Soo-koobid buugga: The Lessons Of History

Waxaa qoray: Ilyaas Maxamed Diiriye

Nuxurka buugga; The Lessons Of History

Buugga the Lessons of History waa dulmar guud oo ku saabsan taariikhda iyo sooyaalka bini’aadamka, taas oo ku dhawaad 2500 sano u danbeeysay ee taarikhdaas la diwaan galiyay. Waxaa buugga qoray Will Durant iyo xaaskiisa Ariel Durant oo labaduba ahaa taarikhyahanno waxbadan ka qoray ummadihii hore iyo noloshooda.

Qoraaga Will Durant waxuu horey u qory taxanaha “The Story of Civilization” kaa oo tixraac u ah qof walbo oo rabo inuu taariikhda ummadihii hore iyo dhaqankooda wax ka ogaado, halka buug yarahanna uu soo koobaayo taxanahaan iyo cashirada laga baran karo, iyo guud ahaan cashirada laga kororsan karo taariikhda ummadihii hore kuwa ugu mudan.

Deegaanka lagu nool yahay ayaa qaabeeya horumarka iyo sara u kaca ummadaha, balse horumarada dhanka teknoolajiyadda waxay hoos u dhigtaa muhiimada deegaanka.

Deegaanka waa muhiim marka aynu rabno inaynu ka hadalno horumarka iyo kobaca magaalowga. Ma isweydiisay magaalada aad dagen tahay halka ay ku taal? Ma dhul xeebeed baa? Ma buuro ayaa ku hareeraysan?  Mise webi ayaa mara? Su’aalahani oo dhan waxay ina tusayaan muhiimadda deegaanka.

Haddaan tusaalayooyin usoo qaadanno, xadaaraadaha ugu horreeyeay aduunka waxay ka billowdeen wabiga jinkiisa, sida Faraacinada hore boqortooyadooda waxay ka aasaasantay wabiga Nile agagaarkiisa, xadaaradahii ka jiray Ciraaq iyagana  waxay ku teedsanaayeen inta u dhaxeyso labada wabi ee Dijla iyo Furaat, halka magaalawga China ka bilaabmay ay qeyb ka qaateen kobacooda labada webi ee kala ah Yangetz iyo Yellow River. Dhamaan tusaalayaashan waxay ina tusayaan muhiimadda deegaanka leeyahay, waayo dhamaan goobahan waa dhul barwaaqeysan, carro madow, wabiyana leh. Sidaa daraadeed dadkan waa ay ka fursado badanaayen kuwa dega dhulka aan wax lagu intifaaco laheen ee saxaraha ah.

Arrintan iyadoo jirto, hadanne bay’ada mararka qaar waxay halis ku keeni kartaa jiritaanka ummadaha, tusaale xadaardaha qaar waxaa saameeyay cimiladda sida inay u burburaan roob la’aan darteed. Tusaale ahaan, ilbaxnimada ka jirtay bartamaha Eeshiya, waxa ay lidkeeda ku dhacday bartamaha qaaradda Ameerika kuwa ku yiilay, kadib roobabka oo aad ugu batay, kuwaas oo sabab u noqday in kaymaha ay soo galaan dhulkii ay degenaayen.

Saameynta deegaanka waxa yareeyay waa horumarka ku yimid tiknoolajiyada, horumarkan waxuu fududeeyay in badeecadaha si xowli ah u kala gooshaan. Maadaama waagii hore ay adkeyd isku socdka ayaa hadda diyaaradha, maraakiibta, iyo tareenadda waxa ay yareeyeen saameynta deegaanka ku leeyahay horumarka bulshayooyinka kala duwan.

Tusaale ahaan, waagii hore ingiriiska iyo faransiiska ayaa ahaa quwadaha aduunka ugu xoogan taasina waxa ay ka caawisay; waa inay ahaayeen awood badeed ixtikaar ku haysta ganacsiga caalamiga ah, balse horumaka dhanka teknoolajiyada waxuu sababay in wadamadda qaar sida Russia, Brazil, iyo India ay kula tartamaan saaxadda caalamiga. Quwadahan ka gadaal hindisidda aaladahan ayaa fududeeyay kala gooshida baddeecadaha iyo fikradaha.

Nolasha aduun gabigeed-ba waa tartan, loomana wada sinna.

Taariikhda waxa ay ina tusaysaa in nolashu gabigeedba ay tartan tahay, waxa loo tartamaana waa; cuntada, hoyga, iyo labiska aan xiran lahayn, waan mid ku salaysan dabeecaddena. Marka keliye ee aan is caawinno waa marka dan inoogu jirto ama ajar aan ka heleyno, marwalba oo la tartamo waxaa jira guulayste iyo laga guulayste, nolashana waxa ay u hiilisaa insaanka la yimaado asbaabta guusha, waana sababta uu Durant ugu doodaayo, in marna sinnaan toos ah xaqiiqo noqon karin.

Qoraagu waxuu tusaale usoo qaadanayaa labadan fikrad ee kala ah sinnaanta(equality) iyo xorriyadda(freedom). Waxa uu aaminsayahay in labadan fikrad aysan is qaadan karin, sabbatuna waa in xorriyadda dhameystiran waxa laga dhaxlayo ay tahay ku takrifal iyo sinnaan la’aan ay ku dhaqaaqan koox yar sida in shariixadda ugu sareeysa bulshada ee kulmisa awood, aqoon iyo xirfad maaliyadeed ay isku koobaan ilaha dhaqaale, sidaasna ay sinaantu ku yaraato.

Arrintan waxa ay dhacday qarnigii 19aad kadib markii ay dawladaha Ingiriiska iyo Maraykanka qaateen go’aan ah in yareeyaan faragelinta ay suuqyada ku hayaan, waxaana siyaasadan loo yiqiinay Laissez-Faire, ugu danbeyna waxaa laga dhaxlay sinnaan la’aan xad dhaaf ah.

Sidoo kale hadii la dhaho sinnaanta xoogga hala saaro waxaa dhacayso in dad badan oo hibo iyo currin leh ay la kulmaan caqabdo, waayo; ma helayaan taakulayn gaar ah oo ka caawineysa inay meel sare gaaraan, maadaame arrintan loo arkayo u eexasho liddi ku ah sinnaanta jirta, waxa uu qoraagu soo jeedinayaa in xalka meel dhaxe laga raadiyo.

Shakhsiyadeena, akhlaaqda iyo dhaqamadeena waxaa qaabeeyo goorta(time) iyo goobta(space) aynu ku noolnahay.

Deegaanka aan ku noolnahay marba si ayuu u saameeyaa shakhsiyadeena iyo dhaqamadeena, balse waxa keliya ee aan  is baddelin, kumaankan sano aynu jirnay, waa dhaqankeena ah; helidda cunno iyo hooy. Waxaa ina soo maray isbedallo kala duwan; mid dhaqaale, bulsho, iyo dhaqan, ayada oo isbeddelka dhanka dhaqanka uu yahay mid aad u muhiim ah, isla markaana saameyn togan iyo mid taban ku leh bulshada.

Dhaqanka waa isku xiraha bulshadda waxa uu ku samaysmo waa in qof ama koox ay la timaado af-garasho ama fikrad cusub taas oo ugu danbeyn la wada qaato, sidaasna uu ku abuurmo dhaqan oo ay bulsho dhan xanbaarsan tahay. Xeyndaabka anshaxa insaanka waxuu soo maray isbedallo badan, seddexdan isbeddel ayaana ugu muhiimsan:

  1. Waagii Ugaarsatada: raga waxaa saarnayd masuuliyad ah inay qoyska difaacaan una soo ugaaraan, markaa waxaa dhaqan ahaa in raggu guursadaan dumar badan, maadaame tirada ragga ka yareyd tan dumarka. Sababa la xiriira dagaallada faraha badan ee waagaa jiray, danbiyadda qaar sida dhaca, cunfiga iyo xatooyada waxa ay ahaayeen caado raali laga wada yahay maadaama badbaadada nafta ay ku xirnayd in qof walbo sameeyo ficilka ka caawinayo arrintan.
  2. Waagii beeralayda: Waxaa dhaqan ahaa in ninka raga hal xaas guursado, iskaashigana xoogga la saaro si shaqooyinka loo wada qeybsado is maandhaafkana u yaraado. Waxaa sidoo kale xeer ahaa in ilmaha aabahood ka danbeeyaan, beertana kala shaqeeyaan, wax-soo-saarka, nidaamka, iyo ka shaqeeynta nabada ayaa ahaa muhiimadda kowaad.
  3. Waagii kacaanka warshadaha: anshaxa iyo dhaqanka isbeddel ayaa ku yimid kadib horumarka laga sameeyay tiknoolajiyadda, waxaana ka dhashay waxyaabo badan sida; tirada qoyska ka koobanyahay oo aad u yaraaday, dhaqanka kelinimada oo la wada qaatay, dhalaankana hannaakii guurkii hore waa ay ka leexdeen iyagoo u jeestay dhanka kan casriga ah ee furan(free love).

Diimaha waa udub dhaxaadka nidaamayada nolosha aadanaha

Diimaha waa xariga isku hayo bulshayooyinka, waayo, ma jiro aadane noolaan karo isaga oo aan lahayn rumaysin ama aaminaad uu u saariyo noloshiisa guud iyo waxuu u hamuun qabo. Durrant waxuu leeyahay; diinta waa sida biyaha oo kale ayay insaanka lagama maar-maan ugu tahay, tusaale waxuu usoo qaadanayaa kaniisada Catholic-ga, iyadoo la ogyahay in kaniisadan lumisay fariintii ay u istaagtay, marar badanne kasoo horjeesatay horumarada qaaradda Yurub ka dhacay iyo waxbarashada ay faafinayso, sida xornimo siinta dadka la adoonsado, hadane illaa hadda waxaa ku xiran kaniisadan dadyow fara-badan, sabatuna waa in mu’assasadaan ay buuxisay firaaq ama kalinimo dhanka caqiidada ah oo ay dadkani dareemayan.

Muhiimada diimuhu u leeyihin xadaaraadaha waxa cadaynaya oraahdan uu Durant ku leeyahay; “Waxa ay gebi ummadaha soo maraan laba waqti; waqti ay ku ad-adag yihiin diinta waa marka ay aasaasmayaan, iyo waqti dadka diinta usoo jeedin. Waa marka insaanka ka tan badato horumarada sayniska iyo tiknoolajiyadda, laakin ugu danbeynta waxa loo hamuun qabo waa nidaamka iyo kala danbaynta diimaha laga helo”.

 Ku koobnida hantida gacanta dad yar waa arrin dabiici ah, si looga hortago  waa in hantidan dib loo qeybiyo.

Bulshada dhaxdeeda hantida waxay ku aruursantaa habab badan, waxaane ugu muhiimsan waa inay jirto xorriyad xad dhaaf ah oo u ogalaanayso qofka leh tacliin iyo farsamo maaliyadeed in uu aruursado hantida badankeed, sidaana farqiga u dhaxeeyo dadka ladan iyo kuwa fuqarada ah uu kordho. Arrintan waxaa laga dhaxlaa qalqal amniyeed iyo kacdoono, waxa lagaga hortagi karana waa in hantida dib loo qaybiyo iyadoo la marayo qaab sharciyaysan oo ah canshuurid (progressive taxation), hadaysin dhicin arrintan waxaa inta badan dhaco kacdoono ay sameeyaan fuqarada, sida kan caasimadda Roomaanka ka dhacay sanadihii 133 BC-30BC, kadib markii ay senate-ka Rome diideen in hantida dib loo qeybiyo.

Gebi taariikhda bini’aadamka, waxaa jiray dagaallo.

Inta la diiwaan geliyay taariikhda bini’aadamka boqolkiiba toban taariikhdaas ayaa nabad lagu noolaa, inta kasoo hartay dagaalo ayaa jiray, halkaa waxa ka cad in dagaalka caado soo jireen uu yahay.

Dabeecadeena gaarka ayaa ah, inaynu ku tartanno ilaha-dhaqaale, dawldahana inagama duwano, waayo dawladda waxay matashaa dad isku tagay go’aansadayna in talada loo dhiibto xukuumad ay u arkaan in danahooda ka shaqaynayaan, marka qofka caadiga ah waxuu haystaa dawlad difaacdo danahiisa, balse saaxada caalamiga ah marka la joogo dawladaha ma haystaan gaashaan buur u difaacdo danahooda, waan tan ku qasbaysa in wadan walbo maslaxdiisa gaarka ah uu raadsado, taas oo keenta in khilaafka iyo dagaalada mar walbo dhacaan.

Dimuqoraadiyada waa hab maamulka ugu fiican ee la isku xukmin karo.

In kastoo dimuqoraadiyaddu tahay fikrad cusub, maadaame ay ka horeeyeen hab maamulo badan sida Aristoqraadiyada, boqortooyanimadda, iwm,  haddana dimuqoraadiyada waa lagu caana maalay, waayo horumaradan dhanka sayniska iyo tiknoolajiyadda waxay ku beermeen kadib markii la heley deegaan taageero xorriyadda xagga fikirka iyo ikhtiraacidda.

Qoraaga waxa uu qabaa in dimuqoraadiyadda ay si togan uga dhax shaqeyn karto bulsho waxbaratay, asiga oo ku sababaynayaa in qofka waxbartay uu kala yaqaano xuquuqda uu leeyahay, tan lagu leeyahay, isla markaana uu sharciga u hogaansamo. Sidaas darteed,  dimuqoraadiyadda si loo adkeeyo waxaa muhiim ah in waxbarashada xoogga la saaro, muwaadinkana la baro  xorriyada uu haysto habka ugu fiican ee u adeegsan karo, hadii kale waxaa sare noqonayo fawadada.

Ilbaxnimooyinkii hore waa ay burbureen balse waxqabdka iyo sooyaalka ay ka tageen ayaa tusaalo inoo ah.

Giriiga, ummadahii hore ee Ciraaq ku noolaa , iyo faraacinadii, dhamaan wa ay dabar go’een xadaaradahooda, balse fikradihii, sancada, iyo cilmiga ay inooga tageen waxa uu inoo sahlay in aan soo gaarno halka aan maanta joogno oo horumar ah. Khibradahan aan dhaxlnay waa kuwa inanga sooca xayawaanka kale, waayo aadanaha waa makhluuq u saaxib ah caqli uu kaga cibro qaato qaladaadka iyo khibradihii dadka inanga horreeyay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *