Muqdisho: Magaaladii Wejigeeda Lumisay

Marka ay magaalo xirato foolsaabyo badan, midkee baa dhab ahaan keeda ah?

WQ: Sucaad Jaamac

WT: Aw Saahil

Waxaan ahay Muqdisho.

Waxaan ahay magaalo qarniyo ku hagoogan. Dushayda waxaa ku yaal raadadka ganacsato, boqorro, gumeystayaal, iyo kuwo riyooyin waaweyn lahaa. Waxaan si degganaan li’ ah uga dul lushaa cirifka Badweynta Hindiya, anigoo ku dheygagsan hirarka, kuna hanweyn inay ii sheegi doonaan cidda aan dhab ahaan ahay.

Maxaa yeelay, naftayda ma xusuusto. Dhidibbadeydu waxay ku seesan yihiin xusuuso guun ah, haddana weli waxaan dareemaya in wejiga aan maanta leeyahay uu u muuqdo mid aan soo ergeystay, jahawareersan oo hubanti la’aan ah. Waxaan dareemayaa inaan ku dhex lunsanahay lakabyo iyo foolsaabyo badan.

Waxaan ahay caasimad baadigoobaysa sawirkeeda dhabta ah. Waxaan ahay Muqdisho, kanina waa hoogga laygu dawgalay: Inaan raadiyo naqashad-dhismeedka naftayda oo ay kala dhantaaleen qadiiminimada iyo casriyowga, dhaqanka iyo badbaadada, heybta iyo dheegashada.

Waaberigeygii

Muddo dheer ka hor intii aanan khariidaduhu i baran, waxaan ahaa boqoradda xeebta. Wadnahaygu wuxuu la garaacmayay jaandhaca shiraacyada iyo seebabka doomaha. Doomaha Carabta, maraakiibta Faaris iyo kuwa Hindiya dhammaantooda waxay kusoo xiran jireen xaaxigayga. Waxay keenayeen xariir, dhogor, iyo xawaash, aniguna waxaan ugu doorinayay faanmaroodi, dahab, foox iyo udugga carradeyda.

Waddooyinkaygu waxay ahaayeen gogol soo dhoweysa qof walba. Suuqyadeyda waxay ka urayey qarfo, heyl, cusbo iyo bad. Guryahayga dhagaxbadeedka ka unkan waxay u qotonsanaayeen si tookh leh, masaajiddeyda Arbaca Rukun iyo Fakhru-diinna waxay u taagnaayeen sidii Allabari dhagax lagu xardhay, khudbiyadooda iyo minaaradahooduna ay magacdhebayeen inaan ka mid ahay caalamka weyn ee Badweynta Hindiya.

Isir ahaan waxaan ahay Soomaali, diin ahaan waxaan ahay Islaam, ruux ahaanna Afrikaan, laakiin waqey waxaan lahaa summadeyda gaarka ah. Ma ahayn sawir lasoo dheegtay iyo wax kale hooskood toonna. MUQDISHO AYAAN AHAA!

Qof kasta oo isoo booqday raad ayuu igu reebay. Carabtu waxay iigu deeqeen khudbiyo iyo aargooyin. Faarisiyiintu waxay ereyo ku xardheen darbiyadeyda. Hindidu waxay iga buuxiyeen midabbo ifaya. Cusmaaniyiintu waxay itaalsiiyeen masaajiddeyda iyo qalcadaheyga. Haddana weli, su’aalo aanan iska indhatiri karin ayaa hadba igu soo mirkacaya:

Yaan ahay? Ma waxaan ahay kaliya isugeynta raadadkaas oo dhan, cawarka martidii isoo martay? Mase haraaga raadadkaasi waxay noqonayaan qeyb iga mid ah markaan ruuxdeyda ku afuufo, oo kolka aan muuqayga dib ugu qaabeeyo waxay isu rogaan jeexeyga?

Waxaan sidii dahab ugu guntaday haddiyadda marti kasta, anigoo isku lakabeynaya, balse aan marna shiiqineyn, wadanahayguna mar walba hoostooda ayuu ka dhag lahaa.

Markaas ayay Yurubiyaankii yimaadeen, taabashadooduna waxay ahayd mid intii hore ka culus.

Hooskii Igu Shareermay

Talyaanigu (Yurubiyaanku) carradayda cagaha sooma gelin iyagoo marti ah; waxay u yimaadeen inay ii taliyaan. Waxay waddooyinkaygii halbowlaha ahaa ee dhagaxbadeedka ka unkanaa u rogeen laamiyo waaweyn. Waxay iga dul cammirteen kansiisado iyo qasriyo, iyagoo ii huwinaya marmar aanan keygii ahayn. Waxay igu sandulleeyeen inaan qaabdhismeedkoodii ku lebbisto: Aarggooyin waaweyn, fagaarayaal afar gees ah iyo wanqar toolmoon oo aanan marna weydiisan.

Haddana ilaa weli hooskoodii igu shareermay jirkeyga ayuu ku dambeeyaa. Burburka dhismayaashoodu waa nabarro i xusuusinaya isdhiibid iyo badbaado wada socda. Haddii aan isku dayo inaan baabi’iyo waxay ka dhigan tahay inaan xanuunkayga inkirayo; haddii aan maamuusana waxay ka dhigan tahay inaan mahadhadii hilmaamay.

Sidaas darteed, si dhib ku jiro ayaan u hinjinayaa, maxaa wacay, iyaguna waxay u xuubsiibteen cad iga mid ah.

Wejigeygii Nuglaa

Kaddibna waa cusub baa ii baryay. Ubadkeygii ayaa i xoreeyay, markaas ayaan waqti dheer dabadii si xor ah u neefsaday. Madaxbannaanidu waxay ii xirtay dhar cusub oo aysan gumaystayaashu tolin, balse ay toleen gacmihii xambaarsanaa rajada ayaatiinkeyga.

Waayahaas, waxaan isku hawlay inaan codkeyga hanto. Qorshayaal magaaleed ayaa jirkayga oo dhan lagu wada simay, kuwaasoo ii ekaysiinayay magaalamadax kasoo dhex fooci karta caalamka casriga ah. Dhismooyin cusub oo heybad iyo niyadsamaan ka muuqdaan ayaa si kalsooni leh loo qotomiyay. Dhambaal xorriyad sida ayaa darbiyadayda ku dhex fiday, ruuxda himiladuna waxay ku dheehneed qaab kastoo la ii magaaleeyay.

Si kastaba ha ahaatee, marka qofku si dhow ii eego, lafahaygu waxay soo tebinayeen wacaal kale. Tiyaatarkayga Qaranka waxaa dhisay Hantiwadaag Casri ah, waa mid leh qaabdhismeed culus, joomitiri soo noqnoqonaya oo ah luuqad naqshadeed laga dhaxlay Soofiyeedka. Hannaankeyga dhismeed ee madaniga ah waxaa raadeeyay Casriyowga Caalamiga ah, oogo fidsan, khadad nadiif ah, daarad kor ka bannaan oo ka dabqaatay Yurubiyaanka iyo Bariga Dhexe. Garoomada ciyaaraha iyo xafiisyada dawladda waxaa loo haaneediyay qaabka Burutaliisamka; oo ah qaab dhismeed xoog iyo weynaan ku suntan.

Haddaba intan midkoodna kama dhalan barxadaheygii feeraha isku hayay iyo albaabbadeydii qoryaha laga qoray ee mar qaabeeyay nolosha xaafadahaygii hore. Waxay ahaayeen luuqad-dhismeed qalaad oo lasoo ergaystay, si degdeg ah loo dhaqangeliyay, oo qaababkooda jirkayga lagu cadaadiyay ka hor inta aanan si buuxda u yeelan.

Halkan ayuu mar kale khilaafkeygu ka oogsaday. Kani wuxuu ahaa halgankeygii madaxbannaanida; halgan aan ku doonayay inaan casri noqdo, inaan xoroobo, oo aan ku luuqeeyo hawraarta horumarka; tiiyoo aan dhegaysanayo codka xusuusteyda ee xasilloon siina dayaami doona. Daaradahayga  harka leh ayaa ka hoos xanshashaqayay buuqa qaabdhismeedyada lasoo dhoofiyay, iyagoo i xusuusinaya qofkii aan ahaan jiray.

Muddo kooban oo jilicsan ayaan ismoodsiiyay inaan wejigaygii dhabta ahaa helayo. Haddana weli raadis ayaan ku jiray anigoo ay i hortaal laba daran: Mid ku aaddan inaan masraxa casriga ah door ka ciyaaro iyo mid igu adkaynaysa inaan naftayda runta ah xaqdhawro.

Qeybta ugu naxdinta badani tan ayay ahayd: Xilligaas kooban ee tijaabada ah ee qaabab-dhismeedka qalaad lagu raray ruuxdayda wuxuu soo gebaggaboobay ka hor intii aanan jumladdii dhammayn. Colaadihii curtay ayaa hadalkaygii aamusiiyay, su’aalihii heybraadintayda ku xeernaana jawaab la’aan ayay mar kale ku ciribdambeeyeen.

Hoobashadaydii

Dagaalkii sokeeye wuu i feentay! Laamiyadaydii baaxadda lahaa ee beri geedtimireedku harayn jiray islamarkaana qosolka faraxa leh ka yeeri jiray ayaa isu dooriyay kuwo la isku arbusho. Taallooyinkaygii xusuusaha qabka leh ku faanayay ayaa u kula daatay sidii qolfo meran. Masaajiddaydii aadaankoodu hawada sare ee magaalada sida wadnagaraac isugu shareeri jiray ayaa mutay nabarradii madaafiicda. Irddihii guryahayga ee dhagaxbadeedka ahaa oo mid kastaa gacan feejigan ku farayaraysatay ayaa la jejebiyay bilicdoodiina dab iyo dayac baa leefay.

Siima ahayn Muqdisho—caasimaddii hillaacaysay ee xeebta, waxaan noqday rooxaan burburkeeda dhex luudaysa. Marsooyinaygii beri qaabili jiray doomaha iyo ganacsatada badaha kala duwan isaga soo gooshay ayaa aamusnaan ku xeerantay iyadoo cabsi iyo xayiraad cunaqabateeyeen. Tobanguurooyin ayaan u noolaa sidii dhaawac hafeefanaya oo aan la dabiibin. Dhashaydii ayaa qaaradaha dunida u kala firxaday, iyagoo magacayga si caloolyow leh ugu hadaaqaya, ii hillowsan, islamarkaana ka rajo dhigay inaan mar kale dhammays noqon doono.

Waxaa beri la iigi yeeri jiray Luulka Badwaynta Hindiya, ee la birbiraya guryaha dhagaxbadeedka ah iyo jidadka ayay ku saaqan tahay neecowda baddu. Badmaaxyada, maansayahannada, iyo dibbedmeerka ayaa cabsi iyo ixtiraam isku dhafan iigu imaanayay iyagoo magacayga sidii wardi u lalinaya. Hase yeeshee colaaddu dhalaalkaygii ayay xadday, waxaan noqday luul kala dillaacay, daruur qarisay, oo ay aamusnaan iyo boor ku shareeran yihiin.

Baadigoobkayga Caalwaaga ah

Intaasoo jirto, haddana weli nafta waan sidaa. Anigoo burbur iyo dab ku dhex jira ayaan weli neefsanayaa. Mar kale ayaan soo hanaqaadayaa, hase ahaatee, taalloobyinkaygu waa kuwo aan habsamayn sidii naag ay cadaadinayaan gacmo gariiraya. Ubadkaygu waa kuwo caabboon, rejo badan oo talo ku gooyay inay dib ii dhisaan. Nasiibdarro degdeg ayaa ku jira dhismahooda, ma hakanayaan si ay u dhegaystaan wadnahayga nabarradayda ka hoos jug leh.

Hadda, daaro wada muraayado ah ayaa cirkayga dooxaya. Waa kuwo qab ka la taagan laakiin wax xidid ah ma laha. Fillooyin lasoo dheegtay ayaa igu hadoodilan, darbiyadooduna waa kuwo dhaadheer oo culculus oo xannibaya isudhowaanshihii barxadahaygii hore lagu garan jiray. Suuqyadaydu nolol ayay la bullaamayaan, laakiin buuqa hoostiisa hiddahaygii guunka ahaa ayaa habaaska ku baaba’aya.

Muruq ayaa i dhisaya, muruq kalana waa uu i burburinayaa. Masjid ayaa la dayactirayaa, iyadoo guri dhagaxbadeed ah oo qarniyo neefsanayay aayar loo tirtirayo. Albaabbadii ay sameeyeen gacmihii la hilmaamay iyo daaradihiiba dhammaan waxay ku hoos libdhayaan daaraha muraayadaha iyo shub aan ruux lahayn. Dabaqyo afargees ah ayaa si degdeg ah loo taagaa, laakiin ma sidaan wax xusuus ah, naf ma laha, kumana xanshashaqayaan inyar oo iga mid ah.

Dumitaan kasta ma aha darbi kala daadanaya, laakiin waa awow xabaal la’aan la aasayo. Si digtooni ka maran ayaa la isugu kay yabyabay sidii in badbaado kaliya ay igu filan tahay, sidii in magaalo sii jiri karto iyadoo aan xusuusanayn wejigeeda. Hidde kasta oo lumana waxaan dareemaa in naftaydu siibanayso, dabcan waan noolahay, laakiin waxaan ahay mid haawanaysa, keli ah oo kusii dhex libdhaysa hummaag aan la aqoonsan karin.

Waddooyinkayga waxaa isku ciriirinaya Bajaaj iyo baabuur tirabeel oo si fawdo leh isu dhex yaacaya waddooyinkaas burbursan, yayar ee aan xamili karin. Biyamareennadayda ayaa buuxdhaafa oo xilliroobaad kasta soo fataha. Xaafado dhan ayaa si xawaare leh oo aanan gabbaad ugu noqon karin u koraya, xeebtayda liqaya neeftana igu celinaya.

Noloshu waa ay soo laabanaysaa, laakiin lafahayga kaar ayay ku shidan. Waxaa la rabay in kobacu i bogsiiyo, balse weli waxaan dareemayaa inuu yahay duufaan kale—mid aad u degdeg badan, aan waxba u aabbayeelayn oo si hawtulhamag ah ii ruxaysa.

Waxaan xiranahay foolsaabyo badan, waxaana igu raran culaab farabadan. Dhagaxbadeed, aargooyinkii gumaysiga, riyooyinka casriyaynta, iyo daaro wada muraayado ah oo intuba aan midna si buuxda iigu habboonayn ayaa la igu gawracay. Sidaas awgeed, mar walboo aan cawarkayga daymoodo waxaan garan waayaa midka run ahaan wejigayga ah.

Weli ma waxaan ahay boqoraddii dhagaxbadeedka iyo Allabariga, tii badda ku dhalatay masaajidduna taajka u ahaayeen? Ma waxaan ahay gashaantidii yarayd ee ganacsatada, maansayahannada, suldaamada iyo galtidu xusuusta lakabaysan u dhiteeyeen?  Ma waxaan ahay caasimaddii rajada iyo madaxbannaanida oo ku lebbisan shub iyo hammi? Mase maahee, waxaan noqonayaa qolof faaruq ah, magaalamadax aan salfadhin oo bir iyo niyoon ah, islamarkaana dhaadhaajinaysa caasimado aan xitaa magacayga maqal?

Si kastaba, waxaan ahay Muqdisho. Magaalo mahadhooyin la tiicaysa , kala qaaran oo quus ah. Haa, waan noolahay, laakiin waxaan ku suganahay jahawareer iyo jirro. Waxaan naftaydii ka dhex goobayaa dhagax walboo la dhigo, waddo walba oo laami la saaro, iyo barxad kastaa oo la tirtiro.

Ogoobey, ha ii oggolaana inaan taawarro iyo kudayasho ku dhex libdho. Ha oggaalana in lafahayga dhagaxbadeedka ah lagu hoos duugo haloosiyo iyo daaro cirka dooxaya. Hana ii oggolaana inaan u koro si xawaare leh oo aan ku hilmaami karo sidii aan u neefsan lahaa.

Waxaana ahay caasimad weli taagan, laakiin weli doondoonaysa dheellitirnaan, xusuus iyo wejigeedii runta ahaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *