Fanon: Halyey Ummadeed oo Hirgalay

Fanon: Halyey Ummadeed oo Hirgalay

W/Q: Axmed Xisaam Miido

Jeenawari 26, 2024.        

Gobonnimo sun baa kaa xigtoo laysma siin karo’e

Waa sarac ku baxa dhiig rag oo lagu sadqeeyaaye

Sarakaca kufrigu waa sasabo suu na leeyahaye.  

—Xaaji Aadan Afqallooc, “Gobonnimo”, 1943.    

Frantz Omar Fanon (1925 – 1961), wuxuu ahaa halgamaa, faylasuuf siyaasadeed, aqoonyahan dhimir, gumeysi-diid, kacdoonyahan, aragticuriye iyo maarkiiste mar la’arag ah. Si kale haddii aan u dhigno intaas oo la qofeeyey ayuu ahaa. Gu’gii 1925 ayuu Fanon ku dhashay jasiiradda Maartiniik (Martinique), oo ahayd jasiirad uu gumeysto Faransiisku. Fanon wuxuu ka dhashay qoys madow ah oo dabaqadda dhexe ah. Wuxuu ka mid noqday shakhsiyaadka dhifta ah ee goyn kara kharashka waxbarashada dugsiyada Faransiiska ee ku yaalla Maartiniik. Fanon wuxuu ku milmay dhaqankii Faransiiska, taasi waxay keentay in uu isuqaato ruux Faransiis ah. Wuxuu odhan jiray, “waxaan ahay Faransiis, waxaan xiiseeyaa dhaqanka, dadka iyo ilbaxnimada Faransiiska.” Fanon mar ayuu si qayaxan u yidhi, “waxaan ahay nin caddaan ah.” Fanon waxaa ku dhacay waxa ay aqoonyahannada kasmanafeeddu ugu yeedhaan; dhibaato-jiritaan nafsadeed ((psycho-existential crisis). Fanon isaga oo yar wuxuu ka mid noqday ciidamadii Faransiiska, wuxuuna ka qaybgalay dagaalkii labaad ee adduunka isaga oo ka dhinac dagaallamayey ciidamadii Faransiiska.           

Fanon xilliyadii lagu jiray dagaalkii labaad ee adduunka wuxuu ciidamada Faransiiska kala kulmay cunsuriyad iyo midabtakoor xididdo adag. Wuxuu xilligaas garawsaday in uusan ahayn ruux caddaan ah oo Faransiis ah iyo in aanu la xuquuq ahayn ciidamadii kale ee Faransiiska. Taasi waxay Fanon dhaxalsiisay is aqoonsi iyo dibu-baraarugid qofeed, waana halka salka u ah isbeddelka qofeed ee dhan walba ah ee Fanon ku dhici doona. Qofnimada Fanon waxa qaadhaan weyn ku lahaa Aimé Césaire. Césaire (1913 – 2008), wuxuu ahaa; gabyaa, qoraa, gumeysi-diid, halgamaa iyo siyaasi caan ah oo maarkiiste ah. Wuxuu ku astaysan yahay shakhsiga dhidibbada u taagay kelmadda Nigritiyuudh. Césaire wuxuu si ba’an u weerari jiray dhaqanka iyo xaddaasada reer Galbeed, si gaar ah dhaqanka Faransiiska. Wuxuu ahaa nin hadal qayaxan wuxuu odhan jiray; “ummadda wax gumeysata in ay wax muquuniso waxa u goysay ilbaxnimada ay sheeganayso…..ilbaxnimadaasi waa mid jirran oo bugta.” Césaire wuxuu safka hore kaga jiraa shakhsiyaadka asaasay dhaqdhaqaaqyada madowga. Inta badan Césaire wuxuu Fanon ka waanin jiray in uu isuqaato ruux Faransiis ah wuxuuna inta badan siin jiray hadallo tilmaan bixin ah, oo ka turjumaya waayaha qadhaadh ee ay ku nool yihiin dadka madow. Haddii la soo koobo Aimé Césaire wuxuu ahaa, asalraac mintid ku ah dhaqanka Afrikaanka iyo ahaanshiyaha dadka madow.  

Dagaalkii Labaad kaddib Fanon wuxuu garowsaday in uusan ahayn ruux Faransiis ah, se uu yahay madow, waxana si weyn ugu soo duxay hadalladii macallinkiisii dugsiga sare ee Aimé Césaire. Xilligaas kaddib Fanon wuxuu lid ku ahaa dhaqannada reer Galbeedka, wuxuuna hormuud u noqday aqoonyahannada shumuca u sida dhaqanka iyo ahaanshiyaha Afrikaanka. Wuxuu ahaa indheergarad af iyo addinba ku diiday wax walba oo keeni kara kala qoqob iyo kala sarrayn bulsho. Frantz Fanon wuxuu waxbarasho dibadeed u tagay Faransiiska, wuxuu jaamacadda Liyoon (Lyon), ka dhigtay kulliyadda kasmadhimireedka. Intii uu Fanon joogay Faransiiska wuxuu la kulmay cunsuriyad gacan kulul. Waayihii Fanon ee Faransiiska iyo cunsuriyaddii uu la kulmay waxa sawir waafi ah innaga siin kara buuggiisa caanka ah ee “Black Skin, White Masks.” Buuggaasi wuxuu saamayn weyn ku yeeshay aqoonyahannada Afrikaanka, wuxuuna kaalin ka geystay dhaqdhaqaaqyada wacyiga madowga. Bulxan (1985), Fanon wuxuu Faransiiska si joogto ah ugala kulmi jiray cunsuriyad. Ereyda nafsadda Fanon sida weyn loogu gani jiray waxa ka mid ah: “hooyo, eeg ninka madow, waan ka cabsaday.”                         

Markii uu Fanon idleeyey waxbarashadii jaamacadda Liyoon, wuxuu judhiiba ka hawlgalay sidii uu aqoonta dhimirka ee uu bartay uu wax uga geysan lahaa bulshadiisii la noolayd tacaddiyadii gumeystaha. Sannadkii 1953 ayuu Fanon iska xaadiriyey Aljeeriya, judhiiba wuxuu ka hawlgalay cusbitaalka Blida Joinville isaga oo qabtay xilka Agaasime Caafimaad. Wuxuu ahaa cusbitaalka dhimirka ee Aljeeriya ugu weyn. Fanon wuxuu bilaabay halgankiisii gumeysi-diidka ahaa, taasi waxay keentay in uu xagaagii 1956-kii uu iska casilo shaqadii uu hayey. Intaa kaddib Fanon wuxuu si sir ah u la shaqeeyey Jabhaddii Isxorraynta Aljeeriya (FLN). Fanon wuxuu jabhadda ka noqday xubin firfircoon, intaa kaddib wuxuu aaday waddanka Tuunis, intii uu halkaa joogay wuxuu ka hawlgalay xarun caafimaadka dhimirka qaabilsan. Geesta kale wuxuu seeska u dhigay wargeyskii mintidka ahaa ee Al-mujaahid. Fanon wuxuu Faransiiska kala kulmay farriimo hanjabaado dil ah. 1957 Fanon waxa loo soo diray warqad cayrin ah, waxaana amar lagu siiyey in uu muddo 48 saacadood ah Aljeeriya isaga baxo. Sidaa ayuu Fanon kaga mid noqday indheergaradka uu Edward Said u bixiyey, indheergarad dibadmeer ah (intellectual exile).         

Sannadkii 1959-kii Fanon wuxuu soosaaray buuggiisa hirgalay ee “A Dying Colonialism”, Dr. Xuseen Cabdillaahi Bulxan wuxuu buuggaas ku tilmamaay mid ku soo beegmay xilligiisii. Lix bilood kaddib daabacaddii buugga, waxaa guud ahaan  buugga laga mamnuucay gudaha Faransiiska. Fanon wuxuu gumeysigii Imbiriyaaliga kala kulmay cadaadin isugu jirta: dhiigmiirad (exploitation), tirtirid (marginalization), awood la’aan (powerless), dhaqan gumeysi (cultural imperialism) iyo cunfi (violence). Intaas oo idil ayaa nafsadda Fanon ku kulmay, se uma liicin oo wuxuu noqday shakhsi karti iyo adkaysi ku suntan, sidaas darted ayaa Fanon loogu yeedhaa in uu ahaa “nin ummadeed”, inta ereygaasi nuxur iyo macne xanbaarsan yahay. Frantz Fanon wuxuu ahaa halgamaa noloshiisa oo idil u jaray sidii uu af iyo addinba ugu xorreyn laaha bulshooyinkii ku hoos jiray gumeystihii reer Yurub. Mar wuxuu ahaa ruux tagay furimaha dagaalka, marna wuxuu ahaa shakhsi qoray fekraddii iyo aragtidii tin iyo cidhib la isaga xorrayn lahaa gumeystaha. Wuxuu si walba u faaqiday nafsadda gumeystaha iyo la gumeystaha. Fanon wuxuu laqmaday oo loxodka la dhigay isaga oo aan meel ku hubsan waayihii halgankii qadhaadhaa ee Aljeeriya ugu jirtay dhacsashada gobonnimadeeda iyo xornimadeeda ummadeed. Fanon wuxuu aljamay gu’gii 1961, isaga oo u go’ay cudurka Luukeemiyada (leukemia). Fanon waxa lagu aasay qabuurihii shakhsiyaadkii u go’ay dagaalladii jabhaddii isxorraynta Aljeeriya. Fanon geeridiisu waxay ka dhignayd carroogii dadka dulmanaa oo godgalay.   

Fanon si guud adduun weynaha wuxuu ka helay maamuus iyo milgo aad u weyn, si gaar ah Dunida Koonfureed (Global South), oo ah duni uu saxarriiriyey imbiriyaaliga reer Galbeed, waana dunida gumeysiga xididdada dheer la kulmay. Fanon maaddaama uu ahaa aqoonyahan, aragticuriye iyo halgamaa kaalingal ah, waxa magaciisa lagu xardhay goobo kala duwan. Magaca Fanon waxa loo bixiyo; dugsiyo waxbarasho, xarumo caafimaad, xarumo cilmibaadhiseed, xarumo jaamacadeed, maktabado akhris iyo abaalmarinno lagu bixiyo magaca Fanon. Shirar caalami ah oo lagu maamuusayo magaca Fanon ayaa ka qabsoomay waddamo isugu jira: Soomaaliya, Maraykanka, Ishbaanishka, Talyaaniga, Jarmalka iyo waddamo kale. Fanon wuxuu ahaa astaan ummadnimada Afrikaanka u taagan. Wuxuu ahaa halyey ka hawlgalay gobonnimada dadka madow. 

Aqoonyahannada taariikh nololeedka Fanon wax ka qoray waxay xusaan shakhsiyaad kaalin weyn ku lahaa wacyiga iyo aqoonta Fanon. Ragga ay xusaan waxa ka mid ah: Karl Marx oo ahaa asaasaha falsafadda Maarkiisiyada, Hegel, Aimé Césaire, Vladimir Lenin oo ahaa shakhsiga dhaqangeliyey falasafaddii Marx iyo Angles, waana ninka sida oo kale dhidbay falsafadda Marksism-Leninka (Marxism–Leninism) iyo Jean-Paul Sartre oo ahaa faylasuuf Faransiis ah. Dhawrkan aqoonyahan waxa la tilmaamaa in ay ahaayeen ragga sida weyn saamaynta ugu lahaa halgankii, cilmigii iyo wacyigii Fanon. Waxa aynu si gaar ah isudultaagaynaa saamayntii iyo waxqabadkii uu Sartre ku lahaa noloshii Fanon iyo kulankoodii Rooma. 

Jean-Paul Sartre (1905 – 1980), wuxuu ahaa faylasuuf wujuudi ah, sheeko-qore, naaqid suugaaneed iyo maarkiiste ku isiran Faransiiska. Sartre wuxuu qaadhaan weyn oo fekradeed ku lahaa aqoonyahannadii adduunka soo maray, ragga uu saamaynta weyn ku lahaa waxa ka mid ah Frantz Fanon. Fanon wuxuu Sartre ku xidhmay isaga oo dugsiga sare dhigta, wuxuuna si weyn u akhrin jiray qoraallada Sartre, waxayna qoraalladaasi kaga tageen saamayn maskaxeed oo weyn. Simone de Beauvoir (1977), waxay xustay in Fanon iyo Sartre ay ku kulmeen magaalada Rooma ee dalka Talyaaniga. Labadoodu waxay isugu yimaaddeen kulan qado oo gaadhay xilli dambe. 

Simone de Beauvoir oo ka warramaysa Fanon qofnimadiisa waxay qortay; “Fanon wuxuu ahaa kacdoonyahan mayal adag oo mintid ah. Wuxuu ahaa nin garaad korran oo damiir xalan.” Fanon aad buu u jeclaa Sartre. Kulankii labadooda u dhexeeyey wuxuu Fanon isaga oo ka warramaya jacaylka uu u hayo afkaarta Sartre yidhi: “ma jecli dadka dhitaysta khayraadka ay haystaan…….. labaatan kun oo faran ayaan ku bixin lahaa si aan u la hadlo Sartre, min subax illaa habeen muddo toddobaad ah.” Is araggaas, Sartre wuxuu Fanon u sheegay in cunsuriyadda iyo midabtakoorka iilka la dhigi doono kacdoonnada madowguna ay guuleysan doonaan.  

Sartre wuxuu ahaa qof dadnimo korran, jacaylkii Fanon u qabayna ma dayacin, ma quursan, se halkii kaga aaddanayd ayuu dhigay. Jean-Paul Sartre wuxuu kaalin ka geystay waxsoosaarkii aqoomeeed ee Fanon. Sartre waa ninka qoray hordhaca buugga Fanon ee la yidhaahdo, “The Wretched of the Earth/ Looma’ooyaan.” Hordhacaas Sartre wuxuu kaga faallooday arrimaha cunfiga, gumeystaha iyo  kacdoonnada; iyo gadoodyada Dunida Koonfureed. Sartre wuxuu ku tagay in farriinta uu xanbaarsan yahay buugga Fanon la dhaqangesho.     

Sidaa si la mid ah Fanon wuxuu saamayn ku yeeshay aqoonyahanno iyo kacdoonyahanno taariikhda insaanka galay. Ragga uu Fanon saamaynta ku yeeshay waxa ka mid ah: Cali Shariicati, Che Guevara, Malcolm X iyo Steve Biko, dhammaan raggaas oo idil waxay ahaayeen kacdoonyahanno waxana saamayn weyn ku yeeshay afkaartii Fanon ee kacdoonnimada ku salaysnayd. Edward Said oo ahaa naaqid suugaaneed, qoraa iyo indheergarad Falasdiini ah ayaa ka mid ah ragga uu Fanon saamaynta ku yeeshay, si gaar ah Said waxa raadeeyey afkaartii Fanon ee cunfiga, taas oo la aaminsan yahay in ay qaadhaan ka geysatay dhigaallada Said. Si kale tani waxay keentay in Edward Said lagu shaanbadeeyo, borofaysarkii argagixisada ahaa (The Professor of Terror), siiba dhagaxtuurkiisii Isra’iil.  

Indheergaradka iyo horusocodka Soomaalida, Fanon wuxuu saamayn ku yeeshay labo nin oo kala ah: Dr Xuseen M. Aadan (Tansaaniya) iyo Dr. Xuseen Cabdillaahi Bulxan.  Tansaaniya wuxuu ahaa aqoonyahan siyaasadeed, akaadiimi iyo qoraa horusocod ah. Shahaadada sare ee (PhD), ayuu Xuseen ka qaatay jaamacadda caanka ah ee Harvard. Cilmibaadhistiisa wuxuu ka qoray fekerkii bulsheed iyo siyaasadeed ee Fanon. Ciwaankeedu wuxuu ahaa; “The Social and Political Thought of Frantz Fanon.” Xuseen Tansaaniya waa asaasaha ururka caalamiga ah ee cilmibaadhista Soomaalida (Somali Studies International Association). Geesta kale Bulxan waa aqoonyahan nafeed, akaadiimi iyo qoraa mar la’arag ah. Bulxan wuxuu shahaadada sare (PhD), ka qaatay jaamacadda Harvard. Wuxuu buug gaar ah ka qoray waayihii iyo taariikhdii Fanon, waxana la yidhaahdaa buuggaas, “Frantz Fanon and the Psychology of Oppression.”     

Dhinaca kale Frantz Fanon wuxuu saamayn ku yeeshay dhaqdhaqaaqyadii iyo ururradii gobonnimadoonka ee Afrika. Hussien (1993), wuxuu xusay in Fanon uu ka mid yahay aabbayaasha rukumay dhaqdhaqaaqyada isxorraynta Afrika (African liberation movements). Fanon wuxuu qaadhaan sheegan ka geystay dhaqdhaqaaqyada wacyiga Afrikaanka (black consciousness movements). Ururradii isxorraynta ee Dunida Koonfureed ayey afkaartii Fanon saamayn ku yeesheen, sida kuwii Laatiin Ameerika, Aasiya iyo Afrika. Dhanka aqoonta aadanaha (humanities), Fanon wuxuu ka geystay waxsoosaar aad u weyn. Aqoomaha uu waxsoosaarka ku leeyahay waxa ka mid ah; maarkiisiyada, aragtida naqdineed (Critical Theory) iyo kasmanafeedda cadaadinta (Psychology of Oppression). Fanon wuxuu u golgolxaadhay waxa la yidhaahdo, deraasaadka gumeysiga kaddib (Postcolonial Studies/دراسات ما بعد الكولونيالية).  

Deraasaadka gumeysiga kaddib, waxa markii dambe dhidibbada u aslay Edward Said oo ahaa naaqid sugaaneed. Fanon wuxuu ahaa shakhsi ballaadhan oo gees walba saamayn weyn ku leh.  Frantz Fanon wuxuu qoray afar buug. Xuseen Tansaaniya sida uu xusayo buugaagtaasi waxay ku arooraan saddex mawduuc oo kala ah; isxorraynta ummadeed (national liberation), dibudhiska bulsheed iyo dibudhiska qofeed. Waxsoosaarka Fanon waxay shidaal u yihiin kacdoonnada adduunka ka huraya ama ka huridoona. Wuxuu si walba ulafaguray waxa ummad ku keena kacdoon bulsheed oo isxorrayn ah, wuxuu dersay qaabka kacdoonkaasi u dhacayo iyo kaddib kacdoonka mashruuca lamahuraanka ah ee mudan in la dhaqangeliyo.       

Bulxan (1985), wuxuu Fanon ku tilmaamay in uu ahaa, mufakirkii Afrika, wuxuuna la miisaan iyo mug ahaa; Leninkii Yurub ama Mao Zedong Aasiya. Fanon wuxuu ahaa kacdoonyahan, sidaa awgeed dadka qaar waxay ugu yeedhaan, nebiga kacaanka (Prophet of Revolution). Aqoonyahannada qaar Fanon waxa ay la miisaan dhigaan: Che Guevera iyo Karl Marx. Buugga Fanon qoray ee “The Wretched of the Earth”, waxa la barbardhigaa buugga ay wada qoreen Marx iyo Angles ee la yidhaahdo, Baaqa Shuuciga (The Communist Manifesto), iyo kii Hitler qoray ee “Mein Kampf.”  

Waxa aynu faaqidi doonnaa mawduucyada uu Fanon ka faalloodo ee isugu jira: gumeysiga, nafsadda la gumeystaha, cunfiga, iyo saamaynta dhaqan, siyaasadeed, bulsheed iyo feker ee gumeystuhu kaga tagay la gumeystahay. Mawduucyadaas ayeynu wax ka tilmaami doonnaa.     

1: Nafsadda Gumeystaha

Gumeystuhu waa curiye wasakhaysan oo wixii uu la kulmo cagta mariya. 

―Frantz Fanon, Looma’ooyaan (The Wretched of the Earth).   

Fanon wuxuu lafaguray caqliyadda iyo nafsadda gumeystaha, wuxuu qaadaadhigay ujooddooyinka iyo dabinnada aasan ama uu maleegayo gumeystuhu. Hor iyo abbaataba Fanon wuxuu gumeystaha ku tilmaamay cunsur wasakhaysan oo wax walba oo qurux badan qarriba, wixii hortiisa yaalla si walba u burburiya. Wuxuu adeegsadaa xeer uu ku caanomaalay, taas oo u fududaysay in uu bulshooyin badan ku gumeysto waa in dadka la kala qoqobo oo kooxba meel gaar ah lagu ooto, si ka turjumaysa dantiisa. Marka hore gumeystuhu dadka wuxuu u kala guraa: dad iyo dhalad. Waa qaacido u shaqaysay oo wax badan ku biirisay halgankiisii dadnimotirka ahaa ee uu ku waday bulshooyinka. Fanon wuxuu hoosta ka xarriiqay in gumeystuhu ka shaqeeyo “dadnimotiran ummadeed” wuxuuna u adeegsadaa farsamooyin ay ka mid yihiin; dil, garaacid, tumid, gaajaysiin, bahdilid iyo cunsuriyad. Intan oo idil waa hannaan uu gumeystuhu ku dadnimotiro la gumeystaha. Gumeystuhu waa ruux islaqabwayn oo dadka iskalaweyn, wuxuu qabaa waxay abwaannada kasmanafeeddu ugu yeedhaan, “Superiority Complex.” Sidaa awgeed waxa walba oo xagga gumeystaha jira waa wax qiimo iyo qaayo leh, wax walba oo xagga la gumeystaha jirana waa wax barkumataal ah oo in qiimo iyo mudnaan ah aan lahayn.     

Gumeystuhu dunida la gumeystaha waxa uu ka bixiyaa sawir ah in ay tahay duni dibudhacsan, xaddaarad, akhlaaq iyo qaayasoorro midna aan lahayn, sidaa darteed hadafka ugu weyn ee gumeystuhu u wado dunida la gumeysto waa farriin ilbixin ah (civilizing mission). Gumeystuhu waxa uu mar walba bulshooyinka kale ku khasbaa; dhaqankiisa, afkiisa, diintiisa iyo si wax u araggiisa. Taas ciddii ka hortimaadda wuxuu kala hortagaa cunfi af iyo addinba ah. Fanon wuxuu leeyahay; “gumeystuhu waa in uu xididdada u siibo dhaqanka, afka, taariikhda iyo soojireenka la gumeystaha.” Buuggiisa “The Wretched of the Earth”, waxa lagu tilmaamaa buugaagta ugu afka dheer, ee laga qoray suugaanta gumeysi-diidka. Fanon wuxuu buugaas si walba ugu faaqiday nafsadda gumeystaha, wuxuuna ku qaadaadhigay yoolasha fog iyo kuwa dhow ee gumeystaha. Wuxuu qoray; “gumeystuhu waa in uu burburiyo jiritaanka qofka.” Fanon wuxuu leeyahay, “gumeystuhu wuxuu ku sii jiri karaa in uu samaysto addoomo iyo dugaag uu ku adeegto.” Tan Fanon wuxuu ku tilmaamay qotimmada uu gumeystuhu ku cimri dherersado.   

Yurub adduunka kale ayey ku duushay, wax walba oo hanti iyo tacab ahaa ayey dhiigmiiratay. Fanon oo tan ka warbixinaya wuxuu qoray, “Yurub waxay ku dhisantay dhiiggii, dhaqaalihii iyo tacabkii addoomaha madow, carabta iyo hindida.” Mar kale Fanon wuxuu tibaaxay, “gumeystuhu wuxuu ku dibiray dhiigmiirashada hantida bulshooyinka dibudhacsan.” Gumeystaha iyo la gumeystaha waxa ka dhexeeya xidhiidh cabsi iyo gacankahadal ku dhisan. Taas ayuu la gumeystuhu dhaxlay waana luuqadda keli ah ee uu fahmi karo. Kala qoqobka, khilaafaadka, colaadda iyo nacaybka waxay ka mid yihiin arrimaha uu gumeystuhu si walba ugu fooggan yahay in uu ka shaqeeyo. Waana sabab ka mid ah sababaha shidaaliya sii joogista dunida la gumeysto. Dagaal afeed, mid nafsadeed iyo mid addin ayuu gumeystuhu adeegsadaa.  

Fanon wuxuu qalinka ku sugayaa, “dagaalka nafsadeed waa farsamo uu adeegsado gumeystuhu.”  Gumeystuhu wuxuu saamayn qotodheer ku yeeshay, dhaqankii iyo habnololeedkii bulsho. Wuxuu abuuray lod iyo jiil si walba u leh dhaqankii gumeystaha. Wuxuu abuuray indheergarad si walba ugu jajaban oo u silsiladaysan dhaqankiisa. Sidaa darteed ayuu Fanon u yidhi; “gumeystuhu inta uu albaabka ka baxay, ayuu daaqadda ka soo galay.” Halkan waxa iswaafaqaya Fanon iyo gabaygii abwaan Guhaad Cabdi Gahayr ee odhanayey: 

Good iyo abees baa isbeddelay garanna maysaan

Gocondhooyin baa aasan iyo mici gabaarreeye

Kaarel kaama guurine halkan buu dugul madow yahay!.

Fanon wuxuu indheergaradka Afrikaanka u tilmaamay in aysan marna u jajabnaan indheergaradka reer Galbeed. Frantz Fanon arrimaha mudnaanta leh ee uu xusay waxa ka mid ah, in uu tilmamay in “burjuwaasiyiinta waddaniga ahi”, ay yihiin meesha uu gumeystuhu dadka ka soo galo. Burjuwaasiyiinta waddaniga ah waa koox uu Fanon ku tilmaamay in ay dhaxleen; tacliintii, dhaqankii iyo dhaqaalihii gumeystaha. Waxay dhaanraac u yihiin gumeystaha, waana wakiilkii gumeystaha. Kooxdaasi waxay ku fooggan yihiin hawlihii gumeystaha. Sidaa darteed waa in iyaga laga takhaluso, oo meel walba laga kiciyo kacdoon hantiwadaag ah. Fanon wuxuu leeyahay; “waxa la gaadhay xilligii dunida saddexaad ay kala dooran lahayd, hantiwadaag iyo hantigoosad.” Fanon wuxuu ahaa kacdoonyahan, sidaa darteed wuxuu tilmamaay in meel walba oo Afrika ka mid ah laga xaqiijiyo “kacdoon hantiwadaag ah.” Sartre oo tan Fanon ku raacay wuxuu qalinka ku suntay, “…..waa in aynu meel walba ka xaqiijinnaa kacdoon hantiwadaag oo loo dhan yahay, haddii kale waxa midhmidh innoo garaacaya daaquudyadii inna haysan jiray.” 

Aragtida Fanon marka la joogo, kacdooonku waa hannaanka keli ah ee gumeysiga lagaga bixi karo. Arrin mudnaan leh oo kaalin ka geysan karta gumeysi ka bixidda waa waxa uu Fanon u bixiyey, “Jiil Cusub.” Fanon wuxuu qoray: “gumeysi ka bixidda dhabta ahi waa in la abuuro jiil cusub.” Abbaarta Fanon waxay u dhacaysaa lodkii gumeystuhu ababiyey, gumeysi ka bixid dhab ah innama gaadhsiin karaan. Fanon wuxuu si walba u faaqiday waxa uu Bulxan u bixiyey gumeysigii sooyaalka ahaa, wuxuuna wax ka tilmaamaay gumeysiga cusub. Bulxan (2015), wuxuu xusay in gumeysigii dhulku uu isugu biyoshubtay mid ahaanshaha iyo jiritaanka Afrikaanka abbaaraya. Fanon farriinta uu innooga tagay waxay odhanaysaa; “madaxbannaanida dhabta ah, waa madaxbannaanida fekradeed, nafsadeed iyo wax walba oo xidhiidh la leh maamulkii gumeystaha.”      

2: Fanon iyo Cunfiga  

Haddii aynu dhahno xoroobid qarameed ama dibubaraarugid ummadeed, ama dib-ula-soolaabasho dhuleed ama iskaashi dadyawga dhex mara magacbixinta aynu adeegsanno iyo qaabka aynu u cabbirnaba, marleyba gumeysi-ka-bixiddu waa dhacdo rabshad wadata. 

―Frantz Fanon, Looma’ooyaan (The Wretched of the Earth).   

Isxorraynta iyo gobonnimada bulsheed waxay ku yimaaddaan dhiig iyo qori baaruud leh. Ma jirto kacdoon bulsheed oo ummadi gobonnimadeeda ku dhacsanayso kaas oo ka maran cunfi. Frantz Fanon wuxuu ku suntan yahay aragtidiisa cunfiga (adeegsiga af iyo addinba). Fanon wuxuu qabay in gumeysiga hannaanka keli ah ee lagu kicin karo ay tahay cunfi iyo xoog midaysan. Sidaa darteed ayuu u tibaaxay, “gumeystaha waa in af iyo addinba la isaga kiciyaa.” Wuxuu qabay xuquuqda in lagu dhacsado hab cunfi ah. Fanon marka aynu ka faalloonayno waa in aynu tixgelin iyo mudnaan weyn siinnaa mas’alada cunfiga (violence issue), sababta oo ah halgankiisa iyo noloshiisa kacdoonnimo kaalin weyn ayey kaga jirtaa. Fanon wuxuu odhan jiray, “gumeystuhu nabad kuma tago, se waxa lagu saaraa qori qiiq iyo baaruud leh.” Buuggiisa sooyaalka ah, ee “The Wretched of the Earth”, cutubka ugu dheer Fanon wuxuu ku qaadaadhigay mas’alada cunfiga iyo sida uu lamahuraanka ugu yahay kacdoonnada isxorraynta ummadeed. Buuggiisu wuxuu la kulmay naqdin iyo dhaliil aad u weyn. Dadka qaar Fanon waxay ku tilmaameen shakhsi cunfiga dhiirrigelinaya. Sidaa darteed ayaa Fanon loogu bixiyey, rasuulkii cunfiga ( Apostle of Violence). Koox kale waxay Fanon ku sheegeen in uu yahay, nebiga kacdoonka ( (Prophet of Revolution).   

Fanon wuxuu dhiirrigeliyey in dad weynaha la kiciyo oo laga shaqeeyo sidii gumeysiga xididdada loogu siibi lahaa. Wuxuu qabay maahmaahda Soomaaliyeed ee tidhaahda; “qaniiyaa qaniiyo kaa fujisa.” Waxa kale oo qaacido u ahayd sal iyo sees uu Fanon ka duulana ahayd, “gobonnimadu waa inta xooggaagu kuu gooyo.” Gees walba waa in laga allooso kacdoon wacyi ummadeed xanbaarsan, ayuu Fanon qoray. Karl Marx (1818 – 1883), oo ahaa faylasuuf bulsheed iyo aqoonyahan dhaqaale wuxuu qabay in wacyigu yahay ka abuura kacdoonnada. Fanon isaga oo taas ka dhaqaaqaya wuxuu raacay in la sameeyo wacyi ummadeed oo ahaanshaha Afrikaanka ka turjumaya, si heeryada gumeysiga la isaga dulqaado. Fanon wuxuu aaminsanaa in cunfigu uu yahay awood wax nadiifisa. Wuxuu qabay in la sameeyo cunfi hubaysan oo nidaamsan. Wuxuu diiddanaa in hawlgalka gumeysi iska dhicinta lagu galo cunfi iyo gacankahadal habqan ah, wuxuu taageersanaa in cududda iyo awoodda la mideeyo, kaddibna la jiheeyo.  

Fanon wuxuu wax ka qoray dagaallada isxorraynta iyo halka ay qaddiyaddu kaga jirto xornimada bulsheed. Mao Zedong (1893 – 1976), oo ahaa siyaasi maarkiiste ah iyo kacdoonyahan aragticuriye ah wuxuu tilmaamaay dagaallada isxorrayntu in 80% ay yihiin siyaasad halka 20% ay yihiin dagaal. Mao wuxuu tilmaamay in dagaallada isxorrayntu ay lamahuraan u tahay cunfi nidaamsan iyo qaddiyad/fekrad xididdo adag ku taagan. Halkan waa meesha ay Mao iyo Fanon isugu imanayaan. Fanon iyo aragtidiisa cunfiga waxay keentay in Hannah Arendt (1906 – 1975), oo ahayd faylasuufad iyo taariikhyahannad Jarmal ah in ay Fanon ku tilmaanto, rasuulkii cunfiga (The Messenger of Violence). Fanon wuxuu cod dheer ku addimay in cunfigu si walba lamahuraan iyo daw ugu yahay isxorraynta iyo gobonnimada ummadeed.    

Fanon waxay cunfiga isku aragti ka qabaan Soomaalida, oo waxa aan odhan karaa waa bulsho si walba ugu janjeerta afkaarta cunfiga ee Fanon. Suugaanta Soomaalida waxa ciiddaas iyo cammaarkaas ka ah wax walba oo dhiirrigelinaya cunfiga afeed iyo ka addin. Maahmaahyada Soomaalida waxay shidaaliyaan cunfiga, maahmaahyadaas waxa ka mid ah: “nin aan warankaagu gelin, weedhaadu ma gasho”, “nin aan shantaadu kaa reebin, sharci kaama reebo”, “ninkii xoog leh baa xaq leh” iyo “ninkii xoog leh baa xaajo u toostaa.” Xasan A. Samatar heestiisii “Waa Boqol Yuhuuddu”, waa tii iyaduna ku jirtay “baaruudda qiiqdiyo, bunduq weeye dunidu.” Cabdi Hurre isaguna waa tii uu ku gabyey, “gobonnimo caruuskeedu waa col iyo duulaane.” Soomaalida xooladhaqatada reerguuraaga ah waxay leedahay oo ay ku dhaqantaa waxa uu Rashiid Gadhweyne u bixiyey, xaqsiinta-xoogga (The Right of Force), waa in sida loo kala xoog weyn yahay la isu cuno, waxa xeerku ahaa; “xoog la’aantii waa la gumoobay.” Soomaalida waa bulsho afkaarta Fanon ee cunfiga waafaqi karta, bal e WAAFAQDAY. Marx, Ibn Khaldun iyo Georges Sorel waxay qabaan in cunfigu ama xooggu tiirdhexad u yahay jiraalka insaanka iyo loollannada xaddaaradeed. Ururrada isxorraynta ee ku saamoobay cunfiga Fanon waxay si walba u dhaqangasheen adeegsiga cunfiga. Gumeyste walba waxa lagu saaara cunfi, ma jiro gumeyste si dhayal ah dhul uu ku habsaday isaga kaca. Fanon wuxuu si walba u qabay oo mintid ku ahaa aragtidiisa cunfiga. Taasi waxay keentay in la boogeeyo. Fanon wax badan ayuu ku biiriyey ururrada isxorraynta.    

3: Saykoolojiyadda La Gumeystaha.  

Laakiin dagaalku waa halkiisii. Guyaal badanna waxaynu dhayi doonnaa dhaawacyada tirabbeelka ah, mararka qaarna aan bugsan, ee gantaasha gumeystuhu soo gaadhsiiyey shacabkeenna. 

―Frantz Fanon, Looma’ooyaan (The Wretched of the Earth). 

Mudane Fanon arrimaha uu sida u weyn u dersay ayey ka mid tahay nafsadda iyo caqliyadda la gumeystaha iyo doogaha nafsadeed/maskaxeed ee ka soo gaadhay tacaddiyadii insaaniga ahaa ee imbiriyaaligu kula kacay. Wuxuu faaqiday eesha dhaqammeed, siyaasadeed, bulsheed iyo nafsadeed ee gumeystuhu kaga tagay la gumeystaha. Bulxan (2013), wuxuu qoray, “Samir Amin iyo Walter Rodney waxay si wanaagsan ulafagureen saamaynta gumeystihii hore iyo gumeystaha cusubi ku yeesheen dhaqaalaha iyo siyaasadda la gumeystaha, se Frantz Fanon ayaa si heer sare ah u kala dhigdhigay raadka uu xukunkii gumeystuhu ku yeeshay dhaqanka, xidhiidhada bulshada iyo saykoolojiyadda la gumeystaha.” Fanon wuxuu ku nuuxnuuxday jirrooyinka dhimir iyo riiqda nafsadeed ee la gumeystaha soo gaadhay iyo sida ay raadka ugu yeesheen habdhaqankiisa iyo habfekerkiisa bulsho. Mudane Fanon wuxuu muhiimad gaar ah siiyey habfekerka guud ee ruuxa Afrikaanka ah iyo waxa noloshiisa haga ee dhaqaajiya. Wuxuu xusay in khuraafaadka iyo khusacbalaadku ay yihiin arrimaha mudnaanta weyn ku leh nolosha la gumeystaha. Wuxuu qoray; “…….waxa ku badan khuraafaadka, sida sixirka, jinka iyo durrada.” 

Geesta kale wuxuu carrab ku adkeeyey in qaddarku kaalin weyn ka ciyaaro nolosha dadyowga dulman ee dibudhacsan, wuxuu yidhi; “dadyowga dulman qaddarta ayey kaga dhuuntaan mas’uuliyadda saaran, waxayna aaminsan yihiin in wax walba Eebbe u qaddaray oo xumaan ah.” Aaminaadda jaadkan ah waxay dhaabad ku tahay in qofku u fekero si xor ah oo uu keeno xalal suurtagal ah oo lagaga baxo dibudhaca bulsheed iyo hoobadka ummadeed ee dhan walba ah. Waa farsamo nafsadeed oo ay bulshadu/qofku isaga rogayo culaysyada nafsadeed ee dushiisa saaran, waana waxa ay khuburrada kasamanafeeddu ugu yeedhaan; “Coping Mechanism.” Tan Fanon wuu xusay oo wuxuu qoray, “la gumeystuhu waxa uu qaddarta ka helaa dheelitiran nafsadeed.” Si kale la gumeystuhu wuxuu ku nool yahay waxa uu Fanon u bixiyey; “Caalamka Khuraafaadka.” Waa caalam iyo adduun ka oodan xaqiiqda. Mas’alada galmada ayuu Fanon ka faallooday iyo sida ay saykoolojiyadda la gumeystaha ugu weyn tahay oo kaalin weyn ugu jirto. Wuxuu qoray, “…….galmada ayaa ku badan oo meel weyn ugu jirta.” Tan Fanon wuxuu ku cilladeeyey in ay kaga dhuuntaa mas’uuliyadda ummadeed ee saaran.    

Aragtidaas Fanon ee ku aaddan saykoolojiyada la gumeystaha waxa qaba Dr. Mustafe Xijaasi oo ah qoraa iyo aqoonyahan nafeed. Xijaasi wuxuu tilmaamay in khuraafaadku ku badan yahay dunida dibudhacsan ee silcaysa, wuxuu hoosta ka xarriiqay in galmada iyo kacsigu kaalin weyn ku leedahay nafsadda bulshooyinka burbursan. Bulshadaas waxa shaacsane ka ah cuqdad nafsi (Inferiority Complex) iyo liidasho nafsadeed. Bulshooyinka dibudhacsan waxa noloshooda ragaadiyey: cunfi, khalkhallo nafsadeed, dhaqaale xumo, tacliin la’aan iyo nolol liidata. Mudane Xijaasi wuxuu xusay in xoogga la saaro horumarinta iyo dibudhisidda qofka iyo bulshada, se taa lidkeeda waa in aan xoogga la saarin arrimo aan mudnaan lahayn. Xijaasi wuxuu ku tagay in bulsho nafsad ahaan iyo maskax ahaan burbursan oo jirran aanay horumar iyo horusocod gaadhi karin.  

Dr. Xuseen Cabdillaahi Bulxan oo dersa nafsadda Soomaalida wuxuu xusay in Soomaalida uu soo gaadhay dhaawac nafsadeed iyo jirrooyin maskaxeed, taas oo ka dhalatay burburka bulsho iyo dibudhaca nololeed ee Soomaalida ku habsaday. Mudane Bulxan wuxuu qoray in Soomaalida ay haleeshay cuqdad nafsi iyo isnacayb. Wuxuu hoosta ka xarriiqay in Soomaalidu ay ka faantay ahaanshaheedii ummadeed, gaar ahaan dubkii madoobaa. Wuxuu qoray in ay qabaan jirrada uu Fanon u bixiyey, iscaddaynta (self-lactification). Waxa si walba loo diiday maqaarka madow, waxana la isula tagay kiimiko jirka caddaynaysa, taasi waxay daliil u tahay kalsooni xumada iyo dakharka nafsadeed ee Soomaalida ku dhacay. Dr. Bulxan wuxuu tilmaamay in Soomaalida ay qabto jirrada nafsadeed ee la yidhaahdo, “Body Dysmorphic Disorder.” jirradan astaamaheeda waxa ka mid ah: in qofku saluugo muuqaalka jidhkiisa, afkiisa, habdhaqankiisa iyo dhammaan wax walba oo uu u malaynayo in ay iin ku tahay. Jirradan waa shaacsane ummadeed sida uu Bulxan ku doodayo. Khalkhalka nafsadeed, doogta/riiqda maskaxeed ayuu Bulxan xusay in ay Soomaalida ku badan tahay. Jirrooyinkan waxay isugu jiraan kuwo Soomaalida ka soo gaadhay loollannada xaddaaradeed ee noloshooda ku hirdamaya iyo kuwo ka soo gaadhay dibugurashada iyo habowga ummadeed ee Soomaalidu gashay.    

Fanon wuxuu tilmaamay cudurrada dhimirka  ee la gumeystaha soo gaadhay in ay yihiin dhataalmid aad u weyn oo ku habsatay kasmada bulsheed. Wuxuu xusay in la gumeystaha ay soo gaadheen jirrooyin nafsadeed/maskaxeed oo isugu jira: qulub, doog, saykoosis, khalkhallo nafsad-jidheed iyo doogreeb. jirrooyinkaas nafsadeed iyo sida ay habdhaqanka qofka samaayn weyn ugu leeyihiin ayuu Fanon si walba u lafaguray, wuxuuna ku akhriyey waayihii qadhaadhaa ee ay maraysay Aljeeriya iyo riiqihii ka soo gaadhay, halgankii ay ugu jirtay dhacsashada gobonnimadeeda. Fanon wuxuu ahaa dhakhtar dhimir, wuxuu aqoontiisa ugu adeegay bulshadii uu ku abtirsanayey, wuxuu baadhay jirrooyinkii ka soo gaadhay xadgudubyadii gumeystaha. Wuxuu ahaa “shakhsi ummadeed” oo ka hawlagay, una go’ay bedqabka iyo xornimada dadkiisa, wuxuu ka tagay sooyaal meel weyn kaga jira Dunida Koonfureed.   

Gunaanad   

Dr. Frantz Fanon wuxuu ahaa halgamaa kaalingal ah, afkaartiisa iyo buugaagtiisu waxa lagu tilmaamaa in ay udubdhexaad u yihiin waxa la yidhaahdo, kasmanafeedda bulsheed ee gumeysiga (The Social Psychology of Colonialism). Fanon wuxuu ku tagay in Afrika aysan weli gumeysigii ka bixin, se ay qaadatay xornimo maqaarsaar ah. Ta kale waxa jirta eeshii bulsheed iyo dhaqaale ee gumeysigu ka tagay. Fanon wuxuu qoray, “gumeysigii haddii la iska saaray waxa yaalla natiijooyinkii uu ka tagay sida; dagaallada sokeeye, gaajada iyo fawdada.” Afrikaanku waxay la ildaran yihiin, maamul xumo, saboolnimo iyo kala qaybsanaan aad u weyn, ayuu Fanon yidhi. Xisbiyada siyaasadeed iyo indheergaradka Afrikaanka labada Fanon wuxuu uga tagay dhaxal abbaaraya in ay si walba u metalaan dadkooda lagula kacay tacaddiyada ka baxsan insaaniyadda. Afkaarta Fanon waxay wax badan ka geysanaysaa bulsho walba oo rabta xornimo ummadeed.  

Soomaalida iyo Fanon inta badan afkaarta gumeysi-diidka waa isaga mid, waxa kale oo ay ka siman yihiin cunfiga, oo labadoodu ay qabaan in ay sees u tahay jiraalka insaanka. Geesta kale Fanon iyo Soomaalida waxa jira arrimo ay isaga mid yihiin sida; in la gumeystay, in aqoonsi la’aan ku dhacday (Identity Crisis), in ay madow yihiin iyo in cunfiga ay tixgeliyaan. Ta muhimka ah waa in xilli da’da dawladnimada Soomaalida ay noqotay dawlad hantiwadaag (Socialist State), taasna way isaga eg yihiin, oo Fanon wuxuu ahaa kacdoonyahan hantiwadaag ah. Intan oo isu ekaasho ah marka la derso, waxa muuqanaya in Soomaalida iyo Fanon ay isxigaan, oo ay mudan tahay in si gaar ah la isu baro, oo afkaarta Fanon la deegaameeyo, taasi waxay keenaysaa in wacyiga Somaalidu wax badan ay ku biiraan. Horusocodka Soomaalida waxa saaran waajib ah in Soomaalida ay baraan nin sida Fanon oo kale ah iyo afkaar sida ta mudane Fanon quwaynaysa ruuxda iyo jiritaan ahaanshiyaha Afrikaanka.        

Tixraacyo 

Bulhan H. A. (1985). Frantz Fanon and the Psychology of Oppression. New York: Plenum Press. 

Fanon Frantz. (1967). Black skin, white masks. New York: Grove Press. 

Bulhan H. A. (2015). Stages of Colonialism in Africa: From Occupation of Land to Occupation of Being. Hargeysa: Journal of Social and Political Psychology. 

Adam H. M. (1993). Frantz Fanon As A Democratic Theorist. African Affairs, Vol. 92, No. 369. 

Bulhan H. A. (2013). In-Between Three Civilazations: Arche-ology of Social Amnesia and Triple Heritage of Somalis, volume 1. Bethesda: Tayosan International Publishing. 

Quelle Charif (1970). Franz Fanon and Colonized Man. Indiana University Press, Vol. 17, No. pp. 8-11. 

Fanon Frantz. (2021). The Wretched of the Earth. (LOOMA’OOYAAN). Turjume Cabdicasiis Guudcadde: Hargeysa, Hiil Press.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *