
Qoraa iyo turjumaan xiiseeya fanka iyo suugaanta.
8-film oo ay jeclaysan doonaan mucaashaqiinta buugaagtu

Caafimaadka, qaanuunka, ganacsiga iyo injineeriyaddu waa maaddooyin milgo leh oo lama-huraan u ah sii socodka nolosha. Balse maansada, quruxda, roomaansiga iyo jaceylku; kuwani waa waxa aynnu u noolnahay ee macnaha iyo dhadhanka u yeelaya jiritaankeenna.”
—Dead Poets Society
Buugaagta iyo shineemadu waa laba majaal oo aad isugu dhafan isla jeer kaasna hoos yimaada fanka. Waa ay yar tahay in aad la kulanto qof ku falan akhriska buugaagta oo aan sidoo kale xiiso iyo jaceyl u qabin shineemada iyo aflaanta—ama taas lidkeeda. Qoraalkaan waxaan ku soo qaadan doonnaa xul 8 filin ka kooban oo aan ku rejo weynahay marka ay daawadaan in ay aad u caashaqi doonaan dadka akhriska iyo buugaagta sida weyn u xiiseeya. Siyaabaha ay 8-daan filin u la xiriiraan buugaagta ayaa noqon kara; in filmka laga sameeyay buug horay loo qoray (book adaptation), ama in filinku yahay mid ku salaysan nolosha shaqsiyaad run ah ama khayaal ah oo isugu jira dad buugaagta iyo suugaanta aad u xiiseeya, qoraayaal iyo shaqsiyaad ka shaqeeya maktabadaha iyo goobaha buugaagta lagu iibiyo.
1. You’ve got an email (1998)
Nin leh dukaan weyn oo buugaagta iibiya iyo gabar iyana leh dukaan yar oo buugaagta iibiya ayaa waxaa dhex maraya tartan ganacsi oo ay isku colaadiyaan. Laakin dhanka kale iyaga oo aan war u isku hayn ayay internetka ku wada sheekeystaan, xiriir jaceyl ayaana dhex maraya. Tom Hanks iyo Meg Ryan ayaa hoggaanka u haya sheekadaan
2. Midnight in Paris (2012)
Gil iyo gabar u rahman ayaa safar dalxiis ku jooga magaalada Paris. Gil oo doonaya in uu dhammeystiro qorista buug sheekofaneed ah oo qabyo ka ah ayaa habeenkii si dahsoon amminta—tagtada dib ugu socdaala, wuxuuna habeen kasta la kulmaa dad dunida caan ka ahaan jiray oo isugu jira aslayaal iyo qoraayaal waaweyn sida: Ernest Hemingway, F. Scott. Fitzgerald, Pablo Picasso, Dali iqk. Waa mid kamid ah waxsoosaaradii la mahdiyay ee Woody.
3. The bookshop (2017)
Florence Green oo ah haweenay maanfuran, oo seygeedii dhowaan ka geeriyooday ayaa bookshop aan noociisa horay loo arag waxay ka furaysaa tuulo yar oo hurudda (densan) oo Ingiriiska ku taal. Florence waxay soo jiidanaysa indhaha iyo naceybka shaqsiyaad xunxun oo tuulada caan ka ah, cadaawad darranna u qaadaya, deetana dibindaabyo u maleegaya. Waa filim xiiso badan, sidoo kalena aad ugu dhex tegi doonta buugaag badan oo dunida akhriska caan ka ah iyo akhristayaal ku mamman.
4. 84, Charing Cross Road (1987)
Xiriir qotodheer oo saaxiibtinimo ayaa dhex maraya Helena Hanff oo New York dhambaalo warqado ah uga soo dirta Frank Doel (Anthony Hopkins) oo ah maamulaha dukaan weyn oo buugaagta iibiya—si ay uga sheekeystaan iskuna waydiiyaan xogo ku saabsan buugaagta dunida iyo weliba daabacaadaha naadirka ah ee buugaagta qaar. Waa filim aad ku baran doonta magacyada buugaag xul iyo suugaan dhaxalgal oo ku xiiso gelin doona.
5. Genius (2016)
Filmkaan waxaa uu ku salaysan yahay wax kamid ah noloshii Maxwell Perkins, oo ahaa tifaftire buugeed oo caan ah, welibana ahaa ninkii soo shaac bixiyay qoraayaal waaweyn oo ay ugu horreeyaan Hemingway, Thomas Wolfe iyo Fitsgerald iyo qaar kale.
6. Dead poets society (1989)
Waa film uu sameeyay Peter Weir. Iskuul wiilasha u gaar ah oo ay dhigtaan arday ka soo jeeda qoysas hodan ah, ayaa waxaa imaanaya John Keating (Robbin Williams) oo ah macallin ka duwan macallimiintii ay la qabsadeen oo luuqadda Ingiriiska u dhigi doona. Isaga oo adeegsanaya awoodda gabayga iyo suugaanta ayuu wuxuu beddelayaa habfekerkii iyo nolol-araggii ardayda, wuxuuna ku dhiirra gelinayaa in ay ka tillaabaan xeerarka iskuulka iyo kan bulshada, islamarkaana ay jeexdaan waddo u gaar ah, noloshoodana ka dhigaan mid xiiso badan oo aan caadi ahayn.
7. Martin Eden (2019)
Qoraa da’yar ayaa jeclaanaya gabar ka dhalatay qoys maalqabeen ah oo ilbax ah. Martin Eden wuxuu la kulmayaa quursi iyo diidmo, maadaama uu yahay nin ka tirsan dabaqadda hoose ee saboolka ah. Intaa kaddib wuxuu gelayaa halgan dheer oo wax-isbarid ah si uu naftiisa iyo aqoontiis u dhiso, riyadiisa qoraanimana u rumeeyo, gabadhii uu jeclayna u helo.
8. The words (2012)
Qoraa la daalacayay in uu noofal qoro ayaa marka dambe meel ka helaya buug qadiimi ah oo boorso ku jira, buuggii ayuu xadayaa oo faafinayaa, markii ay caannimadiisu cirka isku shareerto ayaa waxaa soo baxaya ninkii lahaa buugga uu xaday.. sheekaduna weji kale ayay yeelanaysaa.

Qoraa iyo turjumaan xiiseeya fanka iyo suugaanta.
Waan hubaa hoggaanka filimada isku xidha akhriska iyo shaneemada waxaa u haya “Dead Poet Society”.