Faallo buugga: Habka Cilmiga ee Baarista Taariikhda Soomaalida

Faallo buugga: Habka Cilmiga ee Baarista Taariikhda Soomaalida

Magaca buugga: Habka cilmiga ee baarista Taariikhda Somalida

Qoraaga buugga: Professor Mohamed Haji Mukhtar

Bogagga: 383 bog

Madbacadda: Raad press, Muqdisho 2023

Waxaa qoray: Cabdiraxmaan Caqiil

Buugga Habka Cilmiga ee Baarista Taariikhda Soomaalida, waa buug ku baraya Habka loogu kuurgalo, loo raadraaco loona baaro ilaha seeska u ah cilmibaarista guud ahaan, gaar ahaan taariikhda soomaalida ee degta geeska Afrika. Waa buug kulansaday sooyaal werin tolmoon, aqoon maraajic la socoto, iyo waayo-aragnimo mug weyn. Waa buug ay qoristiisu soo bilaabatay 1975 kii oo ahayd kolkii uu professor Mukhtar hawsha waxbarista ka bilaabay kulliyadii waxbarashada ee Lafoole.

Waa kuma Buunni Mukhtar?

Mohamed Xaaji mukhtaar waxa uu 1947 kii ku dhashay magaalada Xuddur ee gobolka Bakool, waxa uu kasoo jeedaa qoys si weyn looga yaqaano deegaanka, 1974 kii waxa uu baare ka noqday akadermiyadda dhaqanka iyo suugaanta soomaaliyeed, sannadkii xigayna waxa uu kamid ahaa barayaashii kulliyadii Lafoole.

Jaamacadda Al Azhar ayuu ka diyaariyay shahaadada sare ee Doktooraat iyo PhD. Waxa uu ku qaatay PhD-da cinwaanka ah (Al-Sumal al-Itali fi Fatrat al-Wisayah Hatta al-Istiqlal, 1950-1960). Waxa uu barre kasoo noqday jaamacdo dhowr ah oo ku yaalla dunida. Hadda waxa uu barre buuxa (full professor) ka yahay jaamacadda Savannah state university- ee gobolka Georgia- dalka Maraykanka.

Cilmibaarisyo dhowr ah oo u badan Taariikhda Afrika iyo islaamka ayuu diyaariyay qoraagu. Waxa uu leeyahay maqaallo waxgal ah iyo buugaag miisaan weyn ku fadhiya oo uu ugu horreeyo buugga ” Historical dictionary of somalia” oo ah buugga ugu mudan ee marjica u ah sooyaalka soomaalida.

HORDHAC

Buugga ” Habka cilmiga ee baarista Taariikhda somalida ” waa buug lagu soo uruuriyay waxyaabaha Salka u ah barashada cilmibaarista, sooyaalka soomaalida oo wax badan laga qoray ayuu si fudud oo maangal ah kaga warramayaa qoraagu.

Bogagga u horreeya buugga waxa uu qoraagu kaga jawaabayaa su’aalo badan oo la iska weydiin karo magaca buugga iyo hab-qoraalka, isaga oo si cilmiyeysan uga warcelinaya buugga waxaad kaga bogan kartaa bogagga 10-15. Waxa uu buugga ka koobanyahay 15 qaybood, oo qayb kasta muhiimad gaar ahi la socoto.

Qaybta 1aad: waxa uu qoraagu kaga hadlayaa waxa ay tahay taariikh. Taariikhdu waa cilmiga lagu aqoonsado waxyaabihii horay u dhacay, loogana shidaal qaato waxa dhici kara waayaha dambe, mowduuceeduna yahay ifka iyo aadanaha. Waxa uu sidoo kale ka warramaya taariikhda iyo waxa laga aaminsanyahay maanta.

Taariikhyahannadii hore iyo aragtiyaha ay taariikhda ku dabaqaan waxa ay u qaybsamaan;

  1. Waaqle/Rabbaani (providential school of thought) oo qaba in dhacdooyinka taariikheed ay ka dambayso awood Rabbaani ah.
  2. Wareegle(Cyclical school of thought) oo iyana aaminsan in dhacdooyinka taariikheed ay soo laalaabato dhowr jeer.
  3. Horukacle(progressive school of thought) oo iyagana rumaysan in dhacdooyinka taariikheed ay midba midda ka dambaysa kaabayso.

Isla qaybtan, qoraagu Waxa uu isweydiinaynaa qofka la dhihi karo taariikh-yahan, waxa uu soo bandhigayaa astaamaha uu leeyahay qofka taariikh-yahanka ah ee lagu garto. Waxa uu qaybtan kusoo gabagabeeyay habka cilmiga ee baarista taariikhda loo sameeyo.

Qaybta 2aad: Culuunta kaabaya baarista taariikhda ayuu qoraagu kaga hadlayaa, waxaa culuuntaas kamid ah Afafka, cilmiga horumarka afka( philology), cilmiga akhrinta farta ( paleography), cilmiga wasaa’iqda( diplomatics), cilmiga lacagaha iyo wixii la tuma( numismatics), juqraafiga ( geography), Dhaqaalaha( Economy), suugaanta ( literature), iyo culuum kale oo ay ku jiraan arkiyooloji, Etnograafi, iwm. Waxa uuna qaybtan gunaanad uga dhigayaa in taariikhyahanka looga baahanyahay in uu wax ka yaqaano kutubta diimaha iyo falsafadaha taariikheed oo kaabaysa cilmiga taariikhda.

Qaybta 3aad: waxa uu qoraagu kaga warramayaa cutubkan doorashada mowduuc cilmibaaris. Waxa uu tusaale habboon ka bixiyay marxaladaha doorashada mowduuc cilmibaaris, sida xilliga jaamacadda, xilliga diraasaatka sare(postgraduate).

Xilliyada taariikheed ayuu sidoo kale ka warramay, shanta qaybood ee xilliyada Taariikhda ayuu mid walba gaar u dul-istaagay.

  1. Xilliga taariikhda kahor(prehistory) oo ah aanay jirin wax qoran.
  2. Xilligii taariikhda hore/duugga( ancient history) waana kolkii aadanuhu yara gartay nolosha arlada, rabaayadaynta xoolaha, iyo beerashada miraha.
  3.  Xilliga taariikhda dhexe (medieval history) waana xilligii ay soo ifbaxday xadaaradda muslimiinta islamarkaana la waayey tii Beershiyaanka iyo tii Roomaankaba.
  4. Xilliga taariikhda cusub(Modern history) waa xilligii ay reer Yurub dunida ku faafeen isbeddelo badanna ka dhacay, waa xilli taariikheed aad muhiim u ah diraasayntiisa.
  5. Xilliga taariikhda dhow(contemporary history) waana xilli soo bilowday qarnigii 19aad ilaa maantana lagu jiro sida uu qoraagu u dhigay. Waa xilli taariikheed ku suntan dhacdooyin badan oo dunida soo maray, waxaana laga xusi karaa dagaalweynihii koowaad iyo labaad ee dunida oo isbeddel u horseeday dunida.

Waxa uu qoraagu rumaysanyahay in akhrinta habboon ee taariikhdu ay muhiim u tahay baaruhu. Sidoo kale note qaadashada ayaa kamid ah qodobada muhiimka u ah baaruhu.

Qaybta 4aad: Waxa uu qoraagu ku falanqaynayaa ilaha iyo masaadirta taafiikhda ay soomaalidu qortay. Waxa uu soo qaadanayaa qoraallada carabiga ee sooyaalka Culimada soomaalida. Sidoo kale qoraallada soomaalida laga diyaariyay ee ku qoran luuqadaha ajnabiga ayuu qoraagu kaga warramayaa qaybtan.

Waxa uu qoraagu qirayaa in luuqadda carbeed ay soomaalida u ahayd af ay ku qortaan heshiisyadooda siyaasadeed iyo ganacsi ay la galayeen shisheeyaha, waxa uu sidoo kale tilmaamay in ay jiraan qorayaal af ingiriiska adeegsan jiray, dhowr qofood ayuuna tusaale u soo qaatay Buuni mukhtaar.

Qaybta 5aad: Waxa uu qoraagu ka sheekaynayaa soomaaliyeynta culuunta islaamka, waxa uu qoraagu soo qaatay sooyaalka qaar kamid ah culimadii ku dhaqaaqday soomaaliyeynta culuunta islaamka, sida sheekh cabdille isaaq, sheekh Axmed gabyow, sheekh Aweys Al baraawi, iyo Awow Barkhadle Yuusuf oo keenay higaadda Alif la kordhobay.

Qaybta 6aad: Qoraagu waxa uu qaybtan ku faaqidayaa qoraallada ay carabtu ka diyaariyeen taariikhda soomaalida, sidoo kale isla qaybtan Waxa uu qoraagu kusoo uruuriyay qoraallada laga diyaariyay xiriirka Muslimiinta Soomaaliya iyo masiixiyiinta Itoobiya. Taariikhda Bortuqiiska ee geeska Afrika ayaa kamid ah arrimaha qaybtan looga hadlay. Waxaa gunaanad looga dhigay qaybtan qoraallada carabiga soomaaliya ee qarnigii 19-21aad.

Qaybta 7aad: Waxaa qaybtan loo gaar yeelay qoraallada afafka shisheeye ku qoran ee ku saabsan sooyaalka soomaalida. Waxay ka bilaabatay xiriirka somalida iyo xadaaradihii hore, ilaa laga soo gaaro diraasaadka ku saabsan gobannimada kaddib. Waxa uu qoraagu toos u tagayaa daaraha kaydka wasaa’iqda  iyo matxafyada adduunka.

Qaybta 8aad: Qaybtaan waxa uu qoraagu isweydiinayaa waxa looga baahanyahay in laga qabto Taariikhda soomaalida. Qoraagu waxa uu aaminsanyahay in sooyaalka ummadan uu ka ballaaranyahay inta maanta la qoro, wuxuuna qabtaa in loo baahanyahay dhidib u aasidda cilmibaarista soomaaliya.

Waxa uu qaybtan qoraagu ku soo bandhigayaa aragti ay dad badan la qabaan oo tibaaxaysa in soomaalidu ay ku kala duwantahay waxyaabo badan, loona baahanyahay in bulshadu garato ahmiyadda ay leedahay kaladuwanaanshahaas. Waxaa qaybtan gunaanad looga dhigay kaalinta afmaaygu u leeyahay taariikhda iyo kaalinta qurbojoogta ku hadasha afka Soomaaliga maayga.

Qaybta 9aad: Waxa ay qaybtan xoogga saartay uruurinta ilaha iyo masaadirta taafiikhda, iyo hababka loo raadin karo. Buuni mukhtaar waxa uu tilmaamayaa in lagamamaarmaan ay tahay in ilaha taariikhda loo hayo caddeyn ku filan.

Qaybta 10aad: waxay qaybtan daarantahay naqdinta ilaha Taariikhda iyo la tashiyada taariikhda.

Habka wax loo naqdiyo, habka islaamiga ah ee naqdinta, arrimo aan laga been sheegi karin, iyo kaalinta islaamka ee naqdinta taariikhda- intuba waa mowduucyo kusoo arooray qaybtan. Waana qaybta iigu muhiimsan buugga ee isoo jiidatay.

Qaybta 11aad: Qeybtaan waxay tooshka ku qabanaysaa sugidda xaqiiada taariikhda iyo go’aan ka gaarista murannada taariikheed.

Qaybta 12aad: waxay qaybtan tilmaamo ka bixinaysaa qodob muhiim u ah cilmibaarista oo ah wareysi. Tallaabooyinka aasaasiga u ah wareysiga, qorista taatiikh nololeed ( biography) ayaa sidoo kale kamid ah mowduucyada qaybtaan.

Qaybta 13aad: waxa uu qoraagu kaga warramaya habka u mudan ee loo gudbiyo taatiikhda iyo baaristaba. Qodobo kale oo cilmibaarista muhiim u ah ayaa sidoo kale qaybtan looga warramay.

Qaybta 14aad: waa lifaaqyo uu qoraagu kusoo koobay buuggiisa.

Qaybta 15aad: waa maraajicda iyo ilaha uu qoraagu soo xiganayo.

Ugu danbayn waxa aan buuggani ku tilmaami karaa buug la geliyay waqti, dadaal, waayo-aragnimo heerkeedu sarreeysana lagu soo uruuriyay.

One thought on “Faallo buugga: Habka Cilmiga ee Baarista Taariikhda Soomaalida

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *