaha ay u isticmaasho; kiniin, rooseetto, qalinsunne, muraayada, iyo agab badan oo haweenku meesha ku gurtaan. Intaa ay furaha ka baareyso boorsada, fallaaraha cadceeddu waxa ay madaxeeda ugu dhacayaan si darandoorri ah oo naxariisdarro ula muuqata. “Aah, Alla Ilaahayoow, maxay tahay doqonnimadaan? Xaggeen kaga imid furahaygii” Ayey kor ugu qaylisay, iyada oo careysanna lugteeda midig dhulka ku garaacdsa. Qofku marka uu kulaalado, waxa ugu horreeya ee ay colloobaan waa maryihiisa iyo waxa kulaylka ku kordhiya ee uu kahdo. Wataa xijaabkii hiiftay ee hoos u yuustay. Wataa madaxa gacmaha saaratey ee ka fikirtey halka ay furaheedii kaga timid. “Alla Rabbiyoow, ma dib baan ugu noqon karaa meeshaan ka imid. Islaantii qumayada ahayd ee I jeedisey waaye, calaamo lagaa ifi, oo cirka lagaa nacdal. Habartaas baaban nacay araga xun, waligeed sidaas ayey u habaarneyd. Hadda intee ka doonaa, amaa xafiiskii la xirey. Allaa hooyooy, habaarkaan xaggee iga haystaa?” Ayey ku halaanhashay dabadeed albaabka halhaleel uga boodday.
Kuma niyadsama in ay heli doonto furaheedii, waayo, xafiiska ay ka shaqayso salaadda duhur haddii la addimo waa la xiraa. Waa u caado, marwalba oo ay codbaahiyaha masaajidka maqashana sidii oo ay xabsi ka baxayso ayey u faraxdaa. “Islaan lalama shaqaysan karo wallaahi. Qorrax kulaylkaan amaa haddana waayaa oo aan ku lug go’aa. Horta maxaa aniga ayaandarradaan iigu wacan? Saaka markaan baxayey waxaa iga lumay faylkii aan shalay dhan qorayey, laakiin, waxaan ku fiicnaa koobi ayaan ka reebtay. Markaa shaqada imidna waa kii Basbaas ii diray shaqada sidiisa u kulul, Ilaahay ku qabay, odaygaas baan nacayba. Asi horta ilma ma dhalin miyaa, arxandarradu xaggee uga timid? Laakiin, qof walba oo arxandaran kama dhigna in uusan waxba dhalin. Boqol wax dhashay ayaa ixsaan daran oo cadaw ah. Kolley waa kuwaase iga dhaaf. Xalay xitaa hurdo fiican ma seexan. Riyo xun ayaan ku riyooday. Alla foolxumaydaa! Horta wax walba oo aan hurdada damco in aan uga baxsado, maxay hurdada iigu yimaadaan? Habartii xumayd baa ii timid xalay. Naarta Alle ha ku geeyo. Maxaa I daba dhigay? Marwalba oo aan go’aansado in aan hurdo fiican seexdo, qofka qulbaa waa iyada. Maxaan ku sameeyey qumayada oo I daba dhigay. Siraadeeda ku lahaa, Ilaahay siraadka ha seejiyo dheh. Lacag aanan ka qaadan bay igu nabtey. Wallaahi qiyaamaha ayaan haystaa. Xalayna qof baad shirqooshay ayey lahayd, oo iyada oo middi ii lisaneysa oo layga hayo ayaan ku riyoonayey. Rafaad Alle ku bad. Duqdaas baan nacay.” Iyada oo iskula faqaysa ayey albaabka xafiiska soo gaartey.
Intaa gorodda ayey laalaadineysay e, mar kaliya ayey ku war heshay bulukeetiga ay ka tilaabsatey iyo rinjiga cagaarka ah ee xafiiska ku hor xardhan. Kor ayey u eegtay albaabka. “Xafiiska Horumarinta Dadka Baahiyaha Gaarka ah Qaba ee REJO.” Ayaa ku xardhan albaabka dushiisa. Rinjiga lagu qoray fartu waa nooc foolxun oo farshaxmeyste murugaysani qorey. Way ogayd galabkii lagu qorayey, waxayna arkeysay sida farshaxamaystuha foolkiisu u foolxumaa oo rejo xumadu uga muuqatay. Cabbaar ayey kor u eegtay, iyada oo ka fikireysa shaqada ay qabtaan iyo sida magucu u kala fog yahay. Inyar ka dib ayey gudaha u gashay xafiiska oo in la xiro ku dhow. Gasada xafiiska waxaa qotoma boorweyn oo ay rabeen in ay saaka ku qabtaan tababar, laakiin, nasiibxumo ciddii hawshaas fulin lahayd la waayey, maadaama lacagteedii la cunay.
“Yaab ayey dadkaan leeyihiin, maxaa masaakiinta loo nabaa oo magacooda loogu cunayaa xoolaha loogu talagalay. Dadkaan Ilaahay miyeysan aqoon. Maxaa xaaraanta ugu wacan. Kolla may xaaraan naf leh cunaan, maxaa dad nolosha ku cadiban xoolahooda ugu wacan! Waa tii la yiri; “Macal cune, muuqandoonee.” Wallaahi in xaaraantaasi ka soo baxayso. Oo maxay uga soo bixi wayday, sowkan Basbaas ubad la’aanta ah siduu shaqadan u qabteyba! Dee laakiin taasi ma ahan wax cuqubo ah! Waa cuqubo, Ilaahay ma raajiyo cuqubada. Abwaan Cabdi Gahayr sowkii lahaa; “Cuqubadu halkii lagu galay caw ku hurudaaye, Carruurtay ka laysaa ninkii caano baas dhama’e” waa waxa haysta Suubban. Waligeed gurigeedu ma damin intii ay hawshan qabaneysay. Magaceedii wanaagsanaa dadku xittaa nace, Sillan ayey u bixiyeen. Balaayo xaaraan idin daajisey, oo idin doorisay.”
Iyada oo sidaas u faqaysa ayuu garabka ka taabtey Xaad oo salaad u soo waysaysaytey. “Adeer Amran, maxaa ku soo celiyey?” Inta ay naxday sidii oo u yahay cod aysan filayn oo habeen gudcurku daahiisa rogay meel kayn ah uga yeeray ayey inta xabeeb tiratey, oo hogotay sidii oo uu indhaheeda eegayo tiri: “Adeer intii aanan bixin ayaan furahaygii uga tagay khaanaddaas. Markaan gurigii tagay ayaan ka waayey boorsadeydii, sidaas baa isoo celisay ee qorraxdaan kuma soo noqdeen.” Xaad waa nin jimidh yar oo gaaban, dhulkana u dhow, laakiin kaftan badan. Aad ayey isku ixtiraamaan, gabadhiisii Amran ee curadda ahna waa isku magac. “Adeer waa kan furahaagii, waxa ay ila tahay waxa ku haysta waa xasuus la’aantii aad maalmahaan ka sheeganeysay ee qaabka darneyd. Maalmahaan xaalkaagu ma fiicna e, bal adeer ii sheeg haddii dhibaato jirto, dad ehel ah oo isku garaabi kara ayaan nahay e.”
“May, may adeer waxba ma jiraan. Xalay ayaanan seexan oo hurdo la’aan ayaa igu dhacday. Mardanbe oo aan ladeyna riyo xun ayaan ka gam’i waayey. Laakiin waan nabad qabaa. Waxaan sheego waa danbi.” ayey ugu halcelisey iyada oo weli gorodda laalaadineysa oo quusteeda qosol aan dibnaha dhaafsaneyn ku qarineysa.
“Adeer Amran, qof weyn oo xis leh ayaan ahay. Waayaha badan ee aan u soo joogay ayaa ii sahlaya in aanan dabuubtaada sahashan. Adeer soo ma maqal “kor waayeel waa wada indho?” indhahaasi waa kuwa macnawi ah oo lagu akhrin karo dhacdooyinka daahsoon. Adeer waxaa la yiraahdaa; “nin waliba wixii dhibay, dhafoorkay ka muuqdaan.” Waa sababta aad gorodda u laalaadineysid ee aadan luqunta hoos ugu rogaysid. Adeer ma qoyska ayaad isku dhacdeen? Mise waxa aad nacday noloshaan maalmaheedu isku wada egyihiin? Maxaa kugu dhacay oo wajigaaga dooriyey.”
“Adeer Xaadoow, wax aan kaa qarinayo ma jiraan, wax walba sidii aad ku ogayd ee fooshaxumayd ayey ku socdaan. Waa se waayaha adduun e, laguma waarayo. Shalay baan dhakhtar u tagay. Dawooyin badan ayuu isoo qorey. Waa caadi adeer. Waa marxalad dhammaaneysa.” Intaas way ka afgobaadsaneysay in ay xaaladdeeda iyo lurka waayaha ee haysta uga warranto Xaad. Walow ay aqoonta casriga ah ee kasmanafeedda taqaanno, haddana, dhaqan Soomaali guun ah ayey qabatintey, sidaas ayeyna waayaheeda laabta ugu sidataa. Markii ay labadooduba ka soo baxeen albaabka ayuu Xaad dhanka masaajidka u dhaqaaqay, isaga oo ku celcelinaya; “Haddaad nolosha qawadaan, nabadgalee HAAJIRA.” Cabbaar ayey ka fikirtey erayga ugu danbeeya ee ay Xaad ka maqashay. “Haajira” ayey in door ah ku celcelisay sidii oo ay canjileyso ama eraygu uga dhigan yahay wax ay kari wayday oo ugu danbeyn ay ka lib keentay. “Halkee loo haajirayaa, ma degmo kale mise duni kale? Qofka ka baxsada nolosha ee dhammaadkeeda taga miyuu haajirey mise wuu baqay oo nolosha ayuu u babac dhigi waayey? Haddii aad haajirto, oo dhulka aad marwalba soo noloshu dhengaddeedii ma wadato, meel halkeer ahna kugu sugi mayso?” Way hakatey sidii oo ay qorraxdu ka qaboojisey fallaarihihii oo kale, haddana, waxa ay u luudday si qaab daran oo u muuqata in xubnaheedu cusleeyeen. Intaa maskaxdeeda ayey walwaaleysa sidii laxaadkeeda. Culays badan ayey ku qabtaa. Xubin ahaan uma cusla maskaxdu, laakiin su’aalaha iyo dareennada ku taagan ayaa ka dhigaya mid ay qaadi waydo. Culaysyada haysta ayey go’aansatey in ay iska dhinto. Qofku culayskiisa jireed wuxuu ku dhimi karaa in uu jimicsado, laakiin, kan maskaxda sidee ayaa lagu dhimaa? Miyaa la yareyn karaa su’aalaha badan ee aynaan u daafadda hayn? Soo qofku halkiisii dib uga bilaabi maayo haddii si yar oo sibiq ah su’aal ugu furto mawjado wada waydiimo ah? Waa mushkilada Insaanku xalkeeda weli helin, lana garaneyn waxa lagu maareyn lahaa!
Markii ay guriga albaabkiisa soo gaartey ayey aragtay isaga oo xiran. Cabbaar ayey garaacday, sidii oo ay meel fog dadka uga yeerayso. “Xoog u garaac, waa intaas oo ay hurdaan e” ayey iskula xanshaashaqday. Waa dhaqan Soomaali foolxun in dad hurda lagu sasiyo hurdada. Xoogaa markii ay garaacday ayaa laga furey. Ilmo yar ayaa ka furay. Waa ilmo arradka ka muuqda la moodo in muddo hore uu rejay noqday oo hooyadii dunida ka haajirtey. Gudaha ayey u gashay oo qolkeedii hadal la’aan abbaartey, iyada oo markan furihii su’aalaha badan u horseeday heshay. Markii ay albaabka istaagtay ayey Xadiyo oo albaabkeeda hor taagani la hadashay. “Naa maxaad isla waaleysaa oo aad albaabka u jabineysaa? Dhoocil xun oo dayro ah ayaad awalba ahayd e!”
Intaa ay guriga deggan tahay oo dhan Xadiyo waa laga eed sheeganayey, markanna in ay kalkeedii tahay ayey isku sheegtay. Inta ay eegmo quursi ah eegtay ayey qolkeeda halhaleel u gashay iyada oo aan ka dan ka galin warkeeda Markii ay xijaabkii iyo wixii ay kahaneysay tuurtay ayey kursi halkeer ah is wartey oo masarkii iska furtey, dabadeed timaheedii taakaddii haysay ka furtey. Waa timo gashaanti oo dhaashi leh. Muraayadda horteeda taalla ayey isku daawatey. Bilicda jirkeeda ayey u bogtay, sidii oo ay qof kale aragteyna cabbaar faalleysay. Qoorteeda dheer, cirridkeeda dhuxusha ah, wajigeeda dhuuban, dibnaheeda culayga ah, ilkaheeda cad ee birihu dib u hayaan, jirkeeda si walba dhexdhexaadka u ah iyo indhaheeduba waxa ay sababeen in ay cabbaar is daawato. Inyar ka dib ayey xasuusatey hadalkii ayeydeed ee ahaa in ay hooyadeed Xaawo u eg tahay. “Haa, hooyadaa iyo adiga waa laysku kiin soocayaa. Waa run hadalkii ayeydaa, labadiinna in laydin kala jeexay ayaad mooddaa.” Ayey hoos isku tiri, dabadeed xasuusatey in ay ballan dhakhtar ay berri lahayd, laba sano iyo bar ay ilkuhu u xirnaayeen berri ku egyahay. Waxa ay fileysay in ay berri shaqada fasax ka ahayd, waa se meel naar ah oo aan sinaba looga lug bixin, sidaasna joogto loo tago. Cabbaar ayey ka fikirtey shaqada Amran iyo sida qaabka daran ee ay dadka xaaraan-ku-naaxa ahi u maamulaan xoolaha loogu soo dhiibey dadka baahiyaha gaarka ah qaba. Dhab ahaan, cidda baahida gaarka qabta waa dadka maamulka ah, iyaga ayaana baahidooda gaarka ah ee hanti tabcashada ah ku fooggan oo marwalba dabada haya.
Galabta, labada buug ee miiska u saaran ee ay mid dhammeysay kan kalena ay damacsan tahay in ay isla fadhigan ku bilowdo waxa ay u dhaxaysiisey hees ay niyadeeda kaga nasineyso akhriskii badnaa. Maskaxdeedu weli waxa ay la xanuusaneysaa erayadii xanuunka lahaa ee ay sheekada ay akhrisay ku dhex aragtay. Weli waxa ay la sii yaaban tahay awoodda curineed ee Khaalid Xusayni ku qorey buuggiisa “A Thousands Splendid Suns.” Waxa ay jeclaan lahayd in ay mar hore nolosheeda akhrin lahayd. Markii ay dugsiga sare dhiganeysay, si ay gabar kaste ugula taliso. “Guurku wuu ku sugayaa, laakiin, waxbarashadu kuma sugayso, Laylaay.” Intaas ayey ku celcelisay. Way dhadhansatey, waxa u muuqday gabdho badan oo fahmi waayey arrintaas sida Salma Baddal oo degdeg ku guursatey, iyaga oo aan waxbarashada dhammeynna ka hartey. “Gabdhahaan waa la waalay wallaahi. Wax walba in lala maamulo ayey aqbaleen. Maxaa ku sugan haddii ay guurka dib dhigtaan, dhalinyaranimadoodana si fiican uga faa’iideystaan? Hooyooyinkeen haddii aysan helin fursad ay ku bartaan waxa ay na bareen, maxay noogu oggalaan waayeen in aanu maamulanno nolosheenna. Gabar wax baratey bulsho wax baratey waaye ayey dhahaan, haddana, iyaga ayaa ka hor istaaga waxbarashada oo oday iyo guur aysan rabin ku dirqiya. Sahro Daahir baan xasuustaa, Alle siday u dedaal badneydaa! Wax walba waxaa ku dheelay odaygii adeerkeed ahaa ee bixiyey. Beerka lagugu dhufay! Doorashadeeda ayuu afduubay. Wuxuu god galiyey wixii ay ku taamaysay ee rejo ahayd! Fiicnaan lahaydaa in ay doorashadeeda wax ka waydiiyaan, oo ka talogaliyaan! Oday Soomaali miyaa naag talo ka daya? Muxuu ka waydiin, soo qabkiisu ku jabi maayo! Naagi guri ama god ha kaaga jirto waaye taladiisu Ani maa warkaas yeelaa hee. Qabaa dhahdee, lafaha ha daataan, ani go’aankeega waa cad yahay”
Intii ay sidaa hoose iskula faqaysay ayey heestii shidatey. Waa Michael David oo ku caanbaxay magac-masraxeedkiisa Passenger. Hees ay jeceshahay oo “Let Her Go” la yiraahdo ayuu ku luuqaynayaa. Waligeed galabta ka hor aad uguma ay fiirsan heesta erayadeeda, si micno lehna uma ay dhagaysan. Mar kaliya ayaa bayd heesta ka mid ahi ka nixiyey; “Everything you touched, surely dies.-wax walba oo aad farsaartaa, way qarribmayaan.” Way naxday, waxay la noqotey In baydkani ku socdo iyada. Dib ayey ugu celisey, sidii oo aysan waligeed maqal. Waxa uu dib ugu celisay hadalkii Xadiyo maanta duhurkii ku tiri; “Awalba Dayro ayaad ahayd……”
Qofka Soomaaliga ah, xogtiisu ma qarsoona, taas ayaa keentay in ay ogaato Xadiyo xiriirka ka dhaxeeya iyada qoyskeeda. Qaabdhismeedka bulsheed ee Soomaalida ayaa keenay in qofku yeelan waayo xog u qarsoon isaga. Bulsho isku wada tiirsan, waxna u kala qarsooneyn in ay yihiin ayaa loo aaneeyaa. Qofka isku daya in uu iska ururiyo dadka, oo hawlahiisa la gaar noqdo, waxa lagu nacaa falkaas uu sameeyey, markaas ayaa tuhun caafimaadkiisa la galiyaa, sida in uu waashay ama shaki qabo oo dadka ka cararayo. Cabbaar ayey ka fikirtey sida qof qaangaar ah, go’aanaddiisana isagu dooranaya ku noqon karo dayro! “Ma in aad diidday doonista qoyska ayaad ku noqoneysaa dayro? Haddii taasi dhab tahay, hooyo waxa ay raacday aabbo iyada oo qoyskeedu diiddan yihiin! Waa doqonnimo inteeda la’eg in qof dhan noloshiisa u kharribo dad iyagu ku nool doonistooda” ayey iskula faqday oo fikirkeedii ku soo celisay halkii ay kala hiyi kacday!
Waxay ku fikirtey in ay iyana haajirto. Cabbaar ayey fikirkaas shiishay oo dhinac kasta ka eegtay. In la hijroodo maxaa keena? Waxyaabo isbiirsaday. Horta, nabigu muxuu “haajira” uga dan lahaa? Ma in dunida laga tago, mise, degelka aad qawadday laga dal doorsado? Kolley isagu degaanka ayuu ula jeeday, waana sababta keentay in ay asxaabtiisu tagaan degmooyin fogfog. Ka warran qof nolosha oo dhan qawaday, halkii ay doontaba ha taallee, xaggee isagu u haajirayaa? Ma aakhiro? Maya maya. War waxaasi waa doqonnimo! Nabigu wuxuu asxaabtiisa ugu boorriyey Hijrada in ay degaanka ka dheeraadaan, dhibkana ka fogaadaan. Dad badan oo hijrooday ayaa markiiba maskaxdeeda mashquulka ah culayska fikirka ku sii badiyey; Saamiyo maxaa eryadey, oo Liibiya iyo jidkaa dheer mariyey? Maxaa Yuusuf ku qasbey in uu Nayroobi miciinsado oo halkaas nolol cusub ka bilaabo? Maxaa Nuura iyo ciyaalkeedii ku ooday xeryaha qaxootiga ee Kenya? Iyada oo sidaa isku waydiineysa jawaabo ku soo dhammaanaya in dadkaasi hijroodeen ayey qudheeda is weydiisay sababta qolka cidlada ah kaligeed dhex dhigay? Waxa halkan ku dhigay waa in dareenkaagu iyo naftaadu xammili wayday wixii aabaha Dalmar ku dhaqmayey ee dulmiga u muuqday, ayey iskugu jawaabtey. Asalkaba, badi waalidka Soomaalidu waxa ay ilmahooda baraan oo u ogalaadaan wanaag walba, markii laga reebo in ay nafahooda u madax bannaanaadaan, go’aamada shakhsiga ah ee masiirkooda ahna iyagu gaaraan; waxaad arkeysa qof dhigta kulliyad uusan dooran, mid ka shaqeeya shaqo uusan ku qanacsaneyn, ku kale oo guursadey qof uusan dooran, waxaas oo dhanna u sameynaya waalidkiisa dartii! Mar waa la oran karaa waalidnimo ayaa dhalineysa in ay xumaanta ka hor istaagaan, qofkii falana la dayriyo, laakiin, marka ay tahay wax go’aan danbe iyo nolol shakhsi ah saameyn ku leh, kana baxsan xumaan qofku ku aayo seego, waxa aad mooddaa in badi waalidka Soomaalidu, sidii reer Yurub shirkii Baarliin ugu saxiixeen duminta aayaha Afrikaanka oo kale in ay ku yihiin midow u taagan duminta aayaha dhallaanka ay dhaleen.
Galabta si kasta oo ay iskula faqday waxa ay heli wayday jawaab aan ahayn in ay doorashadeeda halkan ku fadhido, sidaas oo ay tahayna waxa murjinaya ayaa ah waxa ka dhalanaya isla doorashadaas ay sameysay. Qoyskaagii lama hadli kartid, oo waxa aad kala tihiin shisheeye! Magaalada sidaa u wayn qof aad waayaha nacladan ka weheshatid ma jirto, Nimco ayaa u danbeysay, iyana waxa ay u baxday waxbarasho. Xaggee ayaad u ciirsataa oo u carartaa? Cidla ciirsi la’ ayaad cawayneysaa! Sidaas ayey iskula faqday oo socod u hollatey. Inta aysan kicin ayey xasuusatey ujeedka ay halkan u fadhiday oo ahayd in uu ahaa in ay maantaba bilowdo akhrinta buug kale, isla jeerkaas ayey haddana garawsatey in waxaan oo dhan ay galiyeen hees ay u dhaxaysiisey labadaas buug. Buuggaga horteeda yaalla ayey cabbaar daawatey, riyaaqna la muusootey. Nolosheeda wixii ugu mudnaa ee ay barato wuxuu ahaa wax akhrinta, waayo, sidii ay bilowgiiba fileysay waxa ay noolaatey nolol ka badan hal mar, taas oo ka dhigaysa mid shaqsiyado kala duwan la fadhiisatey, meelo kala duwanna u damaashaad tagtay.
Cabbaar ayey hareeraha dhugatey, iyada oo ka fikireysa markii ugu danbeysay ee ay halkan timaaddo. Waxa ay ahayd saddex bilood ka hor, galabtii iyada iyo aabaheed ay halkan keeneen ciyaal eedadeed dhashay. Galab Jimce ah ayey ahayd oo cimiladu huur ahayd, asii neecawda qabow ee xeebtu soo afuufeyso ayaa jawiga dabcineysay. In kasta oo ay dhowr mar timid halkan, haddana, sida ay u xasuusato galabtaas uma xasuusato galbaha kale. Maxay u xasuusan wayday galabtii iskugu danbeysay ee ay kala xarig furtaan iyada iyo aabaheed. Khilaafka qoys ee guriga aabaheed ka kaxeeyey waxa ka horreeyey mid hooyadeed iyo aabaheed ku kala tagi tageen dhowr mar. Iyada iyo Walaalkeed Guuleed ayaa muddo badan yabaqa iyo buuqa waalidkood u dulqaadaneyey. Galab ayuu Guuleed si lama filaan ah ugu raacay gaari magaalada Jigjiga isaga oo halkaas ka bilaabay nolol aan loo yeerin doonin! Dhacdada iyada iyo Guuleed ku koreen waxa ay xasuusisaa flimka “Into the wild(2007)” sida shakhsiyadaha walaalaha ee Carine iyo Christopher McCandless ee flimkaas ku jiraa ku koreen. Nolol rabshad ah oo eray miiran waxa ay saameyn ku yeelataa garaadka dhallaanka, taa badalkeed, ubadka Soomaalidu waxa ay la qabsadeen iyada oo waalidkood isu miisayaan aflagaado, ama, erayo kulul isku halgaadayaan, ama xitaa isku gacanqaadayaan, oo hooyadu masayr odayga u gubayso ama odaygu caro lafaheeda u jabinayo islaanta, taasi oo noqota utun aan ka harin ilmaha.
Inyar markii ay halkan fadhiday ayey dib u eegtay buuggii ay wadatey; waa Pride and Prejudice oo ay qortey Jane Austen qortey laba qarni ka hor. Waxba iyada oo aan baalashiisa kala furin ayey durba maskaxdeedu hor keentay sheekada “Qab iyo Quursi” oo uu qoray Cabdi Faarax Juxa. Cabbaar ayey faalleysay oo kaligeed is horkeentay dulucda sheekada iyo sida Koombe doorashooyinka aadka u daran u sameynayo; muxuu sameyn lahaa oo kale qof sida Juxa noloshu ku noqotey mid arxandaran oo tudhaale aan loo ogayn? Dee in uu haajiro! Inta ay maskaxdeeda ku rogrogaysay sheekada baalasheeda ayey hortimid gabadhii Soomaaliyeed ee iyada iyo ninkeedu ku galeen Jamhuuridda Jeegga tahriibka. Murugo aad u badan ayey sheekadaasi lahayd. Qof aan lahayn sawrac iyo wax dadku ku gartaan dalka ay ka soo jeeddo ayey Hodan ahayd. In ilmo labadeeda dhaban hoortey markii ay Hodan ku andacootey sida kaliya ee ay kuu muujin karto in ay Soomaaliyad tahay ay tahay gudniinka Fircooniga ah ee xubinteeda taranka lagu sameeyey ayey xasuusatey. Sidii oo ay maskaxdeedu sawirkaas hor keentay ayey mar kale ilmaysay, gacan qabowdayna ku masaxday wajigeeda. Qof dhan in “Identity Crisis/Sawrac-seeg” ku dhaco markii la waydiiyo qofka uu yahay ma ahan wax sahlan oo aayar laysku dhaafin karo. Waa xanuun aan laga soo waaqsan karin oo bulshada Soomaaliyeed si baahsan ugu faafey! Maxaa dalkooda ka kaxeeyey Hodan iyo Warfaa, foolxumada iyo gumaynta intaas la’egna gayeysiiyey? ayey is waydiisey. Nolosha ayey qawadeen, oo wax walba oo milgo lahaa ama ay u joogi kareen dalka ayey waayeen!
Iyada oo sidaas u lafagureysa qaddiyado sidaa u tirabadan ayey iskaga kacday halkii ay fadhiday oo socod u hollatey. Waxba ha akhrin ee nafis ayey hoos isku tiri, sidaasna cabbaar ku lugaysay xeebta. Waxba kama ay fikireyn, iyada oo indhaheeduna sidii qof quus ah hoos eegayeen ayey dhagaheeda la raacday hees ay taqaanno, haddana, erayadeeda ay soo dhufan la’dahay. In ay tahay qofka heesayaa Caashe Cige garatey. Saanta ayey gaabisay. Waxyar kadibna heestii ayaa soo gaartey:
“Qarka goollanhay¹ iyo
Sida qoorrigoo kale
Arrin laba quruumood
Qalabkay isku haystaa
Oo guurti qaaddiyo
Guddi qaybsha loo direy
Iyagoon gartii qalin
Haddii ay si qaabdaran
Qalin ugu saxiixaan
Qalalaase mooyee
Nabad laguma qaatee…
***
Qotodheere xaajadu
Hilba qarad la’ weeyoo
Qof dhan baad I moodee
Qalbiguye waxay maqan
Qasnadihii jirkeygee,
Ma qumaniye hay bixin…”
Way u sii dhegtaagtay iyada oo gabi ahaanba illowday in ay soconeysay, sidaasna ku joojisey socodkii…
“Qormad iyo rugtiisii
Nin qasaare gaaroo
Laga qaaday geelii
Oo qaylo doon ahi
Qorigiyo hubkiisii
Qolo kale ma siiyaa
Nafta shay ku qaaliya
Quus geeriyeed iyo
Wadka qariya mooyee
Qasab loogu diidaa
Qancis maw ahaadaa..
…
Qotodheere xaajadu
Hilba qarad la’ weeyoo
Qof dhan baad I moodee
Qalbiguye waxay maqan
Qasnadihii jirkeygee, Aabbe
Ma qumaniye hay bixin…”
Cabbaar ayey ka sii fikirtey in qof xaalka labteeda og u xulay heestan ay galabta dhagaysaneyso, waxa ay se xaqiiqsatey in ay iskubeegmeen labada xaalad. Xaaladda guurkeeda laba geesoodka ee iyada iyo qoyskeeda ah iyo waxa ay isku dhererisay tan heesta baydkeeda koowaad ka hadlayo ee ku hadlaysa sidii Siiriya looga qaaday buuraha Goolan ee Israa’iil u qabsatey, iyo sida guddigii garta niqi lahaa uga xagliyeen Siiriya. Guurku waa heshiis laba dhinac ahe, haddii aadan adigu dooneyn, maxaa qasab looga dhigayaa, ninka aadan dooneyna dhiniciisa lagaaga xigsanayaa? Inta aysan isku jawaabin ayey haddana baydka ku xiga ku sifeysay xaalkeeda. Nin wixii uu hanti adduun lahaa laga dhacay, tol iyo taageeradiina u baahan, hub wixii uu lahaa cid kale ma siiyaa, si ay ugu dagaal ama ugaarsi tagto, tiisana ma illoobaa? Waa maya! Ayey iskugu jawaabtey, dabadeedna qirtay qofka waxa ku qaaliga ah ee uu haysto kaliya dhimasho kaga samri karo, si kasta oo loo muquuniyana mar uun uu helayo wixii laga qaadey. Horta In aad qaraabo tihiin, odayga dhalay Salmaanna ay aabo saaxiib ahaayeen waligood miyaa lagaaga xigsadey? Hooyadaa go’aankeedu muxuu yahay? Muxuu noqon lahaa, waligeedba iyadu ma iyadaa go’aan lahayd! Dhowr jeer oo aad iskuqabteen aabbo arrin mustaqbalkaaga ah, sidii bixitaankaagii jaamacadda waa tii sida quusta leh u tiri, “Aabahaa warkiisa maqal..” Murug badanaa! Intee u ciirsadaa? Adeerkaa ayaa la hadli lahaa aabbe, isna dhimay! Haddaba, sababta nin kale loogu xaglinayaa waa in aad xorriyadaada lagaa qaado, taasna geeri ayaad ka xigtaa ayey hoos isku tiri, socodkeediina sii wadatey.
Markii ay rubuc saac halkaas joogtay ayey go’aan ku gaartey in ay gurigeeda tagto, sidaasna maalin hoog ah oo su’aalo badan ku dhammeyso. Dhowr shaqo oo u taalley ayey sii qorsheysay marba xilliga ay qaban lahayd. Jaamacad ay codsatey oo u soo jawaabtey, shaqo ay dhammeysay oo ay gudbin lahayd iyo dhowr wax oo kale ayey cabbaar qorsheysay, intaa kadibna ku boodday Bajaaj gurigeedi gaysa. Intaa ay sii saarneyd waxa ay buug yare ay lahayd ku qoreysay erayaddii ugu danbeeyey ee heesta, Markii ay wadada Fiya Rooma marayaan ayaa darawalkii bajaajtu damcay in uu dhaafo baabuur la baarayo. Durba askari ayaa joojiyey, isna wuu ka dhaga’adaygay amarka askariga, iskuna dayey in uu xoog ku dhaafo, isaga oo ku andacoonaya in wax laga baaro uusan sidan. Waa la joojiyey, waxaase is af-dhaafay askarigii iyo darawalkii, dabadeedna waxa uu soo furey rasaas, waxa uu sidaa ku malgay naftiisa iyo tii gabadha, halkaas ayeyna labadoodii oo mayd ah laga qaaday. Sidaas ayey ku dhimatey Amran iyada oo ay ahayd farriintii ugu danbeysay ee ay ifka kaga tagtay:
“Qalbiguye waxay maqan.
Qasnadihii jirkeygee,
Aabbe
Ma qumaniye hay bixin.”
¹Goolanhay; Golan heights waa gobal buuraley ah oo Israa’iil lagu tiriyo, laakiin ay ka qabsatey Siiriya, bed ahaan wuxuu dhan yahay qiyaas ahaan 1,800 km².