Sheekadii The Bet(Sharad Dhigashada) ee Anton Chekhov
Qoraaga iyo suugaanyahanka reer Russia, ee Anton Chekhov, waxa uu ahaa curiye weyn dhanka sheekooyinka gaagaaban. Waxaa loo arkaa in uu kamid yahay, suugaanyahannada ugu waaweyn dunida, waxaa sidoo kale loo arkaa, in uu kamid yahay, kuwa ugu wanaagsan taariikhda qoraayaasha sheekooyinka gaagaaban, dad badanna waxa ay u arkaan qoraaga ugu weyn ee dhankaas. Waxa uu qoray boqolaal sheekooyinka gaagaaban ah, kuwaas oo inbadan oo kamid ah loo arko curin qaaraami ah.
Chekhov waxa uu qoraalka bilaabay, markii uu ardayga ka ahaa kulliyada caafimaadka ee jaamacada Moscow. Waxa uu joogteeyay qoraalka, sidaas ayuuna ugu danbeyn uga mid noqday suugaanyahannada ugu waaweyn dunida. Haddaba Chekhov sheekooyinkiisa ugu caansan, ee uu ku farayareystay ku faakiheystay, waxaa kamid ah sheekada “Sharad Dhigashada الرهان” ama The Bet. Chekhov waxa uu qoray sheekadaan 1889dii, waxa ayna noqotay sheeko si weyn ubaahday, taas oo aad laga helay loona tarjumay afaf badan.
Sheekadaan “Sharad Dhigashada” waxa ay udheceysaa sida tan: Habeen kamid ah, habeennada guga ee mugdiga badan, sariflaha cajuuska ahi, waxaa uu dhex wareegayaa gudaha seyladiisa, marba intuu tiir ka dhaqaaqo ayuu mid kale cuskadaa, maskaxdiisu waxaa ay dib u xusuusanaysaa faahfaahinta xafladii uu dhigay, habeen u eg habeenkaan caawa ah, muddo laga joogo 15 sano. Bal inaguna aynu booqanno habeenkaa inaga oo ku safreyna xusuusta sariflaha.
Waxaa ay xafladdu kulmisay, aqoonyahanno badan iyo sheekooyin cajiib ah. Qodobada sheekooyinkaasi ku jiray, waxaa kamid ahaa; ciqaabta dilka, martida loo yeeray oo ay kamid ahaayeen tiro barayaal iyo wariyayaal ah, waxaa ay dhaliileen fikrada ciqaabta dilka ah. Ciqaabta dilka, waa wado loo maro ciqaabida qofka, oo dhaqan hore ah, oo aan ahayn mid akhlaaq ku saleysan, oo aan ku haboonayn dowlad masiixi ah, sida ay qabaan. Qaarkood waxaa ay yiraahdeen, caalamka oo dhami waxaa uu ku qasban yahay in uu ciqaabta dilka uu ku badasho xabsi daa’in.
Ninkii xaflada sameeyay\sariflihii, waxaa uu yiri: Aniga idin kuguma raacsani ra’yiga, dabcan aniga ma tijaabinin, ciqaabta dilka amaba xabsi daa’in ka, balse hadii qofka loo dhibaata galiyo, in uu arintani u go’aamiyo si fakar yar, waxaa ay aragtidaydu tahay, in ciqaabta dilku ay ka wanaagsantahay xabsi daa’inka, akhlaaq ahaan iyo dadnimo ahaanba.
Ciqaabta dilku waxaa ay kuu dilaysaa si toos ah, halka xabsi daa’inka uu lamid yahay sida sun jirkaaga ugu faafeysa si daahid ah. Hadaba labada dilaa midkee dadnimo badan?, ma kaas kuugu dilaya dhowr il-biriqsi gudohooda, mise midka nolosha kaa nuugaya sanado badan, si aan kala joogsi leheyn.
Waxaa halkaasi ah oo dadka jooga kamid ah, qareen da’yar oo qiyaastii ku jira da’da shan iyo labaatanka, asiga oo markii uu aragtidaani maqlay yiri: Labada ciqaab, ee xukunka dilka iyo xabsi daa’inka, waxaa ay ku tilmaaman yihiin in badan oo akhlaaq la’aan ah, balse aniga hadii la ii kala dooradsiiyo, waxaan dooran lahaa kan danbe(xabsi daa’inka). Nnolol barkeed waxa ay ka wanaagsantahay nolol la’aan, waxaana aragtidaasi kusii xigsaday, dood xoog badan.
Waxaa si lama-filaan ah u carooday sariflihii, kaas oo ugu madax adkaa dadka, waxaa uuna dharbaaxo la dhacay miiska, isaga oo qeylo dhagaha ugu shubay qareenkii, isaga oo leh: Tani waa been, waxaan sharad ahaan u dhiganayaa labo milyan oo Gini ah, in aadan adiga awoodin in aad qolka xukunka qaadashada ku sugnaato, shan sanaba ha ahaato.
Qareenkii ayaa ugu war celiyay: Hadii hadalkaaga uu kaa dhab yahay, aadna ku saxsantahay, aniga waxaan diyaar u ahay sharadka dartiis in aan xabsiga ku sugnaad doono 15 sano, ee maaha shan sano oo kaliya. Sariflihii ayaa ku qeyliyay: Ma toban iyo shan sano?! waa si wanaagsan mudanayaal, ani waan dhiganayaa labada milyan ee gini. Waxaa timid war celintii qareenka, waan kugu raacsanahay, adiga waxaad dhiganeysaa labo milyan, anigana hadii aad dooneyso xitaa waxa aan dhiganayaa xorriyadeyda.
Sidaas ayay ku dhameystirantay ‘sharad dhigashadaan’ aan loo meel dayin, ee cajiibka ah. Waxaa uu sariflihii dareemay, kaas oo xilligaas ahaa mid fudfudud oo naftiisa dalabaadkeeda u hogaansan, in uu heysto hanti ahaan, malaayiin aan la tirin karin lana koobi karin, dareenka farxadda iyo liibaanta ayaa ku saaqday xididadiisa, waxaana uu sarifluhu qareenkii ku yiri intii la casheynayay, isagoo la kaftamaya; Dib isugu laabo doqonyohow inta uusan waqtigu kaa tagin, labo milyan muhiim maaha, marka aniga la’ii eego, balse saddex sano ama afar sano oo kamida kuwa ugu wanaagsan sanadaha cumrigaaga in aad wayso waa khasaare aad iyo aad u weyn.
Sababta aan saddex ama afar kuu leeyahay waxa ay tahay, adiga kuma sugnaan doontid halkaas wax intaas ka badan. Waxaan kaa doonayaa in aad xusuusato, qofyohow hoogay, in aad ciqaabtaani umarto si ikhtiyaar ah waxa ay ka adagtayhay in laguugu fuliyo si qassab ah, waayo fikradda ah in aad adiga leedahay mar kasta xaqa xoraynta naftaada waxa ay ku saameyn doontaa il biriqsi kasta oo aad ku qaadaneyso gudaha xabsigaaga. Alla maxaan kuu damqanayaa saaxiib!
Hadda waa kan sariflihii oo wali ku wareegaya gudaha qolka seyladiisa asiga oo marba intuu tiir ka dhaqaaqo mid kale cuskanaya, waxa uuna raajicinayaa dhacdadaas, asiga oo soo xusuusanayaa muuqeeda waxa uuna is weydiinayaa: Maxaan ugalay sharadkaas? Maxay tahay faa’idada ku jirtay? Qareenkii waxaa uu khasaaray 15 sano oo noloshiisa kamid ah, anigana waxaan tuuray labo milyan oo aan dabeysha raaciyay, balse dadku ma u dhaqaaqi doonaan in ay rumeeyaan in ciqaabta dilka ay ka xuntahay xabsiga? Ama taas badalkeeda sharadkeennu wax maka badali doonaa aragtida dadka? Dabcan maya, waa aragti faaruq ah, waxa ay aheyd xiiso iyo kaliya soobooddo, taas oo ka timid nin uu jeebku ubuuxo iyo qareen hanti u ooman. Waxa uuna sii raacraacayaa xasuusashada waxii dhacay kadib habeenkii xaflada.
Waxa ay go’aansadeen in uu qareenku xukunkiisa ku qaato xabsi adag oo dhinaca ku haaya beerta guriga sariflaha. Waxaa jirtay shuruud uu sarifluhu qortay oo qareenka laga doonayo, in uusan jibinin shuruudahaasi inta ay socoto mudada xabsiga ee lagu heshiiyay, waxa ayna shuruudaas aheyd sida soo socoto:
- Waxaan loo ogaleyn in uu ka talaabo qareenku catabada iridda, si uu dadka u arko ama codkooda umaqlo.
- Waxaa loo ogolyahay in uu heysto aalad muusig, kitaab, in uu qoro khudbad, in uu cabo khamri ama in uu sigaar shito.
Ayada oo laraacayo, qodobadaan la isku raacay, wadada kaliya ee u ogolaaneys in uu qareenku debadda la xiriiro, waxa ay aheyd aamusnaan, mar kasta oo uu ubaahdo wax lama huraan ah, sida buugaagta, muusiga iyo khamriga, waxaa uu fariintiisa oo warqad ku qoran uu soo marsiin jiray daaqad ugaar ah arinkaan. Heshiisku waxaa uu ahaa, mid aad iyo aad ufaahfaahsan, taasi waxa ay kamid tahay, waxyaabaha xabsiga ka dhigay mid dunida ka fog, qareenkiina ka dhigay mid lagooyay ama la takooray gabi ahaanba.
Shruudadaasi waxaa ay ku waajibi doonaan qareenka 15 sano oo xiriir ah, taas oo ka bilaabaneysa marka ay saacadu tahay 06:00 subaxnimo, oo ah maalinka afar iyo tobnaad ee bisha Nofeember, sanadkuna uu yahay 1870. Waxa ayna ku egtahay oo dhamaaneysa marka ay saacadu tahay 06:00 subaxnimo ee maalinka afar iyo tobnaad ee November, sanadkuna uu yahay 1885. Isku dayga ugu yar ee qareenku isku dayo, in uu jebiyo shuruudahaan ama uu isku dayo in uu baxsado xitaa iyadoo waqtigii la fasixi lahaa ay labo daqiiqo ka harsantahay, taasi waxaa ay sarifluhu u damaanad qaadeysaa in uu iska diido bixinta lacagtii uu sharadka ku galay.
Markii ay ubilaabatay mudadii xabsiga, sanadkii 1aad fariimaha gaagaaban ee dhanka qareenka ka imaanaayay; waxaa ay ku saabsanaayeen silaca uu ku jiro, ee ah kalinimada iyo daalka, ma uusan kala goin codka biyaanada ee dhankiisa ka imaanaya, habeen iyo maalin, wuxuu diiday nabiidka/khamriga iyo sigaarka, isaga oo usababeeyay in khamrigu uu xoreeyo habdhaqannada qofka ku beeran/الغرائز, habdhaqannadaasina waa cadawga qofka, balse isagu uu jecelyahay, ku darsoo in aad cabto dhalo nabiid ah oo wanaagsan, iyadoo uusan jirin saaxib kula wadaagaya, waxaad ugu caajiseysaa si waxyaabaha kale ka badan, marka aanu u imaadno sigaarka, isagu wuxuu wasakheeyaa/sumeeyaa hawada qolka, mudadaan halka sano ahi waxaa uu qareenku helay buugaag fudfudud, iyo riwaayado kahadlayya qisooyin jaceyl oo aan nuxur badan leheyn, iyo sheekooyinka danbiyada shirqoolka iyo mala’awaalka/الخيال, iyo riwaayadaha qosolka iyo majaajillada sidaas ayey arintu ku socotay.
Sanadkii labaad waxaa go’ay codka biyaanada, codsiga qareenkuna waxaa uu kusoo koobmay kaliya dhigaallada qaaraamiga ah ee qiimaha sare leh. Sanadkii 5aad waxaa soo laabtay oo soo cusboonaaday miyuusiga, waxaana uu qareenku dalbaday Nabiidka. Intii sanakaani lagu jiray dadkii arkayay waxaa ay yiraahdeen, waxa uu sameynayay oo dhami waxaa ay ahaayeen cuntada iyo cabitaanka, iyo in uu sariirta dusheeda dhabar dhabar ugu seexdo, waa xuu ahaa in uu haamaansanaayo in badan, naftiisana uu ula hadlayo si caro leh. Wuxuu ka istaagay aqrinta balse habeennada qaarkood waxaa uu u fariisan jiray qoraalka, waxa uuna joogteyn jiray waqti dheer, kadib wuxuu aroortii jeexjeexaa qoraalkii uu xalayto qoray, waxaana dadka soo gaari jiray in ka badan hal mar codkiisa isaga oo ooyaya.
Bartamihii sanadkii 6aad waxaa uu qareenku bilaabay diraaseynta afafka Falsafada iyo Sooyaalka si xamaasad leh, waxa uu bilaabay in uu liqliqo qeybahaani, waliba si dhuuninimo leh, heer markii danbe sariflaha ay ku adkaatay in uu helo waqti uu qareenka ugu soo gudbiyo in kale oo buugaag ah. Afar sano gudohooda waxaa loo keenay 600 oo mujallad iyada oo laraacayo nooca dalabaadkiisa, intii lagu jiray mudadaas uu qareenku jaceylka uqaaday akhriska, waxaa uu sarifluhu fariin ka helay qareenka. Fariintaas oo u dhigneed: Ixabisahayga sharafta lohow, waxaan kuugu soo qorayaa dhawrkaan sadar lix af oo kala duwan, ubandhig sadarradaan dadka khubarrada ah si ay u akhriyaan, hadii ay ka waayaan hal qalad, waxaan ku farayaa in aad beerta timaado dhowr xabadoodna aad cirka uganto, codka rasaastu waxaa uu ii sheegi doonaa in dadaalkeygii uusan noqon hal bacaad lagu lisay iyo xoog doofaar lagu eryay.
Khubarradu meel kasta iyo waqti kasta waxa ay ku hadlaan afaf kala duwan, markii loo bandhigay dharwkii sadar mid kasta oo iyaga kamid ah waxaa gudihiisa ka holcay dabka faduusha iyo xifaaltanka.
Waxaa isla hadlaya qareenkii oo leh, Yaa Ilaahii! Fiicnaan laheydaa in aad garaneyso yoolka liibaanteyda, oo waxaan ku liibaanay in aan hadda fahmayo, nimankaasi khubarrada ah. Sidii lafilayay waxaaa dhabowday kalsoonidii qareenka, waxa uuna sarifluhu amar ku bixiyay in labo rasaas laga gano hawada beerta,
Intaas kadib waqti ku beegan sanadkii 9aad, qareenku waxaa uu dul fariistay miiska dhaqdhaqaaq la’aan, isaga oo akhrinaya kitaabka العهد الجديد, waxaa uu sarifluhu la cajabay, in ninkii 600 oo mujallad diraasayntooda ay ku qaadatay afar sanadood, in ay hal sano ku dhawaad ku qaadato akhrinta hal kitaab, kaas oo fahamkiisu uu sahlanyahay ula jeedooyinkiisana ay cadcadyihiin. Intaa kadibna waxaa uu usii gudbay in uu diraaseeyo, sooyadlka diimaha iyo cilmiga caqiidada masiixiga علم اللاهوت. Akhrinta maxbuuska ee labada sano ee muddada ugu danbeyso, waa mid aan loo meel dayin, oo marba mowduuc ayuu furaa, kolkaasuu hadana mid kale ugudbaa, balse hada waxaa ay akhrintiisu kusoo koobantay culuunta dabiicada, kadib waxaa uu bilaabay akhrinta dhigaalladii Shakespeare iyo Byron. Intaas kadibna waxaa ay ka heleen dhanka maxbuuska fariin kale oo uu ku dalbanayo kitaab ku saabsan kimistariga, iyo mid kale oo caafimaadka ku saabsan iyo riwaayad iyo qaar kale oo ku saabsan falsafada iyo cilmiga diimaha.
Waxa uu wax u akhrinayay sida nin dhex dabaalanaya burburka doon, burburkaasi oo ah jajab faro badan oo badda dul sabbeynaya, ninkaasi oo dabaasha boobsiinayya si uu usoo kulmiyo qeybaha burburkaas, midba tan ku xigta, si uu noloshiisa ubadbaadiyo. Sarifluhu wuxuu lasocday xaalad kasta oo uu maxbuusku ku suganyahay.
Wax uu waqti isguraba waxa uu soo gaaray goor ay qareenku mudada ugu egtahay berri, waxa uuna sarifluhu iskula hadlay: Berri kolka ay saacadu ku istaagto 06:00 subaxnimo, waxa uu qareenka maxbuuska ah soo ceshan doonaa madaxbanaanidiisa, waxaana igu waajibeysa in aan siiyo laba million, taas oo ku waajibtay heshiiska balse goortaasi waxaan wayn doonaa wax kasta, tani wexey noqon doontaa gabagabadeyda.
Shan iyo toban sano ka hor malaayiinta qasnadiisa ku jirta, waxa ay ahayd mid aan lasoo koobi karin, balse isagu hadda kuma dhiirran karo in uu naftiisa weydiiyo, hantidayda iyo daymaha la igu leeyahay midde badan?
Qamaarka iyo heshiisyada ganacsi ee aan loo meel dayin, iyo fudaydkii caadada u ahaa, kaas oo uusan iska daynin xitaa isagoo ay da’diisu korortay, arimahaasi oo isbiirsaday waxaa ay ganacsigiisii udireen qabriga. Ninkii shaqo ee kalsoonida badnaa ee aan cidna ka heybeysan jirin, waxa uu isu baddelay sarifle caadi ah, kaas oo wadnaha farta ku haya mar kasta oo uu suuqu dhaqaaq sameeyo. Madaxa ayuu gacmaha saartay isaga oo guryamaya oo leh: Sharad dhigashadaan ay nacaladu ku dhacday horta muxusan udhimanin ninkaa?
Laakin siduu udhimanayaa isaga oo ku jira afartamaadka cumrigiisa, waxa uu qaadan doonaa hantidaydii intii ugu danbeysay, waa uu guursan doonaa, raaxaysan doonaa, waa uuna qamaartamidoonaa, balse aniga waxaan u muuqan doonaa sida nin shaxaad doon ah oo cuqdad badan, waxa uuna kusoo celcelin doonaa oo uu dhageheyga maqalsiin doonaa, maalin kasta hadalkaan oo ah: Aniga ayaa liibaantayda kuugu galadeysanaya inta aan noolahay ee kaalay aan ku caawiyee miskiinyohow. Ma dhici karto tani waa wax aan suuragal aheyn sida kaliya ee aan uga baxsankaro mufalasnimada iyo fadeexadaani waa geerida ninkaan.
Waxaa uu sarifluhu u aamusay shanqarta goorsheegtada isaga oo sugaya in ay ku istaagto saddexda habeenimo, dhamaan ehelka guriga waxaa ay ahaayeen kuwa hurda waa aamusnaan oo degan, ma jirto shanqar aan ka ahayn tan geedaha iyo dhirta beerta ee ka imaaneysa daaqadaha. Waa uu dusay isaga oo ku socda faraha, kuna sii jeeda qaanadiisa si uu usoo qaato furaha albaab, kaas oo la owday muddo haatan laga joogo shan iyo toban sano, kuna rito jeebka boorsadiisa, kadib guriga ayuu ka baxay isaga oo ku sii jeeda beerta qabowga badan ee hadana mugdiga ku qarqoontay.
Roobka ayaa billowday isaga oo wata dabeylo qoyan, taas oo beerta ka dhex shanqareysa, geedahana ruxaysa, mana uusan awoodin sarifluhu in xitaa uu dhulka iyo geedaha arko, waxaa uu sarifluhu labo jeer u yeeray waardiyaha, balse kama uusan helin jawaab xaga waardiyaha. Waxaa cad in uu waardiyuhu ka okoranaayo jawiga rooban ee dhaxamaha iyo dabeylaha leh, sida ay ubadantahay waxaa uu dhex quurinayaa hurdo gun dheer.
Waxaa uu sarifluhu ku fekeray hadii aan geesinimadayda huwado, waxaa aan fulin karaa waxa aan niyaysnahay, waxaana ay faraha tuhunka farfiiqi doonaan waardiyaha. Waxa uu si dagan u baadigoobay dariiqa mugdiga badan ee dhanka albaabka, waxaana uu udusay waddada loo maro xabsi-guriga qareenka. Waxa uu dariiqu usii gudbiyay marin ciriiri ah , waxaa uu shitay taraq, ma uusan helin wax raad nafleey ah, halkaasi waxaa ah sariir uu midkood leeyahay, balse cidna ma hurudo kamana muuqdaan maryo iyo wax lamida, waxaa uu milicsaday jiko ka shidan meel danbe oo mugdi ah, albaabada loo maro qolka maxbuuska waxaa saaran qufullo daxaleystay, waxaa damay taraqa waxaa uu sarifluhu isha la eegtay daaqada isaga oo la lulanaya qalqal iyo cabsi, halkaasi waxaa ah shumac uu iftiinkiisu ku baahsanyahay qolka maxbuuska.
Maxabuusku waxaa uu kaligii dul fadhiyaa miiskii uu wax ku akhrisan jiray, mana muuqdaan wax aan ahayn dhabarkiisa, timihiisa iyo gacmihiisa. Waxaa ay dhigaalladu daadsanaayeen dusha miiska iyo labada kursi iyo gogosha hareerihiisa ah, Waxaa soo martay shan daqiiqo muxbuuskana ma uu dhaqaaqayo oo waa mid xasilan, shan iyo toban sano oo uu halkan ku kali ahaa, waa ay ku filantahay in ay ku tababarto fadhiga dhaqaan la’aanta ah, waxaa uu sarifluhu farihiisa ku garaacay daaqada balse ma uusan la kulmin falcelin dhanka maxbuuska ah.
Kadib waxaa uu furaha ku cadaadiyay qufulkii daxaleystay dabadeedna waa uu furmay, albaabkiina kadib shanqar iyo jiiqjiiq waa uu furmay. Waxaa uu sarifluhu rajeynayay in uu maqlo qaylo farxadeed ama shanqarta tallaabo, balse waxa dhacay ayaa ahaa in ay saddex daqiiqo ina dhaafto walina jawiga iyo goobtuba ay daganyihiin, waxaa uuna go’aansaday in uu qolka galo.
Waxaa miiska hor fadhiya nin aan aadanaha meelna uga ekeyn, waxaa uu u ekaa qasri lafo ka sameysan ama taalo gabowday. Waxa uu lahaa timo jactad ah oo dheer sida dumarka iyo gar basaasan, waji huwan midib jaalo ah sida dhulka iyo gooman guray iyo dhabar dheer oo caato ah, waxaa uu madixiisii basaasnaa cusjiyay gacmihiisa, si laga dareemayo damqasho waxaa ay cirradu udustay timihiisa. Hadii midkood uu fiiriyo wajigiisa caatada ah iyo tabar darrida ka muuqato, ma rumaysanayo in uu yahay nin ku jira afartamaadkiisa, waxaa miiska uu dul fadhiyo dulsaaran warqad yar, waxaana lagu dhigay qoraal khad aad uyar.
Waxaa uu sarifluhu ku fakaray, waa sheydaan miskiin ah, hadda sida ay ubadantahay waxaa uu ku riyoonayaa malaayiin. Hadda waxa la iga rabo in aan sameeyo oo dhami waa in waxaan meyd-haafka ah ku tuuro sariirta, kadibna aan afka iyo sanka uga qabto barkinta, muddo hal daqiiqo ah, danbi baaristuna ma heli doonaan raad, waxaana ay usababeyn doonaan geeri dabiici ah, balse aan akhriyo waxa uu halkan ku qoray. Waxa uu sarifluhu qaaday warqada waxaa uu bilaabay in uu akhriyo. Waxa ayna warqadda u dhigneed oo uu akhriyay sidaan:
Berri marka ay ku beegantahay lixda subaxnimo waxaan heli doonaa xorriyadeyda iyo xaqa aan uleeyahay in dadka lanoolaado, balse inta aan kabixin qolkaan, inta aanan arkin qoraxda mar kale, waxaa igu waajib ah in aan idiin dhaho kalmadaha qaarkood. Waxaan Eebbaha i arkaya hortiisa ka qirayaa iyada oo awoodayda garasho ay dhameystiran tahay, aniga in aan xaqiraayo xorriyada nolosha iyo caafimaadka iyo dhamaan waxa ay dhigaalladiinu ku tilmaameen kheyraadka nolosha.
Waxa aan nolosha dunida ka akhrisanayay dhigaaladiina muddo 15 sano ah, waxaan ogahay in aniga aanan daawan dunida iyo dadka, balse aniga waxaan dhuuqay nabiidka udgoon, waxaan ku luuqeeyay heesaha, waxaan dhigaaladiina ka dhex ugaarsaday deerada iyo doonfaarka berriga ah. Waxaan jeclaaday dumarka, waxaa gabaldhaca isoo booqanjiray haween qurux badan oo ay laashimiintiinna indheergaradka ah ku abuureen qalinkooda sixir lamoodka ah, si ay dhagteyda umaqashiiyaan sheekooyinka ashqaraarka leh ee isarqaamiyay.
Waxaa ay dhigaalladiinu ila koreen figta sare ee buuraha Elbrus iyo Mont Blanc, si aan udaawado qorax soo baxa aroortii, kadibna uu cirbinayo habeenkii, isago oo daboolaya samada iyo badaha oo dusha buurahana huwinaya midabka urjuwaaniga ama banafsajiga. Waxaan figta sare dusheeda ka arkay hilaaca, isagoo hilaacaya dhanbaalayana daruuraha. Waxaan arkay keymaha cagaaran, beeraha, wabiyada, harooyinka badaha yaryar iyo degellada dhulka. Waxa aan dhageystay heesaha gabdhaha xuuriyaatka ah iyo codadka durbaanka, waxaan taabtay garbaha malaa’ikta quruxda badan, kuwaas oo u yimid si ay iiga sheekeeyaan xaga Rabbiga.
Dhigaalladiinna waan ku qarqoomay xitaa heer aan ka wardoonay, cadaawad, colaad, olol iyo magaalooyinka gubanaya. waxaa la igu bishaareeyay diimo cusub, waxaan ku duulay dhulal iyo dalal, sida ay udhanyihiin. Waxaa ay dhigaalladiinu isiiyeen xikmad iyo wax kasta oo uu aadanaha wahsiga badan ka yaqaano waxii dhacay sabanno hore. Intaasiba waxaa ay ku keedsanyihiin weel yar oo ku jira gudaha qalfoofteyda madaxa, waxaana ogahay in aniga aan idiinka garasho fiicanahay idinka oo dhan.
Anigu waxaan xaqirayaa dhigaalladiina, murtidiina iyo dhamaan kheyraadka nolosha, wax kasta waa wax maran oo nuxur la’ oo male’awaal ah sidoo kalena lumin badan sida meel lamooday war ay biyo fadhiyaan kolka la tagayna aan waxba laga helin. Waxaa idiin suurtogal ah in aad ku raaxeysataan sarreyntiina, xikamdiina iyo quruxdiinna, kadibna ay idiin timaado geerida ilbiriqsi gudihiisa si ay idinka tirtirto dhulka oogadiisa, oo ay qarsoomaan caruurtiina, sooyaalkiina iyo indheergaradyada sida carrada gudaha dhalka ku qarsoon.
Adinku waxaa tihiin kuwa garasho dhiman iyo kuwa lunsan gafka waxaad u aragtaan in uu toosan yahay xumaantuna in ay qurux badan tahay. Wxaa suurtogal ah in uu qofku amakaago, haddii ay geedihii tufaaxa iyo burtuqaalka ay miraha badalkooda dhalaan rah iyo jirjiroole, aniga ma doonaayo in aan idiin fahmo fal iyo hadalba. Waan idiinkugu sugayaa, liidida aan liidaayo waxyaabaha, kuwaa oo u sabab ah in aad idinku nolosha ku sii baaqi ahaataan.
Aniga waan ka tanaasulayaa labada malyuun kuwaas oo aad idinku umoodeen naciimo. Hadda waan xaqirayaa, xitaa waxaan ku fakarayaa in aan meesha kasaaro xaqnimada aan uleeyahay, qolkaygaba waxaan iskaga baxayaa inta aan lagaarin waqtigii loo ballansanaa ee la isku raacay, tan xigtana heshiiskii horeba waan diidanahay!
Markii uu sarifluhu akhriska dhameeyayba waxaa uu qoraalka dul dhigay miiska, kadibna waxaa uu madaxa ka dhunkaday qareenkii, waxaana uu bilaabay in uu ooyo isaga oo sii jeexaya waddada uu uga baxayo xabsi guriga qareenka. Ma dhicin in si intaan la’eg uu nafsadiisa u xaqiro sida uu hadda dareemayo, xitaa markii uu qasaaray qasaaradiisii foosha xumeyd ee suuqa qamaarka. Waxaa uu soo gaaray gurigiisa waxaana uu dhacadiid ugu seexday gogoshiisa, balse walwalka iyo ilmadu waxaa ay indhihiisa ka fogeeyeen hurdada mudo dheer.
Waxaa subaxnimo u yimid isaga oo rucleynaya waardiyihii miskiinka ahaa, si uu ugu sheego in uu arkay ninkii xabsiga ku xirnaa oo usii dusaya beerta, daaqadana kasii baxaya una sii jeestay albaabka, kadibna uu indhohooda ka qarsoomay. Waxaana uu sariflihii tagay isla xaaladaasi qeybta xabsiga, si uu u hubsado in uu maxbuuskii cararay iyo si uu uga fogaado wararka shaaca ee aan daruuriga aheyn. Waxa uu miiska kasoo qaaday warqada tanaasulka, markii uu guriga usoo laabtayna waxaa uu ku qariyay qaanadiisa.
W/T: Mudane Maxamed
Haddii aad doonaysid hoos kala deg sheekada oo PDF ah:
