W/Q: Mansuuri Cabdulxaq, jaamacadda Harraan, Aljeria
W/T: Cabdijaliil Muhandis
Fashilka waxbarashada jaamacaddu ma yoolkaa mise waa jidka iyo agabka?
Waxbarashada jaamacadda ee dalalka dunida saddexaad waxay dhex dabbaalanaysaa dhibaatooyin culus, waxayna wajahaysaa xaalad adag oo waxqabadkeedii ka dhigaysa bar madhan oo lagu wareegayo, dabeeto dedaalladeedii waxay dhalayaan natiijooyin aan lagu farxaynin.
Sida aan qabno, kuwani waa tilmaamaha mushkilad gun dheer oo ay xogogaal u yihiin dadka ku fooggan waaxda barbaarinta iyo waxbarashada dalalkanu. Mu’asasadda tacliinta sare waxay leedahay awoodda tiro iyo nooceed ee jaamacadaha horumaray oo kale, sida oo kale cududda shaqaale ee ka hawlgalaana waxay leeyihiin kartida shaqaalaha jaamacadahaas oo kale oo waxay kartidoodu muuqataa marka ay u shaqo tagaan jaamacadaha iyo macaahida sare ee waddamada horumaray. Bal’e aayaha in badan oo ka mid ah xarumaha cilmibaadhista ee caanka ah waxa sabab u ah dedaalka hal’abuurka ka yimaadda dawladaha dibudhacsan ee tabarta yar. Laakiin isla aqoonyahankaas guulaha ka soo hoyiyay dibadda waddankoodu waxay ku fashilmeen inay dhaqdhaqaajiyaan jaamacadahooda iyo geyigoodaba. Waa arrin wareer iyo yaab leh oo awooddii iyo kartidiiba waa la hayaa, laakiin mu’asasaadkii tacliinta sare waxay ku fashilmeen in awoodahaas iyo kartiyahaas si wacan looga faa’iidaysto, iyo in loo adeegsado xallinta dhibaatooyinka taagan iyo wajihidda caqabadaha waaqicaba. Sababtu waa in shaqada mu’asasaadkaasu aysan cadcaddaan lahayn, falsafad barbaarin oo ujeeddo leh ayna hagaynin, qorshe dhammaystiranna aysan lahayn. Taasina waxay sababtay soo ifbaxa shaacsanaha miridhka iyo baaba’a awoodihii waxtarka lahaa iyo hal’abuurkii, dugsigii sare iyo jaamacaddiina waxay noqdeen xabaal lagu duugo garaadkii hal’abuurka lahaa.
Dabrimahan soo socda waxaan ku qaadaadhigi doonnaa sifaynta iyo lafagurka tilmaamaha iyo caddaymaha xoojinaya in dhibta tacliinta sare khusayso yoolka iyo ujeeddooyinka ka badan inta ay tahay jidadka iyo agabka.
Kow: Tacliinta Sare waa xalqad ka go’an silsiladda barbaarinta.
Taxanaha barbaarinta dalalka dunida saddexaad islama jaanqaadsana, tilmaanta ugu cad ee ay leeyihiinna waxa la odhan karaa waa kala daadsanaan. Tacliinta jaamacadda oo ah xalqad ka mid ah taxanaahisna kuma jirto booskeedii dabiiciga ahaa ee samayskaa guud sidoo kalena ma aha waxbarashadii dugsiga oo sii socota. Marka ardaygu soo gaadho heerkan waxbarasho waxa uu dareemayaa inaan waxba ka dhaxaynin barbaarintiisii hore iyo tan cusub oo waxa uu galayaa duni cusub oo loo soo diyaargaraynin inuu durba la qabsado. Arrimaha uu markaba la yaabo waxaa ka mid ah:
1-Luuqadda tacliintu way ku cusub tahay ardayga.
Islasocosho la’aanta aragtida iyo fulinta siyaasadda guud ee barbaarinta waxaa xaqiijinaya in ardaygu soo galayo tacliinta sare isaga oo aan aqoonnin luuqadda lagu dhigto badanaa laamaha aqoonta, marka uu ugu wanaagsan yahayna waxa uu ka yaqaannaa xaddi aan u saamaxayn inuu si wacan wax ugu barto.
Dunida carabta, ardaygu waxa uu dugsiga hoose, dhexe iyo kan sareba ku soo qaataa afcarabi, fursad badanna uma helo inuu luuqado kale la falgalo oo ma helo wax ku cariya oo dabada kaga riixa barashadeeda halka sida oo kale habka loo dhigo aysan qofka soo jiidanaynin iyada oo awalba ahayd luuqad labaad oo xataa haddii uu ku fashilmo aan wax saamayn ah ku yeelanaynin aayihiisa aqoon iyo barbaarineed. Ardayganu marka uu heerka jaamacadda soo gaadho, damcana inuu barto laan aqoonta ka mid ah, waxa hor imanaysa caqabad: ma yaqaanno luuqaddii wax lagu baranayay. Inta badan ardaygu ma oga xaqiiqadan inta aysan qabsannin. Dhaqdhaqaaqyada warbaahineed ee khuseeya wacyigalinta iyo ku baraarujinta nolosha jaamacadeedna waxay noqodeen kuwo magac’uyaal ah oo aan nuxur lahayn iyada oo ay xusid mudan tahay in laamaha qaar la soo xushay qudha ay buunbuuniyaan sida caafimaadka.
2.Kedis ku galitaanka jawi cusub
Manhajka loo diyaariyay jaamacaddu dan kama galo waxa ardaygu soo bartay intii uu ku soo jiray socdaalkiisii waxbarasho ee dheeraa. Sababtu waa in laamaha aqooneed ee la barayo ay ugub ku yihiin, loona soo gudbiyo hab ay adag tahay inuu ku xidho xogtiisii hore. Taasi waa goljileec ay culimada barbaarintu u arkaan inay tahay caqabad hortaalla in waxbarashadu hanaqaaddo. Haddaba layaab ma laha tirada badan ee ku fashilma siiwadidda waxbarashada jaamacadda, iyo ardyada kolba laan mid kale uga gudba iyaga oo marba tijaabinaya wax dhammaantood fashil ku soo dhammaada. Waa waaqic khadhaadh oo ardaygu madaxa ku dhufto, natiijadiisuna noqoto inuu ka qoommameeyo dedaalkii aqooneed ee uu muddada dheer soo waday ase faa’iidadiisu yaraatay.
Sidaasaa nuxurka jaamacaddu ku waayaa islajaanqaad oo ma soo saarto tacliintaa iskudarkeedu xidhmo dhammaystiran, taasina waxay keentaa in ardaygu samayn kari waayo tijaabooyin midhadhal ah. Sida oo kale waxa la macnatiraa waaya’aragnimadii hore ee ardayga oo ku kallifta inuu aragti cusub oo barbaarineed isna qaato.
3.Laamaha aqoonta la dhigto: magacyo soojiidasho leh iyo nuxur madhan.
Marka ardaygu jaamacadda gaadho, waxa uu soo galaa isaga oo aan war fiican ka haynin laamaha aqoonta uu damacsan yahay barashadooda. Isaga oo ay warbaahin marinhabaabineed saamaysay, marka uu doorto laantuu jeclaa ee uu waxbarashada billaabo ayaa waxa uu la kulmaa kediska koowaad: wax dhadhan ah uma yeelanayso waxbarashadii la siinayay, waxa jira iyo goortii uu dooranayay wixii uu filayayna way isqaban waayaan. Waa niyadjab sababta in ardaygu waayo doonistii sii wadidda waxbarashada iyo baaba’a wixii ku dhiirrigalinayay barashada aqoonta iyoku dedaalkeeda. Waxbarashadu waxay si taban iyo si toganba ugu saamoowdaa awoodda dhiirrigalineed ee ardayga ku jirta iyo heerka rabitaankiisa. Haddaba marka ardaygu isaga oo sidaa u niyadjabsan go’aansado inuu waxbarashada sii wado sidaana ku dhammeeyo safarkii, badanaa waxa uu la kulmaa kediskii labaad: wixii uu barashadiisa ku soo dhabarjabay iyo baahida suuqu isma laha.
4.Habdhigis aan habboonayn
Waxa laga filayaa ardayga jaamacaddu inuu doorka ugu weyn ka qaato waxbarashadiisa iyo khibradkorodhsigiisa, laakiin waa xil uusan ardaygu qaadi karin oo awood uma laha inuu isagu wax isbaro. Markaa waxay noqon inuu marxalad kalaguur ah maro oo uu macallinku habkii waxdhigista dugsiga u laabto ama in ardaygu isku kallifo inuu jawigan cusub la qabsado oo uu ka guuro qaabkii uu yaqaannay dabeeto halkaas ay ka dhacdo baylah, waxa uu korodhsadaana ay iskaba koobnaadaan. Aslanba marka aan xulanayno habka waxdhigista waa inaan tixgalinnaa heerka macallinka, awooddiisa qofeed iyo tilmaamaha naf ahaaneed ee uu leeyahay. Waxa se muuqata in habka waxdhigista jaamacaddu aysan tixgalinin xaaladda ardayga taasoo culays uusan awooddiisa lahayn saarta.
5.Xorriyadsiin uusan diyaar u ahayn xakamaynteeda
Ardaygu marka uu jaamacadda soo galayo waxa uu ka soo guuray duni xakamaysnayd waxa uuna imanayaa duni laga rabo in isagu uu go’aamiyo masiirkiisa, mawaaqifta uu qaadanayo, oo wakhtigiisa iyo noloshiisa jaamacadeedba uu maamulayo. Waana arrin ku culus barbaar labaatanka uun gaadhay ama wax yar dhaafay, sida Piaget u arkana ilmuhu markaa waxa uu ka gudbay marxaladdii indho ku garaadlenimada ahayd oo garaadkiisu wuxuu gaadhay heer uu aragtiyaha aan jidhka lahayn (mafaahiim mujarrada) oo ballaadhaniyasa awooddiisa garasho uu sawiran karo. Laakiin xaqiiqada ardaygaasu sidan way ka duwan tahay, oo madaxbannaanida iyo xorriyadiisa si nacasnimo leh buu uga faa’iidaystaa, duruusta ayuu caadaystaa googoyntooda, wakhtigiisa tijaabooyin cusub oo macnadarro ah buu ku lumiyaa, halka hayaankii waxbarasho ee ahayd sababta uu jaamacadda u joogaba uu ku bixiyo wakhtiga u soo hadhay isaga oo daallan, dedaalka laga rabana aan kafayn karin. Waxa uu khalad fahmay fahanka xorriyadda oo waxa ay ahayd inuu u adeegsado kobcinta awooddiisa waxsoosaar iyo hal’abuur.
Dhanka kale, mu’asasada tacliinta waxaa ka jirta fawdo ballaadhan iyo xaalad degganaanshiyo la’aan ah halka sida oo kale dhabnimadii qiimada cilmiga soo saari lahayd ay qarsoontayba. Waxaa habboonayd in ardaygu uu madaxbannaanida la soo qabsado marxaladihii waxbarasho ee hore, si aayar aayar ahna uu u qaado masuuliyadda xorriyaddaas iyada oo la korjoogtaynayo, dabeeto uu fahan fiican ka soo qaato macnaha xorriyadda iyo madaxbannaanida oo uu ku soo tababarto sida ugu wacan ee looga faa’iidaysan karo. Maadaama se aan cuskanno siyaasadda cunaqabataynta dhammayska tiran marxaladaha waxbarashadaha ee hore oo dhan, dabeeto kolka ardaygu jaamacadda soo gala ay waxaas oo xorriyad ahi ay ku soo fakato, waa lamahurraan inay kedisooyin badan dhacaan.
6. Culayska buuggu ku hayo ardayga jaamacadda
Sidaynu soo xusnayba, waxbarashada jaamacadda inteeda badan waxay ku xidhan tahay dedaalka ardaygu bixinayo, sidaas awgeed wakhti badan waxa uu ku qaataa akhriska buugta, majalladaha cilmiga iyo tababarrada si uu si buuxda uga warhayo xogta iyo aqoonta aragtiyaha uu u baahan doono marka uu warbixinnada qorayo. Waa muuqaal kale oo ka mid ah waxyaabaha uu jaamacadda ku arkayso balse uusan horay ugu diyaarsanayn. Waxbarashadii dugsiga, ardaygu buuggiisa ayuun buu akhrinayay oo dhinacna uma dhaafaynin, sidoo kalena maadaama oo laylisyo badan loo dirayay wakhtiba uma helaynin daalacashada buugaagta gaar ahaan kuwa ka baxsan manhajkiisa. Sidaas awgeed xidhiidh lama lahayn buugga, mana barannin daalacashada, marka uu jaamacadda soo galana waxa uu ogaanayaa:
B. Inuu buugaagta ka baqo.
T. Inuusan khibrad u lahayn xulashada buugga ama buugaagta dantiisa u fulinaysa.
J. Inuu ku fashilmay daalacashada cilmiga ah oo uuna arday ka maarmi karin.
X. Inuusan wax badan ka korodhsannin daalacashadiisa.
Kh. Inuuna waxba ka soo xigan karin buugta iyo majalladaha oo isaga oo u baahnaa weedh ama laba weedhood ayuu dabrimo dhan la soo baxayaa.
D. Akhriska naqdiga ahi inuusan wax saamayn ah ku lahayn.
Arrimahaas oo dhan oo ku cusub ayuu ardaygu wajahayaa marka uu galo mu’asasadda barbaarinta sare, lana socon doonta inta uu waxbaranayo oo dhan. Sidoo kale waxaa jira dhinacyo kale oo bulsheed oo saamayn toos ah ku leh natiijada ardayga sida nolosha deegaanka jaamacadda, ka fogaanshaha qoyska, nooca saaxiibada..oo dhammaantood cusub ardayguna uusan waaya’aragnimo u lahayn.
Biyadhaca hadalku waxa weeye in ardayga aan si ku habboon loogu diyaarinin inuu jaamacad galo, arrintaasna waxa ka dhalatay in xaddi sare oo ka mid ah ardayda jaamacaduhu ay ku dhex anbadeen mu’asadaddii tacliinta sare dedaalada ay bixiyaan ee dhanka tacliinta ah iyo dhinaca xidhiidhada bulshaduna aysan badanaa midhodhal noqonnin.
Labo: Isdhammaystir la’aanta barnaamijyada jaamacadda
Manhajka jaamacaddu ma aha wadar isku mid ah kamana dhexeeyo wax isdhammaystir ahi. Sidaas awgeed ardaygu waxa uun uu laasimaa xaadirista casharro xidhiidh ka ah dhanka xilliga, laakiin se ay adag tahay in la isku xidho ahdaafta laga rejaynayo. Haddaba markaan isku dayno inaan qiimaynno nidaamkaas waxa inoo muuqanaya:
B. In maskaxda ardayga lagu cubo xogo badan oo uusan aqoonnin tabtuu uga faa’iidaysan lahaa. Tacliinta jaamacaddu intii ay ardayga ku sahayi lahayd xirfado uu ku wajaho baahiyaha waaqica waxay ku wareegaysanaysaa macluumaad, khibardo aqooneed iyo siday ardayga maskaxadiisa u soo gaadhsiin lahayd.
T. Khibradihii ardaygu soo bartay waxay gacan ka gaystaan soosaarista qof sii kala jeeda oo u dhaxeeya caqlaaninimo dhinacii aadminimo tuuraysa iyo caadifad mandiqa iyo waxa caqliga u cuntamaya meesha ka saaraysa. Waxa qofkaa soo saaray waaqic ay ka dhaqan gashay dabasocodka cid kale oo aysan ka jirin madaxbannaani fikir iyo hal’abuur dhalad ahi.
Saddex: Tacliinta jaamacaddu waxay baylihinaysaa dhaqanka bulshada
Qaadaadhigga aragtiyo ku dhex dhashay bulsho kaa duwan iyo in la isku dayo in lagu dabbaqo dhamman bulshooyinka kale waxay sii xoojinaysaa uun loollanka bulshada iyo jaamacaddii loo sameeyay u shaqaynta bulshadaas dhex mara. Waddamada tabarta daran jaamacadahooda waxaa lagu yaqaannaa inay isticmaalaan aragtiyaha iyo natiijooyinka ay culimada galbeedka horumarsani soo saareen. Ardayga waxa ku dhacaya wareer. Ma waxa uu iska raacaa waxa ay u dhigayso jaamacaddan manhajka cilmiga ah iyo tubta naqdinta maraysa ee rabta inay ku qanciso fikir, fahan iyo aydoolajiyado ka geddisan wixii uu ku soo barbaaray? Mise waaqica bulshadiisa iyo dhaqamadeeda ayuu dooran oo gaashaanka ayuu u daruuraa afkaartan soogalootiga ah iyo aragtiyahan cusub ee shakiga galinaysa qiyamka, aadaabta iyo akhlaaqda uu ka bartay bulshada iyo dadka ciddii ugu dhawayd ee uu u jeclaa?
Manhajka jaamacaddu dhaqan gooni ah uma janjeedho, sidoo kalena iskuma dhabarjabiyo mawduucinimanada iyo mandiqa cilmiga ah ee aan maalinna odhannin natiijooyinka laga gaadho daraasaadka cilmiga ahi dhaqamada dhexdhexaad bay u noqon karaan. Iinsaanku siduu rabo ha noqdo, meesha uu doonina ha joogo e waa uun waxsoosaarka dhaqankiisa. Ma jiro cilmibaadhe si kasta oo uu agab, karti iyo xirfadba u leeyahay odhan kara waxaan helay muunad aadame oo aan dhaqan lahayn, daraasadaha ay samaysay M. Mead ayaana arrintaa caddaynaya.
Isku soo duuduub oo dalalka aan tabarta badnayn jaamacadahoodu waxay cuskadaan aragtiyo soogalooti ah waxayna u soo bandhigaan sida inay yihiin xaqiiqooyin cilmi ah iyaga oo huwinaya shaadhka “cilmi iyo mawduucinimada” ay sheegtaan. Dhanka kalena dedaal badan kuma bixiyaan curinta aragtiyo cusub oo xisaabta ku darsanaya waaqica bulshada iyo barta ay ka soo jeedaan taa beddelkeeda se waxay doorbidaan inay lafaguraan arrimaha nafsadda iyo bulshada iyaga oo ku eegaya indhaha galbeedka iyaga oo aan misana tixgalinaynin kaladuwanaanta dhaqannada bulshooyinka. Arrintani waxay sii kala fogaynaysaa bulshada iyo jaamacadda, waxayna sii kala furfuraysaa shakhsiyadda ardayga taasoo ka dhigaysa mid aan la qabsan karin waaqiciisan cusub ee isbedbeddelaya.
Iyada oo tubtaa la marayo ayaa qofkii caadiga ahaa ee bulshadiisa ku dhex jiray loogu tirinayaa mid aan carbismin oo xanuunsanaya iyada oo lagu fiirinayo aragtiyo iyo qawaacid sax ahayd marka loo siticmaalo bulshadii lagu soo dhex saaray. Dhibaatooyinkanu waxay badanaa ka soo muuqdaan kulliyadaha culuumta bulshada iyo daraasaadka aadamaha. Tusaale, in suugaanta carabta lagu lafaguro qawaacidda af kale, waxba ku soo kordhin mayso afka carabiga sida in sooyaalkeenna ilbaxnimo iyo dhaqameed in lagu dhex akhriyo madarasadaha orentialismka aysan si dhab ah oo garsoor leh waxba innooga taraynin barashada iyo korjoogsiga dhinacyada togan ama taban ee sooyaalkaas. Manhajka cilmiga ah ee ay sheegtaan hormuudka madarasadanu waa malab sun lagu daray. Marinhabaabinta xaqiiqooyinka weeye dantoodu iyaga oo ay dabada ka riixayso cuqdaddii macatablayda ee soojireenka ahayd ama xidhiidhkii dawladahaas hore ee waaweyn ay la lahaayeen dawladihii yaryaraa misana saboolka ahaa.
Mawduucinimada aqoonta, kaladuwanaanta fahanku dhib kuma hayso, waa haddii kaladuwanaantaasi ay tahay mid waaqica ka turjumaysa, oo waxaaban isku mid ahayn shakhsiyaadka iyo jinsiyadaha hal meel ku wada nool iskaba daa haddii ay kala deegaan yihiine.
Haddii aan soo koobno waxaan odhanaynaa: inta aan ku guda jirno dedaalka aan ugu jirno saldhigidda manhajka cilmiga ah ee jaamacadda, sidoo kale waa inaan ku dedaalno inuu manhajkaasi ka shaqeeyo sidii uu xidhiidh togan oo horumarineed u dhex dhigi lahaa jaamacadda iyo bulshada ay ku dhex taallo iyo soo dhiraandhirinta caqliyo fikiraya oo hal’abuur leh, balse ma rabno in ardayda iyo dhaqankoodii ama qiyamkii bulshadooda dagaal laga dhex qarxiyo.
Afar: Tacliinta jaamacaddu kama warhayso waaqica bulshada
Iyadoo aynu ogsoonnahay in tacliinta sare ay dhex dabbaalanayso mashaakil ka dhigay mid bar eber ah ku wareegaysa, sidoo kale waxay ka tabar gabtay ka warhaynta waaqica bulshada, dhib la qaybsiga dadweynaha iyo baadhista dhibaatooyinka iyo caqabadaha hor taagan qofka iyo bulshada si ay ugu hesho xalka ugu habboon. Jidkaas ayay mu’asasadda tacliintu horay ugu qaadi lahayd tallaabo ay ku adkaynayso jiritaankeeda, maxaa yeelay kawarhaynta mujtamacu waxa uu ka dhigan yahay lajaanqaadidda horumarka bulshada iyo in mu’asasaddu si joogto ah uga cusboonaato dhinacyada manaahijta, falsafadda guud ee ay ku shaqayso, jidadka iyo agabka ay adeegsato iyo dadka hoggaaminayaba.
Bal’e waxa kawarhaynta mujtamaca ka dhalanaysa in jaamacaddu ay sii saadaaliso dhacdooyinka timaadadda si aan hal mar uun loogu kadsoomin, dabeeto jaamacaddu waxay noqonaysaa xarun inta iyadu isdhistay gacan ka gaysata horumarka bulshada. Nasiibxuma se dunida dubdhacsan jaamacadahooda marka aad fiiriso waxa kuu muuqanaya sawir quus leh, fool xun oo aad uga fog sawirkaa riyada ahaa ee ifayay. Jaamacaddu waa xarun iyadu madaxa iskula jirta oo aan kansho u haynin inay cid kale ka warhayso, ugu dambayna waxayba iska noqotaa mid dacal kaga nool nolosha dhabta ah iyo waaqica iyada oo waliba bulshada culays ku haysa oo ka sugaysa in la kharashgareeyo oo la caawiyo. Tii oo xaal sidaa yahay baa haddana siyaasadda waxbarashada lagaga sheekeeyaa goobo gooni ah oo aan ahayn meelihii ay khusaysay waxana gacanta ku haya dad ayna waxba uga billawnayn hawlahan ay faraha kula jiraan. Dabeeto goobihii tacliintu waxay isu beddeleen garoon lagu wada ciyaaro oo dadka soo gala aan si dhab ah loo qiimaynaynin soojeedinada ay wataan.
Shan: Jihaynta jaamacaddu tayo ma leh
Waxakan lagu magacaabo hanuuninta oo muhiim u ah aayaha ardayga iyo bulshadaba, laanta waxbarashaduna ay ku sheegto inay tahay daruuri, jaamacadaha dunida saddexaad waxay uga jirtaa si magac’uyaal ah oo ma tixgaliyaan awoodda qofka dhabta ah, hibadiisa iyo waxa uu daneeyo toona. Ma tixgaliyaan xaqiiqooyin ee kaliya male’awaal ardaygu doortay ama ay u dooreen dhinacyada ay u khusayso ayay ku dhaqmaan. Dhanka kale shaqadaas magac’uyaalka ahi waxaa ku baxa dedaal iyo kharash badan laga laga dheefo khasaare aan lacag lagu qiimayn karin oo waxa uu ku ciyaaraa aayaha jiilal dhan oo sannado ku wareersanaada laanta ay ku soo baxayaan misana aan nasiib u helin billow fiican oo dammiin uga noqda joogtayn filashooyin wadata.
Marka laga fiiriyo dhanka laamaha cilmiga ee la helo, ma aha kuwo lagu aasaaso daraasado la sameeyay amaba baahida qofka iyo bulshada. Sidaas awgeed waxaad arkaysaa dal khayraadka beeraha leh laakiinse aan ku guulaysannin inuu khayraadkiisii horumariyo ama dal xeebo leh ase aan guul ka gaadhin horumarinta kalluumaysiga iyo ku saddexaad oo macdani ay ceegaagto balse aan lahayn tamar uu kaga faa’iidaysto taa beddelkeedana kaalmaysanaya waddamo khibrad u leh oo ajnabi ah. Guud ahaanba laamaha cilmiga ee la furaa waxaa sababa go’aano ay dabada ka riixayaan han sare iyo qanaaco dulkaxaadis ah oo aan u adeegaynin qofka iyo bulshada toona.
Lix: Cilmibaadhis habowsan
Siyaasadda cilmibaadhista ee loo dajiyay jaamacadaha iyo macaahiddu waa mid habow ah oo aan ujeed ay u shaqaynayso oo cayiman misana qayaxan lahayn. Waa dedaallo wakhti la galiyay, kharash badan iyo waxqabad tixgalin mudan, laakiin guud ahaan aan habaysnayn. Haddii aad dhugato qodobada ay daraasaduhu ku wareegayaan waxaad ku arkaysaa mawduucyo heerka u sareeya ee ilbaxnimada khuseeya caalami ahaanna waxtar u leh, laakiin aan u adeegaynin yoolkii jaamacadda iyo kan bulshada toona. Labo dacal ayay kala joogaan cilmibaadhayaasha iyo baadhisahooda iyo dhanka kale dhibaatooyinkii jaamacadda iyo kuwii bulshadu. Waxaadba mooddaa inaynu joogno dalal cilmibaadhista loo sameeyo kaliya in wax la baadho uun. Waa waxqabad aan lahayn siyaasad cad oo dhammaystiran. Waxyaabaha la milicsan karo halkan waxaa ka mid ah:
1- dhigaalka daraasado badan oo qiimo leh ayaa la helay sannado badan oo ina soo dhaafay, laakiin lagama faa’iidaysan lagamana faa’iidaysan karaba. Sababtoo ah mawduuca uu cilmibaadhuhu qaatay iyo sida uu u qaadaadhigayba waxay iska ahaayeen baashaal fikireed ee ma uusan ka dhex arkaynin dhib bulshada haysata.
2- soo celcelinta cilmibaadhisyo badan oo ay sababtay korjoogtayn la’aan mawduuci ah oo kafaalaqaadi lahayd islasocodsiinta, hannaaninta iyo jihaynta dedaaladaas.
3- Waxaa jira daraasado badan oo aqoonyahanku la dhaceen, dadkii sameeyayna ay waddankooda dibaddiisa abaalmarinno kaga heleen, natiijooyinkoodana loo cuskaday horumarinta aagag badan, laakiin aan laga aqoonnin golayaasha aqoonta ka jira bulshadii lagu dhex sameeyay daraasadahaas.
4- natiijooyinka cilmibaadhisyada iyo daraasadaha ay jaamacaduhu sameeyaan ma helo ardaygu lamana shaaciyo haddii laga faa’iidaysan lahaa.
5. Daraasadaha badan ee la sameeyaa caqabad ayay ku hayaan maamullada waxbarashada oo waxay u la’ yihiin meel u qalanta oo ay ku kaydiyaan ka dib markii xafiisyadoodii ay buux dhaafiyeen. Mararka qaar waxaaba ku soo dhacda inay gubaan. Waa hoogga dalalka dibudhacsan in hanti la bixiyo, dedaal la sameeyo, wakhti la huro, haddana natiijooyinka soo baxa meel dhas badan lagu tuuro oo la aaso iyada oo aan lagaba faa’iidaysan.
Gabagabo
Tacliinta jaamacaddu waa maral, bulshadana dan uguma jirto inay ku sii ballaadhato inta xaal sidan u ba’san yahay oo haddii sidaa la falo waxay ka dhignaanaysaa in horay looga cararayo dhibta jirta. Arrinku wuxuu u baahan yahay inta la istaago in la gaadho go’aan nolosha u soo celiya waaxdan xasaasiga ah si ay u dhammaystiranto shabakaddii barbaarinta iyo tababarista aadamuhu. Waa in mu’asasadeheeda laga dhigo xarumo iftiimiya bulshada, agab wax ka tara horumarinteeda iyo gole furan oo si mawduuci ah loogaga doodo dhibatooyinka bulshada iyo dhammaan caqabadaha ay wajahayso. Waxa xasuusin mudan in bulshada heerkeeda lagu ogaado siday u diyaarin karto dad karti leh oo awooda inay xakamaha u qabtaan agabka waxsoosaarka iyo horumarintiisa.
Waxbarashada marka la hagaajiyo qaabdhismeedka iyo hannaankeeda waa in lagu sidko:
1-Falsafadda bulshada iyo waaqica la nool yahay.
2- Horumarka aqooneed ee guud iyo natiijooyinka ay ka salgaadhaan xarumaha cilmibaadhista dunidu.
3- Isdhammaystirka dhaqdhaqaaqyada iyo waxqabadka.
Haddii sidaa la sameeyo, boodhka ayay waaxdanu iska jafi doontaa, waxa ayna qaadi doonaa tallaabo yaab keensata.

Qalbigaan ka ooyay markaa aqriyay, ardayga dhan ee laga hadlayaba waa aniga, 4 sano ayaan dhiganayaa oo sidaas baan ku arkay jaamacadda runtiiðŸ˜