Taariikhda Abwaan Abshir Bacadle

Sooyaalka Abwaan Abshir Bacadle

Abshir Nuur Faarax Wehliye (Abshir Bacadle) waa laashin, gabyaa gabayga guuroow ka asli karay, maansayahan geeraarka, jiiftada, shiribka iyo badaha kale ee maansada hadba dhankii uu doono dhaanka u raray (ka tirin karay); waa waddaad faafinta iyo difaaca diinta wax walba uu karay u huray Waaxidna wax-warsasho, wanaag iyo wacnaaba u kali yeelay. Abshir Bacadle waxa uu doonta dunnida soo fuulay sannadkii 1946-dii (Dhashay), waxa uu ku dhashay Mustaxiil oo kamid ah Godeey, Somaali-Galbeed Itoobiya. Da’yaraan ayuu ku iladay (xertay) kabaha abwaannimo, reer gabyi yaqaan balse loo dacareeyay gabyaanimada ayuu ka dhashay (Sheekhii deegaanka ayaa gabayga dunuubta ugu waa wayn ku daray, sidaas baa deegaanku gabyaaga ugu yaraa). Abshir sida sunnaha ma dhaafaanka ah ee waxbarashada Soomaalida iyo Muslimiintuba tahay waxa uu halkaas ka bowsaday Quraanka, xernimana waa uu soo maray oo wax buu ka akhristay fadhiyada culuumta diiniga ah, ilaa Sucuudiga ayuu kasoo bawsaday culuumta diiniga. Waxa uu soo kicitamay dhanka Soomaaliya oo uu dhawr meel ay Muqdisho ugu dambeysay kaga noolaaday. Waxaa aad loogu yaqiinay ganacsigiisa bacadleyaasha suuqa Bakaaraha, waa halka naanaysta magaciisa ku sidkan ee Bacadle ka raacday.

Gabayadiisa kuwii ugu horeeyay ee uu mariyay waxa uu Eebbe ku warsaday in ganacsigiisu u bulaalo, waxaa kamid ahaa beydadkiisa;
“Illaahoow adigaa qaadiroo, qaniyaho wayne
Adigaa Rasaqa qeybiyoo qaarba meel dhiga e’
Nin qaboow ku helay iyo nimaad qaxar ku siisaaba
Qafladaada adigoosan jirin, ruux ku qadayaaye
Illahayoow intaad ii qortayee aniga ii qeybsan
Illaahayoow qaboow iigu sahal, qaadir baa tahyee”.

Abshir Bacadle wuxuu ka gabyay dhibaatooyin ummadda Soomaaliyeed xilligiisa ilaa xilligan haysta oo diin ilaa dadnimada (qabiil) gaaray. Waxa uu aad uga gabyay waaxidnimada Illahay, qabriga, qiyaamaha iyo sida ay Rabbi in wax lala wadaajiyaa macquul u ahayn. Abshir wuxuu ciil iyo caro u qaaday cid waliba oo cilmiga kala lahaanshiyaha diinta, ducada iyo isku xerka Eebbe iyo adoonka mar ku eedaantay, waxaad gabayadiis qaar ka arki kartaa in abwaanku is adag ula dagaalamay kooxahaas ama firqooyinkaas diiniga ah. Sababta Abshir ku bixisay in ay gabayadiisu diinta iyo towxiidka u bataan waxa la dhihi karaa in gabyaannimadiisa iyo fahankiisa salafiga ah ay mar wada kacaameen iyo dadka uu kasoo jeedo ama meeha uu kasoo jeedo oo mar qura si isku mid ah looga barto Sheikh Cabdiqaadir Jeylaani iyo Eebbaha koonka abuuray. Abshir gabayadiisa oo intooda badan daarnaa dhinaca diinta iyo daacinimadda, wuxuu sidoo kale ka gabyay akhlaaqda bulsheed ee aan cidii ku ciyaartaa naftayda un ku ekaanayn ee saamayn taban bulshada ku ah (iska ilaaliya fidnada aan saamaynayn kuwiina sameeyay qura….suuratu Anfaal, aayada 25-aad), wuxuu aad u booriyay in la adkeeyo duljoogtayna bulsho ee diin, dhaqan iyo dowladnnimo.

Abwaanka waxa uu aad ugu caan baxay gabayada gaagaaban, nuxurka iyo macnaha ay sidaana dhumucdoodu dhayal lahayn, lana xifdin ogyahay. Gabay kamid ah kuwa uu dariiqooyinka quraafiga ee Soomaaliya ka jira uu kaga hadlay oo aan hoos idinku tusi doono, waxa uu door bidaaya halkii uu isaga oo mutaxan cullimada dariiqooyinka quraafiga ah la harjadi lahaa in uu bal bulshada u daayo halka la saxan oo ay tahay in Illahay waynayntiisa loo daayo ama laga barto. Abshir wuxuu soo tabinayaa dood saxan oo ay ahayd in si cilmiyaysan looga soo baxo ama isaga loogu raaco, inta aynaan gabaygaas isbarbardhiga ah soo gudbin aan isla fiirino beydadka uu bulshada ku leeyahay “ninkii isaga madaxiisa raajin waayay, sidee uu aniga isaga oo dhintay ii caawiyaa?!, bal idinka ma idiin cuntamaysaa aniga waa i cuntami waydaydee”

Isaga oo ka hadlaaya siyaarada qabuuraha dhibaatada looga ashtakoodo ama deeqda loo jarriyo wuxuuna soo jeedinayaa oo uu leeyahay; “Nimayahoow waxaan la cajabayee ii cuntami waayay
Markuu caafimaad qabay ninkii cunayay maalkeena
Oo cudur ku dhacay iyo xannuun caafin kari waayay
Markaan calal ku duuduubayoon, ciida hoos geliyay
Siduu aniga ii caawiyaa ii cuntami wayday”
Markuu intaas soo jeediyo ayuu haddana waxa uu isbarbardhig u sameynayaa oo matalayaa labo qofood oo midna salafi Eebbe un aaminsanyahay midna quraafi meel Eebbe iyo dadka u dhaxayso taaganyahay, wuxuu abwaanku ku doodayaa in si aad u fahantid sax ama qalad ay wanaagsantahay inaan dhagaysatid, markaana meel ku tawakashid. Jilaayaasha waa Salafi iyo quraafi, mid walba oo iyaga kamid ah waxa uu gabayga kusoo xerayaa beydad Shirib ah, wuxuu leeyahay;

Salafi: abidkeed muggeey qalantahoo, qollo agoontowdo
Qosolkiinu wa daranyahoo waad qadarasiinee
Qurbaan awliyaadaa jirraad qiil ka dhigatiine
Qabuuraha loo dirtaa qaaba dhabatiinee
Arooy dalabka quruxsada arsaaq waa naloo qorayee
Shirib; Ma qaadirkaan ka quusanaa
Asaan qabri u qeeshanaa

Quraafi: ijaasada muggaad qaadatoo lagu qaliifaayay
Qurbaankeena waad cuni jirtiyo qarafadeeniiye
Muggaad xeero qori lihi lahayd walax kusoo qooya
Kurbin qaac garuujeena aad qabac kasiinaysay
Qarsin iyo fandhaal waxaad qaado jabihaysay
Qandigii madoobaana aad hilib ku qaadaysay
Amaad qararamsaysaa la rabay inaad ka qooqdaaye
Qaajadu muggeey kaa hartoo kula qaraaraaday
Qumayoodhinkiyaa ku helay nama qilaafteene
Qashqashaada iga deey ma rabo qeylo iyo doode
Ama magaca aan kaa qoro qolodi kuu dhiibo (Sirdoonki xilligaas)
Qol xunoo waxa jira bidcada lagu qamiirshaaye
Muggeey edeb ku qaataana waa layska qumiyaa.
Shirib: muggaad qurbaan qashqashteen
Qaranku maydin qabqabteen

Waxyaalaha lagu xasuusto abwaanka weliba saaxiibadiisa ganacsiga iyo masaakiintii suuqa Bakaaraha waxaa kamid ah inuu dabeecad iyo dadnimo kula noolaa. Waxa uu lacago boqol kun Sh.S ah ka aruurin jirray ganacsatada suuqa Bakaaraha, waxaa suuqa subax walba imaan jirray hooyooyin masaakiin ah oo halkaas ka xammaalan jirray; waxa ay wadan jirreen dambiilo waxa ayna alaabta u qaadi jirreen dadka wax ka iibsada Suuqa ilaa bosteejada baabuurta laga raro. Galabki marka gabaldhaca la joogo oo ay hooyooyinkaas caraabayaan ayuu abwaanka lacagtii uu soo aruuriyay iyaga oo dambiilahooda dusha ku sita ogaal iyo filashona lahayn lacagta ugu ridridi jirray inyada gadaashooda socdo. Dadkii ay isla ganacsan jirreen waxa ay dhammaantood qirsanyihiin wanaagsanaanta iyo daacadnimada abwaanka. Waxa uu qeyb ka noqday dadkii u istaagay samafalka iyo caawinta dadka masaakiinta ah. Mar abwaanka la waydiiyay inuu bal u gabyay hey’adaha samafalka, waxa uu sheegay hadal u dhigmay “uma gabyin umana gabyi rabo Eebbe haka abaal mariyo, waxaan ka cabsaday in dadku is dhahaan abwaanka xooggoo ayaa lasiiyay”. Waxa uu ahaa Eebbe ha u naxariistee qof ku dareen ah dadkiisa, daw toosintoodana u darban.

Xilligii Kacaanku wadanka haystay, kama uusan mid ahayn abwaannaddii firfircoonaa ee sida tooska ah u mucaarriday taliskii MSBarre walow uu dhanka diinta wax ka dhihi jirray. Dhawr mar baa lagu eedeeyay gabayo uusan asiga tirin balse mar dambe ayaa la xeray, afar bilood buu ku xernaa xabsiga Hangash ee Nabbadsuggidda kadibna Gaalshire ayaa loo gudbiyay oo lix bilood iyo toddobo casho ku xernaa. Waxaa loo xeray gabay uu u tiriyay Shiikh Maxamed Guuleed Kaarshe, oo ahaan jirey wasiirka arrimaha diinta ee dowladda Maxamed Siyaad Barre, oo lagu eedeeyay inuu dhibaato u gaystay gabdhaha xijaabka xeran ee asturan qaarkood iyo dhilinyarada waddaadada ah sida uu abwaanku qabo. Sheikh Maxamed waxa uu kamid ahaa sida abwaanku xitaa qirsanyahay tahayna culimadii waa waynayd ee kaalinta ku lahaa faafida iyo barashada diinta, Dad aad u badan ayaa ka aflaxay tafsiirkii Qur’aanka Kariimka ee uu Masaajidka Siigaale ee Xaaji Ibraahim Uunlaaye, naxariis janno Eebbe ha siiye. Gabaygaan abwaanka lagu xeray beydadkiisa qaar kamid ah waa habaar uu kala dul dhacaayo sheikha, mana wanaagsanayn in sidaas wax lagu saxo asluubta suugaantuna kuma saxna in caay, aflagaado iyo habaar la murtiyeeyo, waxaase dhihi karnaa gabaygaan oo xilligiisu yahay horraantii Sideetamaadki in aragtiyaha firqooyinka diintu sidaas u kala fogaayeen, oo ay seeftu isugu aslanayd. Gabayga magaciisu waa ‘MA QADDARISAY SHEEKHOOW’, isaga oo aan dhammaystirnayn waa kan:

“Wadaadkaa markaa qabatid iyo qolada taageerta
Qasadkaygi waan kaa hayaa qaaliga ahaaye
Siigaale waaguu qabsadey kana qudbeynaayey
Qalbigaan ka taageeri jirey qaybka ma’ogeyne
Nin qabiil ku haaraamay baan qaadacoon jaraye
Waxaan ugu qidmeyn jirey inuu qiimo leeyahay
Quraankii Rabbigey waa ka tiray qaaliga ahaaye
Qalbigiisa waa laga masaxay qowl Ilaah yiriye
Qayliyo sawaxan buu beryahan qaaqda la hayaaye
……………………………….

Wadaadyahow gabdhaha qaawan baad qayb ku leedahaye
Nin qamiis u tolayoo asturay qaran ma ceebeyne
Qasadkaaga waan garanayaa qiiqu dabayaale
War hooy boogta qolofaysatiyo qurunki daawoobey
Qodqodkeeda naga daa marbey qaranku aaseene
Maraadse qoomamaysaba haddaad qalinka haysaaye
Ma qaddarisey Sheekhow dunida qaalmo rogodkeeda!
Haddii laba qabiil dirirto oo qolo la naafeeyo
Maatida raggii laga qashaa nabad ma qaataane
Muxsinaadka aad qaawisaye qadaftayeed cayday
Qarni dabadi hay gaadho ama bilahan qaarkoode
Inshaa Allaahu saan kuugu qoray waa laguu qabane
Qaaxadu dawey leedahoo kuuma soo qabane
Rabbi cuduro laga quustayoo qaraxa kuu keenye!
Qobku kaa dhac oo soo qayaxan hilibka qayriine
Qalal iyo qalbi la’aan Rabbigey qoorta kuu geliye
Qabrigoodan gelin naar dhadhami dunida qaarkeeda
Qalbigaaga maal iyo xinjiri ha isku qooshmeene
Qofna kaama haro kii sunnaha qaata mooyaane!”

Markii la xeray abwaanku intii Xabsiga ku jirray dhawr gabay oo gaagaaban buu mariyay, markii koobaadba uu meesha tagay faa’iidada uu ka helay waxa uu ku sheegay in maxaabiistu kamid ahaanyeen dad aan dadkooda loo ogolayn, maalinka oo idilka labo Rooti qalayl ah lasiiyo, markii uu isaga soo galayna waxa loo keeno ay la cuni jirreen mar uu ka gabyayayna waxa uu yiri;
“Qabri maaha jeelkuye muddaa kagu qariifaaye
Qamta igu rid kuwa qubani waa aniga qeyrkeeyee
Illaahay wuxuu ii qadaray, qaanic baan ahaye
Raggaa furinka qooshanahaya hayla quuteene”

Mar dambe oo uu jeelka xooggaa ku jiro ayaa waxaa meesha ku gashay Injir, iyadana waa ka gabyay oo waxa uu yiri;
“Abidkeey Injiri iguma socon ima saameyne
Soddon sanniyo dheeraada ma arag saxar dusheydaahe
Sadkay igu lahayd bay heshoo sahal ku goynmayso”

Gabaygii ugu dambeeyay ee uu inta uusan soo bixin tiriyay waxa uu usoo dhiibay igaar Kaahin ka dhahaayay oo markaas xabsiga laga sii deeyay, waxa abwaanku ku andacoonayaa in xabsigiisa ay tolkiisa ka shaqeeyeen maadaama masaa’il diini ah ay isu hayeen, gabaygaana waxa uu ku leeyahay;
“Wiilyahoow haddii Eebbaheey irridka kaa daayo
Koleey reer adoogeey wax baad ka arki doontaaye
Abshir Bacadle weli ma ogolaanin shiikhiini dheh
Iimaanka jeelkuu lahaa kuna af dheeraa dheh
Aanu laylku galaa ku ijtahaadaa dheh
Ismullaah calamkuu qabtaa oogta waaberi dheh
Illaahiisa mooyee cid kale uma arkoonayn dheh
Oo waa ogsoonyahay waxaad ku andacooteen dheh
Insha Allaahu ubaxiina waa la arki doonaa dheh”

Markii meesha laga saaray Kacaankii Lugooyo, Abshir waxa uu kamid ahaa abwaannaddii faraha badnaa ee dareenkii faraxada ahaa ee Bulshada ka gabyay. MSBarre oo ay dhawr xubnood oo garaad, aqoonyahay iyo dadkii caasimmada isugu jira u tageen si uu bal dagaal la’aan kursiga u baneeyo, soona deyriyay oo saliga kaga istaagay wixii uu afkaas ku fahmi waayay, af uu yaqaan oo dhawaqa rasaasta ah loogu sheegay, waxa uu abwaanku leeyahay;

“Sidii odayga loo galay haddaan gaw mar kaga siiyo
Gallad wuxuu ku noolaadayuu libin ku geeraaray
Geyigaan ku noolahay wuxuu gabangabeeyaaba
Wuxuu guluf colaadeed diroo nabad ku goohaaba
Wuxuu gees baciid noo mudoo gogol ku sheegaaba
Garaad iyo imaan iyo wixii culimo loo geeyay
Garcad iyo salaadiin wuxuu gogal ku ciideeyay
Gaashaanka wuxuu nagu dhiftee gacanta noo seyray
Waxgarad iyo aqoonyahan markuu gubay ee uu laayay
Gudigii maanafeystada markuu dib u gantaaleeyay
Gummaadkiyo xasuuqii markii laga gilliilyooday
Gardarraddiyo kibirkii markii geeri laga doortay
Gartuu diiday mooryaan un baa gelisay maankiisa
Gablan talo aduunyeey maxay galba meel joogtay

Giddaarada markii loo saftayee lagu galaayuusay
Nin go’iyo nin gaaraba markii gudaha loo daatay
Goonyaha markay kaga hubteen geeri loo dhalayee
Gantaalaha markii looga dhigay lagana guulaystay
Kuwuu igu gaddaanaada yiri gaw malaga siiyay
Ma is goday ma gaargaarsadoo gullo ma rooray
Ma garaamihii loo karsheey guratay mooryaani
Gablan talo aduunyeey maxay galba meel joogtay

Geedigi habeenkii miyuu gobol ku guureeyay
Markuu waagu gaw yiri miyuu giirka kor u qaaday
Go’ay xalay ku duubeen miyuu gaar isaga tuuray
Hadba gees miyuu dayay ilayn godobi waa yaabe
Hadba gaashaanlayaashii miyuu dib ugu weydaartay
Halaaqada miyuu kaga gig tiray waa guduudaaday
Ilko gumac rasaaseed ahoo guxur madoobaaday
Gowsaha miyuu riiqayoo gawnaxyada buuray
Afkii gadaanaa miyuu gacanta saarsaaray
Towfiiq Rabbigeey hore u gafiyay Mareekan mawgu guuxyay
Hadba Xamar gadaal ma u dhugtay oo gacalo ma u eegay
Geduu beri ku noolaa miyay gocatay laabtiisu
Ilmo gabax ma siiyoo sidii gololka ma u oorshay
Mar i geeya goobtii ma yiri gacala taag waydaay
Goblan talo aduuneey maxay galba meel joogtay”

Markeey dib-u-heshiisiinta tahay in dawada lagaaro waxay u baahantay in malaxda lasoo dhecaamiyo, sidaas darteed waa in qabiilada ama dadka si loo dhex dhexaadiyo midna qaladka qaataa midna garta qaata, waa in midka qaldan cudur daartaa, cafisna warsadaa cidda uu ka galay halaysku calool fiyoobaadee. sida Dr-kuba loogu ogalyahay meel aan sida caadiga ah la ogolayn in uu baarbaaro ayaa gabyaaguna looga baahdaa inuu godka hoos ugu galo si “run iyo ilkaba waa la cadeeyaaye loo cadeeyo waxa jira”. Dhibta wadanka taal qabiil buu ka socdaa, qabiilkuna waa in caqliga iyo nidaamka saxan la waafajiyaa oo aan tabtii beenhawaasnimo ee MSBarre loo karfanin. Abwaanka intaas ayuu ku doodayaa oo gabayadiisa marna ma guubaabinayaan qabiil gaar ah, garse labo nin kama wada qosliso. Keyd shidaal ayaa waxa dhacay qabiilka uu isaga ka dhashay (Habargidir), madaafiicna waxay ku garaaceen sida uu abwaanku sheegayo dekada iyo gegada diyaaradaha, gabaygii uu halkaas ka tiriyay bay u qaateen inuu iyaga ku caayayo. Gabayga ujeedkiisu waa dib-u-heshiisiin waxa uu se abwaanku marka hore dheecaaminayaa malaxda hoose, waxa uu dib u gocanayaa in odaygii (MSBarre) intaan la saarin wanaagsanaan lahayd in bal waxa ka dambeeya lasii odoroso, waxuu leeyahay “odaygii waa loo darsaday, wixii aan u saarnay un baa soo saarteen ee bal dib isugu laabtoo xalka soo saara”. Waxa uu abwaanku leeyahay;

Waa dantay badey gabay kuma degdego Maxamed deeqoowe
Warkase xalayto soo duulay weli way danqinayaaye
Ma daloolsadeen haamankii deeqda lagu keyshay
Dab miyay sureen waa dulli aan xumo ka daalayne
Ilayn doqoni calaf maleh waxay dumiso mooyaane
Maraakiibti iyo doonyihii dididayay sow maaha
Dayaarad kusoo dagi mayaan dalka sow maaha
Dab bay surahayaan meel kastoo dahab ah sow maaha
Dad iyo duunyo dabargooya dirira sow maaha
Dusha aadmigay shaabahaan ficilna duur jooge
Waa yeey wixii dihinba jecel inay ka diirtaane
Deganiyo qeyr lama tusoo waa ka diriraane
Dabciga dibbiyaheey leeyihiin mana dareemaane
Dadna uma ogala caanahana kama durduurtaane
Dirkoodaa malaha dowladnimo daa’in u qorinee
Dalka af wayne inuu leeyahay qalin duugeyne
Siyaadoow na daadihidi bay dib ugu xiiseene
Ilayn doqoni calaf maleh waxay dubato mooyaane
Durba waxay iloowda umuli dihashadeydiiyee
Allay lahe gunnimo daahirsadaa marag ma doontaaye
Warkii loogu duur xuli jirayna waa kusoo duxayee
………………………………………..
Duqii hore maxaa loo eryoo kula dagaalaynay
Dalka iyo dadkiyo diinti buu dumiyay sow maaha
Digtatoornimuu keenay iyo dullun cad sow maaha
Ka daroo dibi dhal baan aragnay furuqya daacuune
Nin walboow wallaalkaa dad qala ha u durbaan tuminee
War yaan layna dabargoyn qabiil dowlad noqon waaye
………………………………………………..
Duqii hore doona ducana ugu dara waad na dilateene
Ama dowladnimo muujiyoo cudurka daaweeya
Kala doortoo labadaas waa kama dambeystiyee

Deeleeyda maansadu markeey damacdo laabtaadu
Danbi inaanu kaa raacin baa lagu dadaalaaye
Diiwaanka waxaad gishatabaa dib u gureysaaye
Dad in la isku diro duul horee naar ku daaqilay e’
Dibnahaaga lama baro midaan lagu daboobayne
Dabna laguma sii shido inaad damiso mooyaane
Nimaan dhiiga daadanahaaya damaqin yeelkiise
Duufaan madoow baa qabsata degaladeyniyee
Duugaag hilib bartiyo waxaa na helay daalin dhiigya cab
Madaafiicda beelaha damiray looma aag dayinee
Dariiqyada waxaan kaga dusnaa daa’inoow maganee
……………………………………………………..
Waa loo darsaday khaa’inkii dacayda waynaaye
Duqii lagama reysanee afkaa diidayoo nacayee
Daroogiyo darbiyo jiif wixii qori deegaystay
Dukun daakun waxay naga dhigeen dooxatiyo tuugo
Waxay dumar kufsanayaa wuxuush diini ka idlaatay
Wixii daar burburay iyo wixii dabaqyo aafooway
Dariiqyada isbaarada wixii lagu dul joogteeyay
Wixii guri daboolkiisa iyo daaqad laga dhowray
Danta guud dubbaha lagu dhuftiyo daqaradii gaaray
Dugsiyada waxbarashada wixii daarad laga reebay
Nin damiir leh baa kahanayee doqoni waa mooge
War ka daaya weli maanan maqal dumiya mooyaane
………………………………………………………….
Daliil kale waa dood yaroo idiin dareensiine
Alloow yaa inoo diga markaan duqa ku yaaceynay
Alloow yaa inoo diga intaan diris ku eedoowin
Alloow yaa inoo diga intaan xamar dugaafoowin
Alloow yaa inoo diga markaan dacarta beeraynay
Alloow yaa inoo diga markaan dararta maalaynay
Alloow yaa inoo diga markaan ugu darnaanaynay
Alloow yaa inoo diga wax baa naga dahsoonaaye
Alloow yaa darsiga naga qaldamay diirad ku iftiinsha
Alloow yaa dabaadiga hariyo degelka noo ceynsha
Alloow yaa dabkoo idil ku rida dowlad gacanteeda
Alloow yaa ninkii madax dalbada duco u raacsiiya
Alloow yaa dalkeenii burburay dooga ka iftiinsha
Alloow yaa dareen u leh inaan danaha guud eegno
………………………………………………………
Dagaalada ahliga waa cadaab dunida guudkeeda
Illahayse duul qeyr qaboo dumiya haw keeno
Dirkayaga afkiyo diinta iyo dhaqanka deegaanka
Diir madoowgaan dhab u wadaagnaaye
Digtatoorki waa naga baxayee dib u walaaloowa
Duqoydiyo wax garadkoow fursadan dahabigaa qaata
Dad weynihiyo shacabkoow ayida dib u heshiisiinta
Culimada dariiqooyinkoow daacad wax u sheega
Aqoonyahanki lagu daalayoow deenta soo celiya
Dhalinyarada duulamayoow damiya baaruuda
Dumarkiyo caruurtoow qalbiga nabad ka doondoona
Degaanada cadaawoowayoow dib u walaalooba
Duf ku baxa dheh kuwa diidanoow dib u heshiisiin”

Abwaanka aad ayuu hammuun ugu qabay in mug kale uu arko Soomaaliya oo nabad ku naalooto, kitaabkii Rabbi soo dajiyayna lagu xukumaayo, Waloow uu godka Gabayga u badnaa haddana abwaanku in badan waa uu Shirbi jirray. Shirib uu Dib-u-heshiisiinta ka tiriyay waxa uu ku leeyahay, gadaal baan ka ogaanay mooyee mirihi aan duugnay waa dubnaa, walax dubbanna doog laga sugi maa.

“haddeey dib nooga soo duxdee
Abuurkaan duugnay waa dubnaa”

1993 Markii wadanka ay soo galay Mareekan oo ay Ceydiid iyo UNISOM dagaal birta isku asleen abwaanka waxa uu kamid ahaa raggii u istaagay dagaalkaas Mareekanka lagu jibiyay. Gabay uu tiriyay ayaa haddana loogu suntay nin qabiil maadaama asiga iyo Ceydiid isku hayb ahaayeen. Abwaanka oo arintaas ka hadlay waxa uu dhahay “aniga oo salaad Casar ku dukatay masaajid Baar-Ubax ku yaal, ayaan waxaan warsaday sh. Shariif Cabdinuur in lala dagaalamo Mareykanka wadanka yimid waxa diintu ka qabto, sheekhuna waxa uu igu yiri waa fardu-cayn(waajib biyo kama dhibcaan ah), anigana muggaas ayaan go’aansaday inaan jihaadkaas awoodeyda kaga qeyb qaato.” Kahor dagaalkaas abwaanka iyo Ceydiid isku garab ma noqonin, waxaa ayna tolkiisu ku toli jirreen Maanafeystannimo waxay dani qasabtay inuu gabay ku muujiyo inuu garabka Ceydiid yahay muggaan. Gabaygaas waxa erayadiisa kamida
“Waxaa laygu tirin jirray kuwii tuhunka saarnaaye
Todobaadyadaan waxaa is badalay tobon kunoo qoyse
Raggii faraha lagu taagi jiray toobad keen noqoyee
Tol la’aani waxa ay leedaheey malaha taabteene
Hana tagoorina wacadalaan tiinki (=Maanafaysto) loo soconee
Tubtii nabiga mooyee dastuur tacadi weeyaane
Towxiidka nagu maamula iyo tiirarka islaamka
Waxaynu markaan daba taaganahay taladi Ceydiide” (waa beydka lagu haaraamay ee qabyaaladiiste loogu shaabadeeyay).

Abwaanka isaga oo ka layaaban hooga iyo hogga qabiil oo ay Soomaali ku dhacday, hoggatusaalaynaya waxa uu beydad Shirib ku leeyahay dagaalka qabiil wuxuu ku bilowday Irrirnimo, wuxuu usoo gudbay Hawiyenimo, way kasoo dagtay oo waxay iigu timid Habargidirnimo, haddana waxaa laygu xaglinayaa Hiloowlenimo waxa uuna leeyahay;
“Inaan ku hoognay hoog qabiil
Hiloowlaan maanta hoos fadhaa”

Gabayada qabyaalada ka hadlaaya ee abwaanku tiriyay waa ay badanyihiin, oo waxaan dhihi karnaa gabayadiisa aan qabiilka ku saabsanayn xitaa beydad buu qabyaalada kaga hadlay, qabiilku marna ma xuma qabyaaladaase halis ah. Ka gayoon mayno haddaan gabayada qabyaalada ee Abshir Bacadle faalo ugu dhaqaaqno, waxaanse mug kale rig kasiinaynaa gabayga magaciisu yahay “QABYAALAD” qayb kamid ah oo uu abwaanku qabyaalada waxaan Naar ahayn inay iyada ka xannuun badantahay ku tilmaamayo oo uu leeyahay;

“Qaruun waliba cudur qaasahoo, qaybiyaa jiraye
Soomaali balo loo qorayee, qalinka loo saaray
Wax qabiil ka daran Jahannamaan, qiray aqoontay e
Qaddartoonow iga hiilisaye, qolo ma sheegteene!

Qabyaaladiyo iimaan la’aan, qooqay bays helaye
Kumanyaal qarriban bay dhaleen, qorina heegaysan
Oo qaaxo iyo aydhis qaba, qaad se ku illaabay
Mar un bay magaalada qaseen, kuna qammaameene
Qacdii hore ba bililiqo un bay, innagu qaadeene
Nimankaa tafaha qaawanoo, qoriga heegaysan
Haddaan baladka laga qaban Wallaa, looga qaxayaaye

Qaraabo iyo ahal riximnimaa, loo qaddariyaaye
Waa sanam qabyaaladi haddaad, ugu qancaysiine
Waa qaaxo iyo kaankar iyo, aydhis qaab daran e
Waa cudurka qaybaha bulshadu, qaran ku waayeene
Waa qawqab iyo sixir qalbiga, qaaciyoo shidaye
Waa qaabaqawsayn dagaal, qac iyo yaahuuye
Qanjir boogi qodotoo qurmoo, qolof la’ weeyaane!
………………………………………………………………….
Quraankiyo Sunnaa muqaddaska ah, qaata xukunkooda
Qurratul-cayni Nebi Muxammad baan, lagu qasaarayne (NNKH)”

Abshir Bacadle sida aan kor ku xusnay waxa ay gabayadiisu inta badan daarnaayeen Towxiidka iyo Akhlaaqda diiniga ah, waxa uu af aan jilcanayn kula hadlay cid walba oo xadkaas Eebbe dhigay dhinac kaga talaawday. Sigaarka oo ah cunsur halis badan oo deegaanka iyo dadkaba aan u wanaagsanayn diin ahaana ku ammaanayn mar uu abwaanka la hadlayay qofka caba waxa uu yiri;
“adiguu afkaagii qayiray quruxda waynaaye
Adiguu qalbiga kaa guboo qurun dareemayne
Adiguu qasaariyo ku baday qoomamiyo ciilee
Ninka qoriga nuugnuugayoow qaaca naga leexi”

Waxaa sidoo kale abwaanka gabayadiisa caanka ah kamid ah, midka uu qaadka kaga hadlayo “QAADOOW ADIGAA LEH” oo si lamid Sigaar sina u wanaagsanayn, Akhlaaq bulsho iyo mid diineedba. Waxaa kamid ah erayada gabaygaas;
“Boqolaal qorshoo wada qabya ah qaadow adigaa leh
Qorya raamso quudkana yaree qaadow adigaa leh
Qoys dumaya qayliyo huruuf qaadow adigaa leh
Qalbi qooqan qoora aan waxtarin qaadow adigaa leh
Qardareeye kaadida qulquli qaadow adigaa leh
Jirkoo qaasha nadarkoo qayiran qaadow adigaa leh
Wax ninwayni qaadoo qawada qaadow adigaa leh
Salaadaha dib qabo ama qallee qaadow adigaa leh
Xubna qaadiwaa sida qof qalan qaadow adigaa leh
w adigaa leh
………………………………………………………….
Lixdankaa qisoo wada qubxiya qaadow adigaa leh
Qaatala-ka-llaahuye adigaa qaranka aafeeyay”

Akhlaaqiyaadka diiniga ah oo sidooda loo qaato, Eebbena lagaga ajar xisaabsado waa aduun isku dhan. Abwaanka intii fasahaadka bulsho, diin iyo qofba jirreen isaguna joogay waxa uu u tilmaamay si aan cabsi iyo gambasho lahayn waa kii lahaa:
“midna haygu xanaaqo
Midna haygu xusmeeyo” gabayada abwaanka lagu xasuusan karo waxaa kamid kii “GUURKA” ee uu talo ku siinayay nin uu ku hal qabsaday oo saaxiibkii ah. Gabaygaas waxaa uu dhexdiisa kaga hadlay Xijaabka oo ah waajib dumarka Eebbe saaray ah, waxa uu abwaanka ammaanayaa hablaha xijaaban isaga oo tilmaamaya ixtiraamka iyo badbaadada ay ka helayso bulshada gabar xijaabani, waxa uu sidoo kale aad u cambaareeyay gabdhaha iyaga xadkaas Eebbe xeray ka talaabay. Erayada gabaygaan waxa laga arkayaa beydad qaar ah oo la qawedi karo iyadoo mararka qaar la moodo in abwaanku dooqiisu waajibinayo, beydad kalena dad buu ku maagayaa haddana ujeedka guud ee gabaygu daaranyahay waa muhiim iyo waajib abwaan boorinaayo. Waxaan kasoo qaadanaynaa inta xijaabka quseysa;

“Jalaabiib markey qaadatoo qariso jirkeeda
Qashqashaad la’aan bay waddada qun isu buustaaye
Qofna uma dhawaaqee shacbigu waa qaddariyaane
Qayliyo sawaxan lama tusiyo qaacya nuugyadaye
Nin Ilaah u qoray baa calfada qaarka salafkaaye
Inaan nimanku kula qaybsan karin sow qadarimaysid!”

Maqaalkaan aad buu noola durkay, abwaankuna maahan abwaan murtidiisa laga kala tagi karo sidaas darteed maqaalka waxaan ka saaray gabayadii dhammaystirnaa ee ku jirray.
Taariikh madow iyo towbad seeg
Ragaa la taagan tiin dhexdiis!
Timo la xiiray waa tarmaan
Dhagax la toobay taahimaa!
Toban kun Aakhiree tagtee
I soo tirakooba waan tarmee!
Nin haadsanaad u haysatiin
Mana hubtiine ways hoddeen!
Guri Waqooyi guuxa yaal
Galooyda Mahdi waw gegsaa!
In layga maagay meel cidlaa
Murursadow ma moog tihiin?
Maxamed Siyaad markaan eryaw
Iga masayryay maahinoo!
Mahaan tilmaamay tagtee
Talana tii Alleey noqee!
Diyo ma qaato door dhintoo
Mahaan ku duugno waan degnaa!
Raxmaanow labadaan rijaal
Midkoodi roon ra’iis ka yeel!
Hiiraan Habargidir joogi mee
Waxaad ka hesho waa hubsaa!
Ameerikaanba tatajee
Adya Talyaani xaad tihiin!
Mataanahaan midaynayaa
Dadna majaajilay moodayaan!
Kabtood ma yeelna UNISOM
Haddaan ku yaacno yoongashow!
Haddeey dib nooga soo duxdee
Abuurkaan duugnay waa dubnaa
Unu hanniinkoo lee hirnee
Laysaan ma haysoo shan hirtee”
Abwaanka waxa uu diiwaanka maasada Soomaalida ku biiriyay maansooyin badan. Abwaanka waxaa Eebbe mahadiis in laga qoray dhigane “Diiwaanka maansada Abshir Bacadle” oo uu qoray Maxamed Xuseen Macalin oo loogu tagi karo sooyaal badan oo abwaanka ku saabsan iyo gabayadiisaba.

Waxaan kusoo afmeerayaa gabaygaan “QABRIGA” ee uu abwaanka Allaha u naxariistee inta uusan dhiman Eebbe cadaabka iyo dhibta aakkhiro kaga magan galay, nolosha qabriga iyo runta maalinka dambena ku faahfaahiyay.
“Illaahoow ixsaan badanoow
Arxamu raaximiin la huboow
Adoonkaagiyaan ahay
abaal kuuma gudi karo
Awoodana adays ka leh
Abuurkaygi koobaad
Awalkiyo bidaayadi
Haddoo oday ciro leh ahay
Ilaa uurki hooyadeey
Aduunyada jntaan jiray
Adigeey arsuqi jiray
Adoomana wax kama helin
Ixsanka maahinee
Arxan kalena sugimaa
Aakhirana kasii daran

Illaahoow ixsaan badanoow
Arxamu raaximiin la huboow
Ayaanta mowt i asiibo
Ajasheydu dhammaato
Aduunyo aan ka aruuro
Erayga iigu dambeeyo
Afkeygu uu ku dhawaaqo
Uurkana aan ka jeclaado
Iqlaasna aan u iraahdo
La aqbalo la ajiibo
Laa ilaaha illalaahu
Iyo udkoonoow nabigaynii
Allahayoow igu aadi
Argagaxna iga ilaali

Haddii iilka lay dhigo
Afar xarar iyo jaqafyana
Laygu soo albaaboo
Ciida laygu aaso
Ahal iyo qaraabiyo
Ummadda iiga jeestaan
Aalaabadana qaataan
Ogaalkiina lasoo noqo
Indhahana la ii furo
Waaba gurigi aakhiro
Irrid laga baxaa maleh
Iimmaanka maahinee
Aqoon horena uma lihi
Alloow mahan iska aalo
Iyo itaal xumideyda
Iyo ixtaajnideyda
Adigu way aragtaahe
Isimkaaga raxiima
Illaahayoow iigu ixsaan fal
Aah aahdana iga ilaali

Illaahoow ixsaan badanoow
Arxamu raaximiin la huboow
Lammaddii arxanlaawoo
Ulo bireedka siteenoo
Indha cagaarka ahaayoo
Imtixaanka badnaana
Illahayow haygu asiibin
Aah aahdana iga ilaali

Illaahoow ixsaan badanoow
Arxamu raaximiin la huboow
Sidaan akhbaarta ku hayno
Iimmaankana aan ku rumeynay
Ayaanta yoomu qiyaamo
Ummada ay aqbalayso
Xaqeey aduunyada diiday
Xabadse oow anfaceynin
Ilmaduna ay qubanayso
Argagax uurxumo yaalo

Illaahoow ixsaan badanoow
Arxamu raaximiin la huboow
Sidaan akhbaarta ku hayno
Iimmaankana aan ku rumeynay
Ayaanta yoomu qiyaamo
Ummuurta hooga inta la eg
Waxaa ammaanka helaayo
Qofaad ixsaan u sameysoo
Into aduunyada joogay
Towxiidka aad ku arsaaqday
Iimaana aad ugu deeqday
Istiqaamana siisay
Acmaasha saalixaana
Inta yaroow la yimaado
Ka aqbashoo ka ajiibto

Saddexdii arbaciinoo
uurka hooyo dhexdiisa
Markeey noogu idlaato
aafar walxaat la qoraayo
Shaqaawo ay igu oolin
Cilmiga asfaligaahu
Yoomul kitaabka ku yaalo
Sacaado ay igu taalo

Illaahoow ixsaan badanoow
Arxamu raaximiin la huboow
Sidaan akhbaarta ku hayno
Iimmaankana aan ku rumeynay
Ummuurahaa isku toosan
Adoonka aad ku arsaaqdid
Waa awliyaa’u raxmaano
Insha Allaahu tacaalaa
Irrid jannaaduu ka galaaho
Malaa’igaa ka adeegto
Erayadeey ku dhawayso
Waa Assalaamu caykum
Wa abshiruu bil jannati
Udkhuluuhaa bi sallaamin
Amniyo raaxo ku naalo
Iyo ummuuro la nuucoo
Ishiisu ay ku arwaaxdo
Uurkiisu aw ku nagaado

Illaahoow ixsaan badanoow
Arxamu raaximiin la huboow
Sidaan alhbaarta ku hayno
Iimmaankana aan ku rumeynay
Irridda aw ka galaayo
Amniyo raaxo badnaa
Aroos udgoyno badnaa
Aqal ku daahyo badnaa
Ubaxya geedyo badnaa
Ummuur layaable badnaa
Illaaheey deeq badanaa
Adraab abkaara badnaa
Abkaar adraaba badnaA
Illaheey deeqi badnaa
Meeshu udgoon badnaa
Sariiro aalta badnaa
Barkin alfuufan badnaa
Afar waboo kala nuucoo
Kuwii aduunka ahaynoo
Uur waynaadiyo duumiyo
Aan kaneeco lahayn

Illaahoow ixsaan badanoow
Ummuurahaa isku toosan
Adoomadaad aad ku arsaaqdid
Ilaahayoow naga yeel”……AAMIIN!

Eebbe ha u naxariistee Abshir Nuur Faarax Bacadle waxa uu aduunka ka tagay 10-ka bishii Oktobar 2010, Abshir waxaa uu aduunka kaga tagay 30 iyo dhawr tafiirtiisa kamid ah. Waxa uu dhintay isagoo diinta iyo Eebbe magaciisa aad ugu gabyay, cimrigiisana ku qaatay faafinta diinta af iyo adinba, Eebbe haka ajar siiyee, jannooyinkiisa cid maleyn kartaahi jirina haku arsaaqo….AAMIIN.

Tixraac;

  1. https://youtu.be/eFqhwL588EA
  2. https://youtu.be/DwXMYEDkPJY
  3. https://youtu.be/pM1tsAT-e70
  4. https://youtu.be/gKZKB80rh2k
  5. https://youtu.be/-2-wfw-R2-A
  6. https://youtu.be/SMKUVSL-ULs

W/Q: Cumar Dheemow
23 Febraayo 2022

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *