Dhambaal ka yimd biyaha hoostooda

Dhambaal ka yimd biyaha hoostooda

Haddii aad jacaylkayga tahay iigu kaalmee sidii aan kaaga fogaan lahaa. Haddii aad dhaqtarkayga tahayna iigu gargaraar qaabkii aan kaaga bogsan lahaa.

Haddii aan ogahay in jacayku halistiisa leeyahay, waxba ma jeclaadeen. Haddii aan ogahay qoto dheeridda badda marnaba ma galeen. Haddii aan dhammaadka ogahay waxba ma bilaabeen.

Waan kuu xiisay, i bar in aanan kuu hilloowin, i bar sidii aan xididdada ugu siibi lahaa damacan qotoda dheer. I bar sidii ay ilintu ugu baabi’i lahayd gudaha bu’da. I bar sida jaceylku u dhinto, xiisuhuna u qurbaxo, aniga gadaashaa waxa aaan ahay buug baalashii laga jaray.

Tii dunida sidii tix suugaan ah iigu sawirtaay, laabtayda ayaad dhaawacyo gaarsiisay, waadna iga la tagtay adkaysigii.

Haddii aan kugu waynahay gacanta i qabo, madax ilaa majo mid uu caashiq harqiyay baan ahaye.

Hirka buluugga ah ee indhaheeda ayaa gunta hoose iiga dhawaaqaya mana lihi waayo-aragnimo jaceyl, mana haysto doon. Biyaha hoostooda ayaana ka soo neefsanayaa, waan maanshooday, waan quusay oo waan quusay.

Tii taaganta iyo tagtadaydaba ahaydeey, noloshayda noloshaydiyeey, ma maqashaa codkayga moolka hoose ee badda ka imaanaya, haddii aad karto iga soo bixi maanyadan, anigu ma aqaan sida loo sabbeeyo.

Haddii aan ogahay in jacayku halistiisa leeyahay, waxba ma jeclaadeen. Haddii aan ogahay qoto dheerida badda marnaba ma galeen. Haddii aan dhammaadka ogahay waxba ma bilaabeen.

W/Q: Nazaar Qabbaani
Tarjume: Cabdifitaax Ashraf

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *