Nuxurka Buugga: موسم الهجرة إلى الشمال

Qoraagu sheekadani qoray waa Al-Dayib Saalax oo naanaystiisu tahay ama loo aqoonsan yahay in uu yahay indheergaradka sheeka-faneedda Carbeed عبقري الرواية العربية

Magaca sheeka-faneedduna waa Xilliga Uhaajirida Dhanka Waqooyi موسم الهجرة إلى الشمال, waxaana ay sheekadu soo baxday 1966dii, waana sheekada ugu caansan sheekooyinkiisa. Sidoo kale waa tan uu qoraagana kusoo caan baxay, waxa ayna gashay ama loo arkaa in ay kamid tahay tobanka Sheeka-faneed ee ugu wanaagsan ee ay carabtu qoreen ama guud ahaan sheekooyinka dunida carabta.

Ninka ay qisada ku saabsantahay ama ah actor ka sheekada waa Mustafe Saciid, kaas oo ah arday uu aabihii dhintay oo dhiganaya madaarista ay isticmaarka ingiriisku ka fureen dalka Suudaan, dabadeedna u hayaamay dhankaa iyo Qaahira isaga oo ku jira safarkiisa waxbarasho, ugu danbeynna waxaa uu saldhiganayaa Yurub gaar ahaan England, isagoona dhanka aqoonta ka gaaraya darajo sare, sidoo kalena wax ka dhigaya jaamacadaha wadankaas.

Haddaba sheekada Mustafe ayaa waxaa ay tahay, in uu yahay nin Shabeel naagood ah oo lagu saliday dumarka European ka ah, asiga oo marka uu waqtiga jacaylka iyo xiisaha la qaato sidoo kalane uu ka dhanaansado halkaa kaga dhaqaaqo mustaqbalkana uga ciyaara. Mustafe, waxaa la maxkamadeeyay tiro hal jeer ka badan iyada oo eeda loo heystaana ay tahay, in dhowr dumar ah ay isaga dartii isu daldaleen, iyo qaar oo uu noloshooda burburiyay, balse ugu danbeyn waxaa uu guursanayaa Jean Morris, taas oo uu ugu danbeyn ku khaarijinayo gogoshii ay ku wada noolaayeen.

Tancajiibka ah ayaa waxaa ay tahay in hawsha uu ku jiro uu ula niyeystay in ay tahay JIHAAD uu kula jiro isticmaarka ingiriiska ee wadankiisa ku habsaday, iyo in uu u aargudayo dadkiisa dhibanaha u ah isticmaarka heysta.

Hadaba Mustafe Saciid waxaa uu sanado badan kadib usoo laabanayaa dhulkiisa hooyo isaga oo utagaya reer iyo tuulo aan laga aqoon, kuwaa oo ku dhaqan xeebaha webiga Niil, kadibna waxaa uu reerka ka guursanayaa gabar la yiraahdo Xasna bint Maxbuub, sidaas ayuu reerka uga mid noqon isaga oo yeelanaya beer iyo xoogaa hanti ah.

Intaa kadib waxaa uu Mustafe ku dhimanayaa fatahaada wabiga Niil. Inta uusan dhiman waxaa uu caruurtiisa iyo xaaskiisa ku ogaanayaa oo uu kala dardaarmayaa tabiyaha sheekada, xaaskiisa saddex sano kadib waxaa guursanaya oday la yiraahdo Wad Al-Rays oo aysan jecleyn, balse uu aabeheed ku sanduleeyay dabadeedna inta ay disho bey iyaduna is dileysaa.

Sheekada qaabka ay ku bilaabaneyso waa sida tan;

Ninka sheekada tabinaya oo aan magaciisa xuseyn waa nin ku dhaw da’da sodomaadka, kaa oo ay usoo dhamaatay waxbarasho uu muddo todoba sano ah ugu maqnaa dalka England, waxaana uu kadib mudda dheer oo uu u xiisa qabay reerihiisa uu yimid tuuladii ay reerkoodu lahaayeen, waana tuulo ku dhinac taala wabiga Niil oo ay dadkeeduna beeraha iyo dalaga ku tiirsanyihiin.

kadib marka uu lakulmo walaalo hooyo, aabe, awoowe, adeero, deriska iyo qaraabo waxaa dadka uga duwanaanaya Mustafe Saciid oo reerahaa tuulada ku dhaqan kamid noqday. Marka ay kulamada iyo xafladaha la iskugu yimaadaba waa uu ku mashquulaa isagoo aan la hadal, muddo kadib waa ay isfahmayaan waxaana ninka sheekada tabinaya uu noqonayaa ninka kaliya ee Mustafe ay aadka isugu dhawyihiin.

Qeybaha sheekada ugu xiisaha badan waxaa kamid ah marka uu tebiyuhu yiraahdo mustafoow bal caawa iiga dhac sheekooyinka dumarkii aad ku aafeysneed, marka uu tebiyuhu sifeynayo deegaankiisii iyo reerkiisii oo uu in badan ka maqnaa iyo sidoo kale waxaa cajiib ah sida uu Mustafe u sifeynayo bilowgii noloshiisa, waxbaradiisa iyo intii uu hayaanka ku jiray.

Balse qisadu waxaa ay murugo leedahay kolka ay Xasno bint Maxbuub ay ninkeeda cusub dileyso oo ay iyaduna is dileyso. Waxaa sidoo kale waxaa iyadana ashqaraar leh kolka uu Mustafe dilayo xaaskiisa Jean Morris. Awoowe Al-xaaji Axmed isagu waa shaqsiga ugu cajiibsan sheekada oo dowr badan ka qaadanaya marka Mustafe laga soo tago.

W/Q:Mudane Maxamed

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *