W/Q: Cabdifitaax Ashraf
Farshaxanka Indhabuur (Dhabta miyaan ku saaraa)
Inta aanan u guda galin falanqaynta heesta, waxa lamahuraan ah in aan wax ka taataabanno taariikhda abwaanka.
Abwaan Cabdi Bashiir Indhabuur waxa uu ku dhashay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug hilaaddii 1943dii Soomaaliya, halkaas ayuu ku soo barbaaray , dugsi Quraanka ku dhammeeyay, culaanta diiniga ahna ku soo qaatay.
Isaga oo labaatanka wax u raaceen ayuu Muqdisho yimid, 1963dii ayuuna ku biiray ciidaanka booliiska. 1965tii ayaa Hargaysa loo wareejiyay, 1968dii ayaa Gaalkacayo loo beddelay codsi ka yimid hooyadii.
Waxuu Cabdi ku sugnaa Gaalkacyo 1968dii ilaa1972dii. 1972dii ayaa Xamar loo soo beddelay markaas ayuuna u soo wareeggay kooxdii Heegan macallin iyo hoggaamiye u ahaa ilaa 1991dii oo ay tiisa gashay oo gacan ka xaqdarran Muqdisho ku dishay.
Abwaanka oo ah wacyigaliye bulsho ayaa Booliska ka gaaray ilaa heer gaashaanle sare ah.
Indhabuur waxa uu sameeyay Riwaayado ay ka mid yihiin Guur qayaano iyo Gantaalo jaceyl oo 1978dii Golaha Murtida iyo Madadaalada lagu soo bandhigay.
Heesha oo curiyay abwaanka tira ma lahan oo waa ciiddaa, waxaana laga xusi karaa:
“Arligaygoow”, “Heybad waxaad ku leedahay”, “Maskax gaabnidaa”, Isku duubni”, “Dhabta miyaan ku saaraa”, Hallow”, “Qaranimo”, “Dal barwaaqo & dadka baahan”, “Adinkiyo awoodayadaay”, “Abaal hooyo”, “Hooyooy wax lagu dhigaa la waayey”, “Midnimo u adeeg”, “Dumarow ha suuroon”, “Subxaan Yaa Qafaar” iqk.
Sida uu Cali M. Diini leeyahay “Runtii qofka dhab ugu fiirsada heesaha soomaaligu waxa uu ogaanayaa in kuwa Cabdi Bashiir yihiin budo gaar u tuman.
Haddii aad maqashid hees aadan weli horay u maqal Abwaanka sameeyayna aadan aqoon haddii aad wax ka taqaanid heesaha Cabdi Bashiir, xaqiiq, in aad heestaas horay ka soo qabanaysid in ay ka mid tahay kuwii Cabdi Bashiir, waayo heesihiisu waxa ay leeyihiin summad u gooni ah”.
Waa dhab taas oo heesha Indhabuur waa kuwa jaad gaar ah. Heesihii waxa ay u badnaayeen waddani balse heesta aan u socdo in aan falanqeeyo waa heesta jacaylka ah ee “Dhabta miyaan ku saaraa”
Heestan waxa aad ka dheehan kartaa farshaxanka Indhabuur iyo sida uu u ahaa nin dhan walbaba ka dhammaystiran oo aan curin uun ku koobnayn.
Magaca heesta: Dhabta Miyaan ku Saaraa
Eryada , laxanka iyo muusigga: Cabdi Bashiir Indhobuur
Codka: Kinsi Xaaji Aadan iyo Saciid Mire Xaydar
Heestan waxaa la qabtay sanadka markuu ah 1975tii markaasna Kinsi iyo Saciid waxa ay kawada tirsanaayeen kooxdii Heegan ee ciidan booliska oo uu Abwaan Indhobuur macalinka u ahaa:
Marka aan si guud u eegno heesta waxa ay ka hadlaysaa gabar jaceyl u soo bandhiganaysa wiil, asigana uu ka meermeerinayo, oo si qayaxan uma diidayo mana soo dhawaynayo. Waxa uuna su’aal galinayaa dhabnimada jacaylkeeda shakina waa uu ka muujinayaa.
Dhan kale kolkii laga fiiriyo wiilka waxa uu u muuqdaa mid marar badan inta jaceyl lagu abuuray looga baxay haddana diyaar u ah in uu jaceyl sameeyo balse doonaya in uu aad isaga hubiyo intii uu god kale ku dhici lahaa.
Heesta waxa ay ku bilaabanaysaa gabadha oo soo bandhigaysa arrinkeeda halka uu marayo iyo dhibka uu jaceylka ku hayo isla markaasna ku beer laxowsanaysa in haddii asiga uu dhib haysan lahaa aysan ku fiirsateen sidaa darteedna uu wax la qabto, waxa ayna leedahay:
Dhiigiyo kalgacalkii
Ee xididda dhamaystira
Afka lagama dhawree,
Ma ogtahay dharaarahan
markan dhaban u seexdaba
inaan kugu dhadhabayoo
dhabtayda kaa dayoo?
Haddii aad dhibtoon tahay
Anba kuguma dhaafayn
hawlaha dhankaygee,
dhinacaaga ila qabo.
Wiilka oo ka warcelinaya ararteeda ayaa marko horena qiraya wanaageeda iyo in ay tahay gabar da’yar kadibna waxa uu u sheegayaa in[ waan ku arkay waan ku caashaqayda] aysan wax jira ahayn dhaandabagaale iyo dhalanteedna tahay, sidaa darteedna ay tahay in uu iska hubiyo run ahaanshaha jacaylkeeda. Waxa uuna oranayaa:
Walaw dhaylo aad tahay
Ee haddana dhaqankiyo
Dhaqashada ku wacan tahay
Dharaar aragti ma ogtahay
Caashaqan wax dheerayn
Dhado roob la moodiyo
Dhalanteed inuu yahay?
Jacaylkii dhawaan gala
Dhaxal lagama gaaree
Horta dhab ma kaa yahay?
Waa inaan dhudhumiyaa.
Markuu intaa dhaho ayay soo galaysaa ayadoo dabacsanaan ka jirinaysa balse asiga uu meeshiisa wali uu taagan yahay waana inta hooriska ah oo ay is waydaarsanayaan waxa ayna dhahaysaa:
Iminka dhudhumo
miyaan soo dhawaadaa?
Asna waxa uu leeyahay:
Awalba igama dheerayn
Ayada:
Dhabta miyaan ku saaraa?
Asiga:
Dhibtan kula nacayaa
Dhibtaan kula nacaayaa
Ayada:
Bal haddaba dhalaan sidii
Dhabarkaaga igu qaad
Dhangad waan ka fududee.
Intaas a qaybta hore ee heesta ayaa ku eg , qayta 2aad isla gabadha ayaa bilaabaysa markaan waxa ay sheegaysaa in jaceylka uu miyir qaaday oo ay la mid tahay sida qof waalan wax danbe oo ay gadaal u dhigato aysan jirin , isla sidii ayayna ku leedahay haddii adi dhib ku haysan lahaa wax waan kula qaban ee ha igu fiirsan oo garab i sii:
Dhugmadiisu ruuxay
Ee u dhantahay
Ayuun buu, dhibayaa xishoodkuyee.
Ma ogtahay dhiiggaygow
Dhamakaanka awgaa
Dhabeyaasha suuqyada
Dhar la’aan inaan maroo?
Haddii aad dhibtoon tahay
Anba kuguma dhaafayn
Hawlaha dhankaygee
Dhinacaaga ila qabo.
Markan wiilka waxa uu u muuqdaa in uu wali difaac ku jira dhan kalena uu rabo in gabadhan aysan ka fakan markaas ayuu amaannayaa quruxdeedana tilmaamayaa saa ooy tahay haddana waxa u sheeggayaa in degdegtu aysan fiicnayn waxa uu leeyahay waa inaan wax hubsadaa:
Cosob dheel qoyaaniyo
Ee dhax qotama xareediyo
Dhir ubax la moodyeey
Ma ogtahay dhaqsiiyuhu
Hadday lacag dhalayaan
kaadsiiyuhu ma dhiciyee
Dahab baan ka dhuran laa.
Jacaylkii dhawaan gala
Dhaxal lagama gaaree
Horta dhab ma kaa yahay?
Waa inaan dhudhumiyaa.
Hooriska
Ayada:
Iminka dhudhumo
miyaan soo dhawaadaa?
Asiga waxa uu leeyahay:
Awalba igama dheerayn
Ayada:
Dhabta miyaan ku saaraa?
Asiga:
Dhibtan kula nacayaa
Dhibtaan kula nacaayaa
Ayada:
Bal haddaba dhalaan sidii
Dhabarkaaga igu qaad
Dhangad waan ka fududee.
Tixraac:
CALI M. DIINI
JUNE 16, 2019. https://laashin.com/cabdi-bashiir-indhabuur/
Afnaan Official, https://youtu.be/2cDKLo1LpQ4
