FOMO: Ka-baqidda Inay Wax Kudhaafaan

FOMO: Ka-baqidda Inay Wax Kudhaafaan

Waxaa qoray: Cabdifitaax Ashraf

Ka baqidda in wax ku dhaafaan (fearing of missing out) oo FOMO loo saa gaabiyo waxaa lagu qeexaa in ay tahay dareenka ama mooddada ah in dadka kale ay iska baashaalayaan, nolol taada ka fiican haystaan, ama ay wax fiican uun la kulmayaan marka adiga laguu eego. Waxa ay FOMO ku lug leedahay dareen quuriwaa qaangaar ah kaas oo saamayn ku yeesho qiimiha nafeed ee qofka.

FOMO, sidoo kale waxaa lagu qeexaa ka walwalidda in wax cajiib ah oo xiiso badan ku dhaafayaan iyo in dadka kale haystaan nolol taad ka sarraysa. Waxa ay la xiriirta baahidda qofka ee ku xirnaanta dadka si dhigital ah si uu u ogaado waxa ay samaynayaan.

Waxyaabaha sababa FOMO waxaa ka mid:

Waxa saaxiibbadu samaynayaan: FOMO mar walba waxa ay xiriir la leedahay waxa ay saaxiibbadeennu ama kuwa aan naqaan qabnayaan balse anaga aan qayb ka ahayn. Tani waxa ay keentaa baqdin ah in asaageen ka harnay ama aysan dadka kale na jecleen.

Dookhyo badan: waxyaabaha kale FOMO sababa waxaa ka mid aan haysanno dookhyo badan. Tusaale ahaan, hawl nuucee ah ayaan qabannaa marka aan firaaqada nahay, dhawr shaqa oo kala duwan midddee nagu habboon oo doorannaa iwm. Qofka waxa uu ka baqayaa in ay wax dhaafaan ama wax ay seegaan sidaas darteed shayga uu doortay mooyee kuwa kale in uu waayay ayaa FOMO ku keenaysa.

In wax walba lala socdo: Sabab kale oo FOMO keenta waa wararka iyo warbixinnada iska soo daba dhacaya iyo waxyaabaha dadku hadal hayaan kuwaa oo kaliya u baahan in aad moobilka caaqilka ah dhag siiso. Dhab ahaan waa wax aan suurogal ahayn in aad wax walba la socoto, balse dadka FOMO qabo waxa ay rabaan in ay wax walba la socdaan, sidaas darteed ayay maanta oo dhan moobilka ugu fooraraann oo marwalba meel galayaan  oo marba meel eegayaan si aysan waxba u dhaafin.

Sooyaalka iyo Saamaynta FOMO

Fikradda ah in ay wax ku dhaafayaan ma ahan mid cusub oo casrigeeena uun ah, waa mid qarniyo hore jirtay, qoraallada qaddiinka ah ayaana lagu dhex arki karaa, balse in la darso waxa ay bilaabatay tobannaan sano ka hor, waxaana ugu horeeyay Dr. Dan Herman oo 1996dii soo saaray cilmibaaris ku aaddanayn istaraatiijiyadaha suuqa-gaynta waana qofka unkay eraybixinta FOMO.

FOMO waxa ay xooggaysatay waqtiyadan dambe waxaana sababay soo shaacbaxa baraha bulshada. Waligeedba waa ay jirtay in aadnaaha uu ka shallaayo go’aannadiisii hore, fursadaha uu lumiyay iwm. Balse baraha bulshada waxa ah arrinta ka dhigeen mid baaxad leh, joogtana ah maadaama ay aalladaha cusub noo suurogaliyeen in aan si maalinle ula soconno nolosha dadka kale. Qofka waxa uu arkayaa sawirada dad dabaaldagaya, dhalinyaro malaayiin doolar ka sameeyay internetka, sidaas darteed qofka waxa uu dareemayaa in noloshiisa ay tahay mid eber oo hoosaysa.

FOMO ma jirto da’ aysan saamayn balse dhalinyarada ayaa ugu badan cidda ay saamayso. Astamaaha qofka FOMO qabo lagu garto waxaa ka mid ah:

  • In uusan moobilka la’aantii joogi karin,
  • In uu marwalba  baraha bulshada eegayo hadduu wax cunayo iyo xitaa hadduu shaqo joogo,
  • In uu ka maseero nolosha dadka kale
  • In uu ka xaqaano haddii uu arko saaxiibbada oo sawiro soo galay isaga la’aantii iqk.

Dhibaatooyinka ay keento FOMO-ada waxaa ka mid ah:

  1. Warwar iyo walbahaar joogta ah
  2.  Is-liidid iyo luminta qabkii qofnimo.
  3. Qulub aan dhammaad lahayn
  4. Madax xanuun saa’id ah.
  5. Dhidid tirabadan.
  6. Hurdo yari

Qaababaka looga bogsan karo Fomo-da waxaa ka mid:

1. In qofku uu muddo ka nasto adeegsiga baraha bulshada.

2. In moobilka isticmaalkiisa xakameeyo.

3. In uu ku qanco waxa uu haysto.

4. In uusan noloshiisa la barbardhigin nolsoha qof kale.

5. In uu nolosha dhabta saaxiibo rumaad ku yeesho.

6. In uu eego meesha uu shalay joogay iyo halka uu maanta joogo.

7. In uusan rumaysan wax walba oo uu baraha bulshada ku arko.

Tixraac:

https://www.verywellmind.com/how-to-cope-with-fomo-4174664

https://www.ionos.com/digitalguide/online-marketing/social-media/fomo/

One thought on “FOMO: Ka-baqidda Inay Wax Kudhaafaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *