Baxsad!

Baxsad!

Fiidkii hore cagtii ku badneyd goobta goorahaan waa gabaabsi. Dadka oo badi ka hoyday awgeedna waxaa naaqusay codadkii iyo shanqartii badneyd ee yabaqa u yeelaysay jawiga habeennimo, muusigga degganna dhabqineysay. Codadka goobta gudaheeda laga maqlayo waa kooban yihiin; muusigga piano-da ee ka shidan goobta iyo makiinadda qaxwaha lagu sameeyo ayaa ugu horreeya. Marmar ayaa si duulduul ah dhagahaagu u maqlayaan sheekada laba qof oo qosolku ka dallacmay. Guud ahaan Soomaalida oo idil, ganacsiyada ay badi dhulkooda ama meel kale ka furataan badankoodu waa wax xiriir la leh dhuuniga iyo dheeha qofka; sida dharka iyo dhaashiga. Qofkii lacag yar helaa wuxuu furanayaa maqaaxi aan wax badan ka duwaneyn kuwii horey u jirey; markii laga reebo magaca iyo meesha ay ku taallo ama wuxuu xarigga ka jarayaa carwo lagu iibiyo udugga laysku carfiyo ama dharka lagu labbisto.

Halkan uu caawa fadhiyo, waxa ay khaanad la galaysaa maqaaxiyaha casriga ah, adeeggooduna isku midka yahay ee magaalada laga furey. Hal-abuurka ganacsiga iyo qaab ganacsiyeedka Soomaalida ayaa sidaas u badan, oo badi waxa ay iska dheegtaan fikradda ganacsiga. Qofkii keena hal-abuur cusub wuu ku hagaasayaa, qof ka jeebweyn ayaana ku bullaalaya. Marar badan ayuu ka qayb galay xaflad loogu ballanqaaday ardayda dhigata kulliyadda Ganacsiga in ciddii keenta fikir maalgalin mudan loo hagar-baxayo, sidii caadada ahaydna waxaa halkaa ku hungoobey ciddii keentay fikraddaas boqran, abaalkooduna wuxuu noqday in dhowr qof oo qani ahi ka sii hodmaan fikraddaa qofka waayuhu laba-dibleeyeen maankiisa ka curiyey. Sideedaba, ganacsato badan ma hayaan fikrad micno badan leh, waa sababta keenaysa in wixii loo ogaa xoogsatada iyo waratada inay ka ganacsadaan ay suuqa keenaan ganacsato waaweyn oo hal-abuurka xoogsata iyagu lacag badan galiyaan, dabadeedna sidaa ku tanaadaan. Wuxuu u soo joogay wixii ay kala kulmeen labo saaxiibaddii ah codsi ay u direen shirkadaha maalgalinta bixiya midkood, kaas oo ay ku dalbanayeen in loo maalgaliyo hal-abuur ganacsi oo ay leeyihiin, markii loo sheegay in uusan fikirkoodu mudneyn hantida shirkadda, ayaa isla shirkaddii lafteedu soo galisay suuqa fikirkii ay ku sheegtay mid aan shaqaynayn!

Goobta sida ay u kooban yihiin dadka ku caweynaya ayey haddana aad u sii yar yihiin dadka fahmaya sawirka ku xardhan maqaaxida darbigeeda. Inta badan shaqo kuma leh, micnana uma samaynayo hummaaga ishoodu qabaneyso. In farshaxanka la garto ayaa dhif ah, in ujeedka sawirka la fahmo oo la faalleeyo iyadu waa wax aan badi looga fadhin. Farshaxan qof sawiray ama si shil ah meesha loogu xardhay ayuu ula muuqdaa qofka aan horey u arag. Waa gartood, waayo qofkii sawirey isba wuxuu laabtiisa uga soo baxay si shil ah, maankiisana kuma mudneyn in maalin maqaaxi Muqdisho ku taalla lagu muuneyn doono. Inta badan, farshaxanku waa ku dhif dhulka Soomaalida, badi intooda magaalowga ku kortayna aad uma dhaadaan fankaas, waa sababta uu ula yaabban yahay isagu muuqaalka ishiisu qabaneyso.

Markii uu dhammeystey koobkii saddexaad oo xiriir ah ayuu miyirsadey. Indhaha ayaa u furmay oo wahab saarnaa ayaa ka duuley. Waxa ugu weyn ee uu u xaraaradeysnaa in uu bun ahaa ayuu isku qanciyey. Intii uu ardeyga ku ahaa dalka Malaysiya, haddii uu ku falnaa cabista sharaabka Sazerac ama cabitaanka Manhattan ku qaboojin jirey ruuxdiisa baadiyowday, maanta balwad aan bun ahayn ma leh, qorshahana uguma jirto in uu dib ugu noqdo wixii uu bari hore ka saahiday. Haddii uu awooday in uu saddex cisho oo xiriir ah qayilo, maanta niic qaad ah ma dhammeyn karo. Durbadiiba in uu iska aamusiyey duulal lagu sheegi jirey waagii uu yaraa in ay ka raaceen cabista shaaha oo Humbayl iyo Fiqiburaale la yiraahdo ayuu dareemay. Wuu isku qoslay, maya, ugu yaraan fikir doqomeedkaas iyo dadka aaminsan ayuu ku maadsadey.

Asalkaba, sidee qofku xaraarad haysa duul aan la arkeyn ugu saarin karaa? Haddii qofka dhowr koob oo red wine ah iska daba kabbado, ma duulal Wilson iyo Jack la dhaho ayuu aamusiyey oo qanciyey? Soo ma ahan wax laabtiisu tabaysay oo uu naq raacay? Maxay tahay xikmadda lagu qeexi karo in duulal kirli shaah ah loo muddeeyo, ama dhalo faanto ah qof dhan looga furfuro, loogana maslaxo? Wuxuu aad ula yaabay dhaqankii ka jirey tuuladdiisii Higlay Kootiin ee uu ku indhoqaaday. Qof dhan in dhiig loogu qubeeyo, korkiisana lagu subko xinjirro ayuu aad ula amakaagi jirey waagi uu yaraa. Wuxuu aad u xasuustaa in mar abaar diirato ahi reerka xoolo tiro ku dhow dhaafisay uu maalin jidbooday Sugulle oo reerka curad u ahaa, dabadeed wan weyn iyo saddex riyood oo ceesaantiisii Qoorcas ku jirto loo loogay.

Maalintaas isaga oo faraqa haysta hooyaddii ayuu maqley Xaali oo madaxa dabqaad u galisay Sugulle kana maslaxaysa duul aan indhihiisa u muuqan; “Haddii aad idinka tihiin, cududaha u sii daaya, oo coodka u sii daaya, oo curadka u fasaxa. Wixii aad dalbataan waa la idin siinayaa e, faraha ka qaada dadkiisa dhinac ha ka raacee. Haddii aad fasaxdaan, waxaan idiin ballanqaadeynaa in aan idinka siinno wax walba oo aad dalbataan.” Isaga oo la dhaygagsan waxa ay shubayso Xaali ayuu arkay iyada ayeydii ahi ku qaylineyso walaashii oo qaadatey salool iyo timir loo qoondeeyey in ay cunaan ciidamada Sugulle dhuunta hayaa. Waxaa ka hor muuqda Xaali oo ku qaylineysa: “Yaan laga raacin ciyaalka e, ha laga celiyo xoolaha rooxaanta oo u sheega marka ay fasaxaan ayaa la siinayaa e!” Waxa uu la yaabay sida Xaali Yuusuf oo degaanka oo dhan caan ka ahayd, ay awooddeedu u gaartey in ay iyadu go’aamiso, maamusho xafladda lagu qancinayo rooxaanta, oo ugu danbeynna u kala garnaqdo aadamaha iyo uunka ka qarsoon, ee aan cid kale la wadaagi jirin masuuliyaddaas!

Kolkii ay indhihiisu qummaati wax u arkeen ayuu wajahaddiisa meel ku aaddan ka arkay lawxad qadiim ah, dunidana ku shaacsan. Wuxuu aad ula yaabay cidda in lagu aslo darbiga fikirkeeda lahayd. In farshaxankii Van Gogh¹ ku arkayo Muqdisho ayaa ashqaraar la noqotey, dareen gaar ahna u sameysay. Isagu wuxuu farshaxanka u yaqaannaa weedhii Van Gogh sifeeyey darajada ugu sarreysa ee ahayd; “Ma jirto wax ka farshaxansan in dadka la jeclaado.” Wuxuu dedaalay intii uu noolaaha oo dhan in uu iska ilaaliyo colaadinta dadka, badalkeedana wuxuu ku sifoobay in dadku ka ammaan helaan oo muslim af iyo addin laga nabadgalo ku tilmaannaado. Intii uu Malaysiya ku maqnaa, noloshiisu waxa ay isu bedashay si weyn. Saamayntii aqoonta casriga ah iyo aragtiyaha falsafadeed ayuu ku talax tagay, si wayn ayuuna maanka hodan uga noqday. Dadka ciddii uusan aqoon waxba kuma darsado, waa taa sababta ka dhigtay goonimeerka ee uu xilligan kaligii ugu caweynayo maqaaxi dad badan ku qaxweynayaan! Noloshu waxay ula muuqataa xaqiiqo qaraar oo mur iyo deebaaq ah, muudsigeeduna hurran yahay. Wuxuu u arkaa mugdi ileyska lagu gudbaa yahay garashada iyo go’aamada nafsadeed ee hadba qofku qaato. Wuxuu dareensan yahay in noloshu tahay badweyn dhammaadkeeda lagu tago doonida adkeysiga, xeebteedana lagu mushaaxo laashka rejada.

Sawirka: Naasir, Maqaaxida Salool, Banaadir, Hodan, Muqdisho.

Wuxuu si faduul leh u sii eegay waxa ku xeeran sawirka. Waxaa u muuqday labo dhalinyaro ah oo chess ku ciyaareysa ku beegga lawxadda Van Gogh. Jestu, dhaqankiisa reer guuraaga meelna kama soo gasho oo waa wax la bilowday magaalowga. Ciyaartii booska Jesta ugu jirtey ee Jarta waxa ay si walba ugu ekayd dhaqankiisii reer miyiga. Dhagaxda lagu ciyaaro waxa ay tusaale u ahayd nolosha dadka, oo waxa mid walba qiimaha u yeelayay halka uu ka galo ciyaarta, halka Jestu ay leedahay micno ka duwan, oo dhagax walba wuxuu iskiis u leyahay qiimo, ujeeddada ka dhaxaysana ay tahay in la unko iskaashi. Xubin kali ahi meel ma istaagi karto, haddii aysan jirin cid ilaalo ka haysa oo ku hawlan badbaadadeeda. Wuxu ka fikirey waxa ay micno u leedahay nolosha casriga ah ciyaartani. Berigii uu baraneyey ciyaartan ayuu qolkiisa ku qorey oraah uu lahaa Johannes Zukertort² oo ahayd: “Jestu, waa halgan ka dhan ah khaladka” Durbadiiba, wuxuu bilaabay in uu ku dherariyo noloshiisa ciyaartaas jesta. Waxa ugu weyn ee uga muuqday ayaa noqday; khalad uu galay, ciyaarta oo ah bilow, ka soo kabashadiisuna ku xiran tahay hadba sida maqaadiirtu u caawiso, una garab siiso.

**

Caawa wuxuu dareensan yahay wax ka duwan wixii uu dareemayey siddeed sano ka hor, markii isaga oo dugsi sare ka baxay loo qalqaaliyey in uu jaamacad u tago dalka Malaysiya. Habeenkaas si fiican ayuu u xasuustaa. Subaxdii ayaa macalinkiisii dugsiga iyo lix wadaad oo kale loogu yeeray si ay ugu duceeyaan nabadqab iyo nasiino ruuxeed. Toddobo jallaad³ ayaa lagu akhriyey, waxaana laga dhirbaaxay dhabarka iyo garbaha. “Waryaa, marka aad Malaysiya tagto, gaalada iska Ilaali!” ayuu macalinkiisii kula kaftamay. Kaftan ma ahayn ee waa sheeko wadaad uu yaqaanno, oo badi wadaadadu kulama dhiirran karaa hadal, dabeecad xumadiisa awgeed. Waa loo sarbeeba wixii la damco in loo sheego, ama sida hadda oo kale ayaa kaftan loogu qariyaa. “Macalin, Malaysiya waa dawlad muslim ah, gaalo raaci mayo inta mawlaca la iiga ducaynaya, raatibooyinkana faataxida la iiga soo marayo. Ilaahay idankii waan dadaalayaa, nin rag ah oo soo waaayo arkey, dadkiisana wax tara ayaan noqonayaa.” Ayuu si ixtiraam leh ugu jawaabay.

Intii aan la dhammeyn ducadii ayuu macalinkii soo saarey tusbax labo boqol ah. Waa tusbax duug ah, Ilaahayna muddo badan lagu baryayey, oo wardi dariiqeed badan lagu soo akhriyey. Waa tusbax macalinkiisu ka dhaxlay sheekhiisii. “Maandhow, sida aad laabteyda ugu weyn tahay Ilaahay iyo aadaneba waa og yihiin. Insaan daahir ah oo xifdiskiisu wanaagsan yahay, dhego fudud edebta iyo anshi wanaagna ku tilmaaman ayaad ahayd. Waxaan kuugu ducaynayaa in dadka hooyo iyo aabbo Alle kaaga dhigo, qofkii aad kulantaanna waalid iyo walaal kuu noqdo. Maandhow, afkaaga, diintaada iyo dhaqanaaga ku adkoow, oo dardaarankii nabigeenna suubban nagula dardaarmay ee ahaa diinta gawsdanbeedka ku qabsada ku dedaal. Tusbaxaan ayaan kuu hadyadeynayaa, ku wardi mashaa’ikhdaada iyo ehelkana ugu ducee, oo islaam Ilaahay jecel noqo.” ayuu kula dardaarmay.

Macalinka isaga oo yar ayaa loo geeyey markii ay Xamar usoo guureen. Isaga ayaa u bilaabay quraanka, jeer uu diintaba isagu sheekh ugu noqdo. Haddii uu baadiye ku arki jirey macalin quraanka uun dhiga iyo sheekh kutubta akhriya, macalin Maxamed wuxuu ahaa qof labada isku bartey, kaligiis na ma ahan e, badi macalimiinta dugsiyada magaalada dhigaa waa la mid. Fahmaddiisa iyo dhegafudeydka ayuu macalinku ku jeclaaadey. Wuxuu ahaa coon dabeecad xun, gardarrada iyo aabiga ciyaalka dugsigana neceb. Isaga oo dugsiga ku cusub ayaa Xuseen-Madoobe oo ciyaalka dugsigu aad uga baqaan ku caayey dhoorre. Maalintaa ma fahmin illaa dib looga sheegay in ay tahay faquuq reer magaalku ku sameeyaan qofka miyiga ka yimaada. Subaxdii xigtay isaga oo quraac soo doontay ayey soo daba galeen labo wiil oo Xuseen hor kacayo. Waa dhalinyaro boqortooyo yar ka dhex dhistay dugsiga dhexdiisa e, waa kuwaa “Waraa dhoorre istaag nooh, maxaa isku adkeenee, Xuseenaa kula hadlooyee….” Ku qayliyey. Isna, waa nin caro buuxisey e, degdeg ayuu u istaagay, fuleynimo iskuma tuhmayo, ciil ayaaba u raaca markanna geesinnimaddiisii. Sidii nin geel laga dhacay, oo la mooro-duugay ayuu dibinta ruugay, indhaha ayaana dhibic dhiig ah u ekaadey, codkiina durba wuu ku xirmay. Waligii wiil kuma abyoon, adyadna lama soo doonan saaka ka hor.

Markii ay soo gaareen ayuu Xuseen hadal ku bilaabay; “Waraa dhoorre, adi maaba ani isku keey adkeenooya eeyaa ku dhashee…” Eray kale inta uusan afkiisa ka sugin, ayuu feer darandoorri uga dhigay. Waa wiil aan waligii yac la orane, gacantii wiilka geeljiraha ah ayuu la dammaaday. Isna waa geeljire layligii carruurnimo si wacan u soo qaatey e, jihada ayuu ka sii lumiyey. Xuseen xeelad kasta oo dagaal ee uu yaqaannay wuu u baxsan waayey, dabadeed waxa uu miciin bidey labadii kale, iyaguna marka ay arkeen waxa saaxiibkood ku dhacay ayey orod jaanta rogteen. Xoogoodii oo idil wuxuu noqday hal libaax arkaysaa ma godlato! Maalintaa ka dib, cid ku aabyoota oo ku gardarroota ayaa la waayey. Xuseen, isna wuxuu is waalaba waxaa helay nin waabiya, oo kibirkiisii jabiyey. Maalintaas ayuu macalinku bartay, dugsiga oo dhanna uu caan ka noqday.

Galabtii Xamar ugu danbeysay ayuu dalool xasuustiisa ka mid ah ka qooraansadey. Waxay ahayd galab dabayshii xagaayahu ku ciyaarsiinaysay neecawdeeda qabow laashashka xeebta Liido yaalla. Galab qorraxdu ku nabadgalyeysay magaalada fallaaro casuus leh iyo muuqaal qurux badan oo nafta xasilinaya. Xilliga xagaayaha, Xamar waa marka ay ugu naxariista badan tahay ee dadkeedu badi illaawaan diihaalka ay mutaan maalmaha kale. Waa marka roobku meel walba biyo dhigo, haddana, waa marka fashilka iyo dawlad la’aanta ka jirtaa magaalada ay caddaato. Badi magaalo walba oo Soomaali degto waxa golaheeda degaanku fashilmaan marka magaalada dhibicda roobku ku hoorto. Waa marka dawladda hoose cid kasta mucaaraddo, dhinac walbana laga soo kubbaareeyo, ciddii taageeradeeda loo naas nuujiyeyna ay wajigabax la kulanto. Guulwade kaste, waxa uu ka dhuunta xaqiiqada hor taalla, taas ayaa keenta in ay waydo dawladdu cid shacabka ku dhago barjeysa ammaanta madaxda, ama ku indho-sircaadisa waxqabadyada fadhiidka ah ee dawlada.

Inta badan, shacabku canshuur ayey bixiyaan, mana helaan adeeg bulsho oo kaafiya baahidooda. Dhammaan adeeegyada aasaasiga ahi waa lacag; korantada waxaa bixiya shirkado gooni ah, kuwaas oo ka macaasha dhiigga xoogsatada. Caafimaadka, isaga oo ay waligiiba ahaa wax ay Soomaalidu ku liidatey, magaalowga casriga ahi wuxuu keenay in dad badan kuwaas oo aan haysan shati dawladdeed ay furtaan goobo caafimaad, laakiin ujeeddo ganacsi leh. Wax adeeg ah oo dawladda hoose u qabato dadkeeda ma jiraan, haddana, shacabku aroor walba waxa ay dhiibaan canshuur lagu koriyo ilmaha siyaasiyiinta. Marka ay canshuurtooda dareemaanna waa marka roobku bilowdo.

**

Waxa uu galabtaa isaga oo niyadsan, dhanka kalena ka walaacsan gacalkiisa in uu ka tagayo aaday Xeebta Liido. Sagootinta gacalku waa go’aamada ugu adag ee qofku noloshiisa qaato kuwooda ugu culus, waxa ugu weyn ee laga dhaxlaana waa duruuso nololeed oo wacyiga qofka jiheeya, raadna ku yeesha tagtadiisa. Mar haddii ay maalin shaqo tahay, Isaga iyo gacaladiisa ayaa neecawda badweynta Hindiya ka soo buuxsaday sanbabada. Raxma, waxa ay ahayd qofkii ugu horreeyey ee uu dugsiga sare ku barto. Qof edeb badan, dhowrsan oo afgaaban ayey ahayd. Dhankeeda ayuu dareemi jirey marwalba wax ka duwan dareenka ardeynimo in uu u jiidayo. Mar walba oo ay wada joogaan wuxuu ugu heesaa erayo xasuustooda carrurnimo ku kaydsan; waa erayo ku jirey heestii ku caan baxday filimka Titanic ee “My Heart Will Go On.”

-Love can touch us one time

And last for a lifetime

And never let go ’til we’re gone

Love was when I loved you

One true time I’d hold to

In my life, we’ll always go on….’’ Waa hees xasuusisa jacaylka dhabta ah ee uu ka helay iyada.

Raxma, qoyskeeda oo danyar ah ayey kaligeed wax u baran jirtey. Berigaas, hablaha waxbarashada aadaa aad ayey uga tiro yaraayeen wiilasha, oo badbaadadooda ayaa loo baqayey. Shufto dhinac walba ugu faaftey magaalada ayaa tubnayd dariiqyada. Duruufo nololeed oo kala duwan ayey wax ku baratey. Hooyadeed iyada oo yar ayey dhimatey, oo koox mooryaan ahi ku dileen isgoyska Baar-ubax. Markii ay hooyadeed dhimatey iyada iyo labo walaalaheed ah waxaa kafaala qaaday adeerkeed Xaaji Cismaan. Adeerkeed wuxuu ahaa nin xalaal miirad ah, dadka xaafadduna aad u jecel yihiin ixtiraamka iyo dunwanaaggiisa. Wuxuu u dedaalay in ay Raxmo guriga ka ahaato boqran, dareenkaas waayidda gacalkeedna ku noqon wax laabteeda wax yeela. Wuxuu u koriyey si la mid ah gabdhihiisa. Dhimashadii hooyadeed ka dib, Raxmo waxa ay go’aansatey in ay ku dedaasho waxbarashada, nolol ka duwan tan ay ku nooshahayna ay u abuurto walaalaheed ka da’ yar, waa waxa ka soocay da’dii ay isku fasalka ahaayeen ee dadaalka dheeraadka ah ku hormariyey.

Waxa ay iyaga oo gacmaha is haysta ku soo lugeeyeen jidka isku xira Shangaani iyo Xamarweyne, halkii bangigii hore ee ganacsiga Soomaaliya ahaana soo hor mareen. Meeshii Huteel Curubo ahayd ayey cabbaar ka daawadeen badda oo gabi-dhacleynaysa. Curubo wuxuu ka mid ahaa baararkii Soomaalidu u tagi jirey tamashlaha xilligii Kacaanka iyo ka hor. Curubo markiisii koowaad wuxuu ka maqlay Digfeer oo ku heesaya heestiisii Buuggii Sirta;

‘‘Balwadaadiyo Liidiyo

Hadday baarka Curubiyo

Bulshiyo Taleex tahay,

Dhaqan kala baqoosheen e

Biirka iyo dhayladu

Intee bari bay ku wadayaan.”

Xamarweyne ayey soo dhex qaadeen oo luuqyadeeda qadiimka ah ku dhex lugeeyeen. Guryaha Xamarweyne waa dhismayaasha ku xasuusinaya Muqdishadii hore ee qaddiimka ahayd. Waa halka laga dheehan karo is badalka waayaha dadka ee Xamar ka dhacay! Isgoyska Ceelgaabta ayey lug ku soo gaareen. Ceelgaabtu, waa halkii iyaga oo dhalinyaro ah ay isku barteen Raxmo hooyadeed Faadumo iyo aabaheed Qaalib. Qaalib markii uu jaamacadda Rooma ka soo diyaariyey kulliyada Xisaabaadka, waxa uu ka shaqo bilaabay Banco di Roma, halka ay Faadumo abtigeed kala shaqayn jirtey Coffee Natizionale oo labadooduba Xamarweyne ku yaalla. Qaalib wuxuu ahaa nin dheer, dadkuna marwalba ku lammaanin jirey magiciisa Qaalib-Dheere. Isaga oo dhalinyaro ah ayuu Xamar ugu tagay abtigii oo halkaa meherad ku lahaa, dabadeedna, waxa markiiba lagu daray iskuulka, muddo ka dibna dedaalkiisii badnaa iyo fahmaddiisa sahlaneyd ayaa dhaxalsiisey in uu ka mid noqdo arday heshay deeq waxbarasho oo Talyaaniga loogu direy. Markii jabhadahii dalku unkameen ayuu dalka ka tagay, wuxuuna hadda deggan yahay magaalada Bern isaga oo hawlgab ah.

-“Gacaliye, halkaaneyto aa mareeno, waa kasee aa u maleehaa!”

-“ Halkan waa halkii adoogaa iyo habartaa isku barteen, kadibna, jacaylkii sidaada u wanaagsanaa ku dhexmarey. Jacaylka gacalisadeydu ku dhalatey.”

– “ Xasuustaada juusto waaye ka warran hee!”

-“ Yaakheey adi ma leesku dheelaa, jinni maan qabaa ani marka illaawayo halka oo jiraalkaaga ka bilowday?!”Waa la wada qoslay.

Raxma, inta ay laabgalisay ayey iyada oo ilmeynaysa ku sagootisey dhunkasho iyo eegmo gacaltooyo, waxa ayna gacanta u galisey warqad ay ku soo qortey dareenkeeda. Waxa ay ku ururisey wixii laabteeda ku kaydsanaa oo idil; waxayna ugu danbeysiisay hees rejo abuureysa, labadoodana samirsiineysa:

Waa laysu soo noqon,

Wixii nool adduunyada….” Waxa laysku sagootiyey wanaag, waxaana laysku rajeeyey wacnaan iyo qof walba lurka waayaha u adkeysto, niyaddiisuna wanaagsanaato.

**

Xamar mar haddii ay tahay xuddunta Soomaali oo idil, isaga waxay u tahay xerada ayaandarradda iyo xoolka sharta. Waxa ku dhintey dad noloshiisa, wacyigiisa iyo waayihiisa oo idil saamayn ku lahaa. Saddex bilood ka hor qarax ka dhacay Isgoyska Shaqaalaha ayaa lagu diley abtigii oo gaashaanle dhexe ahaa iyo labo walaalihiis ah oo ilaalo u ahaa. Labo toddobad ka waxaa gaarigiisa qarax loogu xirey adeerkii Jamaal Qabax oo u shaqayn jirey Hay’adda Nabadsugidda. Jacaylkii uu magaalada qabay haddii uu ahaa laambad laabtiisa ka dhex ifaysa, hadda wuxuu noqday shamac ay dhowdahay goortii uu dami lahaa. Quus ayuu xaalka magaalada ka istaagay. Dab ayaa dhinac kasta kaga baxay, samirkiina wuu ka idlaadey; dhowr goor oo uu nafta sabaaliyey wuxuu ugu danbeyn si caloolxumo leh ugu heesay bayd qaraam ah oo duunkiisa ku kaydsan:

“Haddaan sugo laygu simi maayee

Samirku waxba iima soo sido e.”

Waxa ka idlaadey samirkii iyo rejadii uu ka qabay Xamar iyo nolosheedaba. Waa taas sababta ay caawa maankiisa ugu soo noqnoqneyso fikradda ah in uusan dalka dib ugu soo noqon marka uu berri ka duulo. Haddii Ibraahim-Hawd sheekaddiisa caanka ahayd ee “Aanadii Nageeye” ku bilaabay weedho sawir akhristaha ka siinaya halka uu Nageeye kaga sugan yahay waayo adduun oo ah dayrka Fillo-adduun, wuxuu isagu Xamar kaga sugan yahay Salool Café oo si walba ugu matasha Fillo-Adduun. Halkan ayuu ku falanqaynayaa waxa laabtiisa yuurara ee hibo ah, rejo ah, nolol ah, iftiin ah, aragti ah, adduun ah! Mar haddii uu Xamar ka tagayo, waxa in uu ka fikiro waxa uu ka tagayo.

Haddii safarkiisii hore ay sagootisay Raxmo oo jacaylkiisa ahayd, maanta waxay dhinac hurudaa oo ay u dhaxdaa Mahad-Dhooddi oo ganacsade ah. Waxa uu arki waaayey wax ka baxsan quus iyo niyadjab joogto ah! Laabtiisa waxa ku wareegaysa in waddankiisu yahay halka marwalba ruuxdiisu xasillooni ku dareemayso, dareen isaga oo aan qabinna uu danihiisa u qabsan karo! Cabbaar ayuu Raxma iyo nolosheeda faalleeyey, mar wuu u garaabay, kol kalena macnodarro badan ayuu ku tuhmay in ay dhedigga kale dheer tahay! Marka uu u garaabayo, waa marka uu noloshiisa quusta ah, rejo beelka ah ee si kasta u burbursan ku dherariyo nolosha ay Raxmo ka dooneysay Isaga, dabadeedna ay u soo baxdo in ay gar u leedahay guursiga ninkaas! Mar kalena wuxuu ku qoslaa sida wacadkoodii dhowr bil gudaheed ay sii orgi jar ah ay u iibisay!

**

Raxmo, markii ay Jaamacadda Uniso⁴ ka dhammeysay kulliyadda Qaanuunka ayey ka shaqo bilowday maxkamadda sare. Waxaa dhowr jeer siminaarro iyo tababarro loogu qaaday dalka dibadiisa. Dhooddi isaga iyo Raxma waxa ay isku barteen Turkiga oo uu ganacsigiisu yaallo. Dhooddi waa ganacsade badi dhaqaalaha ka tabcay dhoofinta alaabta, mardambe na u wareegay in uu dalka keeno weelka. Hotel Istanbul ku yaalla ayey ku kulmeen markoodii ugu horreysay, halkaas ayuuna Dhooddi ka halacsadey dhoolka Raxma. Durbaddiiba haddii uu xuuraansi xogteeda ku helay, wuxuu u hawlgalay in uu gacan ku dhigo bilcaantaas boqran. Dalmar oo ka mid ah kooxda ay Raxmo la socotey ayuu xaal-wareystay, dabadeedna uga warramay ujeedkooda iyo wax ay yihiin. Asalkaba, qofka Soomaaliga ahi ma laha xog qarsoon oo sii ridan, waa taas ta keenaysa in uu Dalmar uga warramo noloshiisa qof uu hadda bartey! Wixii intaa ka danbeeyey, waxa ay Dalmar iyo Dhooddi wada yeesheen xiriir daneysi oo magac saaxiibtinnimo huwan. Dalmar, wuxuu uga baahnaa shaqo dhaanta tan uu qoonsadey ee qareennimadda, halka Dhooddi u arko miiqa isku xiraya isaga iyo Raxma.

Labo toddobaad ka dib wuxuu Mahad-Dhooddi agaasimey qado lagu beegay maalin fasax la ahaa. Dalmar oo ahaa qofka hawshaan agaasineeda Dhooddi u xilsaarey ayaa habeennimadii Khamiista u sheegay Raxma iyo Khadra in ay u casuuman yihiin saaxiibkii Mahad-Dhooddi. Rio Palaca ayaa lagu ballamay, qado maamuuskeeda lehna lagu raamsadey. Dalmar, waxa ay si hoose u sheekaystaan Khadra oo iyaduna aan u warhayn u jeedka kulanka. “Gacaliso, waxyar aan sawirro qaybta hoose ku soo galno ee na kici” ayuu Dalmar si kaftan leh ugu yiri Khadra, inta aan loo jawaabinna ku xigsiiyey “Raxma iyo Mahad isku caajisi maayaan e, na keen, aan soo dhakhsannee. Labo qof oo bashaash ah, aadna isku sheeka fahmaya, ilama ahan in ay isku caajisayaan e…” Halkaas ayuu Mahad-Dhooddi ka tidcay xariga nolosha danbe ee Raxma qoolka galiyey. Halkas ayuu ku beeneeyey wacad la wada qaatey, kuna jabiyey ballan laysku dhaarsadey. Raxmo, maadama ay qoys dabaqada dhexe ah ka hartay, waxa ay dooratey in ay nolosheeda ku aaminto Dhooddi, isna kafaalo qaado nolosha ciyaalka walaalaheed ah. Gar ayey u lahayd, waxa ay arkeysay nolol isu dhan oo ay ka dhex daawan karto dhammaan riyooyinkeeda, si buuxdana u kaafineysa baahideeda. Hadda waxa ay carwo dharka dumarka iibisa ku leedahay Isgoyska dabka!

Isagu, marwalba oo uu Raxma xasuusto, waxaa kusoo degdega maankiisa heestii Maxamed Moogge ee “Dadka Hayska Wayneyn” bayd ku jirey oo ahaa:

“Hadba waaga joogaad

La tihiin walaaloo

Wajiga lacaga bay dumar,

Wacadkaba ku iibshaan…”

Isaga oo sidaa iskula faqaya ayuu ka istaagay maqaaxidii uu fadhiyey. Wuxuu u jihaystay halkii uu ka degganaa Xamar. Lugahaha ayuu culeys ka dareemay. Xibnaha oo dhan ayaa sidii ay ilmo caasi ah yihiin ku madax adaygay! Buulaxuubeey oo uu dagganaa ayaa Suuqa Xoolaha la noqotey! Wuu luuday, isaga oo daallan ayuuna joodarigiisii dul tagay, xibnihiisii daallannaana ugu dul tuuray si arxan darro ah. Durba, indhihiisa ayaa qabtey saqafka qolkiisa oo dayaxu ka muuqdo. Laba habeen ayaa laga jooga markii ay qolkiisa isaga oo ka maqan dhowr xabbad oo wiifto ahi soo galeen! Xamar haddii aad ka badbaado xabad askari kugu dhufto ama qarax aad la kulanto, waxa aad halis ugu jirta in habeen madow xabad wiifto ahi qolkaaga kuugu soo gasho!

Intii uu joogay magaalada, waxa uu u jarmaadayey shaqo aysan naftiisu qanaaco badan ku qabin, hawlaheeduna isu wada egyihiin. Mar haddii aysan nacfi lahayn, in ay u dhaanto busaaradda magaalada ka jirta ayuu nafta ku samirsiin jirey. Waxa uu berri laabayaa buuga noloshiisa iyo jiraalkiisuba ku kaydsan yihiin! Subaxdii ayuu soo kacay isaga oo rejo iyo quus wada socda ku hardamayaan haabkiisa. Waxa mar qura doodaya qof noloshiisa yool badan ku taamayey in uu gaaro iyo qof si kasta waayaha jiraa ugu run sheegee, laabtiisana ka buuxsheen erayo aan u arxamayn! Waxa loolamaya qof falsafadda iyo micno u raadinta noloshu ku weyn tahay iyo qof ay laabtiisa yuurarto caadiyenta iyo daneyn la’aanta jiraalku. Wuxuu ka fikiray micnaha iyo midabka ay yeelan karto ruuxdiisu!

Qof Soomaali ah oo gaajo dilootey jirkiisa, aqoondarrida iyo ogaalyaraantuna hagaasiyeen maankiisa, haddana isla qabweyn oo noloshiisa ku cabira weedho khiyaaliga ka foq waaqica saxda ah leeyahay ayaa uga muuqday muuqaal uu maankiisa ku haystay! Qof waligii xaqiiqada ka carara, marwalbana ku nool dhalanteedka waayahay ayuu isku arkay! Qof dhaqankiisu hodan ku ah, haddana marwalba ku dedaalaya in uu isku milo dunida kale ayuu arkay! Qof afkiisa cabqari ku ah, haddana aqoondarrada haysaa geyaysiisey in uu afafka kale moodo aqoon!

Boorsaddiisa ayuu ku cabbeystay wixii uu dhar iyo agab ahaa! Mid kale ayuu ka buuxiyey wixii buugaag af Soomaali ku qornaa ee uu haystay. Wuxuu wacay saaxiibkiis Qaasim oo ka mid ah shaqaalaha garoonka diyaaradaha! Qaasim wax ay wada ahaayeen isku qol markii uu Malaysiya tagay. Waa nin deggan oo aad u afgaaban. Waa nin shaqo oo badi wakhtigiisa waxaa qaata hawsha uu qabto, taas ayaa keenaysa in uu yaraado kulanka dhex mara labadooda. Aragtiyo iyo qaddiyado ay falanqeeyaan waxa ugu danbeysay markii ay labadooduba ku foofeen suuqa shaqada. Marmar ayey is helaan oo ay waayo tagay xasuustood ku dhex lugeeyaan. Qaasim Macruuf waa cadcadka Xamarweyne iyo Shangaani deggan. Waa nin waligiii aan Xamar dhinac uga bixin marka laga reebo mudaddii uu Malaysiya joogay. Dhaqanka iyo dabciga Banaadiriga ayuu ku falanyahay, waana qofka jeclaysiiyey fanka Banaadiriga saaxiibkii. Muddadii ay halkaas joogeen ayuu baray saaxiibkii duxda uu leeyahay fanka Banaadirigu; fanka Banaadirugu waa fan badi ka heesa dareennada ruuxiga ah ee qofka.

Qaasim oo gaawaarida raaxada wata ayaa soo hor joogsaday guriga saaxiibkii. Mar haddii ay aroor hore tahay, guriga uu deggan yahayna aan badi dadku soo kicin, waxa u fududaatey in uu si hawlyar guriga uga baxo. Wardi oo jikada quraac ku samaysanaysa ayuu u galay, inta bariidiyeyna gacanta ka saaray bakhshad ay ku jiraan lacag $150 ah iyo farriin nabadgaliyeyn ah, dabadeedna uga baxay degdeg guriga! Wardi kolkii ay bakhshaddii furtey ayey ugu tagtay lacag aysan fileyn iyo farriin laabteeda qaadday:

“Hooyo Wardi, saaka waxaa soo dhammaaday waayahaygii aan Xamar joogay. Waxa aan gabi macasalaamayn doonaa magaaladdii iyo dadkii aan jeclaa oo aad qayb ka ahaydeen. Waxaan u baxayaa in aan nolol kale samaysto, oo aan riyadeyda raaco. Xamar inta aad joogtaan, waxa aan idiin rajeynayaa in Ilaahay idin ilaaliyo. Marwalba waxaad ahaan doontaan qoys aan jeclahay, nolosheydana saamayn ku leh, qayb xasuusteyda ka mid ah ku noolaan doona. Intii aan idin la noolaa, maalinna kama caban dhankiina, taas ayaan markhaati ka ah wanaaggiina iyo samaanta aad ku suntan tihiin. Lacagtan ku jirta bakhsadda, qayb waa deyntii dukaanka lagaaga lahaa, qaybta kalena waa kiradii bisha soo socota, mar haddii bishu dhammaad tahay, cid kalena kiraysaneyn qolka adinna aad ku xisaabtamayseen lacagtayda, inta soo harteyna waxa aad ku hagaajisaa safaqka qolkeyga oo xabado wiifto ahi ka soo galeen habeenkii aan maqnaa! Waxaan idinku sagootinayaa jacaylkii iyo wanaaggii aad laabteyda egagtay ku qoyseen!

Nooli kulantee

Gobeey liicoo ha jabin.”

Wardi, intii aysan dhammeyn akhrinta dhambaalka ayey labadeeda indhood isku jiibiyeen ilmada. Waxay u rajeysay wanaagga ay xasuusan karto oo dhan, sidiisii ayeyna ku macasalaameysay heestii Khadra Daahir Cige ee uu jeclaa; Gobeey liico ha jabin!

Mar haddii ay saaka tahay subaxdii iskugu dambeysay Qaasim iyo isaga, waxa uu Qaasim ku sagootiyey hees uu Axmed Shariif Killer qaado. Sida uu isagu Khadra Daahir uga jecelyahay fannaaniinta, ayuu Qaasim isna Axmed Shariif Killer uga soocan yahay fannaaniinta kale:

“Ma sugaayi muggaan

Sideen yeelaa

Safarkeyga salaam ka yeel

Saatiroow

Silac iyo saxariir iga saaree…”

-Saaxiib, Ilaahay safarkaaga ha kuu fududeeyo, rejo walba oo aad leedahayna ha kuu dhabeeyo. Waxa aan kuu rajeynayaa in aad hesho wixii aad mudnayd, waan aqaannaa dedaalkaaga iyo kartidaadu in ay ku hoggaamineyso riyadaada. Ha is dhigan ee halgan illaa dhammaadka noloshaada. Waxaan Ilaahay kaaga baryaya in uu dadka kaaga wado dhigo hooyo iyo aabbo.

Wuu ka dhex galay,

-War niyoow xaasna ku dar in uu mid iiga dhigo. Wuxuu raaciyey qosol.

-War hawl ka adag xaas iyo gogol haween ayaa ku sugaysa ee halgan niyoow, shabeelnaagoodnimada inta aad gadaal dhigatid. Qurbe ma hawl yara e, nin adag noqo oo gobannimada ku dhimo.

Inta ay is nabadgaliyeen ayuu horey u galay hoolka sugidda diyaaradda, sidaasna ku macsalaameeyey Xamar iyo dadkeedii uu jeclaa. Wuxuu u rajeeyey in magaalada iyo dadkeeduba baraarugaan, cadowgooda iyo gacalkoodana kala fahmaan. Wuxuu rajeeyey in maalin la arko Xamar oo aan laga baqayn in shacab lagu xasuuqo qarax. Xamar oo dadku gurigooda uga soo baxayaan hubanti ah in ay caawa soo hoyanaaan iyaga oo aan ka cabsi qabin in balo cirka la gasho. Xamar oo dadkeedu ku naalloodaan nolol ay ku taamayeen muddo badan. Wuxuuse xasuustay inta dadku qarinayaan wadkooda in aysan noloshooda sidan dhaameyn. Inta dawladdu wanaajineyso qofkii shalay dadka xumeeyey in aan xaalku ka soo raynayn! Intuu waxaas oo dhan dib u liqay ayuu diyaaraddii raacay, wuxuuna ku foofay in uu odorroso nolosha iyo waayaha kaabiga ku soo haya ee uu wajahayo maanta! Markii ay diyaaraddii uu raacay ku orodday dhabbaha ayuu dhagaha gashtay heestii Killer ee saaxiibkii Qaasim baray dabadeedna rajeeyey nolol dhaanta ta Xamar:

“Safarkeyga salaam ka yeel

Saatiroow,

Silac iyo saxariir iga saaree..:

Erayfur:

¹Farshaxankii Van Gogh; Starry Nights, waa farshaxanka sawirka ku lifaaqan sheekada ka muuqda oo uu farshaxameyste Vicente Van Gogh(1853-1890) sawiray sannad la hor dhimashadiisa.

³Johannes Zukertort; Johannes Hermann Zukertort; mid ka mid ah cabqariyiintii ciyaarta Chess-ta sannadihii 1870-80kii.

³Jallaad: Subac; waa qaab fudud oo quraanka loo akhriyo, kuna dhisan maalmaha toddobaadka. Waa Jimce illaa khamiis.

⁴Uniso; University Of Somalia; mid ka mid ah jaamacada Muqdisho.

W/Q: Cabrishakuur Qodax

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *