Waxaa qoray: Usaama Hajitamaam
Hordhac
Maqaalkaan wuxuu soo koobayaa warbixin ciwaankeedu ahaa “New Chapter, Same Stalemate: Somalia’s War with Al-Shabaab”, ayna daabcaday hay`adda caalamiga ah ee xasaradaha adduunka (International Crisis Group). Warbixintu waxaa ay jawaabo u raadineysaa seddex weydiimo oo ay kala ahaa:
- Maxaa kasoo kordhay dagaalka lagu la jiro Al-Shabaab?
- Maxay muhiim u tahay in dib loo fiiriyo dagaaladaii ugu dambeeyey ee ay dowladdu lagashay AlShabaab?
- Tallaabooyin noocee ah ayaa ku habboon dowladdu in ay qaado, si ay dagaalkaan uga libin keento?
Walow warbixintu ay si qoto dheer uga dooday weydiimaha kore, hadana, aan si kooban isu dultaago seddex lakab oo aan isleeyahay warbixintu si fiican ayey ugaga hadashay.
1- Caqabadihii Kasoo Laabtay Dgalaakii safmareenka ahaa 2022
Bilo kadib dibu-doorashadiisa (August 2022), Madaxweyne Xasan Shiiq wuxa uu u tafaxeetay ajendihiisii 1aad, kaas oo ahaa ciribtirka kooxda Al-Shabaab ee Al-Qaacida xiriirka la leh. Wuxuuna ku dhawaaqay dagaal kooxahaas looga sifeynayo guud ahaan dalka, gaar ahaan Bartamaha iyo Koonfurta (All-Out War). Sababihii gulufkaas soo dedejiyey waxaa ugu weynaa kacdoonkii Beesha Xawaadle ay xilligaas kala hortimid kooxda Al-Shabaab, ayna go`aansadeen in ay heeryadooda iska dulqaadaan. Dowladdu iyada oo is tusaysa gulufka “Macwiisleyda” Xawaadle, waxaa ay dejisey qorshe ciidanka dowladda loogu daabulayo gobolka Hiiraan iyo guud ahaan maamulka Hirshabelle. Waxaa ayna taakule saanad ciidan iyo sahayba leh isugu geysey Macwiisleydii dagaalka kula jirey AL-shabaab. Dagaalkaan cusub kuwii hore wuxuu uga duwanaa, dowladdu waxaa ay ciyaartay illaa sedex istiraatiiji: Dagaal toos ah oo kooxda looga hortago, Dagaal fikir diimeed ah, kaasi oo culimada ay door muhiim ah ka qaateen, iyo dagaal dhinaca lacagaha ah, kaasi oo diirada lagu saaray beegisga akoomada looga shakiyey in ay AL-Shabaab u shaqeeyaan. Durba isla horaantii 2023, dowladdu waxaa ay gaartay libin lasheegan karo. Kooxda Al-Shabaab waxaa laga saaray qeybo muhiim oo Gobolka Hiiraan ah, si lamid ah waxaa lagu sii baacsaday Shabeelaha Dhexe, Galgaduud, iyo Mudug. Illaa ay dowladu is tustay in horaanta 2024 laga taqalusi karo joogitaanka kooxda guud ahaan geyiga Soomaaliyeed. Waxaa Iyana taasi barbar socday caqabado hor leh iyo dul-duleelo ka imaanayey safka dowladda.
Ugu horeyen, mar weliba oo Hiiraan laga sii durko oo gobolada kale loo gudbayo waxaa sii adkaanayey in la xejiyo cududa Macwiisleyda. Maxaa yeelay, qabaa`ilada kale dagaalku daacad uguma eheyn sida beesha Xawaadle. Si lamid ah, waxaa soo if-baxay kooxo ganacsi, macaash iyo fursado dhaqaale ka raadinaya isu keenida Macwiisleyda, iyaga oo dowladda ku riixay in ay mushaaraad iyo xuquuqaad u qorto Macwiisleyda.
Marka labaad, waxaa kaloo intaas dheeraa, dowladdu wax qorshe ah ugama degsaneyn qaabkii lagu xejin lahaa goobaha Al-Shabaab laga saaro. Tusaale, degaalkii Coosweyne Aug 2023 oo dowladda looga adkaaday waxaa uu dhaliyey in Ciidamada Xoogga Dalka (CXD) dib uga baxaan Wabxo, Budbud, Galcad, Massagawaay iyo Ceel Dheer. Walow Ceel-Dheer iyo Massagawaay dib u qabsadeen Dec 2023, hadana inta kale sidoodii hore ayey ku laabteen oo Al-Shabaab ayaa saldhigatay. International Crisis Group oo xiganaysa ilo amni sarsare, dagaalkii Coosweyne, AlShabaab wuxuu uga dhignaa dagaal jaangoyn doona sii joogitaankooda gobolada dhexe, oo hadii looga adkaado waxaa u qorshe ahaa in ay dhammaan isaga baxaan goboladaan oo ay furimaha baneeyaan. Sidoo kale, Aug 2025, ciidamada dowladda waxay dib isaga gurteen Caad, Camaara, Shabeeloow, Bacaadweyn iyo Xinlaba oo Mudug ah, Kadib markii Macwiisleydii ay garabkooda ka baxeen iyaga oo ka cabanaya in la gacan-bidixeeyey saadkoodii iyo xuquuqdooda.
Marka seddexaad, caqabadihii fashilka ku keenay dagaalka waxaa kamid ahaa, dowladdu iyadoo dagaalka kujirta ayey hadana waday qorashada, tababarida iyo diyaarinta askar cusub oo horleh, si ay dagaalka hore ugu galaan. Intii uu dagaalka socday, dowladda waxaa ay geed dheer iyo mid gaabanba u fuushay sidii ay kukeeni lahayd illaa 22,825 askar cusub ah oo uu Golaha Amaanka Qaramada Midoobay soo jeeidiyey in ay diyaar ahaadaan dhamaadka 2024 (UNSC S/RES/2628, 31 March 2022). Iyadoo taageero laga helayo dowlada Isu-taga Imaaraadka Carabta (UAE), waxaa ladiyaariyey illaa 15,000 askari oo tababro kala duwan ku soo kala qaatay Ethiopia, Masar iyo Uganda. Sidoo kale, waxaa la diyaar gareeyey illaa 10,000 oo Eretria tababartay. Walow saraakiil sar sare su`aalo ka qabeen tayada askartaan cusub iyo waxa ay ka goyn karaan furimaha dagaalka, haddana waxaa isla xilligaas jirtay caqabado ay kamid ahaayeen in askartaas cusub loo helin saanad dhameystiran oo ay ku howlgalaan, arintaana waxaa ugu wacnaa in sidii la rabay aan loo helin taakule ay yabooheen saaxibada dowladda. Waxaa kaloo ciidankaas cusub hareeyey musuqmaasuq baahsan oo lagula kacay saanaddoodii iyo sahaydoodii intaba. Crisis Group oo xiganaysa saraakiil sarsare, illaa 30-40% oo sahaydii ciidanka ah ayaa suuqa lagu kala iibsaday. Sidoo kale, in ay jireen magacyo mushaar ciidan lagu daldasha oo aan la ogeyn in ay jiraan iyo inkale (ghost soldiers). Tusale, dowladda waxaa u diiwaan gashan illaa 44,000 oo askar, waxaa keliya heegaan kujirey wax kayar 20,000.
Marka afaraad, caqabadihii dagaalkaas hareeyey waxaa kaloo ugu muhiimsaa in ay dowladda marnaba mudnaan (Priority) siinin dibu-heshiisiinta beelihii “Macwiisley” ku mideynsaa. Xoogaga Macwiisley, oo ay hormuud u ahaayeen beelaha Xawaadle iyo Abgaaal waxaa ay door lixaad leh ka ciyaareen gulufkii AL-Shabaab ka dhanka ahaa, iyagoo cududdooda isugu geeyey sidii deeganadooda uga nadiifin lahaayeen kooxdaas. Hase ahaatee, waxaa kaloo jirtey xaqiiq aan la iska indha tiri Karin, taasoo ah in beelahaas boogo hore dhextaallay. Dowladdu iyadoon wax ahmiyad ah siinin boogahaas ayey reerahaas sii hubeysey illaa mar dabme kala shaki yimaado, waxaana ugu wacnaa musuqmasuqii jirey, siyaasiin danley ahaa oo dagaalka hagardaamin kuwaday – illaa ugu dambeyn ay Abgaal iyo Xawaadle kala durkaan, arintaas oo keentay in gaabis kuyimaado howlgaladii laga waday xudduudaha labada gobol (Hiiraan iyo Sha. Dhexe), AlShabaab na ay u noqoatay fursad ay nasasho ku helaan.
Marka shanaad, intaa waxaa dheeraa, dowladdu wax ajende waara ah ugama degsaneyn dagaalka (long-term strategy). Sida ay wariyeen saraakiil ciidan iyo masuuliyiin dowladda ah, ayna horeyna u muuqatayba; dagaalkaan waxaa sabab u ahaa taageero loo fidinayo xoogagii Macwiisleyda Xawaadle, balse uu markii dambe isaga iskiisa ugu fidey gobolada kale oo guulo hore leh lagaaray. Dowladdu guulahaas iyadoo is tusaysa ayey dagaalkii kusii socotay, marba dhinac u boodeysey. Waxaa kale oo arinkaas wehliyey, go`aamada daglaaka keliya waxaa lagu koobay xafiiska Madaxweynaha JFS iyadoon wax mudnaan ah lasiin madaxdii maamulada iyo saraakiishii gobolada (Centralized Decision-Making). Waxaa kale oo dagaalka curyaamiyey khilaafaad soo laa laabtay oo u dhaxeeyey hogaanka CXD iyo Wasaaradda Gaashandhiga, uuna daarnaa cidda hogaanka iyo amarada dagaalka loo daba fadhiisanayo. Iyadoo intaas oo dul-duleelo ah ay jiraaan, ayaa waxaa halmar shaashadaha caalamka wada qabsaday heshiiskii is-afaradka ahaa ee u dhaxeeyay Itoobiya iyo Maamulka Soomaalilaan, kaa oo dhigayay, in Itoobiya ay hesho marin biyood. Crisis Group waxaa ay hoosta ka xariiqday in aqoonsigaan uu kamid ahaa sababihii gaabiska baahsan u keenay gulufkii dowladda.[1]
Isku soo wada duuboo, caqabadahaas kor ku xusan waxaa ay hagardaamiyeen mid kamid ah dagaalada Al-Shabaab lala galo kii ugu weynaa, weliba ahaa dagaalka isu biirsaday gacanta dowladda iyo mida shacabka. Waxaa kale oo ay mirihii iyo muhiimadii ka qaadeen tacabkii culimada iyo waxgaradka kaasi oo ahaa in kor loo qaado wacyiga dadweynaha lana jiheeyo aragti mideysan oo Al-Shabaab ka dhan ah. Sidoo kale, caqabadahaasi waxaa kale oo ay hal bacaad lagu lisey ka dhigeen dedaalkii iyo garab istaaagii ay bixiyeen saaxibada caalamiga ah ee dowladda, ayna macquul tahayba in ay adkaato sidii mar kale garab kaas lamid ah lagu heli lahaa.
2- Soo-Labo-Kacaleynta Al-Shabaab
Kadib dib u gurashadii CXD iyo xoogagga Macwiisleyda, labadii sano ee xigtay (2023-2024) Al-Shabaab waxaa ay waqtigooda ugu badan ku bixiyeen sidii ay kusoo kaban lahaayeen. Horaantii 2025 waxaa ay weeraro kedis ah ku qaadeen fariisimo ay dowladda ku lahayd Sha. Dhexe, waxeyna usii talaabsadeen Hiiraan, iyagoo halkaasi guulo lasheegan karo ay ka gaareen. Hiiraan gudaheeda waxaa ay iskacaabin adag kala kulmeen xoogagii Macwiisleyda Xawaadle. Se maqnaashiyihii doorka dowladda ayaa sababay in ay Macwiisleyda dib ugurtaaan. Si lamid ah, waxaa ay usii tallaabeen Shabeelaha Hoose, iyaga oo la wareegay wadada isku xirta Awdheegle & Afgooye, si ay u qal qal galiyaan amniga Caasimadda Muqdisho. Illaa heer ay walaac ku abuureen diblomaasiyiinta Xalane kusugan, gaareenna heer ay aaminaan in “Caasimadda lala wareegi karo”. Se kooxdu, bedelkii ay Muqdisho usoo ruqaansan lahaayeen waxaa ay isugu laabteeen sidii loogu laaban lahaa aagagii hore looga saaray, ayna uga soo kabsan lahaayeen dagaaladii ugu dambeeyey ee ay galeen 2019-2020 (xilligii MD “Farmajo”) iyo midkaan 2022-2023. Sidoo kale, waxaa ay guda galeen fulinta istraatiijiyad ay dantu qasabtay.
Marka koobaad, kooxda Al-Shabaab ee AL-Qaacidda xiiriirka laleh waxaa ay is bedelo ama iskushaandheyn kusameysey hogaankooda gobolada dhexe. Waxaa ay “Waaliga” gobolka Sha. Dhexe kusoo celiyeen Yusuf Sheikh Isse “Kabakutukade”, iyagoo halkaasi ka beddelay Waaligii hore kaas oo gobolka Baay kasoo jeeday. Crisis Group oo ilo sirdoon xiganaysa waxaa ay is bedelkaas ku sababeysey in Kabakutukade uu kasoo jeedo beesha Abgaal, uuna xiiriiro hoose laleeyahay jufa hoosaadyada beeshiisa, wax bandanna uga qareemi karo danaha kooxda. Si lamid ah, intii aysan gelin xaaladda soo kabashada, waxa ay hoggaan cusub u magacowday amniyaatkooda (Intelligence Services) iyagoo u magacaabay Abdullahi Osman Mohamed (loona yaqaano Engineer Ismail). Injineerku waxaa loo tiiriyaa in uu yahay gacanta midig ee amiirka guud ee kooxda, Abuu Diiriye. December 2025, dowladda iyo U.S.A waxaa ay sheegteen in ay Injineer Ismail ku dileen duqeymo Jilib laga fuliyey, se weli kooxda ma xaqiijin.
Marka labaad, Sidoo kale, kooxdu waxaa ay qaadday talaabooyin hor leh oo ay kusii xoojiso awooda maleeshiyaadkeeda. Waxa ay askareyn raaf ah ka bilowdey goobaha ay xukunto iyadoo ka faaideysanayso caradii ka dhalatay heshiiskiii Itoobiya & Soomaaliland, sheeganaysana in wadankii “Xabasho” kusoo duushay. Waxay sirdoono ku beereen gudaha CXD, iyagoo laba jeerba fuliyey howlgalo gudaha ciidanka ah (insider attacks). Mid ay kudileen Taliyahii guutada 14-October, Alle ha u naxariistee Korneel Nur Farey[2] iyo mid ay ku beegsadeen saraaakiil Imaaraati ah oo kusugnaa xero ciidan oo Muqdisho kutaalo.[3] Kooxdu, sida oo kale waxaa ay godad gabbaad ah ka qoteen goobaha ay maamulaan, taasi oo ay uga gol-lahaayeen in ay kaga gaashaantaan weerarada cirka ah ee aan kala joogsiga laheyn, kuwaas oo si wadajir ah u fuliyaan dowladda iyo saaxibadeeda caalamga ah. Waxa ay kaloo xiriiro lasameeyeen kooxda Xuutiyiinta Yemen si ay u helaan hub casri ah sida diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee wax duqeeya (drones), si ay isaga caabiyaan gulufyada mustaqbalka ku imaan kara.
Marka seddexaad, intii uu daglaaakii 2022 (All-out War) socday, kooxdu waxa ay casharo ka baratay cududda qabiilada iyo in ay eheyn mid la yareysan karo, gaar ahaan waxaa ay aad diirada u saareen xoogga Macwiisleyda beelaha Xawaadle iyo Abgaal; iyagoo istusay in aan awood ciidan reerahaas wax looga qaadi karin. Waxa ay bilowdey in ay heshiisyo nabadeed la gasho beelahaas, iyadoo ku andacooneysa in aysan fara saari doonin haddii ay ka soo baxaan safka dowladda. Sidoo kale, bedelkii hub ka-dhigista, waxaa ay Macwiisleyda u ogalaatay in ay hubkooda sitaan oo aan cidina laga qaadeyn. Kooxdu, waxay kaloo faraha ka qaadday mashaariicdii ay dowladdu ka fulisey deeganada intii ay gacantooda ka maqneyd si aan loogu arkin koox wax bur burin mooyee wax dhisid aan usocon. Waxay kaloo ka jawaabeen cabashooyin ay beelaha ka qabeen hab dhaqanka amiirada qaar. Crisis Group oo xiganaysa ilo sirdoon ayaa xustay, in nin amiir ka ahaa “Aadan Yabaal” uu halkaas gabar ku dhibaateeyey, ayna u dacwootay nabadoonkeeda. Nabadoonkiina kooxda si caro leh ula hadlay, arintaasi oo sababtay in amiirkaas laga beddelo degmadaas, oo deegaan kale loo wareejiyo. Kooxdu, waxa ay kaloo cuna-qabateynta ka qaadeen deegaano gobolada Baay & Bakool ka tirsan kuwaasi oo ay go`odoon kuhaayeen 10kii sano ee ugu dambeeyay. Kooxdu, si ay shacabka u tusto in aanay waxyeelayn doonin, waxa ay joojisey dilalkii iyo qaraxyadii beegsiga ahaa ee ay ka fulin jirtay xaruumaha ganacsiyda suuqa Bakaaraha, kuwaasi oo ay ganacsatadu hore ugu rakibeen CCVT cameras.
Marka afaraad, Kooxdu, sida oo kale, waxa ay albaabada u furtay hay`adaha gargaarka ka shaqeeya si ay wax uga qabtaan abaaraha iyo fatahaadaha wadanka ka dhaca. Tusaale, fatahaadihii dalka ka dhacay 2023 waxaa ay xiriiro la sameeyeen hay`adaha gargaarka bixiya ee dalka ka shaqeeya si wax loo qabto waxyeeladii dadka kasoo gaaray fatahaadaha. Hay`adaha iyagoo ka baqaya in adeegyada iyo shaqaalaha waxyeelo loo geysto waa ay diideen codsigii kooxda. Mar kale, horaantii 2025 kooxdu waxay codsi u dirsatay isla hay`adaha si wax looga qabto abaaro xilligaas jireen. Wadahadallo dheer kadib, kooxdu waxay garawsatay in ay albaabada u furto hay`adahaas iyadoo magacawday koox gudi hoosaad ah (Sub-Committee) oo arimaha gargaarka ka shaqeeya. Kooxdu, waxa ay kaloo hay`adaha gargaarka u sameysey canshuur dhaaf illaa 30% iyo in aan lataaban doonin shaqaalaha iyo agabyada gargaarka ka shaqeeya intaba. (Crisis Group oo xiganaysa shaqaalaha hay`adaha gargaarka, kuwaasi oo ku sugan deegaano ay kooxdu maamusho).
Haddaba, walow tallaabooyinkaan kore loo arko in ay kooxdu danta ku qasabtay, haddana xeel-dheerayaasha sirdoon iyo amni waxaa ay aaminsanyihiin in ay uga danleeyihiin sidii ay ku dhisan lahaayeen sumacad, si haddii xilliga dhow miiska wadahadalka la tago ay wax ugu goyso. Sida ay Crisis Group warisey, kooxdu waxaa ay qorsheyneysaa sidii ay ugu xuub-siiban leheyd dhinaca siyaasadda (Political Transformation) maadaama ay rabto in ay ka baxdo nolosha jabhadnimada. Si lamid ah, Crisis Group oo xiganaysa ilo diblomaasiyiin xeyndaabka Xalane ku sugan, isla gudaha xeyndaabka waxaa ka jirta dood is barbardhig loogu sameynayo kala duwanaashaha qaab-dhismeed ee u dhaxeeya Al-Shabaab & Talibanta Afghanistan iyo Hay’at Taxriir Al-Shaam oo Siiriy ah. Xalane waxa ay kaloo isu sawireysaa in ay kooxdu is bedel dhinaca siyasadda ah ay sameyneyso. Kooxdu, laftrirkeeda kama marna dhaq-dhaqaaqyada xeyndaabka ka socda, oo waxay mar weliba isku dayeysaa in ay cashara ka barato ururada kale sida Taliban. Se, dhibta marweliba u taallo ayaa ah in isedeladaan wax lataaban karo ka beddelin “si aragga” bulshada Soomaaliyeed. Waxaa kaloo isbedeladdaan wiiqaya cabsida ay kooxdu ka qabto dhiiga cusub ee ay sanadihii dambe abaabineysey, oo haddii ay miiska lafadhiisato dowlad ay “gaalnimo” ku shaabadeeyeen ay u keeni karto qilaafaad hor leh oo gudaha kooxda ah. Sidaasi oo ay tahayna, kooxdu weli waxa ay isu muujinaysaa in ay is beddel siyaasadeed gashay.
3- Af-meeridda Dagaalka
Dagaalka u dhaxeeya DFS iyo kooxda AL-Shabaab ee Al-Qaacida xiriirka laleh waxa uu soo jiitamayey in ku dhow 20 sano. Haddana weli dhinacna si toos ah uma adkaan. Labada dhinac, midba waxaa uu la tacaalayaa dhaawacyo u gaar ah oo uusan weli ka soo kaban. Kooxda AL-Shabaab waxaa ay geed dheer iyo mid gaabanba u fuushay in ay bulshada Soomaaliyeed isu tusto in ay iyaga yihiin ciddii la raaci lahaa oo aan “argigixiso” ahaan loo tixgelin, se weli aagaas libin aan cabburin eheyn kama keenin, taa oo marar badan ku sababtay in ay qabaa`ilada foodda is daraan oo xoog wax ku kala qaataan. Si lamid ah dowladda, waxa ay Iyana dhibbane u tahay kaalmo shisheeye oo dhinacyada sahayda, saadka, tababaridda, iyo taakuleynta intaba leh. Dowladdu waxaa ay si xad kabax ah ugu tiirsanatahay quwadaha reer galbeedka, iyo Dowladda Turkiga, walow tan reer galbeedka sanadihii ugu dambeeyey ay aad isu dhimaysay. Si ay DFS uga guul gaarto dagaalka kooxda Al-Shabaab lagula jiro, Crisis International Group waxaa ay soo jeedinaysaa tallaabooyiin dowladdu ay tahay in ay qaado, si ay hadafkooda uga guul gaaraan:
- Awood siinta Ciidamada Xoogga Dalka (CXD)
Sanadihii u dambeeyey, dagaaladii ay dowladda gashay badankooda waxa ay kutiirsanayd kaalmo shisheeye, oo CXD awood gooni u taagan weli manoqon. Si loo helo cudud ciidan oo howlgallada si madaxbanaan u fulin kara, dowladda waxaa lagudboon in ay ay dejiso istiraajiyad dagaal oo saldhig looga dhigayo xal u helida cilladihii kasoo laabtay dagaalkii 2022. Sida oo kale, dowladdu waa in ay madaxbanaanida hagitaanka howlgallada siisaa abaanduulayaasha dagaalka (full operational authority), si saameyn siyaasadeed looga fogeeye istiraatiijiyada cusub. Sidoo kale, istiraatiijiyadda waa in aysan ka marnayn ujeeddo guud oo kooxda miiska wadahadalka loogu keenayo, ka gadaal wiiqitaanka awoodooda. Crisis Group waxa ay kaloo soo jeedinaysaa in ay dowladda laba-jibaarto qorashada askar cusub, welibna ay bixiso tababaro heerkooda sareeyo, xal suganna u hesho mushaaraadkooda iyo xuqooqdooda intaba, si ay CXD awood ugu yeeshaan la wareegidda aagagga ay ciidanka Midowga Afrika banneyn doonaan mustaqbalka dhow (haddii aan xal joogitaan loo helin). Sidoo kale, dowladda waxaa la gudboon in ay tababaradaaas ay kubixiso gudaha dalka, si ciidanka looga foogeeyo kala duwanaasho xagga caqiidada ah (Common Doctrine).
Sida oo kale, dowladda waxaa la gudboon in ay dhaqaale ka baadi goobto waddamo aan eheyn kuwii hore looga bartay (non-traditional donors), gaar ahaan waddamada gacanka (Gulf countries), ayna wiiqdo ama hoos udhigto musuqmaasuqa gudaha, sameysana canshuur kordhin si saxan loo maamulayo ,si ay xal waara ugu hesho qalabeynta CXD. Dowladda, waxaa kaloo lagudboon in ay ka faa`ideysato heshiisyada kheyraad ay lagashay Turkida, si gaara dhinacyada tababarrada iyo qalabeynta CXD.
2-Kor uqaadidda Iskaashiga Amni
Khilaafaadka siyaasiga ah ee soo laalaabtay waxa ay ragaadiyeen midnimadii lagu wajihi lahaa dagalaaka Al-Shabaab. Waxa ay kaloo hoos u dhigeen iskaashiga amni ee ka dhaxeeya DFS iyo Dowladaha xubnaha ka ah (State Level). Dowladda dhexe, xiriir amni lama leh labada maamul ee ugu xooggan xagga ciidamada (waa Puntland iyo Jubaland). Ciidanka labadaas maamul waxa ay awood u yeesheen in ay Kooxaha argigixisada keligooda la dagaalamaan (Al-Shabaab & Daacish), welibana guulo lataaban karo ka keenaan, iyagoo aan wax gacan ah ka helayn DFS. Si awoodda kooxda Al-Shabaab loo wiiqo, Crisi Group waxaa ay soo jeedinaysaa in istiraatiijiyada cusub lagu soo daro maamul goboleedyada, miiska go`aannadana ay doorkooda ka qaataan, lana xoojio ciidankooda Booliika iyo Daraawiishta, si ugu yaraan ay u xejiyaan deegaanada Al-shabaab laga saarayo.
3-Xalka kama Dambeyska ah (Ultimate Solution)
Dagaalka DFS kulo jirto Kooxda Al-Shabaab ee Al-Qaacida xiriirka laleh waxaa uu soo jiitamayey ku dhowaad labaatan sano, iyadoon natiija kama dambeys ah laga gaarin hadafkii loo galay. Haddaba, dowladdu si ay uga guul gaarto dagaalkaan daba dheeraaday waxa la gudboon in ay istiraatiijiyada ku darsato sidii ugu dabmeyn wada hadal loogu soo afmeeri lahaa dagaalka. Wada-hadaladaasna waa in ay ahaadaan goor la wiiqay awoodii jabhadnimo ee ay kooxdu laheyd. Sidoo kale, dowladdu waa in ay feejignaan gaar ah u lahaataa is bedelada maamul iyo siyaasi ay kooxdu sanadihii dambe sameyneysey, ayna u arkin halis amni, ee ay taas beddelkeeda u aragto in ay noqon karaan calaamado muujin kara in kooxdu ay wadahadal diyaar u noqon korto (Approach to Negotiations).
Gunaanad
Dowladda iyo Kooxda Al-Shabaab, labada dhinacba waxa ay dhexda isagala jiraan dagaal aan dhanmaad laheyn. Si dagaalkaas uu dhamaad u yeesho waa in uu dhinac adkaadaa. Dowladda, weli waxaa ay latacaalaysaa kala tagsanaan siyaasi oo gudaha ah, taasi oo kala dhantaashay midnimadii lagu wajihi lahaa dagaalka. Sidoo kale, waxaa iyana cabsi hor leh ah saameynta ka dhalan doonto hoos udhicii ku yimid kaalmadii ay bixin jireen quwadaha shisheeye, taasi oo ugu dabmbeyn sababi karta in CXD keligooda furimaha looga tago. Laakiin, waxaa cad haddii ay dowladdu maareyn u hesho dhibaatooyinka dhaqaale, dejisana istiraatiijiyad ka duwan tii 2022, in ay guulo lataaban karo ka gaari karto furimaha dagaalka. Se marweliba, waxaa la gudboon in mudnaan lasiiyo wadahalada lala galayo kooxdaan, ka dib wiiqitaanka awoodooda. Taasi ayaana noqon karta xalka ugu dambeeya ee looga bixi karo daglaakaan daba-jiitanka ah (Stalemate War).
Tixraac
New Chapter, Same Stalemate: Somalia’s War with Al-Shabaab – Crisis Group Africa Briefing N°212, 30 June 2026 (https://www.crisisgroup.org/sites/default/files/2026-06/b212-somalia-alshabaab.pdf)
[1] (Crisis Group Commentary, “The Stakes in the Ethiopia-Somaliland Deal”, 6 March 20240.
[2] Garowe Online, 5 April 2025
[3] Al Jazeera, 11 February 2024