Fadlan, Xaggeen u marnaa badda? Q.1AAD&2AAD

Fadlan, Xaggeen u marnaa badda?
Waxaa 1978dii qoray qoraa Nuuraddiin Faarax, waxaana baahiyay Joornaalka Horn of Africa, October/December 1978
Volume 1, Number 4, Pgs 31-36
Waxaa dib u faafiyay WardheerNews
March 4, 2015


W/T: Cabdifataax Ashraf

Qaybta 1aad

Ha ifiyo holocu xusuusteenna, haddii aan sidaa samayno wax ayaan baranaynaa, tusaale; waxa aan ogaanaynaa in ay jireen dagaallo loo galay gacan ku haynta geeska Afrika iyo xeebtiisa dheer. Waxa aan barannaynaa in qarniyo ay awoodo shisheeye si is dabajoog ah u imaanayeen, u qabsanayeen una gumaysanayeen shucuubta gobolkani ku nool.
Qarniyo, geeska waxa uu masrax u ahaa hardanka xoogweynta, dhooltusyada diblomaasiyadeed, qabsashada iyo dib u qabsashada. Boqortooyadii Cusmaaniyiinta, Khidaywiyiinta masar oo ay walkiilladoodu si buuxda gacanta ugu hayeeen [xeebaha dherersan Soomaaliya ilaa Iritariya], Talyaaniga, Faransiiska, Ingiriiska iyo Bortaqiiska( inkasta oonuu waqtigiisu koobnaa).
Adigu haddii aad hal gumayste magacowdo uma baahnid in aad kuwo kale oo dhan soo taxdo, balse waxaa is waydiin mudan maxaa keenay dhammaan luqunjibbaarradan diblomaasiyadeed , maxaa keenay dagaalladan geeska? Sabab?

Uurada ka dhalatay dabka holcaya waxaa ku dhex qarsoon oo kaaga soo bidhaamaya hummaagyada sharta huwan ee Yuuhaanis, Menelik iyo Xayle Salaase iyaga oo cod dabacsan ku hadlaya, labalabbaynaya, socodkana gaabinaya. Waa kuwan , waxa aad kula kulmaysaa dhabbayaasha diblomaasiyadda iyaga oo warqado shaabbadaysan u diraya boqorrada iyo imberaadoorrada Yurub. Haddana waxa aad arkaysaa iyaga oo hub urursi ku jira.

Bal aan in yar taas ka soo yaro bayrno, aan su’aal is waydiino, dagaalkan maanta geeska ka aloosani maxuu kaga duwan yahay dagaalladii hore? Waa run MIIg baa cirka yaacaya, kaarayaal baa la isla dhacayaa, eedaymo culculus baa hawada la isu marinayaa. Waa dhab, waa dagaal ay mid ka mid ah awoodaha dunidu si buuxda u baritaarayso 30 milyan oo Itoobiyaan ah, kuwaa oo la diriraya 3 milyan oo Soomaali ah.

Laakiin ka feker Shawa, boqortooyo yar oo badda ka fog iyo Tigree oo la mid ah. Ka feker Soomaaliya oo xeebaheeda bacaadka ahi fooxu barakaysani ka soo kamkamayo, sidoo kale Eritariya ka feker. Malee….

Waxa aan soo jeedinayaa in aan soo rogno dhawr bog oo sooyaalka kaydsani ka mid ah, run ahaan waxa aan soo jeedinayaa in aan boqorrada iyo imberadoorrada Itoobiya u oggolaanno in ay ka soo baxaan meelaha ay ku dhuumanayaa naftoodana u hadlaan. Waxa aan soo jeedinayaa in aan daawanno Itoobiya oo sjingeeda ma guuraanka ah doori is leh, balse waxa aan maqalnaa boqorradeeda oo hadalkoodu isburinayo.

Tusaale: Ma jirtaa sabab ay Soomaaliya kaga baqdo in Itoobiya oo quwad shisheeye garabsanaysa-tii ay doontaba ha ahaatee- ku soo duusho Soomaaliya si ay u qabsato dekedaha Saylac iyo Barbara? Arrintani raad sii horeeyay taariikhda maku leedahay, ma jireen dhacdooyin muujinaya in Itoobiya ay doonayso in ay isku fidiso, la wareegto, xoogna ku qabsato dekedaha Barbara iyo Saylac?

Haddii aadan waxba ka qabin waxa aan meesha ka saarayaa Soofiyeedka iyo Kuubaanka, maadaama ay yihiin kuwo ku cusub taariikhda aydiyoolajiyeed ee geeska, ama dheh in ay yihiin tiknoolajiyada qarniga labaatanaad. Balse Itoobiya wali ma isku dayday xiĺi dhow ama xilli horaba iyada oo awood shisheeye adeegsanaysa in ay qabsato deked ku taal geeska Afrika? Wali Itoobiya ma is tusisay ama ma danaysay in awoodo shisheeye u kaashato gacankudhigidda dekedo ay dalal kale leeyiihn si toos ah ama si dadban? Waligeed Itoobiya ma qorshaysay dhaqdhaqaayo diblomaasiyadeed si ay u hesho marin badda ah?
Si loo helo warcelin ku aaddan waydiimahan, waxa aan Itoobiya u oggolaanayaa in ay iyadu isu hadasho, iyada oo ay matalayaan madax dhaqameedkeeda, boqorradeeda iyo imberaadoorradeeda.

Qaybta 2aad

Shawa waxa ay ahayd boqortooyo aan bad lahayn, bedka ay ku fadhisana uu yaraa sida boqorkeeduba muuq ahaan u yaraa, si kasta ha u jabyaraado, balse waxa uu ahaa boqor damaciisu aad u ballaaran yahay, damaciisu mid wayn buu ahaa oo aam tirsamin sidii biyaha badda. Shawa waxa ay ahayd boqortooyo yar oo geeriggo’an ah, buurahu qarniyo isu soo riixayaan, kuna hareeraysan yihiin boqortooyooyin ku cadow ah sida; Gondor, Goojam iyo kan tan ugu mudan oo Tigree ah.

Waxaa jiray dagaallo joogta ah oo lagu hoobto kuwaa oo lulay aasaaska maamulladan dhul-goosatada ah ee tabarta darran. Taariikhdaase bartay dhawr waxyaabood, tusaale: qofkii hub haysta, Yuribiyaankuna kaalmaynayaan ayaa gacanta sare leh kolkii la isku dhaco.
Yuuhaanis, boqrkii Tigreega ayaa arrintan xaqiijiyay. Boqortooyadiisa waxa ay muddo dheer ahayd tan u xooggan sababta oo ah waxa il-nugayl iyo haddiyado hub ah ka heshay Ingiriiska kadib markii ay dano uu lahaa u fuliyeen. Hawlaha uu Ingiriiska u qabtay darteed waxaa loo ballan qaaday in la siin doono deked uu si xor ah u isticmaalo. Haa, sanadahaan oo dhan kadib waxaa loo ballanqaaday deked, mid wax laga soo degsado lagana dhoofsado, mid muhiim ah iyo bad.
Laakiin badda marwalba waxaa lahaa dad kale, ha noqdaan shisheeye xoog ku qabsaday, ama dadka deegaan ah sida: Eritariyaanka, Soomaalida iyo Cafarta.
Sidaas darteed waxa aan aragnaa imberaadoorrada, boqorrada iyo kaaliyayaashooda oo hadba tabahooda beddalaya, Istiraatiijiyad cusub la imaanaya, marba af ku hadlaya, codsi soo jeedinaya; waxa aan aragnaa iyaga oo hadba luuq ka soo laabanaya, marba meel qoorta ka soo dhiibanaya.
Waxa aan maqalnaa iyaga oo ku baaqaya in Kirshtaanka Yurub u midoobaan Turkiga iyo Masaarida Muslimiinta ah ee haysta xeebaha badda cas.

Haddana waxa aan maqalnaa iyaga oo samaynaya sheeggaashooyin dhuleed aan sal iyo raad toonna lahayn, kadib markii arimmo siyaasadeed awgood awoodaha Yurub u diideen in ay si xor u adeegsadaan badda.

Menelik, boqorka Shawa, mardambana ahaa imberaadoorga dhulka ay xoogga ku qabsadeen, tusaale; waxa aan arkaynaa isaga oo ku dhawaaqaya xuduudihiisa riyada ah, isaga oo qandho iyo xanaaq sariir la dul bilqan.

Menelik ama Yuuhaanis, kuu doonnaba ha ahaada e, waxa aan diiwaanka taariilheed ay kaydsani ka soo guurinnay in labo shay ay bud-dhig u ahaayeen boqortooyada uguna muhiimsanaayeen, labadaa oo kala ah bad iyo hub. Kan dmabe qofkii haystaa waxa ay rumaysnaayeen in uu fursad u haysto helidda irid badeed isaga oo xoog ku qabsanya. Kii bad haysatana [ama si fudud meel uu ka galo heli kara isaga oo ku tashanaya awood Yurubiyaan ah oo u oggolaanaysa adeegsigga badda] waxa uu fursad wayn u haystay helidda hub u suuragaliya dhulbalaarsiga.

Yuuhaanis iyo Menelik, waa labada boqor ee kaliya ee aan hadda ka hadlayno e, kolba kaar ayay xoqanayeen, balse kaarka ugu muhiimsan ee kala sare mariya waxa uu ahaa naxaiirsta awoodaha Yurubiyaanka ah oo hiil iyo hoo boqorka la garab istaaga. Awoodaha Yurub oo marba mid qaata, awoodaha Yurub oo kolba mid hubeeya, awoodaha Yurub oo haddii ay deked siinayaan Yuuhaanis ama Menelik, ama ay u diidayaan aan marna kala tashan dadka ay dhulkooda xoogga ku haystaan ee Soomaalida, Eritariyaanka iyo Canfarta ah. Awoodaha Yurub oo dadkaa hubka ka dhigay, la tashan, kana difaacin duulaannada Abasiinaya ku soo qaaddo.

Ha ahaado amiirka Tigree ama boqorkooda; ha ahaado boqorka shawa ama imberadoorka is caleemasaaray; ha ahaado Xayle Salaasaha casrigan: waxa ay lagamammaarmaan u arkayeen helidda marin badeed, sida oaahda “Nabagal Maariyaay” loogu soo celceliyo ayay “bad bad” ugu soo celcelinayeen.
Waxa aan aragnaa in boqor walba uu kaar kasta u xoqanayay si uu u gaaro riyadiisa ah bacaadka badda cas, si ay dadkiisa u helaan biyaha dhanaan ee badweynta Hindiya.
Boqorradan waxa ay si buuxda oo la arki u xirnaayeen Saliibka si aysan Yurubiyaanku araggooda uga jeedin; waxa ay foolka buurahooda ku xardheen saliibka sidii uu yahay Noobiyad (lighthouse).

Waa jawaabayaa, saa waan soo xiganayaa:

“Dalkayga aad buu uga fog yahay dalkaaga. Jidka aan badda u mari lahaa, Saylac, Tajuura iyo Cadanba xiligan waxa ay u xiran tahay Muslimiinta. Waxa ay iga hor istaageen in ay i soo gaaraan sahayda, hubka, qalabka beeraha, agabka iyo xitaa ergada Baybalka sida. Ee si naxaiirs leh codkaaga awoodd leh sare ma uu qaadi kartaa si waddadan la iigu furo, sababta oo ah waxa aan doonaya in dalkaygu uu la falgalo ilbaxnimada, caqliga iyo fanka reer Yurub.[2]
Xilliga warqaddan la qorayo ma ahan 1978da, maya, waa 1878dii, haa waa boqol sano ka hor. Qaybtan aan soo xiganayna waxa ay ka mid ahayd dhambaal uu Menelik u diray dawladaha Talyaaniga, Faransiiska, Jarmalka iyo Ingiriiska.
Muslimiinta waddada ka xiray ee uu sheegayana ma ahan Soomaalida Saylac iyo Tajuura deggan, ee waa Khidaywiyiinta Masar kuwaa oo xukumayay Dhammaan xeebaha Soomaaliya

Menelik, sida ninka ay loolamaan isku waqtigana yihiin ee Yuuhaanis, boqorka Tigreega, waxa uu wataa saliiba Kirshtaanka waxa uuna isku dayaa in uu u adeegsado qaab diblomaasiyadeed si uu si toos ah badda ugu gaaro.
Intii waqtigan lagu jiray sida aan ogaannay, ma uusan samayn sheegasho dhuleed ku aaddan magaalo ama bad. Meesha kama saari karo suurtagalnimada ah in Menelik uusan waligii maqal Muqdisho, Marko ama Baraawe, kuwaa oo ahaa saddex maamul-magaaleedyo dhaca badda Soomaaliya. Intan waa qayb yar oo ka mid maamul-magaaleedyo dhaca badda Soomaaliya oo caan ka ahaa dunida kuna soocnaa quruxdooda ilqabadka leh iyo in ay yihiin Xarumo ganacsi oo waaweyn.[4]
Balse waxa yu maqlay Saylac iyo Tajuura oo hadda kala tirsan Soomaaliya iyo Jabuuti, sababta oo ah waxa ay ahaayeen dekedaha ay boqortooyadiisa wax kala soo degi jirtay “saanada, hubka, qalabka beeraha, agabka iyo dhambaallada Baybalka.”
Isla iyaga ayay ahaayeen kuwii uu dalkiisa waxa ka dhoofsan jiray. [5]

Menelik, kolka la joogo siyaasadda caalamiga ah waxa uu ahaa askariga madow ee jeeska, Menelik maamul aan la aqoon, nin jabyar oo damac wayn leh, haa, waan aragnaa in ninku uu awoodo in warqado codsi ah u diro dawladaha Yurub si ay ugu kaabaan “codkeeda awooda leh” si “Dhabbaha badda loogu furo”. Marna kuma uusan talin in ay gacan adeegsadeen, kaliya codkeeda xooggan, sidaasna uu jidka badda ugu furmo, sidii codkeedu yanay mucjisadii Nabi Muuse!
Waxa uu rajaynayaa in uu bad yeesho, diin ahaan markii loo hadlo… Baddu waa wax wayn oo qurux badan, waa nolol sideeda u dhan!

Yayna ku talaxtagin , ma laha waa waqti aan waxaa la is waydiin: balse maxay u tahay in ay quwadahan Yurub u kaalmeeyaan Menelik? Waa maxay aqoonsiga uu haysto?
“Inkasta oo uu dalkayga aad uu kaga fog yahay dalkaaga, waxa aan ahay Kirshtaan adiga oo kale ah.” [6]
Ma laha codku wali waa mid dabacsan, codsiguna waa mid fudud: barta uu u socdana waa mid iska cad: Menelik waxa uu jeclaan lahaa in awoodaha Yurub aysan Masaarida Muslimiinta ah hub u adeegsan, in aysan xoog ku qabsan dekedahan oo aysan iyagu qaadan ama aysan isaga siin. Waxa uu jeclaan lahaa in ay muujiyaan midnimadooda Kirshtaannimo iyaga oo sare u qaadaya codkeeda.

Si kastay ahaataba waxa aan soo jeedinayaa in aan Menelik bartan uga tagno: waxa aan soo jeedinayaa in run ahaanshaha iyo been ahaanshaha jumladdan aan saarno miisaanka sooyaalka. Waxa aan soo jeedinayaa in aan waqtiga dib ugu laabanno, uurkiisana dooxno. Taariikhdu waa deeqsi, si cad waa saaxiib lagu kalsoonaan karo.

Hadda waxa aan joognaa Tigree, boqortooyo wayn oo ka jirtay Abasiiniya ama Itoobiya taas oo qayb ahayd hawlaha siyaasadeed ee bad helidda, boqorkeeda Yuuhaanis oo xafiiltan weyn uu kala dhexeeyay Menelik. Balse ka hor waayaaha Yuuhaanis sanadkii 1827dii oo konton sano ka horaysay warqadda uu Menelik u qoray madaxda dawladaha Yurub. Tan waa xaqiiq, inta lagu guda jiray rubaca hore ee sanadka 1827dii ayuu ruugcaddaaga siyaasadeed ee Tigree, Dejjazmach Sebagadis Weldo, warqad u qorayaa boqor Joorjigii 3aad, waxa uuna warqadda ku xusayaa in” dalkiisa uu u baahan yahay hub, kuna heli karo kaliya kaalmada reer Yurub iyaga oo u soo marsiinaya dekedda Masawa.” [7]
Mar kale iyo hub? Aynu halkan kaga tagno. Balse waa in aan ku xusuusiyaa in kolkan Masawa ay ku jirta gacanta Turkida oo aysan Masaari haysan, inkasta oo Turkiduba Muslimiin yihiin.
Laakiin mxuuu Weldu soo jeedinayaa”

“Waxa aan kaa rabnaa in aad Massawa Turkida kala wareegto, adiga hayso ama annaga na sii maadaama aanu u baahannhay, badda casna ay Muslimiintu haystaan.”[8]

Dhibaato la mid ah tan haysata Menelik aya isna haysatay, baahi isku mid basle kala qeexid duwan. Weldu waxa uu istaagay boos adag marka loo eego menelik ( Inkasta oo uusan sheegan dhul badeed(Yuuhaanisna ma sheegan doonno kolka aan u nimaadno isaga).

Menelik waxa uu rajnayay”dhabbo ha l ii furo”, balse Weldu waxa uu dawaldda boqor Joorji u soo jeediyay in ay badda qabsato, dabadeedna “adiga hayso ama annaga na sii.”
Waxa xusid mudan in madaxda Tigreega iyo boqorradooda aysan marna soo hadal qaadin dekedaha Barbara iyo Tajuura, sababtana waxa ay noqon kartaa in aysan waqood adeegsan.

Inkasta oo kol kale, sanado badan dabadood, cod kale oo Tigree ah yeerayo (markan Yuuhaanis oo la kulmaya ergayga Ingiriiska Janaraal Gordon) oo uu leeyahay qaadashada deked waa mid aan macquul ahayn, sidaad darteed boqorka Tigree waxa uu ku qanci lahaa in la siiyo dhul uu badda u maro.[9]

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *