
Faallada buugga: Duni aan Islaam jirin
W/Q: Cabdishukri Golos
Buuggan waxaa qoray Graham E Fuller oo ah qoraa iyo falanqeeye siyaasadeed reer Maraykan ah kaas oo takhasus gaar ah u leh dunida Islaamka siiba ururrada xagjirka ah, waxa uuna ka soo shaqeeyay xafiiska CIA-da ee dalka Afgaanistaan. Waxaana afkeenna u soo rogay kuna farayaraystay Cabdimajiid Aw Warfaa.
Qoraaga dhiganuhu waxa uu inoo soo bandhigayaa suureysi aragtiyeed mala’awaaleysa duni aysan gebi ahaanba ka jirin diinta Islaamku. Buuggu waxa uu soo bandhigyaa arrimaha ugu mudan iyo sababaha bud-dhigga u ah loollanka guud ahaan u dhexeeya bari iyo galbeed gaar ahaan galbeedka iyo dunida Islaamka—oo dadku inta badan uga hadlaan hab xaqiiqada ka fog. Waa buug kuu ibafuraya habfeker cusub iyo aragti qotodheer oo ku aaddan xaqiiqada loollanka labada dhinac.
Afnaqaha dhiganaha Aw warfaa, waxa uu buugga inoogu ibafuray gogoldhig heerkeedu sarreeyo taas oo aad u malaynayso marka aad buugga dhammayso in gebi ahaanba fuuqsanayso nuxurkii guud ee dhiganaha—taas oo tibaaxaysa dhaqdhaqaaqyadii gobonimo doonka Soomaalida ee soo billaabatay qarnigii 15aad siina xoogaysatay horraantii qarnigii 16aad Xilligii Imaam Axmed Guray kadibna noqotay qori isku dhiib ay hoggaanka u hayaan Culimo Soomaaliyeed Sida daraawiishtii iwm. Waa ugu badan ee halgamayaashaas la dagaallamyeen waxa uu ahaa Xabashida iyo dowlahadii reer galbeedka ee gumaysiga ugu yimid qaaradda; haddaba dagaalladaas ma waxa ay ku dhisnaayeen arrimo diineed mise way ka baxsanaayeen? Warcelinta weydiintan ee turjumaagu waa: in arrintu diinta ka guda ballarnayd, ayna jireen arrimo kale oo siyaasadeed, juqraafi, dhaqan-dhaqaale iyo dhulballaadhsiba. Balse diintu ahayd waxa caamada iyo bulsha weynta lagu awr-kacsanayey si ay isaga difaacaan cadawga dalkooda ku soo duulay.
Haddaba farriin jaadkee ah ayuu dhigahunu sidaa?
______________________
Loollanka reer galbeedka iyo bariga dhexe: Qoraagu waxa uu sii cad u sheegayaa in loollanka reer galbeedka ee bariga dhexe uusan ahayn mid ku qotoma arrimo diimeed. Sida aan ognahay dunida oo idil, Bariga Dhexe waa gobolka ugu faragelinta badan dhinaca reer galbeedka, sababtuna waa qodobadan soo socda: dhawaanshihiisa juqraafiyadeed ee galbeedka oo qarniyadii u danbeeyay u dhaqaaqay dhul ballaarsi, sida oo kale bariga dhaxe waxa uu caan ku yahay ilaha tamarta iyo naaftada oo dhicana reer galbeedka indha diraandirisay marka laga eego saamaynta dhaqaale ee ay leedahay. Ugu danbayn bariga dhexe waxa uu ku yaal meel istiraatiiji ah oo leh saamayn juqraafiyadeed.
Waxa uu cambaaraynaaa Maraykanka waxa uuna soo bandhigayaa siyaasaddooda gurracan ee arrimaha dibadda. Sidoo kale waxa uu keenayaa dooda odhanaysa: ” Maraykanku waa dawlad dimuqraadi iyo wadaniyad, haddaba sidee bay isaga idha-tirayaan ama argagixiso ugu sheegayaan ururro gobonimo doon ah oo dalal kale” waxa kale oo uu si adag u naqdinayaa aragtida sagxadda ah ee sheegaysa in Islaamku yahay dhexroorka mushkiladaha Bariga Dhexe. Sidoo kale waxa uu caddaynayaa in reer galbeedku taageero nooc walba ah u muujiyay Yuhuudda si ay u qabsadaan dhulka Falastiiniyiinta.
Inta badan Muslimiinta Maraykanka, geeska ayaa la geliyaa waa maxay sababtu? Weerarkii koow iyo tobonkii September 2001-kii iyo saamayntii ballaarayd ee ka dhalatay, ayaa keentay in Muslimiinta reer galbeedka si gaar ah loola socdo, fiiro gaar ahna loo yeesho, marar badanna la cunsuriyadeeyo.
Waxa kale oo aan ka baran karnaa in reer galbeedka, Islaamka oo keliya uusan necbayn, taas beddelkeeda ay jiraan dalal badan oo aan Muslimiin ahayn kuwaas oo neceb reer galbeedka. Reer galbeedka khaladaadkii ugu waaweynaa ee uu ka galay bulshooyinka Muslimiinta iyo waddama kale ee gumaystay waxaa ugu darnaa in uu dadka dhaqankiisa ku sandulleeyey, taas oo cadaawad badan u abuuratay, tan iyo haddana bulshooyinkaasi dareemaan haysashada iyo faragelinta reer galbeedka.
Islaamka iyo Ruushka.
Ruushka iyo Islaamka waxa dhex maray wada noolaanshiyo ku siman muddo kun sanno ah. Xilli xaadirkan ruushka waxaa deggen Muslimiinta ugu badan marka lala barbar dhigo dawladaha reer galbeedka. Muslimiinta Ruushka waxaa lagu qiyaasaa 20 Milyan oo u dhiganta 12% ilaa 15% wadarta guud ee dadweynaha Ruushka. Intaas waxaa dheer Muslimiintan ma aha soo galooti sida Yurubta Galbeed, taas beddelkeeda waa dadkii u dhashay dalka. Sidaas darteed ayaa Ruushku ugu ordayaa in uu noqdo xubin kormeer ah oo ka mid ah ururrada Iskaashiga Islaamka ee xaruntiisu tahay magaalada Maka.
Suufida
Jaamaacooyinka Suufida ayaa siday calanka iskacaabinta gumaystaha. “Walaalaha Suufida” guud ahaan waa fahanka ugu mudan ee dhinaca rooxaaniyadda iyo Saafinimada Islaamka. Waa koox isu xilqaantay ilaalinta iyo dhowridda ilbaxnimada Islaamka. Suufidu waxa ay hormuud ka ahaayeen kacdoonadii ka dhacay Afrika, Aasiya, Bariga Dhexe, midowga Soofiyeedka, Afgaanistaan iyo qabsashadii Maraykanka ee Ciraaq.
Ugu danbayntii waxa uu qoraagu inoo sheegayaa waxa uu xalka u arko si dunida Islaamku ugu laab fiyoobaato, wada noolaansho nabdoonna u dhaco. Waxaa ka mid ah xalka:
• Soo afmeeridda faragelinta militari iyo siyaasadeed ee Maraykanku ku hayo dunida Islaamka.
• xal ka gaarista qadiyadda Falastiin. Intaas waxa uu ku darayaa qoraagu in Yuhuuddu yihiin gardarro garab og, taas oo rabta in ay xoog ku qaadato dhulka barakaysan ee Falastiiniyiinta.
• Maraykanka waxaa la gudboon in uu oggolaado doorashada axsaabta Islaamiga, hab ku dhisan dimuqraadiyad iyo wadar-oggol.
• 10% kharashka uu Maraykanku ku bixiyo dagaaladda Bariga Dhexe ee maalin walba boqolaalka qof ku naf waayaan, haddii loo adeegsado dhismaha goobo waxbarasho, goobo caafimaad, iyo macaahidda tababbarrda waxaa hubaal ah in ay yeelan lahayd saamayn togan.

