FAAQIDAADA DASTUURKA IYO QAAB-DHISMEEDKA DAWLADNIMADA MARAYKANKA
By: Abdurisaq Abdurahman Abdullah
Hordhac:
Dowladanimada-cusubi ee dunida maanta ka jirta kuma dhalan kedis ee waxay ku timi dadaalo badan oo soo socday boqolaal sano oo falaasifo, mufakiriin iyo siyaasiyiin soo wadeen oo markii danbana dhaliyay kacdoono, ha ugu waynaado kacdoonkii faransiiska oo saameyntiisu gaartay dunida oo dhan, halkaasina waxaa ku dhashay dowlad ku dhisan hishiis bulsho oo ka fog tii boqradu ay ku takrifalijireen awoodda iyo hantida shacabka.
Dabcan dunida maanta waxaa ka jira nidaamyo maamul – dowladeed – oo kala gadisan se waxay badi ka midaysanyihiin inay hay’adaha dowladdu u qaybsamaan saddex; sharcid dajin, fulin iyo garsoor. dowladda Mareykanka waa mid ka mid eh dowladihii ugu horeeyay ee nidaamka saddexda hay’adood dhidibada u aasaasay. Dastuurka Mareykanka wuxuu ka mid yahay dustuurada ugu faca weyn dunida ee weli shaqeeya, wuxuuna aad u tixgaliyaa mabda’a kalasaaridda awoodaha dawladda; saddexda hay’adood inay kala madaxbanaanaadan iyagoo isla xisaabtamaya, tusaale yar, ma ogolaanayo dastuurka Mareykanka xubin Koongereeska ah inuu xil ka qabto hay’adaha fulinta ama garsoorka, halka dalalka qaar sida Ingiriisku madaxa golihiisa fulintu – Raysulwasaarah – laga soo dhex-doorto barlamaanka.
Waxaa kale oo xusid mudan, dastuurka Mareykanku wuxuu ku qotomaa dimuqraadiyadda iyo ilaalinta xorriyaadka shacabka, wuxuuna barrabixiyaa kaligii-talisnimada ama awoodda dowladdu inay hal qof gacanta u wada gasho, wuxuuna ku xadeeyaa awoodda madaxweynaha marwalba Koongareeska. Waxaa kale oo dastuurka mareykanku muhimad gaar eh siiyaa xuquuqda muwaadinka, fiiri faqrooyinka gadaal looga soo daray, sida: xaqa codaynta, mamnuucida addoonsiga, mamnuucidda in la xero muwaadin ama la baaro hantidiisa iyadoo maxkamad ogolaansho laga wadan… iyo kuwa kale. (U.S. Senate: Constitution of the United States, n.d.)
HOOS U DAADAJINTA XUKUNKA:
Mareykanku waa mid ka mid eh dalalka fadaraalka ee hoos u daadajiya awoodaha dawladnimada; si kale haddan u dhigno waxaa ka jira sadex xukuumadood/maamul oo isku hoos jira, oo mid walbana leedahay xuduud ama waajibaad laga rabo inay u fuliso shacabka:
Xukuumadda/Maamulka Deegaanka: waxaa laga rabaa adeegyo badan inay u fuliso muwaadiniinta sida adeegyada biyaha, qashin saarka, guryaynta, gaadiidka dadwaynaha, dib u qaabaynta manaahijta waxbarashada… iyo kuwa kale. Xukuumadda deegaanka waxay ka koobantahay dhamaan laamaha dowladda laga rabo; gole shurcidajin oo loo yaqaano golaha deegaanka, maxkamado iyo gole fulin – Duqamagaalada.
Xukuumadda/Maamulka Gobolka: waa ka balaarantahay golaha deegaanka, sidoo kale waxay leedahay saddexdii laamood ee dowladda; gole fulin, gole garsoor iyo gole sharcidajin oo heer maamul goboleed eh. Maamul-goboleedku wuxuu badanaa mas’uul ka yahay: dhisidda wadooyinka magaalooyinka isaga goosha, cusbitaalada, dhisidda iyo maalgalinta iskoolada iyo jaamacadaha iyo cashuur ururinta… iyo kuwa kale.
Xukuumadda Fedraalka: dabcan waa xukuumadda wada maamusha dal weynaha mareykanka oo dhan, waxayna mas’uul ka tahay: habaynta ganacsiyada gobolada u dhaxeeya iyo dowladaha shishiiye, go’aaminta qarashaadka dowladda meelaha lugu bixinayo… iyo hawle kale oo badan.
Haddaba, waa side qaab dhismeedka saddexda hay’adood ee federaalka? Maxa tahay mas’uuliyadaha laga rabo? Qaabkeena ku yimaadaan xubnaha hay’adahaasi?
HAY’ADDA SHARCI DAJINTA:
hay’adda sharci dajinta Mareykanku waxay ka koobantahay laba gole oo kale eh: aqalka hoose [House of representatives] iyo aqalka sare [Senate] waxaana labadoodu laysku dhahaa [Congress]. Sida caadiga eh aqalka hoose ayaa soo curiya ama soo dhiraandhiriya sharciyada oo markuu ansixiyana u soo gudbiya aqalka sare oo awooda inuu wax-ka-badal ku sameeyo xeerkaas, laakin labada aqal ansixintooda kama dhigno in xeerkaas sidaasi ku hirgalayo ee waxa dhiman ansixinta madaxweynaha, hadii uu madaxweynuhu ka gaabsado waxaa laga rabaa congressku saddex-meelood laba 2/3 inay isku raacaan si xeerkaasi u hirgalo.
Aqalka hoose [House of representatives]:
Wuxuu ka koobanyahay 435 xubnood oo kala mataalaya dhamaan gobolada mareykanka, si ay matalaad sax ahi u dhacdo gobalba kuu ka dad badanyahay ayuu ka kuraas badanyahay, tusaale: Alaska wuxuu leeyahay 1 kursi halka faloorida ay leedahay 28 kursi. Xubanaha aqalka hoose waxa si toos eh u soo doorta shacabwaynaha mareykanka, muddo xileedkooduna waa 2 sano oo kaliya.
Xubnaha aqalka hoose iyaga iska dhex xula gudoomiyaha aqalka, si kale hadaan u dhigo, xisbiga aqlabiyadda ku leh aqalka ayaa iska soo dhex xula gudoomiyaha!
Aqalka sare [Senate]:
Aqalkani wuxuu ka koobanyahay 100 xubnood oo matalaaya 50 gobal ee Mareykanka, gobolkiiba waxaa uu leeyahay 2 xubnood, kumana xirna tirada dadka sidii aqalka hoose. Golaha waxaa mar walba madax u noqonayo sida uu qabo distuurka Mareykanku: madaxweyne kuxigeenka dalka, laakin wax coda eh ma leh, kaliya wuxuu cod yeelanaa marka xubnaha golaha isku cod noqdaan oo qof kala saaro loo baahdo. Iyadoo madaxweyne kuxigeenku madax u yahay golaha, haddana waxay iska dhex-doortaan gudoomiye kusime eh oo gudoomiya golaha markuu madaxweyna kuxigeenku mashquulo.
Waxaa xusid mudan, marka uu goluhu rabo inuu xaqiijiyo –maxkamadeeyo – masuul ay xubnaha aqalka hoose u soo codeeyeen in xilka laga xayuubiyo, hadii uu masuulkaasi yahay madaxweynaha [presidential impeachment] wuxuu dastuurka Mareykanku qabaa in kal fadhigaasi hogaamiyo guddoomiyaha maxkamadda sare.
Xubnaha aqalka sare waxaa si toos eh u soo doorta shacabwaynaha mareykanka, waagii hore – ka hore 1913 – waxaa soo xuli jiray aqalka hoose, muddo xileedkooduna waa 6 sano.
HAY’ADDA FULINTA:
Dunida waxaa ka jira nidaamyo maamul oo kala gadisan sida; nidaam barlamaani, nidaam madaxweyne iyo nidaam-iskudhafan. Presidential system; oo eh nidaam madaxwaynuhu awoodda ugu badan leeyahay ayaa ka jira mareykanka. Madaxweynaha Mareykanku wuxuu leeyahay kuxigeen isku mar la soo wada doorto, oo muddo xileedkooduna wada yahay isku mid – afar sano. Kuxigeenku wuxuu buuxinayaa xilka madaxweynaha haddii madaxweynuhu xilkiisa ku waayo; dhimasho, iscasilaad ama xilkaxayuubin (Diehl et al., 2009).
Wuxuu dastuurka Mareykanku siinayaa madaxweynaha awoodo laakin waxaa shardi eh oo ku lifaaqan inuu koongareesku – badanaa aqalka sare – ansixiyo tusaale; magacaabista wasiirada, garsoorayaasha maxkamada fadaraalk, safiirada, galista hishiisyada caalamiga eh… Iyo waxyaabo kale. Hay’adda fulinta kuma koobno madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa oo kaliya, waxaa kale oo ka mid eh; golaha wasiirada, guddiyo, komishano iyo waaxyo, waxaana loogu talogalay inay fuliyaan shuruucda iyo shaqooyinka loo idmaday. Badi Xubanaha hay’adda fulinta waxaa soo magacaaba madaxweynaha laakin laakin waa inay ansixiyaan xubnaha aqalka sare – aqlabiyad fudud.
HAY’ADDA GARSOORKA:
Badanaa garsoorka gobollada Mareykanka malaha hal miisaan oo jaango’an; maamul walbana garsoorkiisa isagaa qaabaysta, heerarka uu leeyahay qaabka loo soo xulayo garsoorayaasha i.w.m.
Halkani waxaan ku fiirinaynaa qaabka garsoorka Mareykanka ee heer federal; maxkamadda federaalku waxay leedahay saddex heer oo kala sarsareeya; maxkamadaha-degmooyinka, maxkamadaha racfaanka iyo maxkamadda sare:
Maxkamadaha degmooyinka [district courts]:
Maxkamadda degmada waa maxakamad heerka koobaad ee federaalka, waxay qabataa dhamaan kiisaska dambiyada iyo kuwa madaniga [Criminal & civil cases] ee heer federal gaarsiisan. Garsoorayaasha maxkamadda dagmada waxaa si toos u soo magacaaba madaxweynaha Mareykanka waxaana shardi eh inuu aqalka sare ansixiyo. Garsoorayaasha degmaduna malahan muddo xileed go’an, waxayna hayn karaan xilka ilaa intay rabaan uuna dhaqankoodu fiicanyahay, keliya waxaa xilka ka xayuubin karo labada aqal [congress].
Maxkamadaha degmooyinka waxay magacaabaan garsoorayaal ka caawiya howlaha garsoorka, gaar ahaan danbiyada yaryarka, garsoorayaashaas la magacaabayna wuxuu muddo xileedkoodu yahay 8 sano hadii ay maalin dhan shaqaynayaan ama 4 sano haddii ay maalin-haafkeed shaqeynayaan, waxaana loo yaqaanaa [Magistrate Judges] halka maxkamadda ay ku howlgalaan loo yaqaano [Magistrate Courte].
Waxaa kale oo jira maxkamado degmo oo heer federal oo hawlo gaar eh qaalbilsan, sida: United States Tax Court, Bankruptcy Court, United States Court of International Trade iyo kuwa kale.
Maxkamadaha racfaanka [Circuit courts]
Maxkamadda racfaanka waa maxkamadda heerka labaad, waxayna qabataa wixii kiis eh oo racfaan looga soo qaatay maxkmadaha degmooyinka ee heer federaal. sida magaceeda Af Ingiriisiga ka muuqata [Circuit court] waa maxkamad u xilsaaran gobollo gaar eh, waxaana Mareykanka ka jira 12 maxkamdood oo racfaan heer federal eh [12 circuit courts], tusaale Maxkamadda 5aadee racfaanka waxay qabataa kiisaska racfaanka ee ka yimaada gobollada Texas, Louisiana, iyo Mississippi oo keliya.
Garsoorayaasha maxkamadda racfaanka waxa si toos u soo magacaaba madaxweynaha Mareykanka lakin shardi waa in aqalka sare ansixiyaa [senate], garsooraha la magacaaba malaha mudo xileed go’an, xilku waa uu hayn karaa ilaa inta uu ka dhimanayo uuna dhaqankiisu fiicanyahay, waxaana xilka ka xayuubin karo labada-aqal [congress].
Waxaa kale oo jira maxkamado racfaan oo arrimo/kiisas gaar eh qabta sida: United States Court of Appeals for Veterans Claims, United States Court of Appeals for the Armed Forces… iyo kuwa kale.
Maxkamadda sare [Supreme court]:
Waa maxkamadda ugu sareesa dalka oo dhan, waxayna qabataa dhamaan wixii racfaan eh oo soo dhaafa maxkamadaha recfaanka ee heer federalka iyo heer gobol.
Kiisakas soogaara maxkamadda looma wada ogolaado dhagaysi – sababtuna waxaan u malaynayaa kiisaska oo badan iyo maxkamadda oo hal eh – kaliya kiisaska adag ayaa loo ogolaadaa dhagaysi, laakin maxkamaddu waxay go’aan ka soo saartaa dhamaan kiisaska loo soo gudbiya – go’aan kama dambays eh.
Maxkamadda sare waxay ka koobantahay 9 garsoore oo midi yahay gudoomiyaha maxkamadda sare, dhamaantoodna waxaa si toos u soo magacaaba madaxweynaha Mareykanka, se waa in aqalka sare ansixiyaa. Garsoorayaasha maxkamadda sare malaha muddo xileed go’anne. (U.S. Attorneys | Introduction To The Federal Court System | United States Department of Justice, n.d.)
Garsoorayaasha maxkamadaha mareykanka waxay leeyihiin go’aanka ugu danbeeya ee kiiska, xaddidaya ciqaabta ama xukunka ku haboon , laakin waxaa ku lifaaqan koox dacwadda dhagaysta oo loo yaqaano Xeerbeegti [Jury] oo ka kooban 12 qofood, waxaana lagu dhaariya in ay xaqiiqada ka sheegaan dacwadda ay dhagaysandoonaan, dhagaysiga dacwadda ka dibna si gaar eh ayay kiiska u falanqeeyaan iyaga oo go’aankoodana u gudbiya garsooraha, waxaana laga soo xulaa bulshada deegaankaas – deegaanka ay maxkamadu ku taalo.
Haddaan u nimaano xeerilaalinta, Xeerilaaliyuhu sida magaciisa ka muuqata waa mas’uulka laga rabo inuu ilaaliya qaanuunka oo danbiilayaasha horgeeyo maxkamadda kuna cadeeyo danbiga ay galeen. Waxa Mareykanka ka jira 94 xeer-ilaaliye oo heer federal eh, aad bay u yaryihiin marka loo fiiriyo tirade dadwaynaha Mareykanka laakin xeer-ilaaliyaashaas waxa gacansiiya oo ayna wakiishaan caawiyaal ku xeel dheer sharciga [Assistant attorneys] oo uu soo magacaabo xeerilaaliyaha guud. Xeer-ilaaliyaha guud waa madaxa xafiiska xeerilaalinta, sidoo kalana xeerilaaliyuhu waa wasiirka cadaaladda ee dalka, waxaana soo magaacaba madaxweynaha, waxaa se shardi eh inuu aqalka-sare ansixyo.
Dhanka doorashooyinka haddaan fiirino, waxaa Mareykanka ka dhaca laba doorasho; midi waa doorashada weyn [general election] ee doorashada madaxweynaha iyo xubno kale ay wada dhacaan. Halka doorashada labaad ee Mareykanku leeyahay loo yaqaano doorashada-dhexe [mid-term election] iyadana xubno badan ayaa la doortaa, waxay dhacdaa 2 sano ka dib doorashada wayn.
Doorashada weyn waxa la doortaa:
· Madaxweynaha oo mudo xileedkiisu ahaan doono 4 sano.
· Dhamaan xubanaha aqalka hoose oo muddo xileedkooduna ahaan doono 2 sano.
· Tiro xubno aqalka sare ah, ku dhawaad saddex qaybooyd qayb (1/3), oo muddo xileedkoodu ahaan doono 6 sano.
· Tiro madaxweyne-goboleed (ku dhawaad haaf), muddo xileedkooduna waa 4 sano.
· Tiro guddoomiyayaal degmo.
· Tiro xubno barlamaanada goboleeydada.
· Tiro garsoorayaal (keliya kuwa heer gobol eh).
Waxaa xusid mudan qaabka loo doorto madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa maaha doorasho toos eh oo shacabku toos u doortaan, ee waxaa loo doortaa qaab dadban oo soojireen eh, waxaana madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa doorto gole loo yaqaano: golaha doorashada [electoral college] oo ka kooban 538 wakiilo oo matalaya dhamaan gobalada Mareykanka iyo dagmada kolombiya – waa halka ay ku taalo caasimadda Washington – madaxweynuhu si uu ugu guuleysto kursiga waa inoo helaa codadka 270 wakiil doorasho.
Dastuurku Mareykanku wuxuu ogolyahay gobol walba qaabkuu rabo inuu u soo xusho wakiiladiisa. sidoo kale waxaa xusid mudan, tirada wakiilada ee gobolladu leeyihiin waxaa jaangooynaya tirda dadweynaha ku nool, gobolba gobolka uu ka dad badanyahay ayuu ka wakiilo badan yahay, tusaale gobolka California oo ugu dad badan Mareykanka wuxuu leeyahay 55 wakiil doorasho, halka Minnisota leedahay 10 wakiil doorasho.
Wakiiladu waxay u codeeyaan musharaxa hela codadka ugu badan gobalka ay matalayaan; musharaxii aqlabiyad ku hela gobal isagaa wada qaadanaya dhamaan codadka wakiilada ee gobolkaasi, tusaale: haddii dadyow ku sugan California codadkood u bato Musharax A, waxay 55 wakiilo u wada codeyn doonaan Musharaxa A, yeelkadood musharixiintii dirqiga looga guuleystay gobalkaasi, wax coda eh ka ma heli doono 55 wakiilo ee California!
Waxaa doorashada-dhexe la doortaa:
· Dhamaan xubnaha aqalka hoose maadaama mudo xileedkoodii uu dhamaaday.
· Tiro xubno aqalka sare ah, ku dhawaad saddex qaybooyd qayb (1/3).
· Tiro madaxweyne-goboleed (ku dhawaad haaf).
· Tiro guddoomiyayaal degmo.
· Tiro xubno barlamaanada goboleeydada.
· Tiro garsoorayaal (keliya kuwa heer gobol eh).
Badanaa doorasha-dhexe waxay jaangoysaa siyaasadaha madaxweynaha markaas xilka haayo, haddii uu waayo xisbiga madaxweynaha aqlabiyadda labada aqal wuxuu caqabado kala kulmi karaa ansixinta shuruucda iyo goa’aamada inta ka dhiman doorashada weyn – labada sano.
Gunaanad, waxa noo muuqata in nidaamka iyo dastuurku Mareykanku yahay mid isku dheelitiraya saddexda laan ee dawladda, sidoo kalana siinaya madaxbaani madaxweynaha haddana awoodiisa ku xadaynaya koongareeska taasoo meesha mar walba ka fogeynaysa doonista ama damaca qofeed – madaxweynaha – kaas oo waxyeeleen kara dawladnimada.
Tixraac:
Diehl, K., Mantel, J., Reuss, M., & Schmidt, J. (2009). Max Planck Manuals on Constitution Building: Structures and Principles of \ra Constitution. 2nd Editio.
U.S. Attorneys | Introduction To The Federal Court System | United States Department of Justice. (n.d.). Retrieved May 27, 2023, from https://www.justice.gov/usao/justice-101/federal-courts
U.S. Senate: Constitution of the United States. (n.d.). Retrieved May 27, 2023, from https://www.senate.gov/civics/constitution_item/constitution.htm
Fiiro gaar eh: qormadaan waxa kale oo ku faafiyay mareegta raad-reeb.com (https://raad-reeb.com/dastuurka-iyo-qaab-dhismeedka-dawladnimada-maraykanka/).
