|Midabeeye: Melanin|

Geenyada Madoow, Facebook.

Weli qof tiisa ma kuu qurxiyay taadana ma kuu xumeeyay? Waxaan dhawr qof isku raacnay inaysan wax qurxoon jirin ee anagu walxaha qurux u aragno, ama ay bay’ada iyo bulshadu noo meeriyaan quruxda… dadna waan isku diidnay, dabcan!

Qofka cad ama maariin dhalaalaya waa uu ka qurux badan yahay ka madow ama maariinka ah, sida badanaa loo arko. Waayo? Bulshada soomaalidu waa madow, hadana madowgu lama qurxana, waa ta ay gabdhuhu is cadeeyaan, waa ta haddii gabar lagu dhaho “Caddeey” farxad la muusoota, xataa haddii ay ay madowdahay, halka haddii “madoow” la dhaho ay ka carooto. Raga haddii dhaqanka loo laabto qurux laguma doorto, dookhooda haweenkase, waxay u iilan yihiin midabka dhalaalaya, sidoo kale waa ta qaarkeen ku faana ku abtirsiga isiro naga dub cad. Naca madowgu ma aha wax nagu gaar ah, oo badi inta dubka madow ayaa nala wadaagta… waayo haddaba?

Laba sababood ayaa ii muuqata aniga, waa ta koobaad ee: ka dib duulaankii galbeedku dadka dubka madow kaga adkaaday, waxa jabay hankii iyo qabkii qofka madow, wax kasta oo dhalaalaya ayuu qurux ka dhex arkay, waxaa agtiisa liid ka noqday midabada mugdiga ah ee kiisu ku jiro, intaa ku dar la falgalka suugaanta gumaystaha oo dhalaalka ka dhex aragta bilicda abadiga ah iyo kheyrka, madowgana la jaal dhigtay foolxumada, iyo sharta. Waxaa laga yaabaa inaad in badan shineemada ku aragto filin suuraynaya shayaadiinta oo muuq madow leh iyo malaa’ig cadcad… taas ayaa miyir-hoosaadkaaga ku beeri karta uurxumi ku aadan midabka madow si guud, deetana ka oogadaada… waxaa ka sii daray warshadaha cusub iyo ganacsiga caalamiga ah oo madowgii midabkiisa nacay degdeg uga jawaabay baahidiisa una soo saaray dawooyin unugyada midabeeyeyaasha la dagaalama, Make-up, iyo qurxiyeyaal kale sida (filters-ka), dhibtiiba maaraa loo helay! Mise?

Qolyaha “Cosmetics” ku waxay tabcaan lacag bilyano ah oo ka soo gasha madowga iyo maariinka.

Ta labaad waa dhaqamada iyo diimaha dibadda laga soo waariday ee afrika haatan aad ugu baahay muqaddasna ka ah, waxay ay ka siman yihiin kala sarraysiinta midabada, tusaale: Diinta Kirshtanka wixii san waxaa astaan looga dhigay midab dhalaalaya, wixii xunna midab madow. Noloshu way dhalaalaysaa, geeridu waa madow, colaaduna sidoo kale, astaanta nabadu waa mid cad.

Diinta Islaamka, quraanka waxaa ku taal in dadka foolashoodu cad yihiin ay ku waari doonaan naxariista Eebbe, kuwa foolasha madowna la oran doono dhadhamiya cadaabta, sida muuqata waa humaag oo dhab looguma jeedo afrikaanku waa ahlunaar, balse tusaalaynta caynkaas ah ayaa kugu abuuraysa inaad kahato madowga.

Raga muslimiinta waxaa jannada loo ballan qaaday hablo cadcad “Xuur”, waxaa loo ekaysiiyay luul, “كَأَنَّهُنَّ الْيَاقُوتُ وَالْمَرْجَانُ”. Qofka miyirkiisa waxaa ku dhegaysa laba mid: in hablahayaga madmadow la caddayn doono aakhiro, ama inaysan noqon doonin “Xuur”, labada jeerba midabka madow waa laga garramay.

Foolxumaynta madowgu si ay noogu soo dustayba, waxay haatan noqotay arrin dhalan ah. La yaab ma leh hadaad aragto hooyo isbitaalka ku soo booqatay gabadheeda oo umul ah ee aragtida koobaadba muluqa dhahda, “Ba’ayee madoobaa!”

Ugu damabayn bal ila suurayso adduun kale oo reer koofurku waqooyiga ku duulay, oo waqooyiga laga adkaaday, la jabiyay dhaqandhaqaale ahaan, la haystay boqolaal sano, lana gaarsiiyay dhaqamadii iyo diimihii afrikada ee midabka madaw qadisayay, waxaan ku arki lahayn adduunkaas reer yurub oo adeegsanaya dawo dubka madoobaysa, oo afrika lagu sameeyay, iyo iyagoo samaynaya qalliimo sanka balaadhiya, waayo sanka ballaadhani waxa uu ka noqon lahaa dunidaas ka ugu qurxda badan, halka haatan dunidaan aan joogno dadka sanka ballaadhani ay qaliimo u galaan si ay u dhuubtaan.

W/Q: Saddaam Aways

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *