W/Q: Axmed Xisam Miido
Riiqda Nafsadeed ee Dagaalka Sokeeye
Soomaalidu waa bulsho la ildaran xasarado, dagaallo sokeeye, xasilloonidarro siyaasadeed, dhaqaaleed iyo bulsheed. Dr. Saadiq Eenow waxa uu yidhi; “labadii qarni ee ugu dambeeyey ma jirto toban sano oo xidhiidh ah oo nabad ah oo Soomaalida soo martay.” Dhulka Soomaalidu waxa mar walba ka aloosnaa colaado iyo dagaallo sokeeye, inta badan dagaallada waxa ay ka dhalan jireen daaqa iyo biyaha suququlka ku ah dhulka Soomaalida. Rashiid Gadhweyne waxa uu qoray, “colaaddoodu waxa ay ka dhalan jirtey tartanka iyo loollanka ku saabsan khayraadka kooban ee dhulka saxare-xigeenka ah iyo habka dhaqaale ee ahaa xooladhaqatada reerguuraaga ah.” Dr. Xuseen Cabdillaahi Bulxan waxa uu xusay arrimaha kicin jiray dagaallada. Buuggiisa, “Losing the Art of Survival and Dignity”, waxa uu ku tilmaamay in tartanka iyo loollanka ku aaddan biyaha iyo baadka ku yar dhulka saxare-xigeenka ah ee Soomaalida in uu keeni jirey dagaallo ka dhex qarxa qabaa’ilka. Dhaca geela iyo dumarku waxa ay kaalin ka ahaayeen hurinta colaadda xooladhaqatada Soomaalida.
Aqoonyahannada dersa Soomaalida waxa ay qabaan in dagaalladii Soomaalida isbeddel weyni ku dhacay, si gaar ah markii la helay xornimada iyo dawladnimada. Tusaale ahaan Dr. Bulxan waxa uu xusay in loollankii iyo dagaalkii loo raray dawladnimada iyo ku tartanka xukunka iyo dhaqaalaha. Dr. Afyare Cilmi buuggiisa “Understanding the Somalia Conflagration”, waxa uu ku xusay laga soo bilaabo 1978 illaa hadda in Soomaalidu ku jirto dagaal sokeeye. Taas oo ah in Soomaalidu 45 gu’ ay ku jirto colaad sokeeye. Docda kale mudane Afyare waxa uu xusay; awoodda dawladeed, hubka, shaqada iyo gargaarka shisheeye in ay noqdeen khayraad muhim ah oo ay ku tartamaan qabaa’ilka iyo kooxaha kale. Dr. Afyare waxa uu aad ugu dheeraaday isbeddelka colaadda Soomaalida ku dhacay. Khuburrada dersa dagaallada waxa ay qabaan in dagaalladu wakhtigan casriga ahi isbeddeleen. Bilmetal; wixii ka dambeeyey dagaalkii labaad ee adduunka, inta badan dagaallada sokeeye celcelis ahaan waxa ay socdaan afar sanno halka markii hore ay socon jireen sannad iyo bar. Sababta waxa loo aaneeyaa faragelin shisheeye. Tusaale; saddex meelood laba 138-dii dagaal sokeeye ee dhacay muddadii u dhaxaysay 1945 – 2000, waxa ku lug lahaa dawlado shisheeye.
Colaadda qadhaadh ee Soomaalida ka dhex aloosan xididkeeda hoose waa intii dawladnimada la helay. Magaca dawladnimada waxa lagu galay tacaddiyo ka baxsan bini-aadantinnimada, kuwaas oo dogobyo siisaaray colaaddii hore ee Soomaalidu kala qabtay. Si kale colaaddan waxa loogu yeedhaa, “colaadda siyaasiga ah”, waana ta ugu kulul colaadaha Soomaalida. Labo arrin awgood ayey ugu kulushahay, ta kowaad, waa in salkeedu qabiil gelayo. Ta labaadina waa in ay siyaasi tahay oo habka loo mareeyo ay adag tahay. Qarnigii labaatanaad waxa Soomaalida ku dhacay isbaddel aad u weyn. Waa xilligii ay Soomaalidu xornimada heshay, waa xilligii dawladdii rayidku dhalatay, waa ammintii kacaankii askartu curtay, waa xilligii uu dhacay qaranjabkii dawladdii dhexe ee Soomaaliya, waana ammintii ay Soomaalidu kala’irdhowday ee ay kala hayaantay.
Soddonkii sanno ee ay Soomaalidu dawladda ahayd, waxa jira tacaddiyo ka dhan ah bini-aadantinnimada. Inta badan tacaddiyada dawladnimo waxa loo tiiriyaa nidaamkii askarta. Taliskii askartu waxa ay ku kaceen xasuuq baaxad weyn oo reebay doog nafsadeed. Cabdiqaadir Shire Faarax buuggiisa “Matxafka Cadaabta Soomaaliya”, waxa uu soo guurinayaa xasuuqyo ay geysteen nidaamkii askarta, xasuuqyada uu xusay waxa ka mid ah: xasuuqii Garabcase, xasuuqii Jasiira, xasuuqii Gobollada Waqooyi, iyo xasuuqii gobolka Mudug. Jabkii dagaalkii 77kii kaddib, dawladdii askartu waxa ay bilowday in ay dadweynaha u hubayso qaab beeleed, beelihii la hubeeyey mooyee, kuwii kale ee deriska la ahaa iyaguna waxa ay raadsadeen hub, waxana bilowday is hubayn beeleed. Xasuuqyadii iyo hubayntii beeluhu waa taariikh qadhaadh oo ay Soomaalidu kala tirsato, waxa ayna kaalin laxaad leh ka yihiin dagaalka sokeeye. Jabhadihii halganka hubaysan la galay dawladdii askarta, waxa ay galeen xasuusqyo iyo tacaddiyo insaani ah oo ka dhan ah qabaa’ilka. SSDF, USC, SNM, SPM iyo SDM waxa ay geysteen xasuuqyo beeleed illaa maanta xasuusta qabaa’ilka ku xardhan oo aan tirmin. Prof Lidwien Kapteijns waxa ay qortay in jabhadda USC ay ku kacday tirtirid qabiil oo waxshi ah. Tacaddiyadii maamulkii askarta iyo xasuuqyadii jabhad beeleedyada, labaduba waxa ay shidaal u yihiin colaadda sokeeye ee geyiga Soomaalida ka holcaysa.
Waxa aynu kor ku xusnay colaadda sokeeye ee qadhaadh ee Soomaalidu in ay xidhiidh la leedahay markii ay Soomaalidu dawladda heshay. Dagaalka sokeeye ee illaa maanta socda, waxa kaalin weyn ku leh nidaamka fedderaalka. Aqoonyahannada dersa hoobadka iyo dibugurashada ummadeed ee Soomaalida waxa ay tibaaxaan in fedderaalku tiirdhexaad u yahay colaadda, kala qaybsanaanta iyo xasilloonidarrada siyaasadeed ee Soomaalida. Cabdiqaadir Shire waxa uu qoray: “….colaad sokeeye dhammaannayso inta fedderaal caynkaas ku yimi dalka loo kala qoqobayo.” Machadka Heritage oo cilmibaadhis ka diyaariyey waxyaabaha huriya colaadda magaalada Gaalkacyo, waxa uu tilmaamay in nidaamka fedderaalku qaadhaan sheeggan ku leeyahay hurinta colaadda sokeeye. Heritage waxa ay qortay: “colaadda Gaalkacyo waa mid in la fahmaa aanay sahlanayn isla mar ahaantaana leh wejiyo badan. Waxa ay colaaddu salka ku haysaa dhul iyo dhaqaale. Nidaamka fedderaalka ee la hirgeliyay iyo dhismihii Galmudug oo ka kooban gobolka Galguduud iyo qayb ka mid ah gobolka Mudug ayaa sii huriyay colaadda.” Prof Cabdalle Cumar Mansuur buuggiisa “Taariikhda Afka iyo Bulshada Soomaaliyeed” waxa uu ku xusay qodob muhiimaddiisa leh oo ah in Soomaalidu dawladnimadii u fahmeen hashii la odhan jiray, “Maandeeq.” Jabhad beeleedyadii dillaacay iyo halaagii dagaalka sokeeye, labadaba waxa uu ku uruurinayaa ‘Maandeeq’ oo lagu heshiin waayey.
Laga soo bilaabo sannadkii 1978, illaa maanta Soomaalidu waxa ay ku jirtaa dagaallo sokeeye oo weji badan leh. Dagaalladaasi waxa ay ka tageen riiq nafsadeed iyo jugo maskaxeed. Illaa hadda ma jirto wax xal ah oo dagaalladaas laga gaadhay. Dagaallada Soomaalidu salkoodu waa labo jaad, waa dagaallo diimeed iyo dagaallo qabaa’il/siyaasi ah. Islaamiyiinta hubaysan waa qayb ka mid ah colaadda sokeeye ee Soomaalidu la ildaran tahay. Xagjirnimada diimeed ee Soomaaliya ka jirta waxa jira sababo badan oo loo aaneeyo waxana ka mid ah, xadgubyada iyo tacaddiyada dawladdii hantiwadaagga kacaanka Soomaaliyeed. Buuggiisa “The Islamic Movement in Somalia”, Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow waxa uu ku qoray; “gaar ahaan Soomaaliya xagjirnimada magaca Islaamka ah waxa ay bilaabantay kolkii qudha laga jaray wadaaddadii ka horyimi xeerkii qoyska ama xeerkii arrimaha shakhsiga ee aan waafaqsanayn Islaamka sannadkii 1975.” Deraasad ballaadhan oo Febraayo 2023 ay faafisay hay’adda UNDP, oo ku saabsanayd sahaminta waxyaabaha dadka ku riixaha kooxaha xagjirka diimeed, waxa lagu xusay in tacaddiyada xuquuqda aadanuhu ay yihiin xuddunta in shakhsiyaadku ku biiraan kooxaha hubaysan. Machadka SIDRA (Somali Institute for Development Research and Analysis), waxa uu sannadkii 2019-kii daabacay cilmibaadhis loogu magacdaray: “Xagjireynta Dhallinyarta Soomaaliya: Sababaha, Natiijooyinka iyo Xalalka Suurtagal ka ah.” Deraasadda waxa lagu xusay arrimaha suurtageliya in dhallinyarada la xagjireeyo, qodobbada fududeeya xagjirnimada dhallinyarada waxa lagu uruuriyey: caddaaladdarro siyaasadeed, tamardarro dawladeed, caddaaladdarro maxkamadeed iyo caddaaladdarro dhaqaale.
Busaaradda ummadeed, dawladxumada, kala qaybsanaanta iyo shaqo la’aantu waxa ay ka mid yihiin arrimaha shidaaliya argagixisannimada iyo dagaallada sokeeye. Warbixin cilmiyaysan oo ay soo saartay Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Maraykanka (USAID) oo ku saabsan dhallinyarada iyo colaadaha, ayaa sheegtay in shaqo la’aantu tahay khatar jirta oo dhallinyarada ku riixaysa in ay ku biiraan kooxaha rabashadaha wada. Cilmibaadhis uu daabacay machadka Heritage waxa lagu yidhi: “jiritaanka kooxaha xagjirka ah waxa ka qaybqaatay oo dhibtooda uga sii daray dhallinyarada bilaa shaqada ah. Sida ay qabaan aqoonyahan badani, dagaalladu waxa ay saamaynta ugu wayn ku yeesheen dhallinyarada, waxa ayna aad ugu nugul yihiin in ay ku biiraan kooxaha hubaysan.” Khabiirka dhaqaale ee reer Ingiriis ee Dr. Paul Collier waxa uu ku dooday in xidhiidh xooggani ka dhexeeyo colaadaha, shaqo la’aanta iyo in dhallinyaradu ku biiraan ururrada argagixisada. Soomaaliya waxa ka jirta colaad sokeeye, waxa dadka wejiyadooda ka muuqda lahankii dagaalka sokeeye. Dagaalladu waxa ay raad ku yeesheen isdhexgalkii, dhaqaalihii, noloshii, waxbarashadii iyo saykoolojiyaddii bulshada. Waxa ay dalluundheer ku rideen ahaanshihii iyo wadajirkii bulsho. Waxa laga dhaxlay dad doorsan, deegaan doorsan iyo nolol doorsan. Waxa abuurmay bulsho qaxootinnimo iyo barakac jaal la’ah oo ay saboolnimo feenatay.
Halkan hoose waxa aynu ku xusi doonnaa saamaynta nafeed iyo bulsheed ee colaaddu reebtay.
1: Doog Nafsadeed
Soomaalidu waxa ay ku maahmaahdaa “nabar doogi ma hadho.” Dagaalka sokeeye ee Soomaalida waxa ka dhashay doog nafsadeed iyo jirrooyin dhimir oo baaxad weyn. Hay’adda Caafimaadka Adduunka waxa ay soosaartay in qiyaas ahaan saddexdii qof ee kastaba in bulshada Soomaaliyeed midkood la nool yahay xanuunnada maskaxda ku dhaca ee laga dhaxlo dagaallada, colaadaha iyo abaaraha joogtada ka noqday Geeska Afrika. Waa tiro aad u weyn oo tibaaxaysa halista caafimaadka maskaxda ee innagu habsatay. Geesta kale hay’adda maxalliga ah ee GAVO cilmibaadhis ay ka samaysay deegaannada Soomaaliland waxa ay ku xustay in qiyaastii labadii guri ee kasta aqal ka mid ah laga soo helayo qof la nool khalkhal dhimireed.
Markii ay dhacday dawladdii dhexe ee Soomaaliya sannaddii 1991-kii, dalku waxa uu galay qalalaase, kala’idhow iyo fawdo siyaasadeed. Waxa dhacay xadgudub insaani ah, waxa birta iska aslay qabaa’il badan, dalkuna waxa uu noqday mid kala tagsan oo aan lahayn nidaam dhexe. Inta badan gobollada dalka waxa ka talinayey qabqablayaal dagaal, qabqablayaashu waxa ay geysteen tacaddiyo isugu jira: dhac, boob, dil, kufsi iyo jidhdil. Dhammaan waxaas oo idil waxa ay raad nafsadeed/maskaxeed kaga tageen dadkii falalkaas la kulmay ama goobjoogga u ahaa. Deraasad ay hay’adda VIVO ka samaysay Soomaaliland sannaddii 2002-dii, waxa lagu xusay in 23.1% dadka qaba xanuunnada maskaxada in ay ku luglahaayeen arrimo dagaal la xidhiidha. Sidaas si la mid ah cilmibaadhista GAVO ayaa sheegtay 21.4% riiqda dagaalladu (war trauma), in shacabka Soomaaliland ay ku sababeen jirrooyinka maskaxeed. Geesta kale warbixin kale ayaa sheegaysa in Soomaalidu ay tahay bulsho doog la dhibban.
Hay’adda Caafimaadka Adduunka waxa ay hore u sheegtay in qiyaastii 40% dadweynaha Soomaaliyeed ay qabaan jirrooyin nafsadeed/maskaxeed. Se deraasad dhawaan dhalad ah oo ay iska kaashadeen hay’ado ka tirsan Qarammada Midoobay, Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya iyo Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee Xamar, waxa ay sheegtay in qiyaastii in ka badan 76.9% ummadda Soomaaliyeed ay la nooshahay xaalad nafsadeed/maskaxeed. Taas oo ka dhigan celcelis ahaan afartii qofba in saddex ka mid ah (3/4) ay xaaladdan ku sugan yihiin. Deraasadda dadka ugu badan ee ka qaybqaatay (68.1%) waa dhallinyaro 35 jir ka yar. Deraasaddu waxa ay tibaaxday in xanuunnada dhimirka ee Soomaalidu uu aad u korodhay. Waxyaabaha Soomaalida xanuunnada dhimirka ku sababa waxa lagu soo koobay: dagaallada, maandooriyaha, shaqo la’aanta iyo xasilloonidarrada siyaasadeed. Dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa ah dadka ugu badan ee la nool jirrooyinka nafsadeed. Waxa la tilmaamay in jirrada PTSD ay tahay ta labaad ee ugu badan xanuunnada maskaxeed. Sida la tibaaxay dhallinyaradu waxa ay u jeedaan mustaqbal rejo beel ah. Nin ka mid ah dadka deraasadda sameeyey waxa uu xusay; in halis loogu jiro in Soomaaliya ay lumiso lod dhan oo dhallinyaro ah oo bulshada ka ah 70%, sababo la xidhiidha nolol xumo iyo xasilloonidarro bulsheed. Maanta geyiga Soomaalida waxa ka socda dagaal sokeeye, fadqallalo iyo xasilloonidarro siyaasadeed, intan oo idil waxa ay kaalin laxaad leh ka geysanayaan dhantaalmidda caafimaadka dhimireed iyo nafsadeed ee Soomaalida. Burburka saykoolojiyadda Soomaalida ku dhacay, waa maxsuul ka dhashay dagaalka sokeeye.
2: Qaxooti iyo Barakac
Dagaalka sokeeye ee Soomaaliya waxa uu sababay qax iyo barakac. Ugu yaraan hal milyan oo qof geeridood ayuu dagaalka sokeeye sabab u noqday. Tiro intaas ka badan waxa ay dhaawac ka qabaan jidhka ama maskaxda. Qiyaastii afartii qof mid ayaa barakace ku ah gudaha dalkiisa ama xero qaxooti ku jira, waxaana waddanka ka qaxay dad ka badan saddex milyan oo ruux. Warbixin ay soosaartay Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Maraykanka waxa lagu yidhi; “dadka Soomaalidu qiyaastii waa 15 milyan, 2.6 milyan ka mid ah waa barakace gudeed (IDP), 2 milyan waa qurbajoog.” Qalalaasaha siyaasadeed, xasilloonidarrada, abaaraha, dagaallada qabaa’ilka iyo cunfiga, ayaa sabab u ah dhibaatada bulsheed ee Soomaaliya haysata ayaa warbixinta lagu yidhi. Dagaalka sokeeye waxa uu sabab u noqday abaaro iyo in dadku macalluul u le’daan. Abaartii Soomaaliya ee 1992 – 1993 waxa ku dhintay dad kor u dhaafaya 300,000 oo qof. Waxa lagu tilmaamay in ay ahayd abaar cagobarar ah. Warbixinnada qaar waxa ay qorayaan in ay abaartaas ku dhinteen qiyaastii 500,000 oo qof.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxa uu yidhi; “Soomaaliya waa waddanka ugu horreeya marka laga hadlayo dadka dhulkooda ku barakaca (IDP).” Geesta kale Cabdiraxmaan waxa uu yidhi, “Soomaaliya waxa ku nool 3 milyan oo barakace Soomaaliyeed ah. Hal milyan waxa ay qaxooti ku yihiin waddamada deriska sida Kenya, Itoobiya iyo Yaman. Wax ku dhow 3 milyan waa qaxooti qurbeed.” Waxa la odhan karaa Soomaali badankeedu waxa ay u qaybsan yihiin barakace gudeed ama qaxooti, ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ah ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha gurmadka abaaraha.
Ma helin warbixinno colaadda sokeeye ee Soomaalida si waafi ah u dersaysa, sababtu waa in weli colaaddu aanay joogsan ama waa in ay kala tagsan tahay. Gaalkacayo waxa ay ka mid tahay magaalooyinka ay daashatay colaadda sokeeye ee salkeedu yahay qabiilka iyo nidaamka fedderaalka. Cilmibaadhista Heritage ee ku aaddan colaadda Gaalkacayo waxa ay tibaaxday barakaca iyo qaxa ka dhashay dagaalka. Dagaal u dhexeeyey ciidamada Galmudug iyo Puntland oo 22 Noofembar 2015-kii, ka qarxay Gaalkacayo, marka laga yimaaddo dhimashada iyo dhaawaca, waxa magaalada ka barakacay qiyaastii shacab gaadhaya 90,000 oo qof oo ahaa dadkii magaalada. Heshiis nabadeed kaddib. Muddo ka yar sannad 7dii Oktoobar 2016-kii, waxa haddana magaalada dib uga qarxay dagaal. Marka laga yimaaddo dhimashada iyo dhaawaca, waxa magaalada ka qaxay dad kor u dhaafaya 85,000 oo qof oo shacabkii magaalada ah. Tani waxa ay tusaale u tahay xasilloonidarrada siyaasadeed iyo bulsheed ee Soomaalida. Docda kale dagaalka muddada sannadka ku dhow ka socday magaalada Laascaanood, xoguhu waxa ay qiyaasayaan in magaalada ay ka qaxeen dad kor u dhaafaya 200,000 oo qof.
Soomaalidu saddex xilli oo noloshooda ka mid ah waxa ay ku jiraan qax iyo barakac. Xilli waa dagaallada, xillina waa abaaraha, xilliga kalena waa roobabka. Sannad walba Soomaalidu saddexdaas xilli ayey u kala guurtaa. Inta badan nolosha qofka Soomaaliga ah waxa uu eersadaa saddexdaas xilli mid ka mid ah, sababtiis ama natiijadiis. Qaxa iyo barakaca ay Soomaalidu jaalka la noqotay waxa uu reebay riiq nafsadeed iyo jugo dhimireed, waana sababta keentay dhiillada caafimaadka dhimirka ee sii kordhaysa. Xasilloonidarrada gees walba ah ee Soomaalida ku habsatay si sax ah looma qiyaasi karo, waxase muuqata in ay tahay mid baaxaddeedu weyn tahay. Tusaale waxa aynu u qaadan karaan halista ururrada argagixisadu ku hayaan shacabka Soomaalida iyo halista nafeed iyo dhaqaale ee ka dhashay, waa wax aad u weyn.
Gunaanad
Sida lagu sheegay dib-u-eegis uu sameeyey Bangiga Adduunka (2017), marka loo eego dalalka ugu nugul adduunka oo ay Afgaanistaan kaw ka tahay, Soomaaliya waa dalka labaad ee qarashka ugu badan ku bixiya laamaha nabadgelyada. Soomaaliya waxa hareeyey xasaro iyo colaad sokeeye oo maaro loo waayey, isku day walba oo lagu samaynayo dibuheshiishiin iyo dawlad-dhis waxa ay ku idlaadeen hal bacaad lagu lisay, waxa ayna abuureen quus ah in aanay waxba ka soo naaso caddayn xalka iskudhacyada iyo dagaallada Soomaalida. Dr. Afyare Cilmi (2010), waxa uu qoray: “labo jid ayaa lagu soo afjaraa dagaallada sokeeye ee ay bulshooyinku galaan. Ta koowaad, waa in kooxi koox ka adkaato, oo dagaalku sidaas ku afjarmo. Ta labaadina waa in la sameeyo wadahadal iyo heshiis bulsho, sidaasna lagu unko nabad iyo xasillooni.” Dr. Afyare waxa uu qabaa in labadaas dariiq ay fashilmeen, sidaa awgeed ayuu ugu dooday in aanu jirin wax xal ah, oo colaadda Soomaalida la xidhiidha.
Soomaalidu wax heshiis iyo is afgarad ah kama aysan gaadhin, dhacdooyinkii qadhaadhaa ee taariikhda laga dhaxlay. Heshiis la’aantaasi waa nabarro iyo milil caalliray oo bulshada dhex yaal. Damqashada nabarradaasi waxa ay shidaal iyo hurin u yihiin dagaalka sokeeye ee Soomaalida maanta ka socda. Taariikhda oo laga heshiiyo waxa ay u gogolxaadhaysaa in la helo nidaaam dawladnimo ama siyaasadeed oo lagu qanacsan yahay. Inta ay Soomaalidu iska indhatirayso ee ay isdiidsiinayso gaboofalladiii iyo tacaddiyadii taariikheed ee lagu galay (haddana lagu gelayo), magaca qabiilka, diinta iyo dawladnimada, waxa la harsan doonaa dagaalka sokeeye ee nus qarniga ku dhow. Dhulka Soomaaliduna waxa uu noqon doonaa cadaab lagu cagagubyoodo, oo lagu cagaago, oo lagu harraado, oo lagu gaajoodo, oo la isku laayo, oo laga qaxo.
Tixraac
- Elmi Afyare Abdi. (2010). Understanding the Somalia Conflagration: Identity, Political Islam and Peace building. London: Pluto Press.
- Bulhan H. A. (2013). Losing the Art of Survival and Dignity: Transition From Self-Reliance to Dependence and Indignity in Somali Society. Bethesda: Tayosan International Publishing.
- Kapteijns Lidwien (2013). Clan Cleansing in Somalia: The Ruinous Legacy of 1991. Philadelphia: University of Pennsylvania Press.
- F. A. Shire. (2022). Matxafka Cadaabta Soomaaliya. London: Kasmo Publishing.
- WHO. (2010). A Situation Analysis of Mental Health in Somalia.
- GAVO. (2004). Beseline Survey Report on Mental Health Situation in Somaliland.
- Kapchits Georgi. (1998). Georgi Kapchits. Qaamuuska Maahmaahyada Soomaaliyeed. Moosko: shirkadda qoraalka ee Suugaanta Bariga.
- Maruf, Harun. Study: Somali People ‘Highly Traumatized’ After Years of Conflict, Voice of America, Jan. 18, 2023. URL: https://www.voanews.com/a/somali-people-highly-traumatized-after-years-of-conflict/6923368.html
- Guudcadde Cabdicasiis (2023). “Dhiillo Ummadeed: Caafimaadka Dhimirka iyo Soomaalida”, Aragtixora. WordPress. (https://aragtixora.wordpress.com/2023/07/06/dhiillo-ummadeed-caafimaadka-dhimirka-iyo-soomaalida/).
- Hawd-Ibraahin. (2013). Cadaabtii Carrurta. Xasuus.Wordpress. (https://xusuuso.wordpress.com/2013/04/10/cadaabtii-carruurta-wq-ibraahim-hawd/?fbclid=IwAR3Fj1bdBrvgtGek_I8eKgpiaBVqqof4NurY_iAw40QnKex85lxJh2UXVFM).
