Mustaqbalka Lacagta Dhijitaalka

W/Q: Abdurezak Mohamed Nur

Email: Abdurezaksayid@gmail.com

“Dhibaatada aasaasiga ah ee lacagta caadiga ah (Conventional currency) waa kalsoonida badan ee la siiyay, taas oo looga baahan yahay si ay u shaqayso. Bangiyada dhexe waa in lagu kalsoonaadaa, maadaama aysan qiimo dhimayn lacagta, balse taariikhda lacagta fiat-ka waxaa ka buuxda in la jabiyay kalsoonidii la siiyay”

Satoshi Nakamoto—anonymous inventor of Bitcoin. 

Lacagtu waxa ay soo martay heerar kala duwan taariikhi ahaan, taas oo ka turjumaysa baahida loo qabo iyo hormarka bulshooyinka kala duwani gaadheen. Waxaa jirtay xili lacag ahaan loo isticmaalayay badeecooyin la kala badasho (Barter trade). Tusaale, neef adhi ah ayaa lagu badalanayaa sonkor, bariis ama dhar kolba baahida uu qabo ruuxa xoolaha wataayi. Habkani waxa uu lahaa dhibaato oo ruux neef adhi ah wataayi, hadduu sonkor kaliya rabo way adkaan jirtay in la helo wax isu dhigma oo si fudud la isugu beddelan karo. Ka dib na waxaa la bilaabay lacagta dahabka iyo qalinka (Gold and Silver) ah, oo ah lacag macdan ah taas oo fududeysay ganacsiga bulshooyinka, keentayna in la sii hormariyo ilaa ay gaartay in la sameeyo lacagta waraaqaha ah (Paper money), taas oo aan lahayn qiimaha Dahabka iyo qalinka balse haysatay damaanad ay bangiyada dhexe siiyeen. 1990 kii ayuu David Chaum bilaabay lacag danabaysan (Electronic Money) oo  ah E–Cash loo yaqaano Investopedia. Sidoo kale sanadkii 1996–dii Dr. Douglas Jackson iyo Barry K ayaa sameeyay lacag kale oo E-Gold la dhaho (Electronic Gold) taas oo sii xoojisay hormarkii lacagta ee socotay.

E-dahab (E-gold) waxa ay yeelatay isticmaalayaal dhowr milyan ku dhow balse dowlada Maraykan ayaa joojisay sanadkii 2008dii, waxa ay ahayd lacag electronic ah balse uu dahabku kayd u yahay (reserves)–atlas21. Taas oo jidka u xaadhay in la helo lacag dhijitaal oo madaxbanaan. Ka dib markii uu dhacay dhaqaale burburkii (Financial Crisis) ugu xumaa ee dunida soo maray sanadihii 2007/2008. Kaas oo dunida galiyay musiibo dhaqaale oo aad u xun ilaa haddana ay jirto saamayntiisii. Dunidu waxa ay ku waa bariisatay Sanadkii 2008kii waraaq cilmiyeed Blockchain (Whitepaper) oo ay shaaciyeen ruux ama koox isku sheegtay Satoshi Nakamoto “(Bitcoin: A Peer-to-Peer Electronic Cash System)” taas oon ku macnayn karno Bitcoin (BTC) nidaam lacageed dhijitaal ah oo dadku toos iskula macaamilayaan. Taas oo ka dhigan in lagu isticmaali karo iyada oo uusan ku dhex jirin qof ama koox sadexaad (intermediaries) sida bangiyada oo kale. Bitcoin waxaa lagu aasaasay nidaamka Blockchain oo ah nidaam teknoolajiyad oo casri ah. Maanta Blockchain waa lafdhabarta lacagaha digitaalka ah, waana nidaam xisaabeed baahsan oo aan lahayn xarun dhexe, Julie Pinkerton (2025).

Hal sano ka dib shaacintii waraaqdii whitepaperka ahayd, waxa 2009kii la lagu waabariistay lacag dhijitaal ah oo loo bixiyay Bitcoin, waa lacag aan lahayn meel dhexe oo laga maamulo. Bitcoin waxaa lagaga shaqeeyaa nidaamka loo yaqaan Proof of work (PoW) oo ah hab heshiis guud lagu yahay (Consensus Mechanism) oo lagu adkeeyo ammaanka shabakadda. Iyada oo laga rabo falayaasha (minners) inay xalliyaan xisaab adag oo kombuutareed, taas oo ka dhigaysa shay aysan cid walba si fudud usamayn karin, waa na nidaam cajiib ah oo aan lala wadaagin (Unique System).

Satoshi ayaa sameeyay Qodidii ugu horreysay ee Bitcoin, January 3, 2009. Taas oo loo yaqaanaa Genesis Block (block #0). Waxaa na la socday qoraal caan ah oo u qornaa sidan  “The Times 03–Jan–2009, Chancellor on brink of second bailout for banks.” Xikmaddan oo ay tahay in aan loo macnayn si toos ah waxa ay noqon kartaa ama u taagnaan kartaa in Satoshi uu muujinayay in aan lagu kalsoonaan karin nidaamka maaliyadeed ee dunida maanta ka jirta iyo in bangiyadu mar kale u baahan doonaan in la badbaadiyo (Bailout) iyo in Bitcoin ay tahay jidka xalka iyo badbaadada ee nidaam maaliyadeed oo xor ah.

Intaas ka dib Satoshi waxa uu bilaabay inuu diro Bitcoin-tii ganacsi ee u horaysay wuxuu na u diray Hal Finney, January 12, 2025. Waxay na ka koobnayd 10 Bitcoin. Tani waxa ay ahayd in Bitcoin ay ka gududbtay tijaabadii koobaad, ayna qaaday jidkii horumarinta iyo casriyaynta taas oo keentay in Bitcoin ay noqoto lacag caalami ah oo si toos ah loogu isticmaalo ganacsi iyo maalgashiga ba. Mashruuca Bitcoin sidaas ayuu hormar usii samaynayay. Sannadkii 2010 ayuu dhacay macaamilkii u horeeyay ee in Bitcoin taas oo lagu kala iibsaday Pizza. Taageerayaasha iyo dadka jecel Bitcoin waxa ay u yaqaanaan Bitcoin Pizza Day, haddii aynu indhaha maanta ku eegno Pizza-daasi waxa ay noqonaysaa midii abid ugu qaalisanayd. Ugu danbayn Bitcoin waxa ay qaaday jidkii iyo himiladii loo sameeyay, hal Bitcoin waxa ay gaartay Sanadkii 2011kii hal dollar ($1). Halkaas waxaa ka sii socday hormarinta suuqa lacagta dhijitaalka ah, waxaa na samaysmay Crypto Exchanges kala duwan, kuwaas oo ay maanta ugu caansan yihiin Binance, Coinbase, iyo kuwa kale.

Ugu danbayn, dhamaadkii sanadkii 2010kii, Satoshi ayaa si tartiib tartiib ah uga baxay mashruuca, isaga oo hormariyayaasha kale faraha uga qaaday mashruuca, taas oo muujisay in Satoshi uu hirgaliyay himiladiisii iyo dantii uu ka lahaa badbaadinta nidaamka maaliyadeed ee dunida. Ujeedada ugu wayn ee satoshi ka lahaa samaynta Bitcoin (BTC) waxa uu ahaa in la abuuro lacag dhijitaal ah oo madax banaan taas oo aan u baahnayn bangi dhexe iyo cid maamusha ama gacanta ku haysa, waana sababta Satoshi oo himiladaas ka dhabaynaya uu uga baxay mashruuca uguna daayay gacmaha hormariyayaasha, dadkuna ay si toos ah ugu kala ganacsan karaan (peer to peer) taas oo rumowday. Fobres ayaa sanadkii 2013kii Bitcoin u aqoonsatay maalgashigii ugu wanaagsan sanadkaas. In kasta oo ay BTC markaas jirtay 5 sanno oo kali ah dadka baddankiinna aysan ku qabin kalsooni, haddana sanadkan ayay maalgashadayaashu bilaabeen in ay fiiro gaar ah u yeeshaan. Sida uu qabo Guillaume Babin-Tremblay oo aha executive director of the Bitcoin Embassy in Montreal, Quebec, sanadkii 2013kii ayaa ahaa sanadkii Bitcoin, Forbes (2013). Waxaa albaabada u furantay in koritaanka nidaamka Blockchain waxa ayna fikradii iyo aragtidii Satoshi ee Bitcoin dhalisay in ay samaysmaan lacago kale oo dhijitaal ah sida Etherium, Litecoin, iyo kuwa kale. Lacagta dhijitaalka ah ee maanta jirtana Market Cap keeda waxaa lagu qiyaasaa $3.97 Tiriliyaan oo lacagta Maraykan ah, Forbes (2025). Nidaamkii Blockchain ee Bitcoin lagu sameeyayna waxaa ay ka gudubtay gidaar kasta wax ayna gaartay heer loo isticmaalo bangiyada, waxbarashada, caafimaadka iyo meel walba oo kale.

SABABAHA KEENAY IN LA SAMEEYO LACAGTA BITCOIN?

Fikrada Bitcoin waxa ay bilaabatay sanadkii 2008dii, markii uu dhacay musiibadii dhaqaale (Financial Crisis) ee dunida ka dib buburkii suuqii guryaha ee Maraykan oo ah dalka dunida ugu dhaqaalaha sarreeya iyo burburkii haayado maaliyadeed oo waawayn, musiibadan dhacdayi, waxa ay keentay shaqo la’aan baahsan, dhaqaale burbur iyo farogalin dowladeed si loo badbaadiyo haayadihii maaliyadeed ee ay dhibaatadu qabsatay. Taas oo qaybtood la badbaadin waayay sida bangigii waynaa ee Lehman Brothers oo kacay 2008, ahaana bangiga burburkiisu uu dabka ku sii shubay musiibadii dhaqaale ee dhacday. Markaas ayayna dhalatay fikrada Bitcoin, oo ujeedadeedu tahay in wax laga qabto kalsoonidarada iyo xasilooni la’aanta ka jirta nidaamka dhaqan-dhaqaale ee dunida, iyada oo meesha laga saarayo baahida loo qabo bangiyada ganacsiga iyo haayadaha maaliyadeed ee xarumaha dhexe leh, kuwaas oo loo aanaynaayo in ay sabab u ahaayeen musiibadii maaliyadeed ee dhacday, ficilladii ay sameeyeen haayadaha maaliyadeed ayna horseeday musiibadii dhaqaale ee dhacay 2007/2008dii taasi oo keentay aamin-bax, is-eedayn iyo kalsoonidarro badan.

Isla waqtigaas, bangiyada dhexe waxa ay qaadeen talaabooyin kuwaas oo khubaro badani dareemeen in dhaqaalaha caalamku uu si xad la’aan ah ugu tiirsanaa haayadaha maaliyadeed oo aan si dhab ah u raacayn sharciyada, taas oo keentay in baddel iyo xal loo arko aragtida Satoshi Nakamoto iyo in ay timid xilligii ugu haboonaa ee badbaado loo baahnaa, waana qayb ka mid ah sababaha Bitcoin iyo qaybaha kale ee lacagta dhijitaalka ahi ay si wayn ugu caan baxeen (Cypto.com). Bitcoin waxa ay ku shaqaysaa nidaamka loo yaqaano Blockchain oo ah buug xisaabeed furan oo dadku wada arki karaan, way adag tahay in macaamil la sameeyay la beddeli karo oo wax walba waa daah-furany ihiin, waa na cad yihiin (transparency). Bitcoin waxa ay sida oo kale keentay in dadku samaysan karaan xorriyad dhaqaale, in ay xal u tahay kalsoonidarrada lagu qabo nidaamka bangiyada iyo nidaamka maaliyadeed ee dowladaha waxa ay sidoo kale xal u tahay wadamada ay ka jiraan qalaase siyaasadeed, mid dhaqaale iyo sicir barar. Si kasta ba Bitcoin iyo lacagaha kale ee dhijitaalka ahi ma ahan kuwo ceeb la’aan ah, marar badan waxaa loo isticmaali karaa suuqyada aan la xakamayn karin (Dark Web), waxa ay isticmaashaa tamar badan marka la minning garaynaayo ama la qoraadyo, waxa ay leeyihiin oo kale qiimo aan degganayn (Volatility). Si kasta ba ha ahaato ee Bitcoin waxa ay albaabka u furtay nidaam cusub oo maaliyadeed iyo lacago kale oo dhijitaal ah sida Etherium, Solano iyo kuwa kale oo badan.

Sidaas awgeed, Sababaha keenay in Bitcoin la aasaaso waa’ay badan yihiin, waxaa se jira kuwo aynu soo qaadan karno. Bitcoin waxaa lagu maamuusa in ay tahay nidaam lagu hagaajinaayo dhibaatooyin badan oo ku dhex jiray nidaamka dhaqaalaha ee caalamiga ah.

Kalsoonidarro Ku Timid Nidaamka Maaliyadeed ee Dunida

Markii uu dhacay Musiibadii dhaqaale ee 2008dii, waxaa dhimatay kalsoonidii lagu qabay nidaamka maaliyadeed ee caalmaiga ah, waxaa burburay bangiyo waawayn oo maalgashi sida Lehman Brothers, kuwo kale waa la badbaadiyay oo bangiyada dhexe ayaa u gurmaday (Bailout). Waxaa kale oo dhacay sicirbarar, iyo maamul xumo hantida dadwaynaha lagu sameeyay oo ay bangiyada ganacsigu sabab u ahaayeen.

Xoriyad Dhaqaale iyo Xakamayn la’aan Dawladeed.

Satoshi waxa uu arkay in dadku aysan si dhab ah u maamulin lacagtooda iyo hantidooda bangiyada taalla. Lacagtu waxa ay ku xiran tahay siyaasad dowladeed oo uu hormuud u yahay bangiga dhex, kuwaas oo samayn kara daabicid lacag cusub marka ay u baahdaan taas oo keeni karta sicir barar, waxa ay xannibi karaan xisaabaadka lacageed ee dadku la baxayaan sababo sharci, iyo mid siyaasadeed awgood. Tusaale ahaan in la dhaho qofku maalintii wuxuu la bixi karaa lacag xaddidan sida ka dhacday dalal ay Itoobiya ka mid tahay, tan oo ay xallisay lacagta dhijitaalka ah maalinkii waxa aad diri kartaa inta aad damacdo ee lacag dhijitaal ah waliba si fudud. 

Sidaas awgeed, Bitcoin waxa ay soo bandhigtay xal iyo badbaado taas oo ah in Bitcoin aan loo daabici karin si xad dhaaf ah, in aan loo xadidi Karin si fudud iyo in aysan jirin xarun dhexe oo laga amar qaato ee qofku isagu gacantiisa ku haysto hantidiisa, isla markaana uu maamulanaayo.

Daahfurnaan Dhanka Teknoolijiyada ah (Blockchain Technology).

Bitcoin waxa ay ku shaqaysaa nidaamka Blockchain waxa ay leedahay hufnaan badhaxtiran sababta oo ah dhammaan macaamiisha waa la arkayaa transactionskooda. In kasta oo aan toos loo aqoonsan karin, hadda na waxa ka dhex dhacaya blockchain-ka ayaa laga arkaa. Waxa ay sidoo kale leedahay ammaan aad u adag iyo kalsooni aysan jirin cid sadexaad sida bangi ama haayad maaliyadeed oo kale, tusaale Teknoolajiyadani waxa ay meesha ka saartay baahida loo qabi karo gacan sadexaad (intermediaries) si lacag loo kala wareejiyo, si fudud oo toos ah ayay labada qof ee macaamilaya u kala wareejisanayaan waxa ay rabaan.

Ka Kortaga Sicir-bararka (Inflation Control)

Lacagta caadiga ahi (Fiat Currency) malaha xaddid ee waa la daabici karaa mar kasta oo bangiga dhexe uu damco, balse Bitcoin waxa ay leedahay tiro xadidan oo aan si dhib yar waxba loogu dari Karin kaas oo ah 21Milyan.

Inkasta oo nidaamka lacaga dhijitaalka ah (Cryptocurrency) uu wajahay caqabado badan oo dhibaato adag gaarsiiyay sida burburkii FTX iyo fadeexado kale oo la xiriira maamulka iyo xakamaynta suuqyada, waxaa hubaal ah in lacagta dhijitaalka ahi (cryptocurrency) ay hadda marayso heer ay helayso la qabsi iyo aqbalitaan caalami ah. Hadda waxaa muuqata in dowladuhu ay aqbalayaan maadaama aysan sina uga hortagi karin kacaanka casriyaysan, iyadoo ay jiraan dedaallo lagu sharciyaynayo sida kii aqalka hoose ee Maraykan uu ansixiyay ee Genius Act oo ahaa sharci lagu hayaago stablecoins‐ka si loo helo nidaam cad oo aan mugdi ku jirin. Tani waxa ay ina tusaysaa in dowladuhu ay hadda aqbaleen in lacagta dhijitaalka ah aan la iska indhotiri karin, ee ay tahay in ay maarayn iyo nidaamin u sameeyaan, halkii ay casriyeynta nidaamka maaliyadeed ka hortagi lahaayeen.

Maanta waxa aynu horteena ka arkaynaa fikradii Satoshi Nakamoto ee ku saabsanaa in la helo xorriyad dhaqaale iyo nidaam ka madhan xakamaynta dowladaha iyo bangiyada dhexe ay horteena ku korayso, ayna heshay aqbal iyo soodhawayn caalami ah.

Gunaanadkii, In kasta oo lacagta dhijitaalka ahi (Cryptocurrency) ay la tacaalayso kalsoonida, sharcidejinta iyo amniga, hadda waxaa hubaal ah in ay xaqiijisay jiritaankeeda. Aragtidii Satoshi ee xorinimmada maaliyadeed na waxa ay noqotay mid aysan cid na hor istaagi karin. Waana halka ay soomaalidu kaga maahmaahday biyo socda waa lala socdaa ee laga ma hortago. Taas oo muujinaysa in hal-abuurnimada iyo casriyaynta dhabta ahi aysan sahal ku joogsan, looga na hortagi karin ee la israaciyo uun.

 Lacagta dhijitaal ka ahi waa mustaqbalka dhabta ah ee dunida, dal kasta oo maanta aqbalay oo bilaabay sharciyeynteeda iyo kala nidaaminteeda na waxa uu noqon doonaa hormuudka lacagtan casriga ah iyo teknoolijiyadan ay ku tiirsan tahay. Waxaa na tusaale u ah dalka Maraykan oo hadda baarlamankiisu ansixiyay Genius Act, Digital Markets Clarity Act (Clarity Act) iyo Anti-CBDC Surveillance State Act. Xeerarkan oo dabo socda balanqaadkii Madaxweyne Trump ee ahaa waxa aan Maraykan ka dhigi doonaa hormuudka hantida dhijitaalka ah ee dunida.

Hadda dowladuhu si walba oo ay ula dagaalameen lacagta dhijitaalka ah, isugu na dayeen in ay curyaamiyaan, ugu danbayn waa ay aqbaleen taas oo u eg maahmaahdii soomaaliyeed ee ahayd ‘Gacanta aad goyn waydo waa la dhunkadaa’. Bitcoin waxa ay bishan July—2025 gaartay halkii xabo meeshii ugu saraysay abid oo ah  $123,218/1BTC.

TIXRAAC

  1. https://atlas21.com/e-gold-the-story-of-the-first-digital-currency-backed-by-gold/
  2. https://crypto.com/en/bitcoin/why-was-bitcoin-created
  3. https://www.investopedia.com/tech/were-there-cryptocurrencies-bitcoin
  4. https://www.forbes.com/sites/kitconews/2013/12/10/2013-year-of-the-bitcoin/
  5. Julie Pinkerton (2025), The History of Bitcoin: The pioneer of cryptocurrency, Bitcoin has endured dramatic highs, crushing lows and relentless evolution. (https://money.usnews.com/investing/articles/the-history-of-bitcoin)

Sidoo kale akhriso

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *