
Ciidan ka mid ah kuwa Soomaaliya oo ay tababbaro siinayaan saraakiil Turki ah gudaha Muqdisho.
-Getty images
W/Q: Federico Donelli
W/T: Maxammed Cabdirashiid Ibraahin
Maxay tahay sababta Turkigu uga gacan-siinayo Soomaaliya in ay difaacato biyaheeda?
Dawladda Soomaliya iyo Turkiga ayaa dhawaan ku dhawaaqay in ay galeen heshiis dhanka difaaca ah kaas oo ugu horayn la saxeexay 8-dii Febraayo 2024, heshiiskaas waxa garab socday in laga faa’idaysto khayraadka ku guda jira biyaha badda. Heshiiskan ayaa kusoo beegmay xilli ay kor u kacday xiisadda colaadeed ee ka dhex aloosan Itoobiyada bad-la’aata ah iyo Soomaaliya. Itoobiya ayaa muddo dheer waxa ay ku taamaysay in ay xeebaha badda cas ka hesho marin ganacsi iyo saldhig milatari si ay awood ugu yeelato dhaqdhaqaaq dhanka badda ah iyada oo soo maraysa maamulka ka go’ay Soomaliya ee Somalilaan. Maqaalkan waxa aynu kasoo turjunnay qoraal uu qoray Federico Donelli oo ah Bare Sare oo wax ka qora arrimaha xidhiidhka caalamiga ah iyo badda cas .
Maxaa uu xambarsan yahay xidhiidhka ka dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya?
Soo gelitaankii Turkiga ee Soomaaliya sannadkii 2011 ayaa ku bilawday arrimo bini’aadantimo maaddaama xiligaas ay Soomaaliya ka taagnayd xaalad bini’aadantimo oo aad u daran balse muddo kadib isu beddelay mid istaraatijiyeed. Taageeradaaas waxa barbar socotay mid dhaqaale iyo mid lagu hormarinayo kaabayaasha dhaqaale iyo kuwa milatari.
Turkiga ayaa u arkayay Dawladda Soomaaliya fursad iyo meel ay ku ballaadhin karto dhaqdhaqaaqyada ay ku leedahay Gobolka iyo Qaaradda.
Ujeeddada Turkiga ayaa ahayd:
In uu soo jiito indhaha caalamka
In uu tijaabiyo awoodda uu u leeyahay in uu fara-gashan karo waddamada ay ka aloosan yihiin colaaduhu iyo kuwa kasoo kabanaya
In uu xoojiyo arrimaha ganacsi iyo badeecadaha lagu farsameeyo Turkiga gudihiisa loona dhoofiyo Bariga Afrika
In Dawladda Turkigu caalamka tusiso aragti ah in ay gurmad iyo garab u tahay Dawladaha Muslimka ah, soona ceshato sumcaddii ay ku dhex lahayd Caalamka Islaamka
Ururro iyo kooxo oo isugu jira kuwo maxalli ah iyo kuwo gargaar, lagana leeyahay Turkiga ayaa ku sugan Qaaradda kuwaas oo si toos ah ugu lug leh arrimaha horumarineed iyo kuwa gargaarka sida Diyaaradda Turkish Airlines oo gacan ka geysatay in dhaqaale ururin loo sameeyo Soomaaliya.
Kadib ku lug-lahaanshaha Turkiga ee Soomaaliya, muddo kooban waxay muwaadiniinta Turkiga ka dhaadhicisay in arrinkani yahay mid maxalli ah taas oo ay si weyn ugu riyaaqeen.
Xukuumadda Turkiga ayaa dadaal dheeraad ah gelisay kuna guulaysatay sidii ay Dawaladda Soomaaliya ugu soo celin lahayd masraxa adduunka iyo ta beesha caalamka.
Dib u qaabayntii sannadkii 2014 ee Dekedda iyo Gegida Diyaaradaha Muqdisho waxaa labadaba gacanta ku hayay shirkado laga leeyahay Turkiga, taas oo keentay kor-u-kac xagga dhakliga ah marka loo barbardhigo tobannaankii sanno ee la soo dhaafay. Siyaasiinta Turkiga iyo bulshada indheer-garadka ayaa waxa u muuqatay in ku luglahaanshaha Soomaaliya ay tahay arrin guul weyn laga gaadhi karo, balse arrinkaas waxaa barbar socotay dadaallo xagga amniga ah iyo sidii ay u wiiqi lahaayeen kooxaha nabad-diidka ah sida Al-Shabaab.
Dawladda Turkiga oo kaashanaysa kooxaha ay dan-wadaagta yihiin sida Midowga Yurub iyo Maraykanka ayaa dammaanad qaaday in ay tababar u fidiso Ciidanka Xoogga Dalka. Intaas ka gadaal, sannadkiii 2017 ayaa uu Turkigu ka furtay magaalada Muqdisho Saldhig Milatari. Saldhiggaas waxa tababar loogu fulinayay saraakiisha ugu sarsarraysa ee Ciidanka Xooga iyo Guutooyinka Gorgor, waxaana sidoo kale saldhiggaasi u ahaa Turkiga xarun ku taal Gobolka oo ay ciidamadiisu ku sugan yihiin.
Jiritaanka kooxda mayalka adag ee Al-Shabaab ayaa Turkiga ku dhalisay in uu sii laba-jibbaaro kaalmada iyo tababarrada Ciidanka Xoogga. Ankara ayaa sidoo kale tan uga dan lahayd sidii ay ugu ilaashan lahayd danaheeda ganacsi, maalgashi iyo tan siyaasadeed ee ku aaddan gudaha Soomaaliya.
Ugu danbayn Federico Denolli waxa uu xusay in heshiiska ay Turkiga iyo Soomaaliya wada galeen aanu ahayn mid siyaaseed oo qudhiya balse uu ku lug leeyahay ururka NATO maadaama Turkigu uu xubin firfircoon ka yahay gaashaanbuurtaas.
12-kii bilood ee lasoo dhaafay Turkigu waxa uu aad ugu soo dhawaanayay Dawladda Maraykanka isaga oo qaatay door ah in uu xuluf dhaw la noqdo dalalka Afrika si uu uga hortago saamaynta bixitaanka ciidamadii Faransiiska ee ku sugnaa Qaaradda, waxana muuqata in goobihii uu ka baxay ay buuxinayaan ciidamada Ruushku.Turkiga waxa ka go’an in Soomaaliya uu mariyo isla waddadii iyo dadaaladii uu kusoo galay dalka Liibiya.
Labadaa dal waxa muuqata in Turkigu uu hubsanayo in uu qaadi karo masuuliyaddooda xagga amniga marka la barbar dhigo wadadmada kale ee xubnaha ka ah NATO, gaar ahaanna dalka Talyaaniga oo ku gacan saydhay in uu xagga ammaanka ka caawiyo Soomaaliya.
Hawlaha uu Turkigu ka wado gudaha Soomaaliya ayaa sidaa daraadeed qayb ka ah dadaallada baaxadda weyn ee la xiriira siyaasadda arrimaha dibadda iyo istaraatiijiyaddiisa taas oo lagu doonayo in uu Turkigu ku muujiyo in uu u madax-bannaan yahay arrimaha siyaasadda caalamka, waxana muuqata in Ururka NATO uu gacan weyn ka gaysanayso sidii u xaqiin lahaa yoolkaas.
Muxuu yahay nuxurka guud ee uu xambaarsan yahay heshiiska difaac iyo dhaqaale ee dhexmaray Soomaaliya iyo Turkiga?
Turkiga iyo Soomaliya ayaa bilaabay sidii ay uga shaqayn lahaayeen heshiisyo dhexmaray bishii Noofembar 2023 iyo Janaayo 2024. Turkiga iyo Soomaaliya ayaa isku afgartay in Soomaaliya ciidamada loo tababaro loona qalabeeyo gaar ahaan ciidanka badda iyo sidii Soomaaliya gacan looga siin lahaa in ay yeelato awood buuxda oo ay ku ilaashan karto xeebteeda dheer oo gaadhaysa 3,333km.
Waaxda Difaaca ee Turkiga ayaa muddooyinkii danbe samaynaysay kor u kac aad u weyn waxana taas saamayn ku lahaa go’aannada siyaasadda arrimaha dibadda ee xukuumadda Ankara. Turkiga ayaa suuq u raadinaya agabyada milatari ee lagu warshadeeyo gudaha dalkiisa marka la eego tababarrada u siinayo ciidamada gaarka ah iyo kuwa booliiska ah ee dalalka Afrika.
Soomaaliya sidaa daraadeed waxa ay u tahay fursad uu ku fidin karo waxsoosaarkiisa iyo in uu soo bandhigo waxtarka ay leeyihiin.
Laga soo bilaabo 2022, Turkiga ayaa noqday isaga oo kaashanaya Maraykanka cida Dawladda Soomaaliya ku taageerta la dagaalanka kooxda Al-Shabaab isaga oo ciidamada Gorgor ka caawinaya sahayda, waxana taas barbar socotay taageero uu ciidamada Soomaliya kaga gacan-siinayo duqaymo xagga cirka ah. Iskaashigaas ayaa waxa uu soo dedejiyay heshiis difaac ku siman muddo 10 sanno ah kaas oo ay qayb ka tahay ilaalinta ammaanka badda Soomaaliyeed kaas oo la saxiixay Febraayo 2024.
Turkiga iyo Soomaaliya ayaa muddo dheer ka shaqaynay heshiiskan laakiinse waxa aad mooddaa xaaladaha ka jira gobolka in ay dardar-galiyeen waxana shaki la’aan in uu ku soo beegmay xilli ku munaasib ah.
Marka la eego Heshiiskii Is-afgarad (MOU) ee dhexmaray Itoobiya iyo Somalilaan horraantii sannadkan, Turkigu waxa uu xidhiidh wanaagsan la leeyahay Soomaalilaan, balse waxa muuqata in uu qabo in gobonnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyaddu ay laga-maarmaan u tahay xasilitaankeeda.
Waxa intaas dheer in Geeska Afrika siyaasaddiisa is-bedbeddalaysa ay xiisadda ka dhexaysa Itoobiya iyo Soomaaliya ay u horseedday in is-xulufaysi cusub oo gobolka ah iyo kuwo kale oo galaangal ku leh gobolku ay bilaabmaan.
Waxa muhiim ah in aan arrinkaas la dhayalsan karin maaddaama ay loollamayaan labado dhinac; waa ta koowaad e Itoobiya, Soomalilaan, iyo Imaaraatka Carabta (UAE) oo dhinac ah, iyo Soomaaliya, Masar, Ereteriya, iyo Dawladda Sucuudi Careebiya oo isku saf ah.
Turkiga ayaa isku dayay in uu raadiyo fursad uu ku dhexdhexaadin karo kuna yarayn karo xiisadda labbada dhinac, balse waxa aad mooddaa in heshiiska uu la galay Soomaaliya ay soo yaraynayso galaangalkii xoogganaa oo uu ku lahaa Gobolka. Waloow ay weli muuqato in xidhiidka u dhexeeya Turkiga iyo Raysalwasaaraha Itoobiya uu weli u muuqdo mid aan wax isbeddel ahi ku iman, haddana markii ay ahaataba ay wax kasoo noqonayaan xidhiidhka Itoobiya iyo Turkiga, gaar ahaanna marka la fiiriyo Ankara oo dano ganacsi ka leh Itoobiya.
Maxay tahay galaan galka Imaaraadku ku leeyahay gobolka /Soomaaliya?
Marka ay timaaddo Geeska Afrika, Imaaraadku waxa ay ku leeyihiin door weyn. Haddaba Turkiga iyo Soomaaliya ayaa labaduba waxa ay xidhiidh la leeyihiin Imaaraadka Carabta.
Laga soo bilaabo 2014 ilaa 2020, Turkiga waxa kala dhexaysay Imaaaraadka xurguf siyaaseed gaar ahaan marka laga hadlayo Badda Cas waxana muuqatay in ay aragtiyo kala duwan ka kala laahaayeen mustaqbalka iyo jihaynta Gobolka.
Hadda xidhiidhka labada dawladood ayaa soo hagaagay laga soo bilaabo 2020 gaar ahaan intii lagu guda jiray dagaalkii gobolka Tigray 2020-2022 kaas oo ay Turkiga iyo Imaaraadkuba ay garab siinayeen Xukuumadda Abiy Axmed oo dagaal qadhaadh kula jirtay Jabhada Tigrayga (TPLF).
Mawjadaha isbeddel ee kasoo cusboonaaday Geeska Afrika sida in Imaaraadku uu taageerayo heshiiska ku meelgaadhka ee dhexmaray Soomalilaan iyo Itoobiya ayaa suurtagal ka dhigi kara inay qaraxdo xiisad cusub oo dhexmarta Imaaraatka iyo Turkiga.
Turkigu waxa uu doonayaa siyaasad ahaan in uu awood weyn ku yeesho Gobolka. Dhinaca kale saddexdii sanno ee u dambaysay Imaaraadku waxa ay si toos ah lacago u gelinayeen suuqyada Turkiga.
Xaaladda ayaan waxba ka duwaynayn tan Soomaaliya
Dhanka dhaqaalaha iyo ammaanka marka la eego, Imaaraadka ayaa kaalin muuqata ku leh Soomaaliya isaga oo maamula gacantana ku haya labo dekadood oo muhiim ah waa tan Berbera iyo tan Boosaaso e; waxana hadda qorshaha ugu jirta sidii uu ula wareegi lahaa Dekedda Kismaayo. Imaaraatka ayaa sidoo kale muujinaya in ay aad ula dhacsan yihiin Xukuumadda Madaxwayne Xasan Shiikh, sidoo kale waxa laga yaabaa in ay khatar xagga cilaaqaadka ah ka timaado Madaxwaynaha Soomaaliya.
Maxaa xiga oo dhici kara?
Weli waxa walaac ka jiraa sidii ay dhaqangal u noqon lahaayeen heshiisyada dhexmaray Itoobiya iyo Soomaalilaan iyo heshiiska difaac ee Somaaliya iyo Turkiga. Waxa keli ah oo muuqda ayaa ah in Turkiga iyo Imaaraadkuba ay noqonayaan kuwo ku loollamaya sidii ay saamayn n ugu yeelan lahaayeen Gobolka.
Nuqulka asalka ah halkan ka daalaco: https://theconversation.com/red-sea-politics-why-turkey-is-helping-somalia-defend-its-waters-224377
