WQ: Ciise Xaaji cali
Ruusoow iyo Xorriyadda
“Aadanuhu asiga oo xor ah ayuu dhashay, haddana meel walbaahi waa silsilladeysan yahay” Hilaaddii 1762, Feylasoofkii reer Swiitsaslaan (Switzerland), Ruusoow ayaa cutubka 1-aad ee buuggiisii “Hishiiska Bulshada” (The social contract), waxaa uu ku ibafurtay oraahda caanka ah “Aadanuhu asiga oo xur ah ayuu dhashay, haddana meel walbaahi waa silsilladeysan yahay.”
Waa oraah si qotadheer kaga hadleysa dabiicadda xorriyadda, iyo xadka awoodeed ee dowladda, Ruusoow waxaa uu ku doodayaa in bini’aadamku ay ku dhashaan madaxbannaani, se ay lumiyaan kolka ay bulshada qeyb ka noqdaan. Waxaa uu leeyahay, “Qofku marki uu bulshada ku biiro waxaa uu addoon u noqonayaa dhaqanka, iyo caadooyinka bulshadaa, iyo sharuucda uu waddanku leeyahay, taa oo xadeyneysa xorriyaddi uu qofku ku dhashay, ama ba aynu dhahno ka qaaadeysa qeyb ka mid ah xorriyaddii dhameeska aheyd ee uu ku dhashay”
Sidoo kale, Ruusoow waxaa uu ku doodayaa in qofku xorriyadda uu ku dhashey ay saameyn kuu yeelanayaan shaqsiyaad, hanti, iyo saameyn ba leh, taas oo qofka ku qasbi doonta in uu ka tanaasulo qeyb ka mid xorriyaddiisii.
Ruusoow, aragtidiisa xorriyadda, waxaa uu ku difaacayaa, xorriyadda miitafiisikeed ee shaqsiga ah, asiga oo ka difaacaya awoodaha siyaasiga ah (Dowladda), iyo kuwa bulsheed (dhaqanka, iyo caadooyinka), kuwaas oo duullaan ku ah xorriyadda qofeed, doonayana in ay hoos u dhigaan doonista shaqsiga ah ee uu qofku leeyahay, iyo xorriyaddii uu ku dhashay, waxaana uu leeyahay ”In aynnu ka tanaasulno xorriyaddayada, waxaa ay ka dhigan tahay annaga oo ka tanaasulnay qiimihii aadannimo, iyo dhammaan xuquuqihii, aan laheyn”
Waxaa uu na qabaa in xorriyaddu muhiim u tahay dabiicadda aadanaha, sidoo kale waxaa uu qabaa in uumiyuhu dabiicad ahaan ba isu taliyo, oo madax bannaanyahy, dariiqo kasta oo xornimada loo ga xayuubinayo aadanahanna ay ku hoggaamin doonto in uu lumiyo insaannimadiisa.! Doodda Ruusoow waxaa ay ku dhisan tahay fikradda ah in xorriyaddu aanay kaliya ahayn maqnaanta xannibaad xorriyadeed, se, waxaa uu qabaa in xorriyaddu ay tahay “awood aynu ku dooran karno rabitaankeenna nololeed, iyada oo loo eegayo qiyamkeenna, iyo doonisteenna. Haddii aynnu ka taanaasulnno xorriyaddeenna waxaa aynnu luminneynnaa awooddii aynu doonisteenna ku dooran laheyn, waxaana kolkaa addoon u noqonneynaa qof, ama waxyaabo (material things)”
Xaaladdaa aynu addoonnimada ku jirnana waxeynnu waayi doonnaa xuquudeennii, wixii intaa ka danbeeyana ma yeelan doonno wax doorasho ah.
Xorriyadda iyo dowladda
Ruusoow waxaa uu qabaa in xilligii (STATE OF NATURE), Xorriyadda qofku ay dhammeys aheyd, laba sabbood darteed
1. In qofku uu jir ahaan xor ahaa maxaa yeelay waqtigaas ma jirin nidaam dowli ah oo xirayayay, ama xayirayay qofka.
2.Qofku, nafsiyan, iyo ruux ahaan ba uu ahaa mid xor ah, maxaa yeelay qofku xilligaas addoon u ma uu san aheyn baahida macmalka, ee haatan bulshada casriga la daalaa dhaceyso.
Ruusoow waxaa uu aaminsanaa in dowladda wanaagsani ay ilaaliso xorriyadda dhammaan muwaadiniinteeda. Buuggiisa (hishiiska bulshada ) waxaa uu is ku dayayaa in uu sawiro nuuc dowladeed oo ilaalin karto xorriyadda shakhsiga ah ee dhammaan muwaadinniinteeda, sidoo kale marki la joogo dowladda casriga waxaa uu qabaa in ay jiraan waxyaabo dhibaato ku ah Xorriyada. Waxaa uu tusaale ahaan, u soo qaadanayaa, HANTIDA, IYO SHARCIGA. Ruusoow waxaa uu qabaa in labaduba ay lagama maarmaan u yihiin difaaca xuquuqda shakhsiga ah, isla jeerkaana ay xaddidaan oo ay caqabad ku yiihiin, haddaba Ruusoowa waxaa uu leeyahay sida kaliya ee lagu dheelitirikaro awoodda dowladda, iyo xorriyadda shakhsiga ah in ay tahay ” HISHIIS BULSHO”, waxa uu qabaa in muwaadiniintu ay ka tanaasulaan in ka mid ah xorriyaddooda si ay dowladda u difaacdo hantidooda, dhanka kalenna dawladdu ka shaqayso danaha muwaadinniinteeda.
Tixraac.
Rousseau, J. -J. (2004). The social contract. penguin books.
https://www.sparknotes.com/philosophy/rousseau/themes/
Lssing, A. (1966). ‘Man is Freedom:’a Critical Study of the Conception of Human Freedom Inthe Philosophies of Martin Heidegger and Jean-Paul Sartre (Doctoral dissertation, Tulane University, Graduate Program in Biomedical Sciences).
W/Q: Issa Haji Ali
