Fadlan, Xaggeen u marnaa badda? Q.3-6

Fadlan, Xaggeen u marnaa badda?
Waxaa 1978dii qoray qoraa Nuuraddiin Faarax, waxaana baahiyay Joornaalka Horn of Africa, October/December 1978
Volume 1, Number 4, Pgs 31-36
Waxaa dib u faafiyay WardheerNews
March 4, 2015


W/T: Cabdifataax Ashraf

Qaybta 3aad

Hddii aan mar kale Menelik u soo laabanno, inkasta oo uu beeray miraha riyadiisa isaga oo hurdo, waxba ma uusan shafan ammankii uu soo kacay. Xiligan maamul-magaaleedyada ku teedsan xeebaha Soomaaliya waxa ay ku dhaceen gacanta Talyaaniga, waxaana ku jiray magaalooyinkaa dhulka saldanadaha Hobyo, Majeertinaya iyo boqortooyooyin yar yar oo aan muhiimad sidaa u sii buuran lahayn.
Dekedaha Tajuura iyo Obok waxaa la wareegay Faransiiska. Barbara iyo Saylac Ingiriiska , Masawac iyo Asabna Talyaaniga.
Menelik meel cidlo ah ayuu ku soo dhacay, wali ma uusan helin illin uu badda ka galo, taasina utun aan go’in ayay ku noqotay.
Isaga oo hurdo ayuu beeray miraha riyadiisa, waxbana ma uusan shafan ammankii uu soo kacay.[10]

Qaybta 4aad

Caro ayaan u dhiman rabaa, maxaa yeelay xitaa hal wax oo cusub dalkayga waan ku soo kordhin waayay, xabsi baan ku jiraa, waxaa la igu xukumay xabsi daa’in, waxaa la iga horjoogsaday iin aan dalka keensado qoryo, madaafiic iyo shaqaale.”[11]
Qoryo iyo madaafiic! Waxa aan aragnaa in ay meeshii ugu dambaysay ay ka joogto, waxa aan aragnaa in caways gama uu cirbad raadi leeyahay!
Waxa uu galay dagaallo badan, intooda badanna waa uu ku guulaystay. Harar buu weerary oo uu xoog ku qabsaday.
Waxa uu istusay in ay jirto waddo kale, waddo gaynaysa badda, waxa uuna fikirkii ula tagay Faransiiska. Menelik waxa uu si laabxaarni ay ku dheehan tahay ugu sheegay Faransiiska in uu doonayo in Harar oo uu isaga hantiyay ay kaga beddesho deked.[12]
Faransiisku kuma qancin arrintaa, balse waxa uu soo jeediyay in meel dhexe la isugu yimaado, ganacsina uu dhex maro.
Sidaas darteed Faransiisku uu diyaar u yahay in uu Menelik ka iibiyo hubka uu u baahan yahay. Shardi ayaase ku xiran; waa in Menelik iyo boqortooyadiisu wax kala soo deggaan kana dlhoofsadaan dekedaha ku yaalo dhulka Soomaalida ee uu Faransiisku haysto, Saylac iyo Barbara oo uu Ingiriisku haystana uusan adeegsan.[13]

Ganacsiga hubka ee Faransiisku waxa uu bulaaliyay dhaqaalaha dhulkii ay haystay. Arthur Rimbaud, waxa uu mid ka mid ah waraaqihiisa ku xusay in “in ka badan 24,000 oo hub nuucyo kala duwan ah” Menelik laga iibiyay. [14]
Talyaaniga ayaa Ingiriiska kaga cawday ququlka hubkan tirada badan ee uu Faransiisku ka iibiyay “Qarankan arxanka daran.”[15]

Menelik, hadda uun buu faraskii dhulbalaarsiga caynaansaday, wax joojinaya waa la waayay. Si kastaba ha ahaatee wali ma yeelan awood uu kaga dhawaajiyo mooddada riyada boqorka wayn ee Shawa kaas oo dhul aad u baaxad wayn xoog ku qabsaday, ninka is boqray, boqorka boqorrada isu caleemasaaray, dabadeedna imberaadoor sheegtay.
Hubka iyo qoryaha uu Faransiiska ka iibsaday waxa ay siiyeen awood uu kaga sare maro dhammaan maamulladii gobolka ka jiray.
Ingiriiska iyo Talyaaniga waxa ay Soomaalida iyo Eritariyaanka maxmiyahooda ku hoos jiray ka mamnuuceen in ay hub yeeshaan, kamana aysan difaacayn maxmiyadahooda weerarrada Menelik.16]
Halka Abasiiniya lagu hubaynayay hubka dunida ugu casrisan,17] Soomaalida meeshii lagu arkaba hub ka dhigas ayaa lagu samaynayay, kuwa aan hiil haysan isna difaaci karin ayaa laga dhigayay; si aysan dagaal uga la hor iman kuwa dhulkooda ku soo duullay. Qorshaha Gordan ee u helidda Abasiiniya irid badeed mar kale ayuu guuldarrastay, Menelikna waxa uu soo waday adeegsiga dekedaha Jabuuti kuwaa oo uu wax ka dhoofsan jiray, hubna kala soo degi jiray.

Kadib dhawr dagaal iyo dhawr ballamood ( Dagaallada goobta la isku farasaaro ayaa lagu kala calaf qaadayay), Shawa waa ay waynaatay, menelik waxa uu qabsaday dhulkiisana ku darsaday boqortooyooyin kale. Ninkan yar waxa uu naftiisa siiyay magacyo tirabadan; waxa uu kirishtaameeyay dhulalkii uu qabsaday, waxa uu la wareegay “Itoobiya”, waxa uuna isu caleemasaaray “Imberaadoor”.

Dhanka kale, haddii aan ku soo laabanno Yuuhaanis oo hadda Imberaadoor ah, waxa aan aragnaa si la mid sidii ay ahaayeen boqorrada iyo amiirrada Tigreega; in waxkasta oo dhaca ay ka go’an tahay qabsashada magaalo xeebeed.
Waxaa laga hayaa in uu yiri ” ma doonayo in aan Masawac qunsuliyad ka furto, waxa aan doonayaa in aan iyada oo dhan qabsado.”[18]
Si kasta ay ahaataba, mar uu Yohannis 19] warqad u qorayay boqorod Fiktooriya waxa uu u muuqday mid aan horor ahayn. Marka laga soo tago beerlaxwsiga iyo walaalo Kirshtaan ah baanu nahay, waxa uu sheegay in uusan waxba ka qabin in Ingiriiska ay wadaagan dagmooyinka cawaantu deggan tahay ee xeebaha dhaca, cid kalase uusan u oggolayn.[20]

Yuuhaanis, nasiibdarraa ku dhacday oo waxa uu noqda la karaahsado, maxaa yeelay awoodaha Yurub waxa ay arkeen sida aan kala go’a lahayn ee uu irid badeed u waydiinayo- haa bad, tay doontaba ha noqotee.

Xisaabo badan oo aan la xalin baa dhex yaalay isaga iyo Menelik. Talyaanigu waxa ay doonayeen in la ciqaabo Yuuhaanis. Mar ayaa waxa uu 5000 oo qori siiyay Menelik, shuruudna waxa uu ugu dhigay in uu ku weeraro Yuuhaanis-waxa ay mar dambe ku heshiiyeen in dhulka la qabsado ay labadooda kala qaybsadaan.

Aynu qaybtan ku soo xirno Menelik oo arrinta aad ugu tiiqtiiqsanaya:
Haddii aan Tajuura badda ka soo gali karin, dhankan kale(dhulka) ayaan kaga soo duuli karaa. Sidii ay ahaataba inta aysan arrintu meel xun gaarin waxa aan rajaynayaa in Yurubta ilbaxa ah ay ii cadaalladfali doonaan, ina siin doonaan wax aan ku qanco oo ii cuntama…. warqadda qaybteeda dambe waxa uu ku leeyahay “waxa aan rajaynaynaa in taajkeenna sharfaya Ciise Masiix aysan dhulka ku xoori doonin carruurta maxamed.” Intaas waxa uu ku sii daray “Haddii aad dhab ahaan tihiin ilaaliyayaasha Kirshtaanka, maanta waa maalintii aad taas noo caddayn lahaydeen.”[21]

Qaybta 5aad

U imow qaybsigii Afrika, Soomaalida la kala goosgoostay Itoobiyana qaybteeda la siiyay. Balse wali lama hayo irid badeed. Waxa aan la kulmaynaa Yurubiyaanka oo gaajo u daadanaya sdii anyaxa, Itoobiyaankaase ka sii darnaa.
Laakiin wali marin badeed looma hayo boqortooyada Menelik. Waa hadda kolka ay bilaabanayso sheegashada badda iyo biyaha Afrika. Harada Khartuun, Harada Niyansa(Nyanza/Victoria), Badweynta Hindiya, Badda Cas, biyaha waa xadka u dambeeya.

Qaybta 6aad

Mar kale iyo Menelik, balse hadda waa 1891dii. Tanina waa warqad kale oo caan ah taas oo uu u diray dawladaha Ingiriiska, Talyaaniga, Faransiiska, Jarmalka iyo Qaysarkii Ruushka.
Waxa aan arkaynaa in isbeddel ku yimid luuqadda uu ku hadlayo, waxa aan arkaynaa in ninku isbeddelay, qaabka uu codsiga u samaynayo ayaa isbeddel laga dheehan karaa.
Waa warqad dheer taas oo uu ku xusayo xuduudaha ballaaran ee Itoobiyadiisa(riyada ah). Waxba yaan ka sii faaloon, aan toos hadalkiisa u dhagasanno: “Itoobiya waxa ay muddo afar qarni ku siman ahayd jasiirad ku dhex taal badwayn ay cawaani ku nooshahay.”[22] waa hadal adag balse uu ugu duurxulayo dagaalkii loo galay gacan ku hayta magaalada Harar ee uu Hormuudka u ahaa Axmed Gurey, halyaygii Soomaaliyeed.[23]

Aynu Menelik la sii joogno. Mid digtoon noqo isna adkee; hala yaabin waxa uu Menelik qorayo, “kolkii hore xuduudda Itoobiya waxa ay ahayd badda…. soohimmaheenna saarnaa xeeligga badda waxaa xoog ku haysta Muslimiinta.” 24]
Mid aan hoosta ka xarriiqno: halkan badda lama
Magacdhabin, xeebtana sidoo kale. Xuduudda Itoobiya badd ayayahayd? Goorme? Baddee? Goormee ayay soohdimmaha Itoobiya (waaba haaddii aan oggolaanno hadalka Menelik) gaar ahaan kuwa badeed ku dhaceen gacanta Muslimiinta? Laakiin waa kuwee Cawaanta ku hareerrraysan? Ma Soomaalida? Ma Oromada? Ma Eritariyaanka?

Ma waxa uu u haystay in waajibkiisa ka Kirshtaan ahaan ay ka mid ah in uu Noobiyadda Masiixa gaarsiiyo gaalada xeebaha ku dhaqan? Waxa aan ka baqayaa in aynu jawaab ka wayno. Laakiin tan ayaan haysannaa; waxa aan haysannaa hadalladiisa ku aaddan damaciisa; waxa aan haynaa erayadii Menelik:
Xilligan la joogo talagalkeennu kama mid ha in aan xoog ku soo ceshanno soohimmaheenna badeed,
Waxa aan kor ku soo aragnay in uu yiri”Tajuura badda ayaan soo weerarayaa.. ama dhankan kale” laakiin ma samaynayo taas maxaa yeelay waxa uu kalsooni ku qabaa Yurubta ilbaxa ah in ay siinayaa Kirshtaan ahaan waxa uu xaqa u leeyahay sidii ay Qaysar oo kale!
Balse hadda: “waxa aan kalsoonnahay in awoodaha Kirshtaanka ee uu Badbaadiyaheennu hanuuniyay noo soo celin doonaan xeebaha baddeenna… xaddi kasta oo ay ahaato, ama qaybo gaar ah oo iyada ka mid ah.” Laakiin awoodahan hadda Masiixa ma uusan hanuunin ee ee waxaa haga danahooda gumaysi.

Adeegsiga dekadda Jabuuti ma waxa ay noqotay waxa u wayn ee ay bixin karaan walaalaha Kirshtaanku? Inkasta oo isaga oo saaran sariirtuu ku dhiman lahaa fariin uu diray ku yiri”Haddii Eebbe awood ii siiyo waxa aan dib u aasaasi doonaa soohdimihii asalka ahaa ee Itoobiya Ee dherersanaa ilaa Khartuun, dhinaca kale ilaa Harada Fiktooriya iyo dhamaan dhulka Oromada.[26]

Waxaa kale oo jiray sheegashooyin qosol leh oo aan maangal ahayn oo uu sameeyay, meelaha kale ee uu xaanshidan ku dhex xusay markii uu ka warramayay xuduudaha Itoobiya: waxaa ka mid ah: wabiga Arafle, harada Sambura, wabiyada Mareb, Arated, Ataber iyo Setet, Khartuun iyo harada Fiktooriya.
Laga yaabee in ay saamayn ku yeelatay qandhada Itoobiya ee dhulbalaarsiga. Eebbese ma uusan siin awood uu ku weeraro kuna qabsado Khartuun, caasimadda Jamhuuriyadda Suudaan. Sidoo kale uma suuragalin qabsashada harada Fiktooriya.
Balse waxa uu ku duulay oo la wareegay qaybo badan oo Geeska ka mid ah oo uu ku jiro gobolka Soomaalida ee Harar.
Hawshuna sideedi ayay sii ahayd oo dhimashada Menelik waxba kama doorin ilaa uu saaxadda siyaasadda ku soo biiray Imberaadoor Xayle Salaase.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *