Waxaa qoray: Cabdimaalik Guuleed
Waxaa si xawaare leh ku socda isticmaalka Tamarta Cagaaran (Green Energy), waxayna dunida si weyn ugu ololeynaysaa yaraynta isticmaalka shidaalka oo dhibaato aad u weyn ku haya degaanka iyo badqabkiisa. Tamarta Cagaaran waa majaal aad u balaaran kana kooban ilaa dhowr tamar oo dib la cusbooneysiin karo ama loo isticmaali karo (Renewable Energy). Tamartaan ayaa loo arkaa beddelka isticmaalka shidaalka, haddii ay noqon lahayd qaybaha kala duwan ee sida loo dhaliyo korontada, u adeegsiga baabuurta iyo dhamaan agabka u baahan tamar socodsiisa.
Marka aan ka hadleyno korontada waa majaal aad u ballaaran kana mid ah baahiyaha asaasiga ah ee bulshada, taasoo sida maalinlaha ahna loo isticmaalo. Shidaalka waxaa uu ahaa midka loogu isticmaalka badan yahay ee habka dhalinta korontada iyadoo la isticmaalaayo dabdhaliyaayaal ku shaqeeya shidaal (Diesel Generators). Sidaas oo ay tahay adeegsiga shidaalka waxaa ka dhashey saameyn taban oo degaanka iyo noolahaba dhibaateysay halka cimiladu ay isbeddello la yaab leh kusoo korortay.
Shirar isdabayaal ah ayey dunida ka yeelatay sida wasaqowga hawada loo yerayn lahaa, islamarkaana isbeddelka cimiladana looga dhigi lahaa mid hagaagsan oo lagu noolaan karo. Ururada Caalamiga ah ee degaanka u ololeeya ayaa warbixinno tirabeel ah ka soo saaray saameynta xun ee shidaalka uu ku yeeshay dunida iyo sida looga maarmi lahaa isticmaalkiisa.
Si kastaba Tamarta Cagaaran waxaa loo arkay inay tahay xalka lagu wajihi karo dhibaatooyinkaas. Tamartaan waxaa ay isugu jirtaa dhawr hab oo korontada loo dhalin karo. Waxaa kamid ah: Tamarta Cadceedda (Solar Energy), taasoo ah hab qorraxda lagaga dhaliyo tamar taasoo si toos ah loo adeegsan karo kolka loo beddelo koronto. Waxaa kale oo kamid ah isticmaalka Tamarta Dabeesha (Wind Energy) waa hab gaar ah oo dabeesha dabiiciga ah laga dhalin karo tamar. Sidoo kale, Tamarta Biyaha (Hydropower Energy), oo ah qaab biyaha loogu beddeli karo tamar.
Dunida waxaa ka socda olaleyaan xooggan oo loogu qareemaya isticmaalka tamarta qoraxda, waxaana hormuud u ah wadamo waaweyn oo ay u horreeyaan Shiinaha. Waxaa xiga Mareynkanka oo si weyn u isticmaala tamarta qoraxda iyo wadamo aad u tira badan oo 80% baahidooda korontada ku daboolay isticmaalka qoraxda iyadoo ay jiraan wadamo 90% adeegsada tamarta qoraxda oo kaga maarmay shidaalka. Awoodda koriimada sanadlaha ah qayb kamid ah wadama u firfircoon:
| Wadamada | Solarka la xiray(MW,2024) | Koriimada Sanadlaha(2023-24) | |
| 1 | China | 887,930 | 45.6% |
| 2 | U.S. | 177,470 | 27.5% |
| 3 | India | 97,384 | 33.7% |
| 4 | Japan | 91,610 | 2.8% |
| 5 | Germany | 89,943 | 20.1% |
Jaantus:01
Soomaaliya waxay kamid tahay dalalka 90% adeegsada habka dabdhaliyayaasha ku tiirsan shidaalka. Siday sahannada qaar xusayaan waxaa, Soomaaliya, sanadihii danbe laga dareemay isbeddel xooggan oo dhanka cimilada ah; sida heerkulka qoraxda oo kordhay, iyo roob yari.
Sidaas oo ay tahay, haddana Soomaaliya waxay Bankiga Adduunka ka heshay maalgellin koronto oo gaaraysa ilaa 150milyan. Mashruucaan aadka u ballaaran ayaa ujeeddiisa waxay tahay in dhamaan xaruumaha dowlada ay helaan koronto bilaash ah iyadoo la isticmaalaayo tamarta qorraxda. Sidoo kalana in goobaha waxbarashada iyo isbitaalada ee ay dowladda maamusha inay helaan koronto bilaash ah, oo ku tiirsan cadceedda, laga billaabo caasimadda ilaa gobollada.
Mashruucaan ayaa la filaaya in uu hoos u dhigo qiimaha korontada. Sidoo kale waxaa uu qorshaha yahay sida ku cad warbixinta World Bank in 1.1million oo guri ay heli doonaan tamar nadiif ah aadna u qiima jaban, taasoo ah waana qiyaasta tiro 7million oo qof ah inta ka faa’ideysaneysa. Mashruucaan ayaa la filaayaa in uu hoos u dhigo kutiirsanaanta shidaalka, si xal loogu helo heerkulka cimilada, wasaqoowidda hawada iyo koronta la’aanta ka jirta iskuuladda, isbitaaladda iyo xaruumaha dowladdaba.
Tixraacyada
- https://www.worldbank.org/en/news/press-release/2021/12/09/a-150-million-electricity-recovery-project-aims-to-help-light-up-somalia
- https://www.energyinst.org/statistical-review
- https://www.visualcapitalist.com
