Waa-igu-kali

Waxaa qoray: Bashiir Balcad

Waxaa na soo maray waqti aan dib loo haleynin aniga iyo saaxibkey Cusbo. Waxay aheyd nolol daggan oo aan culeys iyo caqabada badan laheyn, asalkeeduna barasho diineed iyo bashaal uun iska yahay. Ma garanaayo waxa aan u doorannay inaan markasta isla joogno, oo aan dhib iyo dheelba wada qaadanno. Ma aanan garaneynin macnaha saaxiibnimada iyo sida loo qeexo sida aan hadda ba u aqaanno. Sidaas oo ay tahay; hadda ma heysto dhadhankii saaxiibnimada.

Wax kasta waan isku raaci jirnay qalad iyo saxba. Aragti aan isku khilaafno iyo rabitaan adduun oo na kala geeya ma uusan jirin, garab iyo gaashaan ayaanna isu aheyn. Maalin kasta waan wada joognay, marka laga reebo waqtiga waxbarashada. Waxaan aheyn kuwa isla socda, sida qof iyo hooskiisa oo kale. Cusbo kubadda ayuu aad u jeclaa, anna  sidaas oo kale. Sidaas oo ay tahay waligeen iskama soo horjeesan, meel walba oo lagu ciyaaro. Noloshii waqtigaas dib looma soo celin karo, anigoo taas og ayaan haddana xusaa oon xasuustaa. Waayoo, saaxiibtinimadeennu qabiil, dano, aragti, hanti iyo waxa la mid ahba kuma saleysneyn; balse maanta waxaan arkaa waxkasta oo saaxiibtinimo lagu tilmaamo inaysan aheyn teennii saafiga ahayd oo kale.

 Saaxiib waxaad iiga tagtay dhaqankii, samafalkii walaalnimo iyo hilowgii saafiga ahaa oo aan weli heysto.

Dhowr iyo toban sano maan arag saaxiibkii nolosha i baray, waqti aanan heysan aalad ama waxkale oo waqtiga firaaqada la qaato sida: buugga aan aqriyo, filim aan fiirsado, waxkasta waxaa ii ahaa sheekada iyo kaftanka saaxiibkii yaraanta “Cusbo”.

 Waxaan aad u jecleyn oo aan farxad aad weyn ka heli jirnay roobka, iyo  marka aan ku qubeysaneynno iyo marka aan daalno oo aan dadka kale foorjeneyno ama aan la murmeynno. Saaxiibkeey waqtiga ayaa na kala geeyay iyo duruufihii la so maray.

Anigu, Xamar ayaan ku noolaa, ku noolahay ku noolaandoonaa; halka isagu uu  aaday Dhoobey oo ah meeshii uu ku dhashay. Labadeennuba waxa aan la daalaadhacnay waaya adduun oo adag, iyo iswaa xanuun badan oo lagu qasbanaaday. Hase ahaatee waxaan raadiyaba 2015 kii ayaan dib u helay oo uu ila soo xiriiray.  Maalinkaas, haddaan awoodo waan bixin lahaa waxkasta oo qiima leh si’ aan ula kulmo saaxiibkeygii yaraanta; balse xaaladaha nololeed ee nagu gadaaman iyo nolosheenna oo kala leexatay ayaa diiday.

Waxa uu iiga sheekeeyay waayihiisa xanuunka badan. “Saaxiib ninkii laacibka ahaa ee ordi jiray maanta socodka ayaa dhibaaya, ninkii saaxibkaa ahaa ee faraxsanaan jiray maantey farxad ugu dhawdahay”.  Ayaa si kedis ah iigu yiri. Erayadaas oo xanuun iyo filanwaa igu beeray darteed, waxaan haleeli waayay su’aalo badan oo munaasab ahaa. Wuu fahmay inaan argagax iyo wareer dhax taaganahay, markaas ayuu sheeka dheer ii bilaabay. Sida waxaas oo dhami ugu dhaceen, ayuu iiga sheekeeyey. Waxay iigu xanuun badaneyd markuu ii sheegay inuu ku qasbanaaday inuu dagaal ka qeybgalo, kadibna uu ku dhaawacmay jiisna uu noqday,  inuu ka so baxo deegaankaasna aysan u suuragaleynin uuna ku qasbanyahay koox hubeysan oo deegaanka qabsatay.  Dagaalki gadaashiis inuu la shaqeeyo ayaa ay ku qasbeen.  Waxa uu ii sheegay in uu rajeynayo in aan dib u kulanno, oo aan halkeennii sheekada ka ambaqaadno. Haddii se ay dhici weydo, in aan u duceeyo ayuu iga dalbaday.

Taleefankii ayuu damiyey, ka dibna waan waayay. Muddo ayaan wici jiray mana ii suuragelin in aan  helo qof warbuxinteyda gaarsiiya. Maalin kaas ka dib wax aan sameeyo ma garaneyn; balse mar dhaw ayaa aan helay gabar ayaa xigto ahaayeen. Waxa aan u qoray:

                            “Asc saaxiib waa walaalkaa iyo saaxiibkaagii dhabta ahaa. Waxaan muddo raadinaayay sida ay warbixintaydu kuu soo gaari karto, anna aan taada u ogaan karo.  Maxaa yeelay ma ogi xaaladda nololeed ee aad ku sugantahay.  Aniga waan noolahay, waan shaqeystaa, reerna waan yeeshay. Adigana waxaan rajeynayaa inaan caafimaad qabto. Saaxiib nolosha culeysyadeeda waa ay badanyihiin. Waxaa ka mid ah inaad weydo ruux kuu dhaw, waliba agtaada qaali ku ah. Boqolaal qoys  iyo  kuwii ay jeclaayeen ayaa dunidu kala qarisay.  Saaxiibo iyo ehel sideennoo kale ah  ayaa  adduun iyo waayihiis ku kala lumay.  Waxaan rabbi kaaga tuugayaa inuu adduun iyo aakhiro ku badbaadiyo, noloshan gaabanna ihoy iyo haweeneey wanaagsan Rabbi kuu hibeeyo.

Saaxiib waxaan rajeynayaa in ay ku soo gaari doonto warqadeydani. Markaad hesho ii so jawaab, haddaan noolahay waan aqrisandoonaa si  aan ugu laabqabowsado.

   Saaxibkaa Baashaale

Waxaan aaday xaafaddi gabadha la’ iigu tilmaamay. Waan u tagay waxaan u sheegay in ay warqaddan u geeyso saaxiibkeey “Cusbo”. Markii aan u sheegay in uu  yahay saaxibkeygii carruurnimada, oo  aan aad  jeclahay; wajigeeda ayaa isbadalay.  Waxa ay iila muuqatay in xanuun badani aad u haayo. In ay xanuunsaneyso iyo in kale ayaa aan weydiiyey. Se waxa ay ii sheegtay in aanay warqaddu gaareyn.

Waxaan weydiiyay sababta anoo ka murugeysan  waxay iigu  jawaabtay   “Waa la dilay”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *