Faallo: Xeerka La-dagaalanka Argagixisada

Faallo: Xeerka La-dagaalanka Argagixisada

WQ: Saadaq Nuur Cali

Xeerka la dagaallanka argagixisadda ee dhaqangalka ah, wuxuu ka kooban yahay ku dhawaad 60 qodob oo xoogga saaraya turxaan bixinta iyo dambi ka dhigista falal uu xeer dejiyuhu u arkay inay bulshada qatar ku yihiin, ayada oo la xusayo fal walbo oo xeerkani dambi u arko iyo ciqaabta ka dhalannaysa. Taas oo ay ujeeddadu tahay in la xakameeyo dambiyada dhacaya, sidoo kalana uu xeerka fasaxo falgallada ay la sammaynayaan hay’adaha amniga, dambiyada laga dhex aloosaya agabka isgaarsiineed, kuwaas oo si toos ah iyo si dadban qayb uga noqon karto abaabulka faldambiyeedka iyo sammayntiiisa.

Sidaad darteed, guud ahaan soo koobideenna, waxaan isku dayaynaa in aan ifiiminno waxa uu xoogga saaraya xeerka la dagaallanka argagixisada, maadaama uu yahay sharci  dhaqangal ka ah, guud ahaan waddanka.

Xeerka la dagaallanka argagixisada wuxuu sharaxaad baaxad wayn ka bixinayaa waxa loo aqoonsanayo Argagixiso, Urur ama Koox, Argagixiye, Fal argagixisanimo, Dambi argagixiso, Afkaar iyo Caqiido argagixiso, Maalgelin argagixiso, Hanti argagixiso ayada uu xeerkani si taas lamid ah uu caddaynaya mid walbo ciqaabtiiisa, kolka uu falka dhaco iyo heer walbo uu maraayo isku daygiisa.

Dhammaan kooxaha sare ku xusan mid walbo oo kamid ah falka ay sameeyaaan xeerka wuxuu u aqoonsanayaa fal argagixiso, hadii koox ama shaqsi kamid ah lagu helo faldambiyeedka ku xusan xeerkaani ee ah ahaanshaha argagixiye ama koox argagixso ah, waxaa la xayirayaa hantida qofkaasi ama kooxda, waxaa lala wareegayaa hantida hadii lagu helo faldambiyeeedka, ayada oo sammaynta falka iyo ujeedkiisa keliya lagu caddaynayo in uu yahay falkaasi mid argagixiso iyo in uu yahay fal dambiyeed caadi ah.

Halbeegga xeerkani uu falka uu ugu aqoonsan karo in uu yahay mid argagixiso iyo in kale, waa qeexidda erayga argagixisanimo oo qeexitaabkeedu lagu soo koobay; adeegsiga xoog, kicinta xasarad, rabshad ama ku hanjabid aan sharci ahayn oo laga sameeyo dalka gudihiisa ama dibaddiisa, si loo xaqiijiyo ujeedo argagixiso. Ujeedo argagixiso waxaa noqonaya wax kasta oo looga dan leeyahay in bulshada dhexdeeda looga abuuro xaalad argagax ah ama khatar lagu galiyo nolosha dadka, hantidooda, xorriyadooda, xuquuqdooda, isla markaana lagu waxyeeleeyo bed-qabka bulshada iyo amnigooda ama lagu dhibaateeyo kaabayaasha asaasiga ah ee dawladda, nidaamka guud iyo danaha qaranka ama lagu cuuryaamiyo hay`adaha dawladda iyo adeegyada ay bixiyaan ama lagu waxyeeleeyo. Sidoo kalena lagu hanjabo hay`adaha caalamiga ah iyo kuwa diblomaasiga ah; iyadoo la adeegsanato hub, qaraxyo, maaddo holacda, sun, feyras iyo agab kasta ee kale oo isla ujeeddadaas lagu gaarayo.

Xeerkani wuxuu xeerinayaa dhismaha maxkamad iyo xeer ilaalin rayid ah, oo qaabilsan la dagaalanka argagixisada ayada oo ay maxkamadda labo darajo noqonayso, inta ay ka dhammaystirmayaan dhisidda maxkamdahaas waxaa si ku meel gaar ah shaqada usii wadaya maxkamadda ciidamada qalabka sida iyo xeer ilaalaalinta ciidmada darajooyinkooda kala duwan.

Wuxuu sidoo kale, dammaanad qadaayaa hadii koox ama qof hanti laga xiyaro ama ay golaha wasiirada ku daraan liiska argagixasada ee dalka, ayada la adeegsanayo xeerka cunaqabataynta maaliyadeed ee cayiman, islamarkaasna ay cadaato in aanu kamid ahayn kooxdaasi, waxuu qofkaasi ama kooxdaasi xaq uyeelanayaan raaligelin iyo magdhaw udhigma dhibka gaaray.

Sharciga wuxuu Hay’adaha amniga u awoodsiinayaa dhagaysiga taleefannada la tuhunsaha, ayada oo ay waajib tahay cidda ay qusaydo hawlahaasi oo ah shirkadaha isgaarsiinta in ay kala shaqeeyaan hawlawadeennada amniga, ayada oo ay shardi tahay in ay maxkamadda awoodda uleh ay oggolaansho nuucaasi caddaynaya ka haystaan, hase yeeshee, marka ay jiraan xaalada degdeg ah, ayaga oo amar ka helaya wasiirka amniga ayay fulin karaan dhagaysiga ama dhex-galka leenka, waxaase waajib ah in 24 saac gudahood maxkamadda awoodda u leh u soo  gudbiyaan xogtaas, haddiise ay dhaci waydo, caddayn lid ku ah eedaysanaha ahaan loogama isticmaali karo maxkamadda horteeda.

Waxaa saaran hay’adaha amniga ama sargaalka guud, ilaalinta xogta dhawrsan ee qofka, taas oo lagu helay dhagaysiga ama dhexgalka laynka. Hadiise ay xogtaasi baxdo sargaalkaasi wuxuu mudanayaa ciqaabta ku xusan xeerka ciqaabeedka soomaaliyeed oo noqon karto ku tagri fal awoodeed ama masuuliyad darro.

Hay’adahaa amniga ee qaabilasan la dagaallanka argagixisada waxay soo xiri karaan qofka la tuhunsan yahay ayaga oo aan haysan waaran maxkamadeed, waa hadii uu qofka la tuhunsan yahay looga cabsanaya in uu ka baxo gacanta hay’adaha amniga, waxaase waajib ah in 48 saac gudahood maxkamad lagu horgeeyo. Qofna ma xernaan karo wax kabadan 6 bilood ayada oo aysan socon shaqo baariseed.

Ugu danbayn, sookoobiddaan waa iftiimin kooban oo diiradda saaraysay waxa uu sharciga ka hadlayo, si guud. Waa ay jiraan dhalliillo sharci oo ubaahan turxaan bixin iyo sharaxaad guud oo ah tilmaanta qodobada ubaahan wax ka baddel wax ku ool ah, iyo sharaxaadda qodob  kasta iyo waxa uu ku qaldan yahay. Sidaas darteed, kaalintaasi waa mid bannaan oo ubaahan gorfayn, iyo sharaxaad, maadaama xeerka lagu dhaqi doono dadka Soomaliyeed, sharci yaqaanka uu bulshadaas ka mid yahay. Inta ogaalkayga ahna majiro sharciyaqaan wax ka qoray dhaliisha uu xeerka leeyahay.

One thought on “Faallo: Xeerka La-dagaalanka Argagixisada

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *