Heerarka doorsoomidda caqliga
Waa tusmo uu Nietzsche ku dhigay buugiisa “Thus Zarathustra Spoken”. Waxaa caqliga ku dhaca seddex doorsoon, bilawga waxuu isu rogaa awr, waxuu qaadaa culays tiro badan, waxuu isweydiiyaa su’aalo waaweyn, waxuu soddon beri u qadaa si uu jawaab u helo. Intuu ku jiro xaqiiqo baarka, waxuu u adkaystaa colaadinta kaga timaada dibadda, waxuu ku hayaamaa saxara abaar ah si uu u haleelo dhabta.
Heerka labaad waxuu isu rogaa libaax, heerkaan mudnaan gaar ah ayuu leeyahay, waayo caqligu markaan ma yaqaan su’aasha ah “maxaa igu waajib ah?” ee waxuu yaqaan “maxaan doonayaa?!” Sida libaaxu uusan cidna uga hibaysan hanashada ugaadhiisa ayuusan caqliguna cidna uga hibaysan gaarida xaqiiqada. Waxuu dagaal geesinimo leh ku qaadaa dhaxalka, caadada iyo soojireenka. Waxuu ku dhiirradaa inuu beero dhaqan cusub oo u cuntama rabitaankiisa.
Heerka ugu dambeeya waxuu caqligii awrka iyo libaaxa hadeer ahaa isu rogaa dhallaan… haddaba sidee dhallaanimadu yoolka ugu dambeeya ee doorsoonka caqliga ku noqotay? Dhallaanku waxay sumad u yihiin daahirnimo, xaadhnaan, cosob, dhayal, iyo wareeg cusub, waa dhaqaaq hor leh, caqligii isaga ayaa is abuuray, mid hor leh ayuu isu rogay, waxuu gebi ahaan ka qaalmarogtay soojireenkii uu ku dhex beermay.
Akhriste, heerkee ayaa caqligaagu joogaa bay ku la tahay? Ma awr la daaladhacaya culaabta weydiimaha culus? Ma aar guluf ku qaaday soojireenka? Mise dhallaan cusub oo ka booday xayndaabkii loo dhigay? “U bareerida su’aalaha culus waa dhabbada xaqiiqada.”
W/Q: Saddam Aweis

Waxaan umaleynayaa inaan marayo hadda heerka labaad ee libaaxa
Awr inuu marayo ayay ila tahay
Aniga