Faallo Sheeko: Aanadii Negeeye

W/Q: Kassim Hussein

Si guud Sheeka faneeddu waxa ay ku abtirsataa laan suugaaneedka tiraabta. Waa fan inta erayo iyo suugaan lagu soo bandhigo in la eg oo kale la dhex mariyo farriimo dan ummadeed ah ama aan ahayn. Waa khayaal hummaagga qofka dhab ama dhalanteed kii ay noqotaba lagu sii dhex daayo, oo uu qofku sida filmka ula falgalo. Alleylehe waa film oo kale, oo sida aad filmka hummaagta ugu daawatid ayaad iyada afkaaga ama mid kale uga haqab beelaysaa. Marka ay mushkilad bulsheed xallinayso ama xaalad waaqaca ku lug leh warinayso ama ay waaya’aragnimo dahsoon soo bandhigayso ayayse ugu waxgalsan tahay oo in ilaheeda laga durduurto, darkeedana laga waraabo mudantahay.

Sheekada (Aanadii Nageeye) waa dhaxal bulsheed iyo taxane ummadeed oo aan faallaynteeda iyo lafagurkeedaba laga gayoon karayn. Sidaas oo ay tahay baan doortay in aan ku gardarroodo oo bal aan wax uun ka iraahdo, aniga oo hal dhinac oo qura iska taagaya-waa dhanka cutubyada iyo Aragtiyaha ku jira e.

Ugu horrayn sheekadu waxa ay ka kooban tahay laba iyo toban cutub. Waxa aanan doonayaa in aniga oo soo koobaya aan cutub kasta iyo aragtiyaha ku jira ka faalloodo intii aan haleelo.

Aynu ku bilowno cutubka 1aad, iyo sheeko ku bilaabanaysa; Hummaagga qarriban ee uu qoraagu Muqdisho kaa siinayo iyo in ay tahay magaalo dal dhan ugu nolol danbaysay, ninka quraaradda haysta ee kursiga sintaaca ah ku dangiiga ee sigaarka qiiqinaya, bilowgaba waxa ay innagu abuurayaan waydiin buugga la bilaabanaysa oo ah: maxaa Muqdisho iyo dalkaba ku dhacay? Muxuu yahay ninkaan aan la garan ee fillada bilaa layrka ah ku dul fekaraya? Iyo kuwo kale. Markaa ayuu qoraagu afartan sano ka hor dib inoo celinayaa iyo halka ay ka soo bilaabatay ninka la garan la’yahay oo Nageeye Geeddi Buraale ah, magaaladaan iyo dalkaba waxa ka dhacay. Halkaan bayna aragtida koowaadna inagala bilaabanaysaa.

Waa aano, wiil dhashay oo uu aabihii dartii u dhintay. Kuna barbaaray nolol tan ugu arxanka daran ee ubad yari ku ababo. Adkaystay, tabcaday ugu danbaynna aarsaday. Agoonnimada waxaa u dheer layaca ka dhergay iyo dhibaabihii uu bulshada kala kulmay. Halkaasna waxaa ka koray Kuray sida xumaha loogu lisay aan u hambayn doonin. Qofka sani sida uu bulshada uga dhasho ayuu kan xumina uga yimaadaa oo waa isla’eg bulsheed. Labadoodana dadka ayaa abuura. Bal aynu kan xun uga tusaale qaadanno Nageeye. Nageeye haddii aanu aabbihii dartii loo dili lahayn miyuu ciilqabe noqon lahaa? Haddii ay Aw faarax iyo reer Damalwayn oo dhami si wacan u barbaarin lahaayeen, ama uu meel iyada ka wanaagsan ku barbaari lahaa ma kula tahay in uu sidaan ciilqabe lahaa? Waa intaas, oo doogihii ay reer Damalwayn ubadnimadii Nageeye ku ababiyeen waa tan uu afartan sano kadib kula butaacay maxaskii uu hawdka ka ugaarsanayay iyo ummaddii kaleba.

Cutubka labaad, isagu waxa uu ku bilaabanayaa wiil miyi ku dhashay, oo uu qaddarkiisu u sahantagay, miyi iyo noloshii geerjire nimadana kala baxsaday oo uu tacliin iyo in uu si wanaagsan ku ababo u dooray. Halkaana waydiinta qaddarka ayaa inooga dhalanaysa, issaga oo qoraagu si uu fahankeeda kuugu soo dhaweeyo si qurux badan kuugu dhigayo. Waxa uu qaddarka ula baxayaa magac (sabab) la yiraa. “Sababo badan oo isbiirsada ayaa abuura fursad la eedo ama loo aayo. Noolaha qudhiisuna sababaha uu eedayo ama u aayayo abuuristooda wuu ka qayb qaataa. Sabab qalaad oo dusha ka timid iyo ta la abuuro dhexdooda ayay doorasho iyo xorriyadi ku jiraan. Labadaa kefadood hadba ta cuslaata ayaa dhankeeda loo ciiraa. In kasta ha la’ekaato ee haddiiba ay doorasho furan tahay dadka qofba waa halka uu nolosha ka abbaaraa; waa halka uu dan bido ama dookhu u hoggaamiyaa. Talada oo xumaata ama samaata, toogashada yoolka oo qalloocata ama qummanaata, iyo dadaalka oo bata ama yaraada, ayaa miisaanka kefedda labada dhan mid uun u ciirin kara.”

Aragti labaad ee cutubka labaad ku jirta waa kalaguranka u dhaxeeya nolosha miyaga iyo magaalowga, saamaynta baaxadda leh ee ay qofka miyiga nolosha ka soo bilaabay ay ku leedahay iyo isdiidooyinka uu wajahayo. Waayaha darbijiifka iyo dhibaatada uu qofka iskoriska ahi Xamar ku mudanayo ayaa iyaduna ah mid muhimaddeeda leh.

Cutubka 3aad, waxa uu muhimad siinayaa waqtigii kacaanka, dowladdii military-ga ahayd iyo sidii ay bilowgeedii bulshadu ugu riyaaqsanayd. Sidii askarka iyo shacabku isugu sidkanaayeen ee aadka loogu jeclaa. Waayihii Askarowga ee ay bulshadu tarabtarabta ciidanka ugu biiraysay, oo uu Nageeye ruuxiisu kamidka yahay. Isbeddelkii hoobadka ahaa ee ku dhacay maamulkii Askarta ka dib markii ay ku guul daraysatay dagaalkii Soomaaligalbeed iyaga oo ujeestay xakamaynta kacdoonnada gudaha ah ee gobolka Mudug ka bilowday. Waqtigaas oo askartii dagaalka xaqa ahaa kasoo noqotay loogu badalay mid baadil ah oo shacabka lagu beegsanayo. Waxaana bilowday in dadka xoog lagu askareeyo qofkii diidana madaxfurasho laga qaato. Ugu danbayntiina waxa ay askarta iyo askarowguba noqdeen shar laga naxo iyo dhibaato Eebbe laga magansado.

Cutubka 4aad, waxa aynu ugu tagaynaa Raage, oo si hagaagsan u koraya, akhriska iyo dhigaalkana jeclaanaya, dugsiga sarena derajo sare uga baxaya taas oo u sahlaysa in uu minxo dalka Ingiriiska ah helo. Halkaas ayuu wacyigiisu ku korayaa, aragtida hantiwadaagga iyo tan hantigoosigana isu barbar dhigayaa. Dagaalka qaboow ee hantiwadaagga looga taqalusayo ayaa ku dhalinaysa in uu si dhab ah uga fekaro. Laba adduun buu isaga gudbayaa, issaga iyo ardey kale oo oo afrikaan ahna ku soo saarayaan maqaal ay Afrikaanta iyo sida ay nidaamyada reer yurub ugu afduubanyihiin ku muujinayaan. Ugu danbaynna waxa uu qayb ka noqonayaa koox soo saarta wargayska ardayda afrikaanka ah, oo uu xubin firfircoon ka noqonayo. Laba sano kadibna isaga oo aan weli jaamacaddu u dhamaan waddanka lagu soo celinayo.

Qodobka xusidda mudan ee sheekada Raage iyo tan Roobleba ku dul wareegaysaa waa in aanay aqoontoodii waxba dalka uga goyn, halka Nageeye iyo Diiriye oo aan waxba barani ay fursadaha ugu sareeya ee waddanka helayaan. Diiriye oo ahaa darbijiif, kirkshbooy iyo dibjir aan waxba baran ayaa laba sano ku noqonaya maamulaha iskuul dugsi sare ah.  Raage oo macalinimo soo dhameeyay ayaana iskuulkiisa bare ka noqonayaa. Halka Nageeye oo ah askari dhaca iyo boobka ka tanaaday, oo aan markaa laga warhayn uu abtigii Rooble oo Wasaaradda waxbarashada u shaqeeya guri u iibinayo. Labadooduba waxa ay ka faa’iidaysanayaan maamul fashil ah oo tayada ka jecel danaysiga iyo musuqa.

Cutubka shanaad, waxa uu ku bilaabanayaa Raage iyo Oscar Peterson-wariye warfidiyeen maraykan ah u shaqeeya- oo jidka ku kulmaya, horayna isku sii raacaya. Labadooda ayay dhex maraysaa dood ku aaddan mushkiladda ugaarsiga xumaha afrikaanka ee ay had iyo goor warbaahinta reer galbeedku fidiyaan, si ay bulshadooda dheregtay ugu maslaxaan in ay dadka ugu sarreeyaan. Peterson taas wuu ka biyadiidayaa isaga oo ku doodaya in ay waajib saxaafadeed oo qura gudanayaan. Waxa ayna ugu danbayntii isla meeldhigayaan in sawirrada baaska leh ee Afrikaanka ka macaashaashaan, ayna tahay wax mudan in laga garramo.

Cutubka lixaad, waxa uu ka faalloonayaa xasuuqii ba’naa ee askastu gobolladii waqooyi ka gaysanaysay, iyo sidii uu Nageeye kaalinta laxaadda leh uga qaatay. Bililiqadii iyo dhacii hantida maatida iyo sidii looga sacabbo buuxsaday, ugu danbaynna looga tanaadey ee guryaha iyo dhulalka badan looga iibsaday. Tumashadii iyo balwadihii qalaad ee askartu sida ba’an ugu falnayd ayuu si mug leh u taabanayaa. Sidii Askartu u qooqday ee ay fircoonnada yaryar u wada noqotay ayuu si mug leh u taabanayaa.

Cutubka 7aad, waxa uu ka hadlayaa faafitaankii fikirka wahaabiga iyo qaababkii uu waddanka ku soo galay. Sidii ay aragtidani uga faa’iidaysatay burbur-bulsheedkii dhacay ee madaxii ummadda mijaha u rogay. Sidii ay bulshada iyo wadaaddadii Sucuudiga ka yimid isaga hor yimaadeen, ee ay bilowgiiba dirirtu uga dhex aloosantay ayuu si wacan uga faalloonayaa. Ugu danbaynna sidii ay u saldhigtay ee ay aqoonyahanka iyo dadka firfircoon u ugaarsanaysay iyo sidii ay ugu guulaysatay ayuu ku soo afmeerayaa. Iyada oo wax alla wixii waddanka ka dhacay sabab looga dhigay in aakhiro oo la ilaaway, xal keliya ee la helayna uu noqday in aakhriro loo jeesto. Maalinta intaas la isla qiray ayaa meel kasta oo aakhiro iyo dhimasho ka dhawdahay laga wardoonay. Sidaas ayayna wahaabiyaddu baarka u fidisay iyada oo aan xabbad ridinna u noqotay jabhad xoog leh.

Aragtida labaad ee cutubka todobaad ku jirta waa tahriibka iyo dhoofka qofku dalkii uu u dhashay ka hayaamo isaga oo magansada waddan aanu u dhalan waxna ku darsan. Si gaar ah, aqoonyahanka iyo dadka waxgalka ah ee waddanka ka dhoofa iyaga oo intii aan waxba baran dalka uga taga, isla goortaasna filanaya isbeddal hagaagsani in uu samada ka soo dhaco ayuu si wacan u faaqidayaa. “Haddii isbeddel loo baahan yahay muxuu beddalayaa qof waddankaba ka tegay? Muxuu akhoonyahanku ka miradhaliyay? Joogista liidata ee qurbaha sow qirasho uma aha guuldarrada culus ee aqoonyahanku weheshano? Haddii inta waxgalka ahi waddanka ka qaxdo ma waxa ay doonayaan in cid kale wax ka beddasho? Dabadeed iyaga ubaxyo lagu soo dhaweeyo?” Waydiimahaas iyo kuwo kale oo culculus ayuu qoraagu ina hor dhigayaa.

Cutubka 8aad, waxa uu faaqidayaa isdiidooyinka uu la kulmayo qofka soomaaliga ah ee haddana waddaniga ah. Bulsho qabali ah, oo waxkasta ay tolnimo ku dhisantahay sida aanu qof waddani ah ugu dhex noolaan karin ayuu ka hadlayaa. Raage oo ah jilaaga waddaniga ah ee wacyiga waddaniyeed ee sarreeya leh waxa uu ku dhibtoonayaa sidii uu aaminaaddiisa daacad ugu noqon lahaa iyo sidii uu waaqac bulsheedkiisa u beenin lahaa. Qaaraanka reerka ayuu diidayaa, sheegashadooda iyo waxkasta oo qabiil ku saabsan ayuuna ganafka ku dhufanayaa ugu danbaynna aragtidiisaa ayuu dhibane u noqonayaa oo marka in uu guursado raboodo ayuu ku qasbanaanayaa in uu tolkiisa kaxaysto, taas oo ula muuqanaysa wax aan dhankiisa suurtogal ka ahyn. Tolkiisu marka uu qaaraanka diido wa ay inkirayaan oo in uu sheegato yahay ku shaabadaynayaan, taas oo aakhirka sababaysa in reerku gabadha u diidaan. Ugu danbayntana waxa uu ku qasbanaanayaa in uu waaqaca u hogaansamo. Halkaasna waxa uu qoraagu ku muujinayaa sida ay soomaalidu ugu guuldaraysatay nolosha magaalowga iyo ilbaxnimada iyo in ay halabuurto habnololeed ka duwan kii geeljirenimada iyo qabaliga.

Cutubka 9aad, waxa uu tilmaan ka bixinayaa maamulkii kelitaliska ahaa ee askarta iyo sidii uu u ugaarsanayay dadka waxgalka ah ee gudaha waddanka ku nool. Sidii xabsiyadii loogu talagalay tuugta, dhiigyacabka iyo inta xun ee bulshada uu ugu guray intii waxtarka ahayd ee issaga ka hortimid. Sidii waddanku uu dulmiga ugu gebogabaysnaa ee inta nacamleeyayaasha ah maaha e inta kale loo beegsanayay ayuu si wacan ukala dhigdhigayaa. Sidii bulshadii askarta u jadbasnayd ee laabta ka wada jeclaa ay halmar u wada naceen ee ay u noqdeen bahallo dhiigyacabyo ah oo aan waxba hanbaynayn.

Cutubka 10naad, halka ugu xiisaha badani waa dhimashada Kaliil. Kaliil waa wiilka Amran oo ah xaaska Nageeye, laakiin aanu issagu Aabbe u ahayn. Waa arday dugsiga sare dhamaynaya, afgaaban oo goonidaaq ah. Waxa uu u dhimanayaa aanaadii uu Nageeye aabihii ugu aarayay ee uu ku dilay Goodir. Ilmo Goodir ayaa iyaguna dilaya Kaliil oo u dhimanaya danbi aanu waxba ka gaysan. Halkaan ayay waydiimo falsafadeedi inooga furanayaan. “Kaliil nolosha ma isagaa ka haray mise iyada ayaa ka hartay? Miyey nolosha kala leexdeen mise way kala ambadeen?” Iyo waydiimo jiraali ah oo qofka iyo nolosha, qofka iyo dabeecadda, qofka iyo bulshada ku saabsan.

Cutubka 11naad, iyo kan 12naadba waxa si wayn u faallaynayaan qaraxii ka dhashay xumihii bulshada iyo dadnimadaba lagula ka cayay. Sidii wax walba jirjircadka isugu rogeen, ee maamulka, mucaaradka, shakhsiyaadka, ascaarta, lacagta… waxkasta oo kale qiimojabka waalida ahi ugu dhacay. Sida noloshu isku cayn wareejisay ee ay waxwalba qulubka u galeen. Sidii firarka musiibadu bulshada u wada gaartay ee aanay wadaad iyo waranle, askari iyo rayid, rag iyo dumar ugu aabayeelin.

Gunaanad

Si kasta oo loo faalleeyo marnaba farriimaha tiro beelka ah ee sheekadu werinayso lagama baahi beeli karo. Sheekadani dhabaallada ay siddaa waa tiro beel isugu jira: dhaqan, fan, falsafad, diin, siyaasad, dhaqaale, waddaniyad, wacyi-bulsheed iyo in kale oo badan. Waa dhaxal bulsheed aan mar iyo laba keliya looga haqab beeli karin ee mudan in sanadle, bille iyo maalinleba loo faaqido, bulshadana loo soo bandhigo.

Dhammaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *