Kooxaha gobonimodoonka ahi ma waxay Galiyeen Gasa Dagaal aysan u Babac-dhigi karin?

Kooxaha gobonimodoonka ahi ma waxay Galiyeen Gasa Dagaal aysan u Babac-dhigi karin?

W/Q:  Dr. Cisaam Taliima.

W/T: Cabdishakuur Garaad.

Ilaa iyo intii ay Qasa ka hureen dhacdooyinka iyo xasuuqa maalinalaha ah ee cirbinayay hawlgalka lagu magacaabay dullaankii “Duufaantii Aqsa” , doodaha arrintaas ku saabsan ma aysan istaagin,  kol wuxuu ka dhaxeeyay siyaasiyiinta, mar kalena waxaaba la huwinayay hu’ diimeed ama mid fatwo. Qeyb kamida doodahaan waxaa ka muuqatay dhimrin iyo cabsi loogu muujinayay dadka reer Gasa iyo kooxaha wax iskacaabinta, balse hadafkooda iyo yoolkooduba waxa uu ahaa shaki gelin iyo in kooxaha wax iskacaabinta dusha loo saaro eed ah in ay dadka Qasa geliyeen dagaal aysan u babac dhigi karin, maato aan waxba galabsanna dhibaato u horseedeen, ka fiirsasho la’aantooda darteedna ay shacabka reer Falastiin gaartay jug culus oo aysan kasoo kaban karin. Dooddani ma saxbaa?

Waa maangal in ay sax noqoto dooddani,  balse waa marka Yahuudda dhibtooda laga nabad galo, si xasilloonn ay u degganaadaan, una diyaar garoobaan in ay dhulka ay gumeystaan ka huleelaan, heshiis dhammeystiran oo labada dhinac ahna la gaaro, dabadeedna ay kooxaha wax iskacaabintu buriyaan heshiiskii, cadawguna (yahuudda)  uu go’aankiisa ku taagnaado, dhexdhexaadiyaal heshiiska ilaaliyana ay jiraan, kolkaas ayaa la dhihi karaa degdeg ayaa ku jira tallaabo kasta oo ay qaadaan kooxaha wax iskacaabintu.

Balse waxaa amakaag ah in aragtidan oo u muuqata in uu nuxurkeedu yahay dhayalsiga maanka iyo mandiqa oo wadajira, taasoo ah in dhibbanaha la dhaleeceeyo, danbiilahana la iska daayo, ayna kusoo aruursanayaan in kan tabarta daran uu weligii sidaa u liito, kan awoodda lehna uu sidaa sanka uga hadlo, dadkuna ay u hogaansamaan, sidii ayadoo cadowgu nabadgalyo la yimid, dalkana soo galay asaga oo ubax guduudan sita, isla dawgaasna ku bixi doono kolka uu farriintiisa dhammeystiro.

Hadalkaan waxaa ku jira khaladaad u baahan in la dul istaago. Waxaa kamid ah khaladaad sharciyeed,  kuwo siyaasadeed  iyo kuwo waaqicieed ;maxaa yeelay dadyowga soo bandhigaya tuhunnadaan iyo khaladaadkan waxay huwanyihiin hu’ga waanada iyo dhimrinta, waxayna ku daboolayaan caddeyn sharci ah oo reebeysa in uu qofku naftiisa halligo, waxay sidoo kale leeyihiin in siyaasaddu tahay fanka suurogalnimada, aysanna maangal aheyn in dhulka Falastiin laga xoreeyo guumeyste ay taageerayaan dadyow ku kala filiqsan daafaha dunida.

 Dagaalka yaa billaabay? Ma kooxaha wax iskacaabinta mise Cadawga?

Waxa ugu mudan ee ay tahay in aan kusoo bandhigno halkaan waxa waaye: yaa billaabay xadgudubka, ma kooxaha wax iskacaabbinta iyo shacabka reer falastiin mise cadawga Sahyooniyadda? Xaqiiqada aan ka qarsooneyn cid kasta oo la socota xaaladda reer Falastiin waa in xadgudubka guumeystuhu uusan maalinna joogsan, si kasta oo ay madaxdoodu isku beddesho. Haddii xisbiga Liikud ama kan shaqaalaha amaba mid kale uu xukunka yimaaddo waxaa jirta aragti iyo istaraatiijiyad aysan cidna isku khilaafsaneyn, haba isku khilaafaan sida loo fulinayo e’,  balse marnaba aragtida wax khilaaf ah kama taagneyn, aragtidaas waxaa udub dhexaad u ah Yahuudiyeynta Qudus, deegaameynta dhulka Falasdiin iyo ceyrinta dadka dhulka iska leh.

Arrintaas maalinna ma joogsatay? Maya maalinna ma istaagin. Tirakoobyadu waxa ay leeyihiin: laga soo billaabo bishii Meey 2023 ilaa Julaay isla sanadkaa – yacnii dhacdooyinkan wax yar kahor- dadka Falastiin ku shahiiday waxa ay ka badan yihiin 450 ay 67 kamid ah carruur yihiin. Tirakoobyadaan waa kuwo uu soo maragsaday Turki Feysal oo madax kasoo noqday Sirdoonka Sacuudiga. Yacnii saddex bilood wax ka yar ayaa ay dadkaa intaa la eg shahiideen, ogowna ma jirin hawlgalka Duufaanta Aqsa ama iskacaabin kale oo ay kooxuhu sameyeen.

Bilooyin iyo maalmo ka hor Duufaanta Aqsa ayey Israa’iil habeen iyo maalin weerareysay Aqsa, ku xadgudbeysay dumarka, waayeelka weliba si arxan darro ah, maxaa ku qasbayay in ay falalkaan gurracan ku kacdo? Lama soo helayo wax ku kallifayay, sida uu dhaadi karo qof kasta oo daraaseeyo caqliyadda guumestaha. Waa guumeyste dhul ballaarsi iyo deegaameysi u socda; dadku ha iska caabiyaan ama ha aamusaan oo u hogaansamaan e’, uma muuqato wax aan aheyn in uu ka miro dhaliyo qorshayaashiisa iyo aragtiyihiisa.

 Weecinta Nusuusta.

Daliisashada nusuusta diiniga ah sida qowlka Eebbe uu leeyahay: “ Eebbe wadadiisa wax ku bixiya, gacmahiinana hoog iyo halaag ha u horseedina, wanaagna fala, Eebbe waa uu jecelyahay kuwa wanaagga sameeya” Baqara, 195.

Aayaddu kama warrameyso qof Eebbe dartii naftiisa u huraya, balse waxey ka sheekeyneysaa kuwa hanti ay heystaan kala bakheyla in ay ku bixiyaan waddada Eebbe, iskaba daa naf hurid e’ taas oo uu Qur’aanka sharafta leh ku lammaaniyo hantida, badanaana Qur’aanka waxa uu maalka ka hormariyaa naf huridda. Sidaa darteed waxaad arkeytsaa qof aayaddaan daliishanaya oo waddadeedii saxda aheyd ka leexinaya wuxuu leeyahay: “ Gacmihiina hoog iyo halaag ha u horseedina” haddii uu waxa ka horreeya soo bandhigi lahaa wuxuu ogaan lahaa in ay aayaddu fareyso in Eebbe dartii wax loo bixiyo.

Waxyaabaha ay dadka qaar nusuustan ku sameynayaan waa marin habaabin barax tiran, haddii kale dhammaan duullaanadii Nebiga – naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee- uu uga hortagayay gaalada, Yahuudda iyo Roomaanka ma waxey noqonayaan ka fiirsasho la’aan?. Dhabtii Nebiga  – naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee- markii ugu horreysay ee uu dacwada la yimid, ninkii caabidka ahaa ee la oran jiray Waraqa Nawfal ayaa u sheegay in uu dhibaato badan ka mudan doono dulmifalayaasha, waxa uuna ku yiri: “shalleytadeydee maan barbaar gaashaanqaad ah ahaado amminta ay tolkaagu ku saarayaan,” wuxuu yiri: “ oo miyey i saari doonaan?” wuxuu ku warceliyey Waraqa: “ ma jiro qof la yimid waxa aad la timid oo aan la ceyrin ama la waxyeelleyn.

Halkaan in baadilka la wajaho ma waxey aheyd ka fiirsasho la’aan? Mise wuxuu ahaa dagaal aan loo babac dhigi kareyn oo uu kudedegay( suubanuhu)?Dagaallada xaqa iyo baadilka, kuwa geylanka iyo gumeynta waxey had iyo jeer noqdaan kuwo adag oo dhagar badan, iyada oo aan la tixgelineyn anshaxa kan u dagaalamaya runta, kan dagaalkaas galayana waa ogyahay in labo arrin middood un ay sugayso: guul ama geeri, asaga oo rumeynaya hadalki Eebbe ee ahaa: “waxaad dhahdaa: ma waxaad naga sugeysaan waxaan labada wanaag midkood aheyn [ guul ama geeri(shahaafo)], annaguna waxaan idinla sugeynaa in uu Eebbe idinku rido cadaab asaga xagiisa ka ahaaday ama aad mudataan halaag xaggeenna ka yimid, ee suga annaguna waan idinla sugeynaaye” Tawba 52.

Qur’aanku waxa uu suuradda Buruuj inooga sheekeeyay qisada asxaabtii godadka, waxey ahaayeen koox nabadeed, ma aysan sameyn wax aan ka aheyn in ay Eebbe keligii rumeeyeen, dabadeed xaakinkii daalinka ahaa ayaa soo qabqabtay dhammaantoodna wuu laayay, cidna kama uusan reebin. Dadkaasi ma dad aan ka fiirsan ayey ahaayeen maadaama ay Eebbe weyne rumeeyeen? Qaddiyadoodii se ma halkii ayey ku burburtay? Maya, guul ruuxi ah ayey gaareen, raq ahaan haba u shahiidaan e’. arrimahaan oo kale waxaa lagu cabbiraa halbeeggan oo kale.

Muxuu yahay diyaargarowga looga baahanyahay wax iskacaabinta?

Waxa aan kor kusoo xusnay nuxurkoodu maaha in aan loo diyaar garoobin lana qorsheyn dagaallada, balse halkaan waxaa ku jirta weydiin mudan in la isa su’aalo:Muxuu yahay diyaargarowga looga baahanyahay wax iskacaabinta iyo shacabkuba si aynu u niraahno waxey u diyaarsantahay in ay dagaal gasho? Waa weydiin haddii ay wax kooxaha gobonimodoonka dunida soo maray oo idil is weydiin lahaayeen aysan ka xuroobi laheyn gumeystaha. Wax iskacaabin kasta waxa ay billaabatay tabardarnaan, dabadeeed tartiib tartiib ayay u awoodeysatay. Yaanan illoobin waxyaabihii waagii hore laga sheegi jiray gantaallada Qasaam[xamaas]; tusaale ahaan mid kamid ah culimada salafiyada ee Masar jooga – waa Sheekh Maxamed Xuseen Yacquub e’ –  ayaa yiri: “ Gantaalladaas darbi xitaa ma burburin karaan” sidoo kale yaanan illoobin hadalkii Maxamuud Cabbaas uu ka yiri kolkii uu ku magacaabay boombahalaha, asaga oo ku jeesjeesaya saameyn yaridooda sidoo kalana u ekeysiiyay boombalaha ay ciyaalku ku ciyaaraan ciidaha. Waqti ayaa ka soo wareegay, gantaalladiina waxay noqdeen kuwo casri ah oo door aan la dhayalsan karin ka qaata iskacaabinta, yahuuddana ku abuura walwal iyo walaac. 

Qur’aanka ayaa naga kaafiyay doodda arrimahaas, kolka uu Eebbe sarree oo korreeye yiri: “ U diyaarsada [ gaalada] waxa aad kartaan oo awood ah, sida adkeynta dabarka iyo diyaargarowga fardaha kuwaas oo aad ku argagax gelineysaan cadawga Eebbe iyo cadawgiinna, iyo kuwo kale oo ayaga ka sokeeya oo aydaan idinku ogeyn, Eebbe ayaa og, waxa aad wadada Eebe ku bixisaan waa la idiin oofin idinka oo aan la idin dulmin”  

Guulle asaga oo dadka u dhimrinaya una naxariisanaya ayuu amarradiisa sharciga ah oo idil shardi uga dhigay karaan. waxa uu yiri korreeye asaga oo Xajka ka hadalaya: “Eebbena wuxuu dadka awooda ku leeyahy in ay beytka soo xajiyaan” Al- Cimraan 97. Eebbe sarreeye ma amrin mujaahidiinta in ay cadawga u diyaar garoobaan diyaar garow dhammeystiran oo u dhigma kan cadowga, balse wuxuu faray in ay dadaalkooda ugu sarreeya ee suurogalka ah bixiyaan, haddii ay ahaan laheyd diyaar garow, tababar iyo naf huridba,  haddii kale wax iskacaabin la yiraahdo meesha ma jireyso. Sunnada Alle ee koonka ayaana ku dureersatay in uusan jirin wax billowda asaga oo dhammeystiran maaddi iyo macnawi kuu dooni ha ahaadee.

Cadawga oo wax laga barto.

Dadka hadalladaan taban ku oranaya halgamayaasha gobonimodoonka ah  iyo taageerayaashooda waa dad aan waxba ka baran cadawga. Cadawga Sahyooniyadda wuxuu billaabay hayaankiisa gumeysiga asaga oo dunida oo idil laga necebyahay, mashruuciisu waxa uu u ekaa yool in la gaaro ay mustaxiil tahay, waxayna aheyd waxa ay Yahuuddu laftooda u sheegayeen Tiyoodoor Hersal. Kuwaasi haddey dib ugu noqon lahaayeen habkii ay wax u dhigi jireen reer galbeedka inta aysan Sahyooniyadda la yagleelin, cidii la jirtay iyo ciddii kasoo horjeedday, waxay si dhab ah u fahmi lahaayeen in geeddisocodka dagaalladu uu xilliba xilliga kale ka duwan yahay.

Haddii uu cadawgu ku dhiirraday qar iskatuurnimo aan seero laheyn si uu qotomiyo jiraalkiisa gumeynta iyo si uu dadka agagaarkiisa ah xirriiro maaddi iyo macnawiba leh ula sameysto, kadib markii ay dunida oo idil la dagaalantay, naceybna u muujisay, dabadeedna uu dulqaatay oo  samray ilaa uu ka gaaray yoolkiisa, dadka dhulka iska lehna waxaa la gudboon in ay sidaas oo kale noqdaan, dhabtii weyba yihiin, dacayaadahaas oo kalena awooddooda ma burburineyso. Waana in ay noqdaan kuwo wax iskacaabiya ama kuwo garab taagan kuwa wax iskacaabinaya sida uu Suubanuhu _ naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee_ yiri: “ Qofkii diyaariya qof duulaya isagana wuu duulay, qofkii si wacan u daryeela reerka qofkii duuleyna, dhab ahaantii waa uu duulay.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *