Histeeriya
“Hysteria” asal ahaan waa eray Giriig kaas la micno ah erayga ingiriisiga ah ee ” uterus” oo soomaali ahaan noqonaya” ilmo-galeen”. Waagii hore waxaa la rumaysnaa in uu ahaa cudur dumarka un u gaar ah. Sida ay giriigii hore qabeen waxaa sababa ilmo-galeenka oo jirka ku dhex socda oo hadba meel taga sida uu tibaaxay falasuusfkii iyo dhaqtarkii la oran jiray Hippocrates.
Sidoo kale galbeedka waxaa laga rumaysnaa in uu kacsiga dumarka sababo sidaa darteed ayaa xilligii fiktooriya” 1837-1901) bilowday hab lagu dawaynayo taas ah in dumarka cudurkaa ka cabanaya laga salaaxo simanka iyo inta la xiriirta , xubinta taranka laga fareeyo, habkaan ayaa noqday mid ay dad badan lacag ka sameeyaan oo ay ka shaqaytaan, ilaa markii danbe la soo saaray ” vibrators: qalab loo adeegsado in xubinta taranka dumarka lagu daliigo si loo kiciyo dareenkooda”
Dhammaadkii qarniga 19aad iyo bilowgii qarniga 20aad ayay galbeedka ka soo af jarantay khuraafaadkii laga aaminsanaa histeeriyada, taana waxaa keenay laba sababood oo kala ahaa: soo if baxii Taxliilin-nafeedda (psychoanalysis) oo ah hab lagu daweeyo khalkhal maskaxeedka iyo dagaal 1aad ee adduunka oo keenay in rag badan oo dagaalka ka soo badbaaday histeeriyada haleesho, labada arrin ayaa meesha ka saaray in histeeriyadu tahay wax dumarka u gaar ah.
Sigmund Freud iyo saaxiibkiis Joseph Breuer ayaa ogaaday in Histeerya tahay khalkhal iyo degganaan la’aan maskaxeed taas oo ay keenta dhaawac dhanka miyrika ah. Dhaawaca miyirka waxaa keena dhacdooyin xanuun leh oo qofka soo maray, dareeno is diidan oo qofka ku dhex hardamaya, walwal qofka haysta, dhibaatooyin qofka soo foodsaara( siiba kuwa qoyska) iwm.
Histeeriyada waxyaabaha ay keento waxaa kamid ah:
■Cuuryaanimo
■Indho la’aan
■Qosol aan kala joogsi lahayn
■Oohin aan kala joogsi lahayn
■Qofka in uu sawirta waxyaabo aan jriin, sida in uu arkayo ama ay la hadlayaan wax aan dadka kale u jeedin ama u muuqan.
■Qofka oo in uu rumaysto in uu jiran yahay asiga oo caafimaad qaba iqk.
Waxaa kale oo jira waxa loo yaqaano mass hysteria ( histeeriya wadareed) taas oo ah in dadka ay dhibaatooyinka aan kor ku soo sheegnay haystaan ay oohinta iyo qaylada isku darsadaan. Inta badan waxaa lagu arkaa goobaha cilaajyada , sidoo kale waxaad ku arki kartaa in inta uu qof ooyo qofkale ka sii daba qayliyo oo buuqa iyo oohinta ay isku darsadaan makraasna la yrihaado jiman iyo waxbaa ku soo kacay, ama qofkaan haddii uu arko qof oynaya isma celin karo.
Hadda histeeriyada waxaa loo yaqaanaa “cilladda geddisnaanta” (conversion disorder). Haddii aan sii raacino xaaladaha caafimaad ee histeerya ka ag dhow , waxaa jira waxa loogu yeero “Qaybsan” (Schizophrenia). Schizophrenia oo ah eray giriig ah ayaa la micno ah ingriirs ahaan ” split of mind” Carabigana wuxuu ku noqonayaa ” انفصام الشخصية “, sidaa darteed soomaali ahaan waxa aan dhihi karnaa “qaybsan”.
Qaybsanka waa xaalad caafiimad darro oo dhanka miyirka ah taas uu oo qofka aaminiyo sawiranayana waxyaabo aan jrijn, isla jeerkaasna uu dafirayo waxyaabaha jira ee xaqiqiiqda ah. Schizophrenia waxa ay keentaa in qofka uu ka dhex baxo bulshada oo uu gooni u socod noqdo, in uu hadalladiisa is gaf badan lagu arko, in uu lumiyo rabitaanka jireed, in is dayaco, nadaafad darro iwm. Waxaa kale oo jira oo Qaybsanka aad loogu qaldaa ” Shakhsiyadda laballaabka” ( Double personality” ( ازدواج الشخصية) taas oo ah in qofka yeesho wax ka badan hal shakhsiyad oo qofka ku dhex hardamaya.
Histeeriyada aad ayay ugu badan tahay dumarkeenna taas waxaa loo aaneeyaa cadaadiska bulsho ee haysta kaas oo ka horjoogsada rabitaanno badan oo dumarka leeyihiin , iska hor imaadka rabitaankooda iyo cadaadiska bulsho ayaana sabab u ah in ay histeeriyada haleehso.
Si loola tacaalo bukaannada la ildaran Histeeriyada waxaa la adeegsadaa Taxliilin-nafeed iyo taxliilinta caafimaadka maskaxda (psychiatric analysis) si loo ogaado asalka dhibaatada iyo sida ugu fudud ee loo dawayn karo. Balse nasiidarro dalkeenna ma lahan dhaqaatiirtaa kasmo-nafeeda sidaa darteed waxaa booskaa buuxiyay niman sheegta wadaado oo bukaanada u baahnaa baxnaaninta ceeji, karbaash, iyo bahdilaad iskugu daro, waxyaabo aan la aqoonana cabsiiya.
Haddaba haddii qof kuu dhaw ama ehelkaada ah ay haystaan dhibaatooyin nuucaan ah isku day in aad maskaxda u dejiso nasiino fiicanna uu helo, iskuna day in aad ogaato waxyaabaha maankiisa ka guuxaya ee walwalka iyo walbahaarka ku abuuraya kadibna la xali inta karaankaada ah. Tan ayaa ka habboon intii aad cilaaj gayn lahayd aragti ahaantayda.
Tixraacyo;
1.Breuer, J., & Freud, S. (1957). Studies on hysteria. Basic Books.
2. Baloh RW. Early Ideas on Hysteria. In: Medically Unexplained Symptoms. Copernicus, Cham: 2021. doi:10.1007/978-3-030-59181-6_2
3. Tasca C, Rapetti M, Carta MG, Fadda B. Women and hysteria in the history of mental health. Clin Pract Epidemiol Ment Health. 2012;8:110–119. doi:10.2174/1745017901208010110
4. Britannica. Conversion disorder.
5. Shetty S, Chandini S, Fernandes S, Safeekh A. Hysteria: A historical perspective. Arch Med Health Sci. 2020;8(2):312-5. doi:10.4103/amhs.amhs_220_20
W/Q:Cabdifitaax Ashraf
