Caqlibadnida iyo awoodda curinta(Genius and the Power of Creativity

W/Q: Xasan Shiikh Nuur 

                         “Caalamku is kuma raacin qeexid go’an Cabqarinimada.

Halabuurka iyo xariifnimadu waa xuddunta awoodda iyo itaalka sare ee soo jiidashada. Ma jirto cid aadmiga uga habboon hibada unkidda goobo cusub( M-fields) ama ballaarinta koonkaan isku xiran; dhab ahaantii, kuwani waa qaybaha cad ee hindisidda iyo maanka. Weli waxaa jira xog yaraan ku  saabsan dabeecadda lagama maarmaanka ah ee tayada midkood – hababkaan sida dhow u bahoobay oo dahsoon.

Taariikhda aadamuhu waa diiwaanka halgankii aadmigu u galay in uu garto xaqiiqooyinka u muuqday kuwa leh fiiro dhumuc weyn. Aragtidheeridu waa wacyiga kara qeexid ahaan qaab dareen lagu garto awoodda helitaanka soo jiidashada tabarta sare ee naqshadaha. Ma aha tilmaan qofeed ama shay uu haysto ama uu samaynayo keliya. Dhimirweynidu aalaaba waa wax kuwa lihi ay hurayaan oo hilaadinayaan wax ka weyn iyaga, sifaadkooda is dhuldhigga ah iyo aragtidooda sarraysa. Cabqarinimadu inta badan waa su’aal soo ganid iyo u korosho amba sugid muddo aan la garaneyn muddadaas maanka ayaa rogrogaya mushkiladda, ka dib ayayna jawaabtu u soo baxaysaa si kedo ah hannaan aan hadal ahayn. Tusaale haan: Muusikiisteyaasha waa weyni sooyaalka oo idil wax ay sheegeen in aanay qorshayn muusikadooda, balse ay si fudud u qoreen wax ay maankooda ka maqleen. Aabbaha Orgaanik Kimistiriga Friedrich August Kekulé riyo ayuu ku arkay aragtidiisa ka hor inta uusan daahfaydin. Albert Einstein wuxuu lahaa aragti kacaan hayeeshe sanado badan ayay ku qaadatay in uu u rogo isle’eg xisaabeed oo qoran. Dhibaatooyinka ugu waaweyn ee garaadka ayaa ah in fahanka gaarka ah ee qof loo beddelo mid u muuqda oraah ay dadka kale fahmi karaan. Si ebyoon ayuu u fahmayaa cabqarigu waxa ku soo dhacay isaga, se nolosha oo dhan ayay qaadan gartaa in inta kale la garansiiyo. Sidaa darteed garashadheeridu wax ay u muuqataa si lamafilaan ah farriin u helid beddelka male-awaal iyo fekrado diyaar ah laakiinse u soconaysa hab aan la arkayn. 

In kasta oo caqliga cabqarigu la dayowsanyahy shiddo, haddana waxa uu samaynayo waa diyaarinta xalka uun. Waxaa jira loollan caqliga ah wax uu ku soconayaa caqligiisa qunyar ayuu u hagaaa ilaa uu ku geeyo jid xiran fekraduhuna istaagaan. Markaas wadda keliya oo furan ayaan ah in laga boodo qaabka soo jiidashada hooseeya oo loo boodo lidkeeda. Qaababka curintu wax

ay leeyihiin codad, sida codadka muusigga oo kale. Mar kasta oo codku kordhana waa markasta oo awoodda codku siyaaddo. Waana waxa caaqilka gaarsiinaya in uu curiyo cod cusub oon cidi uga horrayn. Dhammaan heerka horumarka aadmiga waa natiijo ka dhalatay ka soo kicidda heer hoose ilaa heer sare. Su’aasha ayuu is weyddiinayaa waxaa la hawgalinayaa soo jiitaha jawaabtuna wax ay ku jirtaa codadka. Sidaa awgeed baa la yiri waa 1 shay oo 2 dhinac leh ah”Two sides of one coin”ama”.وجهان لعملة واحدة”

Suurtaggal ma aha in shaaca laga qaado su’aal aan jawaabteeda la hayn. Haddii kale maba karneen soo bandhigidda su’aal gebi ahaanba. In aadan arkin baa laga yaabaa Cabaaqiro badan laakiin se caqlibadnidu wax ay ku jirtaa qof kasta oo innaga mid ah. Ma jirto wax la dhaho ayaan ama shilal, koonkuna ma ahan mid isugu xiran keliya bal iskaba daaye giddigeen wax aan nahay qayb ka mid ah. Heerka garashadu waa wax la wada leeyahay, cabqarinimadu waa derajo wacyiga ka mid ah.Hannaanka halabuurka iyo garaadka ayaa ku jira wacyiga aadanaha. Sida aan idilkeen u leenahay il wacyi cabqarinimadu wax ay ku jirta qof kasta oo innaga mid ah wax ayna sugeysaa duruuf iyo ammin habboon si ay soo baxdo.

Garaadbadnidu waxaa inta badan lagu muujiyaa isbeddel aragti – wax ka beddelka macnaha guud ama jaantuska. Maskaxdu wax ay la rafanaysaa dhibaato aan la fasiri karin, wax ay keenaysaa su’aal, deedna u diyaargarobaysaa in laga jawaabo. Isha jawaabta waxaa lagu sheegaa magacyo dhawr ah Galbeedku wax ay ugu yeeraan ilhaahyada ilhaaminta iyo gabayada. Kuwa ka mahad naqa iftiinka la helay wax ay u sii heellan yihiin awoodda garaadka ee kordhinta aqoonta; kuwa wax ismoodana waxaa dhakhsa u baabba’a libintooda. Awoodda sare, waa in si digtooni iyo xushmad leh loo maareeyaa.  

Aadmigu wuxuu marag ka yahay in cabqarinimada iyo ibdaacu kala jaad yihiin, waa muuqaallo ka gudba nafta shakhsiga ah. Cabqarinimada in la isku dhiibo ayaa loo baahan yahay, markaas ayuu faynuuskii caqligu ka soo baxayaa dambaska quusta halgan guuldarro ah ka gadaal.Jabku waxaa ka soo baxa liibaan; iyo is-hoosaysiinta, isku-kalsoonaanta dhabta ah. Xariifnimadu waa mid ka mid ah ilaha ugu weyn ee aan laga faa’iidaysan bulshadeenna. Ma aha wax dheeraad gaara ah marka loo eego shakhsi ahaan-dadka garaadka leh wax ay inta badan leeyihiin tiro hibooyin kala duwan, waxaana laga yaabaa in ay jawaabo u helaan kala duwanaanshahooda dhibaatooyinka. Haddana bulshadu wax ay la kulantaa khasaare weyn sababta oo ah ma garanayso sida loo kobciyo garaadkeeda, run ahaantiina inta badan waa mid aan dan ka lahayn ama cadow ku ah iyaga.Tani waa nasiib darro, sababta oo ah sifo ahaan kharash badan kuma bixiyaan ilaalinta.

Hab-nololeedka kuwa aan ku sheegno garaadka ayaa caadi ahaan fudud, waana dhif iyo naadir in ay danaynayaan maal ama magac. Cabqarigu waxaa lagu gartaa qaddarinta khayraadka iyo dhaqaalaha daacadnimada, sababta oo ah garaadku wuxuu qiimeeyaa nolosha wuxuuna arkayaa qiimaha ugu muhiimsan ee dhammaan tibaaxaheeda. Wax aan loo baahnayn in la sameeyana wuxuu u arkayaa waqti dhumis iyo beerdaro. Cabqarinimadu ma aha sida xiddigaha sida sahlan ku caan baxa farqina u dhaxayn iyaga iyo dadka caadiga ah mana aha dad tacliin leh. 

Waxa kala saaraya ayaa ah ka shaqaysiinta si daruuri ah waxa ay garanayaan si ay u kor noqdaan si ka fog seerahooda. Badankood waxaa la ogaadaa caqlibadnidooda kolka ay geeriyoodaan ka dib. Waxaa ka mid ah qaar mashaqo kala kulma noloshooda. Waxaa ka mid astaanta cabqarinimada shaqo kakan oo joogta ah. Kolka uu dareemo ilhaamin waxaa laga yaabaa in uu shaqeeyo labaatan saacadood oo xiriir ah maalintii joogsi la’aan isaga oo dhiifoon baarayana xalka dhib. Xilliyada qaar caajis iyo fadhiidnimo ayaa soo food-saara waana qayb ka mid habka hal-abuurka. Sidaa aawadeed bay si qaawan isu burinayaan nolosha iyo shakhsiyadda cabaaqiradu, wuxuu se ogyahay baahida waqti ay afkaartu caddaa doonto. 

Hal-abuurku wuxuu u dhacaa natiijo degganaan oo gudaha ah ee asiga oon dan ka la hayn waxyaabaha ku xeeran. Dhammaanteen wax aan maqalnay qiyoosinka dad helay jawaabo arrimo adag iyaga oo fadhiya meel ciriiri ah oo wax lagu sugo. Sababta ay dad badan u ogaan waayeen cabqarinimadooda una horumari waayeen ayaa ah, in ay cabqarinimadu ku xireen halbeegga(IQ) waana fahan qaldan. Aragtida cabqarinimadu waa derajo ka sarraysa الذكاءIQ goob go’an aqoonta aadmiga. Jahawareer ayaa dhacay markii qaar badan oo cabaaqirada ka mid ah ay xaqiijiyeen heer ka sarreeya kuwa fiisigiska iyo xisaabta. IQ waa is ka halbeeg akadeemic ah. Mikhail Gorbachev oo indhaha caalamku hayeen haddii uu adeegsan lahaa awood beddelka khasabka imbaraadooriyaddiisii ugu weynayd arlada way waari lahayd.

Caqlibadnida waxaa lagu qeexi karaa adkaysiga, geesinimada diiradaynta, difaaca awoodda iyo ammaano antaradhaaf ah. Hibo keligeed ah ma kaafinayso. Qeexid kale cabqarinimadu waa kartida ka shaqaynsiinta sara maridda sida ugu wanaagsan halka aan doonayno. Murti ayaa oronaysa u istaag waxa aad doorbidayso uguna istaag sida ugu faxan.

Reference buugga:

  1. Power vs Force.

2. The hidden determinants of human behavior. 

3. القوة مقابل الإكراه

4. العوامل الخفية خلف السلوك البشري .

5. Dr. David Ramon. Hawkins.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *