Ma tijaabisay inaad wax qorto?

MA TIJAABISAY INAAD WAX QORTO?
W/Q: Assaad Taha

Tarjume: Maxamed Cabdirisaaq


Qaarkeen waxay aaminsan yihiin in qoraalka loogu talogalay kaliya dadka ehelka u ah, aniguse waxaa iga dhaadhacsan in loogu talagalay dadkoo idil. Haa, qoraalka waa uu noocyo badanyahay, waxaana jira nooc ay qoraan dadka xirfada sare u leh qoraalka sida qoraayada, suxufiyiinta, iyo kuwa ku taqasusay hab-qoraalka toolmon.


Sidaa oo ay tahay, haddana qoraalka dadkoo idil waa ay sameyn karaan iyadoo aan ujeedka ahayn hab-qoraalka dadka taqasuska u leh oo kale. Dadkoo idil way awoodan inay wax qoraan, waxbaa jira walwal kugu haayo, qor, waxbaa jira cabsi kugu haayo iyagan qor, waxaad wajahaysa go’aanno adag-qor, waxaadna leedahay riyo ee qor. Ha caburinin naftaada oo ugu sheekee sida saaxib aad sir ku aaminto oo kale, muhiimadna hasiinin ereyada qoraalka ama naxwahiisa, haku laalaban jumladkasta adigoo is waydiinaayo ma sax baa mise, ma ubahaantahay in wax laga baddelo, kaliya sii wad qoraalka si degan oo dabacsan adigoo ku qoraayo luuqadda aad ku fiicantahay.

Haa, waxaad u qortaa adigoo u calaacalaayo jaceeylkaaga, oo aysan dhib kugu haynin inaad sirtaada oo idil u sheegato. Taasi waxay ka dhigantahay in afkaarteenna, iyo dareemaheenna ay hawada sare heehabayaan iyaga oo kala firirsan oo aan xuduud iyo nidaam lahayn. Markii aan qoreynana waan isku soo uruurineeyna, waana kala saareyna anagoo si dhab ah u baareyna, waxaana ula falgaleena si fool-ka-fool ah. Markaas ayaan waxaan oganeynaa inaan dib u habeynay oo aan kasaarnay intii aan muhiimka ahayn, sidaasna ay shekedii ku dhameystirmatay, wax walbana ay kala cadaaddeen.


Taasi waxaa tusaale u ah markii aan aad u cabsaneyno, kadibna aan qorno wixii aan ka cabsaneynay, waxaa inoo soo baxeysa in waxa aan ka cabsaneeno inaysan mudneen inaan ka baqano oo sidaas oo idil aan ugu warwarno. Markii aan arin si faah-faahsan u qorno, waxaan ogaaneena inaanan si dhameestiran ufahnsaneen waxa aan rabno taasi oo ka dhigan inaan si’ un ula falgaleeno aragtiyaheena si fool-ka-fool ah.


Qoraalka waa dawo, waxa ugu muhiimsana waa inaan dib u eegis kusameeno aragtiyaheena iyo afkaarteena hab-qoraalleed, hadii uu warkeyga shaki kaaga jirana, maxaad haddaba u tijaabin la’dahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *