Qore. Mohamed A. Abdulle “Mohamed Daacad”
Soo Koobid (Abstract)
Maqaalkani wuxuu baarayaa xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya waxbarashada iyo dhismaha nabadda, isagoo si gaar ah u eegaya xaaladda Soomaaliya – waddan muddo dheer wajahayay colaado, is-qabqabsi qabiil, iyo burbur dawladeed. Waxaa lagu doodayaa in waxbarashadu tahay tiir muhiim ah oo lagu gaari karo nabad waarta iyo is-dhexgal bulsho. Ayadoo la adeegsanaayo Soomaaliya sidii daraasad kiis ah, waxaan la baarayaa sida hay’adaha waxbarasho – rasmiga ah iyo kuwa aan rasmiga ahayn – uga qayb qaataan isbeddelka colaadaha, dib-u-heshiisiinta qaranka, iyo horumarinta nabadda. Waxaa sidoo kale la falanqaynayaa caqabadaha heysta waxbarashada iyo talooyin siyaasadeed oo lagu hagaajin karo.
1. Hordhac
Waxbarashada iyo nabaddu waa laba arrimood oo si qota dheer isugu xiran. Waxbarashadu waxay kobcisaa aqoonta, xushmadda, fahamka, iyo fikirka togan – kuwaas oo ah asaasyada bulsho nabadeed. Dalalka burburay sida Soomaaliya, waxbarashadu waxay leedahay awood ay bulshada dib ugu dhisto, colaadaha u beddesho isfaham, isla markaana kor ugu qaaddo wada-noolaanshaha.
Soomaaliya waxay la daalaa-dhaceysay dagaal sokeeye, burbur dawladeed, iyo kala-firdhad muddo ka badan 30 sano. Si kastaba ha ahaatee, waaxda waxbarashadu waxay u muuqataa mid leh doorkeeda muhiimka ah ee lagu gaari karo nabadda waarta. Qormadani waxay iftiiminaysaa doorka waxbarashada ee dhismaha nabadda, iyadoo sidoo kale falanqaynaysa fursadaha iyo caqabadaha jira.
2. Aragtida Cilmiga ee Qormada
2.1 Waxbarashada Nabadda
Waxbarashada nabaddu waa hannaan barasho oo lagu xoojiyo dhaqamada nabadda, xallinta khilaafaadka, xuquuqda aadanaha, iyo dimuqraadiyadda (Harris & Morrison, 2012). Ma aha oo kaliya barashada qoraalka iyo xisaabta, balse waa barasho ku dhisan is-ixtiraam, garsoor, iyo faham bulsho oo fog.
2.2 Dhismaha Nabadda
Dhismaha nabaddu waa dadaal xagga siyaasadda, dhaqaalaha, iyo bulshada ah oo looga gol leeyahay in laga hortago dib-u-soo laabashada colaadaha, iyadoo la xallinayo sababaha dhabta ah ee keena khilaafaadka (Lederach, 1997). Waxbarashadu waa mid ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan ee dhismahaasi ku tiirsan yahay.
3. Taariikh Kooban: Waxbarashada Soomaaliya
Kahor burburkii dawladda dhexe 1991, Soomaaliya waxay lahayd nidaam waxbarasho oo guud ahaan shaqeynayay, waxaana maamulaysay dawladda dhexe. Burburka ka dib, xarumihii waxbarashada intooda badan waa la dumiyay, macallimiintii iyo ardaydii waa la kala firdhiyay, waxaana gebi ahaanba burburay nidaamkii waxbarashada ee dawladeed.
Si kastaba ha ahaatee, hay’ado gaar loo leeyahay iyo dugsiyo diini ah ayaa buuxiyay kaalintii bannaaneyd. In kasta oo ay kordhiyeen fursadaha waxbarasho, haddana waxay la yimaadeen caqabado la xiriira tayada, isku-xirnaanta manhajka, iyo mararka qaar khatarta xagjirnimo.
4. Doorka Waxbarashada ee Dhismaha Nabadda Soomaaliya
4.1 Is-dhexgalka Bulshada
Dugsiyada isku-dhafan waxay noqdaan meel lagu barto dulqaadka iyo wada-noolaanshaha. Daraasad ay sameysay UNESCO (2015) ayaa muujisay in waxbarashada loo dhan yahay ay lama huraan u tahay bulshooyinka ka soo kabanaya colaadaha.
4.2 Wacyigelinta Dimoqraadiga ah
Barnaamijyada waxbarasho ee ku saleysan wacyigelinta muwaadinimada iyo fahamka sharciga waxay dhallinyarada barayaan sida loo dhaqmo si sharci ah, loogana qeyb qaato hanaanka siyaasadeed (Elmi, 2010).
4.3 Ka-hortagga Xagjirnimada
Dhallinyarada aan helin fursado waxbarasho waxay u nugul yihiin in lagu qaldo fikir xagjirnimo. Kooxo argagixiso sida Al-Shabaab ayaa u adeegsada dhalinyarada la ildaran shaqo la’aanta iyo aqoon la’aanta. Bixinta waxbarasho tayo leh iyo xirfado shaqo waxay muhiim u tahay difaaca bulshada (Botha & Abdile, 2014).
4.4 Xoojinta waxbarasho loo dhan yahay.
In waxbarashada la gaarsiiyo qaybaha kala duwan ee bulshada, barakacayaasha, iyo dadka reer miyiga ah waxay qeyb ka tahay dhismaha cadaalad bulsho iyo sinnaan (World Bank, 2020).
5. Caqabadaha Horyaalla
Maamul Daciif ah: Wasaaradda Waxbarashadu ma haysato awood iyo kheyraad ku filan, awoodna uma lahan in manhajka waxbarasha laga hirgelsho dhamaan gobalada waddanka.
Amni La’aan: Dagaallada sokeeye iyo kooxaha argagixisada ah ayaa carqalad ku ah helitaanka waxbarasho ammaan ah, taas oo gaarta degmo walba iyo gobal walba.
Dhaqaale Xumo: Dugsiyo badan agab uma haystaan waxbarid tayo leh, dowladduna awood buuxda uma lahan inay gebi ahaan la wareegto waxbarashada waddanka.
6. Talooyin Siyaasadeed
1. In manhajka waxbarashadu noqdo mid xambaarsan fariimo nabadeed, lana gaarsiiyo illaa heer degmo, sidoo kalana xambaarsan fariinta ah halka mustaqbalka uu qaranka Soomaaliyeed hiigsanaayo.
2. In si gaar ah loo tababaro macallimiinta Soomaaliyeed, si loo soo saaro jiilkii qarankaan samatabixin lahaa mustqbalka.
3. In la xoojiyo tayada waxbarashada, ayadoo diiradda la saaro in cid walba oo kamid ah bulshada ay hesho waxbarasho, waliba mid tayo leh, sidoo kalana heer Siyaasadeed laga heshiiyo Siyaasadda guud ee waxbarashada Soomaaliya
4. In lala shaqeeyo masaajidda iyo dugsiya diinta lagu barto, fekerka ah in dadka maadiga lee dhigtay loo nisbeeyo waxbarashadana meesha laga saaro, taas oo sare u qaadi doonto tirada ubadda Soomaaliyeed waxbarta.
5. In la maalgeliyo kaabeyaasha waxbarasho si loo helo jawi waxbarasho oo ammaan ah.
7. Gunaanad
Waxbarashadu waxay ka badan tahay akhris iyo qorid – waa mabda’ nabadeed.
“Soomaaliya, waa waddada loo maro nabadda waxay martaa fasalka waxbarashada.”
Inkasta oo ay jiraan caqabado muuqda, haddana waxbarashadu waa furaha dhalinyarada Soomaaliyeed ee berri, kuwaas oo heli doona faham, dulqaad iyo midnimo. Haddii si sax ah loo maamulo, waxbarashadu waxay noqon kartaa tiirka ugu weyn ee lagu dhisayo Soomaaliya nabdoon.
