Ebistimoolaji (Epistemology) |Q. 1aad.

Waxaa qoray: Cabdifitaax Ashraf

Ebistimoolaji (Epistemology) |Q. 1aad.

Ma laga yaabaa wali in aad is waydiisay su’aalo noocaan ah: Waa maxay aqoon? Maxaana lagu kala saaraa  waxa aqoonta ah iyo waxa aan ahayn? Sidee ku ogaan karaa in aan aqoon leeyahay?

Dabcan haddii aad tahay dadka falsafadda u dhuundaloola mar uun maankaaga waa ay ku soo dhaceen ama ugu yaraan meelo ayaad ka akhrisay, haddiise aadan xertan ka mid ahayn hubaal waad la yaabaysaa, sababta oo ah waxa aad aaminsan tahay in aqoontu aqoon uun tahay oo meel loo sii dhaafaa aysan jirin, ama waxa aad aragtaa wax aan mudnayn in la is warsado.

Ebistimoolaji: waa in si falsafadaysan loo darsaa dabeecadda, asalka iyo xaduudda aqoonta aadanaha. Eraygan waxaa laga soo dhiraandhiriyay labo eray oo Giriig ah kuwaa oo kala ah ‘epistēmē’ oo aqoon loo la jeedo iyo ‘logos’ oo barasho la micne ah. Sidoo kale majaalkan waxaa hadda oo uu caan ku yahay oo loo yaqaanaa “Aragtida aqoonta” ( Theory of knowledge).

Sida uu Aristotle lahaa falsafaddu waxa ay ku bilaabataa qaab dhakafaar ah ama halxiraale oo kale ah , oo cidna si dhab ah uma ogaan karto xilliga ay soo falsafad cusubi shaacbaxayso. Aadanaha sidiisaba waxa uu jecel yahay in wax ogaado naftiisa iyo dundia ku xeeran si fahan buuxa uga helo, balse dadka badankii meel dhexe ayay ku haraan, sababta oo ah taas waxa ay u baahan tahay feker iyo baaritaan badan, sidaa darteed ayaa ay meel hoose ku qancaan, halka dad kooban ay sii daba joogaan baairsta koonka iyo naftoodaba, heer ay natiino la taaban karo ka gaaraan.

Haddaba Ebistimoolajilaydu waa dadka ku foogan baairsta iyo ogaanshaha waxa ay aqoontu tahay, jiritaankeeda, habka lagu hanto iwm. Haddii dib loo tixraaco taariikhda Ebistimoolajiga waxa uu soo bilowday qarnigii lixaad ee ka hor dhalashadii Nabi Ciise, ka sii horna waa uu jiray sida dadka qaar qabaan, balse waxa uu hanaqaaday xilliyadii baraaruga (Renaissance age), maanfurka (Enlightenment age) iyo wixii ka dambeeyay.

Ebistimoolajiga haddii la soo koobo waxa uu darsaa maxaa aqoon? Sidee aqoon lagu helaa, sidee ku ogaan karnaa in aan wax naqaan?

Waa maxay aqoon?

Doodda kala duwan oo aan halkan ku soo koobi karin xitaa aysan buugaag koobayn ayaa ka dhex dhacay falaasigada si ay qeexitaan ugu helaan waxa aqoonta la yiraahdo, ugu dambayn waxaa lagu soo gunaanuday oo noqotay jawaabta ugu macquulsan in aqoontu tahay “Aaminaad run ah oo la caddeeyay” (Justified true belief”

Haddii aan sharraxaad kooban ka bixinno qeexitaankan sare waxaa laga la jeeddaa: kow in aqoontu tahay aaminaad, marka uu qofka leeyahay waxan waan aqaanaa isla jeerkaas waxaa qasab in uu aaminsan yahay, tusaale ahaan haddii aad tiraahdo waxan waa geed oo waan aqaanaa, waxaa aad aaminsan tahay in uu geed yahay, taas waa aaminaaddii, shardiga labaad waxa uu noqonayaa in waxan aad aaminsan tahay ay run yihiin, run marka la leeyahay waxa la kala saarayaa waxan sida sy u jiraan ee dhabta iyo sida qofku u haysto, meeshaan waxaa soo galaya garashada qofka (perception), garashadaada ama sida aad adiga u haysto ma muujinayso runnimada shayga, waxa loo baahan yahay in aad shayga u aamintl sida uu dhab ahaan  yahay shaygu oo u jiro, si loo helo taa oo aad runnimada  waxan u ogaato waxaa qasab ah in “caddayn” la helo, qofka si uu u aamino in waxan ay geed yihiin waa in uu helaa sababo macquul ah  oo maangal ah, lana tijaabin karo, waad caddayn kartaa waxan in ay geed yihiin haddii aad fiiriso oo aad taabato dadkana waad ku qancin kartaa.

Si loo dhaho waxan wa aqoon marka hore waa in ay run yihiin, aamintaa, caddayn aad ku qanacdo dadkana ku qancin kartana aad u heshaa.

Haddii aad wax been ah u aamininto in uu run yahay, marnaba waxaa aqoon ma noqonayaan, tusaale ahaan haddii aad aaminsan tahay in Jowhar ay Bakool ka tirsan tahay, walibana aad rumaysan tahay sababtuna ay tahay in qof uu sidaa kuu sheegay, haddaba waxaa aqoon maaha,sababta oo ah aslanba aaminaadda ayaa been ah oo Jowhar Bakool kama tirsana.

Aaminaad wax been ah aqoon ma ahan, aqoonta sideedaba wax been ah ma noqoto, oo shardigeeda ugu wayn waa in wax run ah la aamino loo na helo caddaymo ku filan oo caqligal ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *