
W/Q: Shiikh Cabdiraxmaan Bashiir
W/T: Qaasim Xuseen (Nabadoonka)
Yaa sameeya Tagtada?
Dhacdo kasta doonis ayey ku timaaddaa, waana tan suuragelineysa sameysanka Taariikhda, halkan ayey ka sameysantaa tagtadu, waana warshada soo saarta. Qofna Sheeko u gaar ah inooma sameyn karo, taasi waxa ay ina baraysa in aan taariikhda la sameyn, ee laga qisoodo oo kaliya. Dadka liita waa kuwa beenaha rumeeya marka ay maqlaan, beentaasina soo celceliya. Maxey sameysay Bariyeyntu¹ (الاستشراق) oo ay wali dadka dadka caqliyadooda ugu hartey? Kaliya waxa ay sameysteen Sheeko xariiro iyaga u gaar ah, dadka ayeyna ku dhex faafiyeen sheekadaas sameyska ah, Nasiibdarro dadka qaarkii Sheekadii ayey liqeen iyaga oo aan dheefshiidkooda marsiin, waxa ayna ugasii sheekeyeen jiilal badan sidii oo ay tahey xaqiiqo dhsb ah oo sugan.
Malin maalmaha kamid ah, Gumeyste ayaa soo gelay dal kamid ah dalalka dunida, waxa uuna ku yiri: Waxa aan leenahey ilbaxnimo, adinkuna waad u baahantihiin, sababtoo ah waxa aad tihiin Duurjoog! Waxa aad u baahantihiin cid idinka saarta marxaladdii hore ee aad ku sugneydeen. Dad ayaa aqbalay arrinkaas, oo ah in ay danbeeyaan, wado sax ahna ka dhigtey. Badalkeed, gumeystihii waxa uu la kulmey iska caabin adag, kaas oo marba marka ka danbeysa kululaa. Halkaan ayey ku idlaatey qaabeynta taariikhda cusub, waxaana kasoo muuqday iska caabin xoog leh. Sido kale waxaa jiray kuwa rabay in ay badalaan Taariikhda iyo Juquraafiga iyaga oo adeegsanaya aragtiyaha dadka, laakiin waa laga hortagey.
Qaaradda Hindiya Gumeystuhu waxa ay rabeen in ay ka sameeyaan Islaam bilaa fool ah, Bashar bilaa xidid ah, iyo Taariikh bilaa aragti ah. Waxaa jirey Diimo cusub oo loo dejiyey in ay in ay abuuraan Santaag ilbaxnimo, kuwaas oo kala ahaa (القاديانية)² iyo (البهائية)³. Dhanka kale Suudaan waxaa laga soo jeediyay Diin cusub, oo aad moodo in ay tahey caqiido aqooneed oo ay muhim tahey in dib loo cusbooneysiiyo, waana aragtida (الجمهوري Dhamaan waxaas oo dhami ujeedkoodu waa in la sameeyo Taariikh oo la abuuro marxalad. Laakiin waxaa jirey dad aragti ahaan u mucaaradey, oo muujiyey in aysan suurtogal ahey in la qaloociyo Taariikhda iyada oo awood la adeegsanayo. Waa laga yaabaa in Ummad looga guuleysto awood Ciidan, laakiin Umadaha hormarsani marnaba si sahlan loogama guuleysto aragti ahaan. Iska caabinta dhabta ahi waxa ay ka bilaabataa caalamka aragtida ee ma ahan tan awooda caskariga ah. Waa hakii uu ka lahaa mufakirkii iyo Abwaankii carbeed ee (MAXAMED IQBAAL) isaga oo ka hadlaya XIJAAZ “ Waa Duni ilbaxnimo ee kaliya ma ahan xarun qaran iyo mid diimeed.”. Sababtaan ayaa kamid aheyd kuwii keenay in ay ku guuleystaan kacdoonkooda aragtiyeed, taas oo ka dhigtey Hindiya Xarun kamid ah xarumaha ilbaxnimada iyo Aragtiyaha.
Dunida Carbeed iyo Qaaradda Africa waxa ay sido kale ka abuureen aragti kale oo lagu magacaabo
(الإنبهار) laakiin waxaa jirey kuwo horraantiiba ka hortagey, oo ku guuleystey in ay iska diidaan. Haddii aysan jiri laheyn iska caabintani dunidu dhankale ayey u jiheysan laheyd. Professor MAXAMED XUSEEN kitaabkiisii “خصوننا مهددة نت من الداخل” waxa uu ku xusey “ In faqiirnimada aqooneed iyo tan dhaqameed ay tahey tiirarka ay ka dumaan ummaduhu”. Nasiibwanaag waxaa jirey kuwo ku baraarugey dadka oo aan wali fahmin, ogaadeyna in weerarkani uu salka ku hayo aragti, waxa kaliya ee looga hortagi karana ay tahey aragti kale, markaas ayey qalimadu bilaabeen in ay wax qoraan, daneyntana loo jeediyo dhanka isbedalka, iyo soo bandhigida aragtiyaha duulaanka ah. Halkaan ayey markale Taariikhdu ka bilaabatey, waxaana halkaas ku banjartey aragtidii gumeystaha, iyada oo aan awood ciidan looga hortagin.
Taariikhda laguma sameeyo fadhiyada maran iyo goobaha qaboow, halkaas fikraduhu waa ay ku dhintaan, sido kale waa halka ay ku saqiiraan Kacdoonadu. Hadaladu fudud, kulanada qurxoon oo qaabeysan, balse maran, fahamdarrada waxa duni ka socda, ka marnaanta mawaadiicda waaqica ah, iyo ka hadalka dhacdooyinka aan taaganta la falgeleynin, iyo in dunida dagaalka fikriga ahi ka socdo la isaga safro adiga oo maran, dhammaan waxaayabahani waxa ay muujinayaan nuuc qar-iska-tuurnimo iyo dilka Qaddiyaddaada ah. Sidaa darteed iska caabinta awoodeed waxaa ka horeeya tan maskaxeed.
Taariikhda Nabi Muxamed (N.N.K.H) kama soo bilaaban madiino kadib markii uu awood iyo dawlad yeeshay, ee waxa ay kasoo bilaabatey Mako, markii uu bilaa awoodda iyo xukunka ahaa. Kama soo bilaaban markii Eebe ku lahaa “ Dhexdooda ku xukun waxii Eebe kugusoo dejiyey” ee waxa ay kasoo bilaabatey markii Eebe ku lahaa “Iqra’”. Taariikhdu waxa ay kasoo bilaabatey (دارالأرقم), daartaan kharaabka ah ee aan Qasriga aheyn. Waxa ay kasoo bilaabatey rag rumeysan Qaddiyad ee uu Eebe ku lahaa (واصبر نفسك مع الدين يدعون ربهم) ma ahan kuwii uu Eebe ku lahaa ( الذين يكبرون في الأرض بغير حق). Waxa uu abuurey Jiil Qaddiyad leh, lama uu macaamilin Jiil nolosha u qorsheynaya si ay u noolaadaan oo kaliya. Nabigu (SCW) ma uusan bilaabin dhisidda masaajidda, garoomada, ganacsiyada, dukaamada iyo dhismayaasha ee badelkeeda waxa uu bilaabey dhisidda Dadka. Halkaas ayuu ku guuleystey in uu badalo isla-egta. Markii hore kuma uusan jirin ciyaarta, laakiin waxa uu u yimid in uu badalo dheesha, waana uu ku guuleystey, markaa miyaad garaneysaan cidda tagtadaa sameysey?
Dhibaatada waqtigaan muslimiinta qaarkood heysata waa suurtagalnimada in ay aqbalaan jabkooda ilbaxnimo, iyaga oo guuldarada qiil uga dhigaya in tani tahey mid xaqiiqa ah. Waa sunnaha waaqica in aan qeyb ku yeelanno fasaadka siyaasadeed iyo kan ilbaxnimeed ee dalalkeenna ka jira, se in aan ka raali noqonaa waa guuldarro kale. Runtii bay aheyd markii uu Karl Mark lahaa “ Falaasifadu waxa ay bartaan nolosha, laakiin uma aynaan imaan in aan baranno oo kaliya ee waxa aan u nimid in aan badalno Taariikhda”. Tanina waa udub dhexaadka aragtida Marxist-ga. Akhriskayaga waxyiga waxaynu ogaaneynaa in udubdhexaadka baaqii Nabi Muxamed N.N.K.H iyo Nebiyadii ka horreysey ay salka ku hayeen saddex tiir oo Asaas ah:
- Fahamka waaqica laga rabo in ay bedalaan: waa maxey nuuca fasaad ee ka jira? Qaab nuucee ah ayey ula falgelayaan? Sidee? Eebe waxa uu Aayaddiisa ku leeyahey “ قد خلت من قبلكم سنن، فسيرو في الأرض فانطروا كيف كان عاقبة المكذبين” Naskani waxaa ku jira labo arrimood oo lafdhabar u ah risaalada, kuwaas oo kala ah: in ay jiraan xeerar taariikhda ka danbeeya iyo in xeerarkaas ay muhim tahey in la daahqaado. Tanina kuma suurto gelayso iska fadhi, nasasho iyo go’aanno daciif ah, balse waxa ay ku timaaddaa Halgan, barashada Taariikhda iyo Nolosha, iyo in aad dulqaad istiraatiijiyadeed u yeelato arrinkaas.
- In bulshada loosoo bandhigo hadal suugaaneed oo toosan: waa in dadka loola hadlo si faham, aqoon iyo xikmad leh iyo in aad laga baqin in dadka xaqa lala hor istaago, waa tii Eebe lahaa (هذا بيان للناس). Islaamku mashruuc ahaan ma ahan bidco diineed, gaar ahaan kooxaha diinta ee ku nool masaajiddooda u gaarka ah, iyo godadkooda ka fog isdhexgalka ilbaxnimada, islaamku waa Oraah kusocota Dadka.
- Inta lagu jiro isdhexgalka iyo doodaha, Halganka iyo dhibtoodka waxaa jira dad badan oo la safan Diinta islaamka, oo ah Caqiido Umadeed iyo Farriin Caalami ah. Kuwaasi waa waajib in ay noloshooda ku dhisaan Diintooda. Islaamku ma ahan Oraah caalami ah oo kaliya, yacni ma ahan falsafad qaboow, oo kulliyadaha lagu darasseeyo, iyo waxbarasho masaajidda kaliya laga bixiyo, balse waa manhaj iyo hab-nololeed asaas u ah aadanaha.
Islaamku sidaan uun buu ahaanayaa, waayoo waa Farriin waareysa, waana halka ummadaha laga abuuro. Dhambaalka Qur’aanka waxaa guntiisa kasoo dhasha Hogaamiyeyaal aqoonyahanno ah, heer magaallo ah, kadib ayey horjoogayaashaasi abuuraan Aadane sharaf leh, taariikhdana markale dib u qaabeeya, waayoo taariikhdu waa abuuris. Kuwa taariikhda sameeyaahuna Saddex udub ayaa sal u ah:
- Uma noolaadaan jabka ilbaxnimeed iyo burburka maskaxeed, laakiin waa laga yaabaa in lagu jebiyo awood ciidan, ayna sameeyaan dib ugurasho ku meelgaar ah, laakiin markasta waa kuwo gudaha ka dareemaya awood ma guurto ah. Jabka kan ugu halista badani waa kan umaddu ay nafsad ahaan u jabto. Waana sababta keentay in la abuuro barnaamijyo dadka nafsad ahaan u dila.
- Dareenka sarreynta dhaqanku waa mid muhiim u ah ummadaha, marka ay isku deyayaan in ay gadood sameeyaan, waxa ayna bilaabaan kobcinta ilbaxnimadooda, laakiin waxa ka hor yimaada ciidan dhan oo qaswadayaal ah, kuwaas oo isku deyaya qaloocinta aragtiyaha dadka, maxaayeelay waxa ay ogyihiin umadaha nafsad ahaan u jaba in ay si fudud ugu dhacayaan dabinka gumeystaha, waana sababta Muslimiinta markii ay duulaankii Uxud ku jabeen Eebe u lahaa: (ولاتهنوا ولاتحزنوا وانتم الأعلون) ” Ha tabaryareynina hana murugoonina adinka ayaa ah kuwa Sareeya”.
- Waa in la helo Sheey aysan umaddu ka gorgortami karin oo ay ku mideysanyihiin, kaas oo ah marjica kama danbeysta ah ee umadi leedahey, tani waxa ay keeneysaa in dadku aaney ka tirmin taariikhda iyo ficilada taariikhiga ah, xitaa waxa ay sameyaan isku dayo hor leh oo ay tagto cusub ku sameynayaan.
Waxaa muhim ah in la helo rag rumeysan saxnaanshiyaha manhajkooda iyo toosnaanta wadadooda, waana tan aan dhawaan ogaadey in Daaciyiinta qaarkood si liidnimo leh uga tanaasuleen saxnaanta manhajka iyo toosnaanta waddadooda. Miyaaney ogeyn in halkani ay taariikhdu ka bilaabato, ee aysan ka bilaaban dhanka ay u leexdeen. Mufakirkii fahamka badnaa ee SHEIKH MAXAMED QAZALI ayaa kitaabkiisii (من هنا نعلم ) ku xusey arrintaan, isaga oo u digaya khaladaadka hab-raac ee uu ku dhacey Saaxiibkiisii KHAALID MAXAMED KHALID markii uu qorayey kitaabkiisii uu dib u daabacey ee (من هنا نبدأ).
Dhammaad.
………………………………………………………………………
Turjumaad: Qaasim Xuseen (Nabadoonka)
Qalinkii: Shiikh Cabdirxmaan Bashiir
……………………………………………………………………….
Eray bixin.
……………
- Aragtida Bariyeyntu (Orientalism/الاستشراق) waa cilmi baaris diiradda lagu saarayey dhinacyo gaar ah oo nolosha reer bariga ah, gaar ahaan wadamadii Muslimiinta.
- Al-Qaadiyaaniyah (القاديانية ) koox diineed, hindiya kasoo muuqatey waayihii gumeysiga ingiriiska. Aasaasaha kooxdani waxa uu ku andacoodey in uu yahey Nebi Eebe u waxyoodey, dadkana uu Eebe ku amrey in ay gumeystaha u hogaansamaan.
- Bahaa’iyadu (النهائية) waa koox diineed oo rumeysan in diimaha oo dhan ay halmid isku yihiin.

Qormadaann waxa ay ku fadhisaa macno wayn waxa Ayna na siineeysaa darsi buuxa iyo faham sare. Nabadoonka tarjumay iyo qoraagaba mahadi ha ka gaadho idam Alle.
……….
Soomaalida in gumeysigu araxda gooyay oo uu dhan kasta naga Kala dhantaalay waxaa u sabab ahaa in aanaan faham sare heysan.
Dhibaatada dalalkaas la gaarsiin rabayna waa Nala gaarsiiyay