Waxaa qoray: Maxamed-Looto
Saaxiibbayaal, i dhagaysta, kollay waa laga yaabaa in qaarkiin dareenkayga fahmo, waayo qaar badan oo aadane nool ah baa idinku jira. Idinka filan mayo inaad igu qosli doontaan, waayo waxa xun lama fisho ayagoon dhicin. Waxaan si niyad ah uga warramayaa xaqiiqada noloshayda ee qarsoon, waxa ka dambeeya dhaqamo badan oo aad igu aragteen.
Waxaan kusoo barbaaray gurigii aabbahay iyo hooyaday, macnaha gurigayagii. Yaraantaydii waxaan xafiday Quraanka kariimka ah, sida ilma kastoo Soomaaliyeed, kaddibna waxaan fariistay fasalka koowaad ee waxbarashada, barashada diintana waan waday. Maalinkaan fasalka 8aad ka qalin jabiyay, waxaan ahaa 17 jir, laakiin waxaan lahaa dhaqanka 30 jirka, waa sababta shiikhaygu ii jeclaa.
Galab annagoo xalqadii kitaabka fiqiga fadhinna, buu shiikheennu nooga sheekeeyay faa’iidooyinka ay leedahay in da’yari lagu guursado, rag badan oo meesha fadhiyaa inuu wakhtigiisii joogana wuu noo hoos galiyay si kaftan ah. Malaha anigoo uu i ogaa inaan dugsi dhexe dhammeeyay buu ii duur xulayay, waayo waxaan ahay nin uu ku tashanayo, xertoo dhami way iska og tahay inaan shiikha gal gaara ugu qoranahay, waana wax badanaa ka jira goobaha cilmigoo dhan, laakiin arday ahaan cidna uguma xaq badnayn.
Galabtaas markii aan kitaabbada kasoo dareernay, hadalkii shiikhu dib buu iigu soo maaxanayay. War hooy balo! Maanta ka horba ma anaa waxaan masalo iyo layli ahayn ka fakaray ? Wacade war i gaar!
Adigu yaanan war idinku daaline maalintaas ayaan billaabay inaan tintayda shanleeyo, labbis iyo cadar raarraadiyo, foolkaygana gar ka goobo subax kasta. Waxaan garawsaday inaan ahay cidda koowaade gaadhay guurkii shiikhu sheegay.
Aabbahay waa nin waayaha nololeed lasoo jabay, oo wakhtigiisii carruur korin kusoo qaatay, 8 iga waawayn iyo 6 iga yaryar oo laba bahood ah buu dhalay, tukaan yar oo qalabka dhismaha lagu iibiyuuna magaalada ku leeyahay. Hooyaday oo bahda yar ah, 7 aan anigu curad u ahay bay dhashay, waana gurijoog jikada iyo suuqa qudaarta u dhaxaysa.
Mar kale ayuu warkii ila fogaadaye, waxaan noqday guurdoon gabdhaha aynigiisa ah dusha kala socda. Casharradii iskoolka iyo masaajidka waxaa iigu soo biiray mid saddexaad. Waa hadallada shukaansiga, siraha xulashada gabadha wanaagsan, raaxada iyo baraaraha guurka.
Waxa aan bilaabay inaan ragga xaaslayaasha ah sheekooyinkooda dhagta u dhigo, aniga oo in la iga dareemo ka baqaya si dadban su’aalo u waydiiyo, mararka qaarna guurkaba wax khaldan ka sheego, si wanaagga aan ku tuhmayo la iigu soo tixo. Waxaan mawduucaas uga mamanaa si aanan ajruumiga uga fekerin jirin. Awal horaba ragga xaaslayaasha ah ee qaarkood xerta ka mid yihiin qaarna aan magalada kale ku kulanno sheekooyinkaan way ka hadli jireen, balse aniga ayaan danayn jirin.
Haddase nin reer lehba haddii aan la fariisto, waxaan jeclaystaa inuu mawduucaa iiga faalloodo. Adigu baaris dheer kaddib waxaan garwaawsaday in guurku raaxo iyo barako wada socda yahay, waxa ugu wayne gabadha wanaagsan lagu xushaana akhlaaqda iyo diinta yihiin.
Dhawr bilood gudahoodba waxaan helay gabar da’ahayga ah, mayee gu’bay iga yarayd. Waa Sawdo, waa gabar iyana ardayad ah, laakiin machad diini ah dhigata. Ma aha gabar fagaaraha lagu arko, oo waxay u dhaxaysaa machadka iyo gurigooda, inta ay dhexda soo socotana gabdho kale ayaa la socda, kaaga darane indhashareer bay wada wataan oo ma kala garan kadhid.
Labmarkeeda waxaa i siiyay abtigeed oo xertayada ka mida, inay gabar cilmi iyo diin leh oo dhowrsoon tahayna wuu ii raaciyay. Sowdo waan wada sheekaysannay oo is fahannay iyada oo aan cidna noo dhexayn, waxaase jiray xeer qarsoon oon ku wada gawracnayn. Xeerkaasi wuxuu aa in aabbaheed nin diin iyo akhlaaq leh oo kaliya uu kasoo doonan karo, aniguna maaddaama aan nin diin leh ahay, gabar diin leh oo dhowrsoon oo qura baa ii qalanta. Haddaba guul iyo iskubeeg Eebbe ma aha ?
Aabbe asaga oo habeen fiidkii buug wayn oo daynta lagu qoro u kala baxsan yahay baan lasoo fariistay. Awal kuwa iga yaryar baa ag dhoobnaan jiray oo anigu kitaab iyo buug baan xaambaarsanaan jiray, kanshe salaanta ka badanna isumaan heli jirin, cawadaase waan soo ag fariistay.
Cabbaar markii aan aniga oo aammusan ag fadhiyay, asna calculator iyo buuggii hadba mid faraha ku goda yuu i yiri, “caawa casharradaadii maxaa ku dhacay,“ asaga oo xaggayga soo fiirin. “Arrin baan kuu sheegi rabay,” baan si hoose u iri, suuye, “Oo maxay tahay aabbow,?” asaga oo aan weli wajigayga soo fiirin.
Waan aammusay, isaguna inta dareemay inaan wax fudud jirin buu buuggii laabay, oo dhankayga usoo jeestay. Intii uusan hadlin baan iri “aabbe gabar baannu hishiinnay.”
Waa aabbe oo waayahanba mindhaa xaalkayga wuu dareensanaaye, warkaan ka filayay ima dhihine, aayar buu i yiri “waan gartay.”
Aniga oo dagganaantiisa dhiirrani ka qaaday baan si furfuran ugu iri, “inaad ii doortaan rabaa.”
Suu ye, “oo waa aya gabadhu?”
“Ina shiikh hebel baa la dhahaa oo xaafad hebla bay daggan yihiin.” Shiikh hebelka buu gartaye, waxa uu igu celiyay, “Ma wax baad isla meel dhigteen?”
“Haa,” baan iri warkii oo aan afkiisa ka dhammaan.
“Haye bal waagu ha innoo baryo waan arkaynnaaye,” buu hadalkii kusoo xiray.
Anigii kaalay i aragba, farxadii aan la booday gogoshaydii baan isku dul tuuray. Habeenkaygaad laba indhood isuma gayn. Waxa aan sawirtay oo aan daawanayay nolosha quruxda badan ee aan gali doono, inaan raaxada lammaanaha oo aan fikrad fiican ka haysan ku ladi doono, aabbe noqon doono oo carruur dhali doono, sida shiikhaygana caalim la ixtiraamo noqon doono.
Aabbe arrinkaa kuma farxin. Waxa uu jeclaa in aan waxbarashada dhammaysto, oo aanan sidiisa oo kale yeelin, laakiin waxba arrinkaa iguma soo hadal qaadin. Waxa uu ogaa in shiikhaygu i jecelyahay, xertiisana boos wayn iiga rabo, arrinka guurkaygu inuu halkaa kasoo shidaal qaatayna si buu u dareensanaa. Xataa haddii uu arrinta waxbarashada igu soo hadal qaado, jawaabtayda wuu iska sii ogaa, oo inaan waxbarashada iyo guurka isku wadanayo ayay shakilla’aan ahayd.
Qabanqaabo bil qaadatay kaddib Sawdo waa la ii dhisay. Aroos xertayadii si qurux badan uga qayb qaadatayna waa naloo dhigay. Sawdo inta aan nolosha lammaanaha ka aqaan barkeedna kama taqaan, maxaa yeelay, xoogaaga aan ragga xaaslayaasha ah kala sheekaystay, gabdhaha arday diimeed ah kama sheekaystaan, dumar kalana mawduucaa kalama hadlaan.
Waxa ay taqaan uun xaqa sawjkeedu ku leeyahay, sida loo addeeco iyo dambiyada ka dhasha addeecid la’aantiisa. Qol xaafaddayada ka tirsan baa aqal noogala dhigay, xaafaddana waan ka tirsanaannay. Kollay sida labada qof isugu tagaan waan aqaannay, mindhaa ayada aqoon lagama rabee. Waxa aan noqonnay laba qofood oo aammusan marka ay qolka ku jiraan, mararka qaarna aad mooddo in ay si isaga baqayaan, sida laba qofood oo ay markaa isugu horraysana wax isu wayddiiya.
Marka aan dadka xaafadda ku dhex jirro, dad caadiya oo sheekaynaya ayaan nahay, laakiin mar Alla marka aan qolkayaga hoos ka xarinno kuwa kale ayaan noqonnaa. Sababtu anigu ma garanayn, ayaduna inay garanaysay ma aqaan, saa ismaba wayddiinnee. Waxa aan se isaga fasirtay asluubta lammaanaha in ay tahay, ‘hooyaday iyo aabbahayba markoodii koowaad show saasay ahaayeen mindhaa,’ intaas baan isku qanciyay.
Waxa ananse weli hayn raaxadii aan malayn jiray, fiidkii marka aan iftiinka oo dansan lugteeda qabto ee aan daqiiqado kaddib kala fariisanno kolka aan dareen ahaan isugu naaxno wax dhaafsiisan ma hayo. Sidee raaxada iyo macaanka la sheegayay dhawrkaan daqiiqoo kaliya u yahay ? Mindhaa wax kale baa dhimmane toddobada ka baxa baan isku la sheekaystaa. Iyadu waxa ay dareemayso sida ay waxa u aragto iyo xaalkeeda war uma hayo oo ma anaaba wayddiiyaba tayd ayaa hawl igu haysee! Wajigeedaba uma jeedo daqiiqadahaas yar, waayo iftiinkaba waan soo damiyaa, goorta ay qaabkedii hore u fariisatayna dib baan u daaraa iftiinka.
Dhanka aan u riixo inaysan diidin baan ogahay uun daqiiqadahaas mugdiga ah. Hadda inta aanan iftiinka damin lugteeda ma taabto! Yaa baas oo noo jideeyay in aan mugdiga isugu dhuumanno uun ? Maxaan ku qarinnaa oo baas ? Dhawaaqeedaba neeftuurkeeda iyo cod dhif ah oo wax la ceejiyay u eg baan ka maqlaa, aniguna codba waan iska ilaaliyaa. Carruurnimooy ba’!
Afar bilood kaddib Sawdo waa wallac, anna dugsiga sare fasalkii koowaad baa kala bar ii maraya. Xaaladdeedu caadi ma aha, oo hooyo ayaa maalintii oo dhan hadba farmashi iyo dhandhanaan ku wadda, bahda naga waawayn oo wiilasha ila dhashay reera leeyihiin, hooyadoodna soddoh tahay, awalba waa ay jeclayd inay iska bareejayso hooyaday.
Waa riyada hooyo kasta inay carruurta curadkeeda/curaddeeda aragto, sidaa daraaddeed Sawdo dhulka ma dhigto. Laakiin mushkiladda dhabta ah ee Sawdo ma halkaasaa ? Ma daryeelka soddohdeed baa ? Ma aqaan! Anigu arday iyo xerow baan isku ahay, oo wakhtigu waa mid aad iigu yar, aroorta hore sidaan u baxo, fiidkii 9-ka habeennimo ayaana soo dhacaa, ayadoo waliba mararka qaar homework iyo masalooyinkiiba i sugayaan.
Kolka aan guriga imaanayo tamar badan ma hayo, waxa aan daydaydaa meel daggan oo aan buugga iyo qalinka la fariisto. Fiisigis igu cusub iyo Aljabra ayaa shaqa iga raba. Sawda fiidka hore bannaanka iyo xaafadda ayay isaga dhex jidhaa, oo cidna wax uma dirsato. Haddii aan bogga laga hayn meel bay iska jiiftaa. Marka la kala seexdo ee aan qolka soo xiranno —habeenka aan cagaha iyo boggu balbalayn—waxa aan bakhtiiyaa iftiinkii lugtiina waan qabtaa sidii caadada ahayd.
Hawlo adduun oo iga tan badan ayaan iska tiirinayaa, sidaas dartead, daqiiqadihii mugdigu aad bay usoo gaabteen, mararka qaarna waaba foorarso oo soo kac uun. Waxa i wado waa waajib gudo, hawsha sariirta xaq xaaskaygu igu leedahay baan u arkaa, inaan xaqeeda dayacana geedba geedka uu ka dheer yahay ayan ka fuulaa. Iyada ma tahay? Daqiiqadahan soo gaabtay inay iska joogsadan bayba jeclaan lahayd.
Waa saqiir uurka saqiir kale ku sida. Waxa ay u baahan tahay ma aha lugteeda oo la qaado, gu’ ay caloosha wax ku qaaddana uma dhowa, laakiin haddana intaas oo jirta kalmad iima celin kadho, maxaa yeelay, hawsha sariirtu waa xaq saygeedu ku leeyahay oo ka gaaabintiisa lagu naar galo. Ma cara Allay shaqaysanaysaa ?! Waa maya. Subixii waxaan kallahaa iyada oo duudduuban, fiidkii baana qolka isugu gallaa iyada oo xaalkeedu kii manta oo dhan yahay. Mar kasta oo bilaheedu sii kordhaan, cabashadeeda iyo nugaylkeedu waa ay sii kordhaan, cidda kaliya ee soo eegtana waa hooyaday.
Daqiiqadihii soo gaabanayay habeennadan waanba iska daayay. Daalka i haya iyo qubayska baase aroortii baan u nacay, ‘iyaduna waa qofkan jirran oo mindhaa eed kaasoo gaari mayso haddii aadan lugteeda qaban’ baan iskula showray.
Iyada oo Sawda oo 8 bilood tahay, xaalkeennuna tabtaa yahay, ayay hooyadeed tiri: “Ha ii timaaddo halkan ha ku ummushee.” Arrinkaa war aan ku farxay buu ila noqday sababta se ma aqaan. Way baxday, nurkaas baan qolkii ku kaliyoobay maadaama aysan jirin cid iga ag taahaysaa. Laakiin daalka waxbarasho mid ka wayn oo nafeed baan dareemayaa. Waxa aan galay burbur wayn oo maskaxeed, waayo waxa aan garan la’ahay macnaha guurka ku jira. Waxaa qulub wayn iga galay raaxada la sheego ee lammaanaha iyo dhabnimadeeda?
Waxa aan dharaar iyo habeen dhex maquuranaya waydiimo madax daalis ah. Ma aniga ayaa wax iga khaldan yihiin ? Mooji. Hadda ma iyada ayay wax iska ?, Mooji. Dad diin leh oo dhowrsoon baan nahay. Caasiwaaliddayn ma nihin. Ilaahay kuma aynan caasin, xaqa aan isku leennahayna ma aanu dayicin.
Nin aan wax ogeyn Eeebe ma cadaabo’e, waxa aan si daran uga shallaayay hadalladii raggu iiga sheekayn jiray ee aan iska guntaday, haddana waxaan is waydiiyay sababta qof culummo ah been intaa le’eg iigu sheegi karo. Ma hebel iyo hebel oo wadaadda Ilaahay ah ? Macquul ma aha! Malaha arrintani meel kale bay iska qaban la’dahay. Yaa ii sheegaya meeshaas hadda ? Shiikhayga oo arrintaan isagu bilaabay iyo raggii ii sii qurxiyay midna hawshayda war uma hayo. Oo miyaaba arrinkaa la iska waraystaa?
Waxa aan xusuustaa oo dib u jalleecaa cawooyinkii aniga oo wiil yar ah inta qolkayga hoosta ka xirto, khuuradayda qolka xiga laga maqli jiray. hHaddaba ma anaa wayn ? Saw dhawr guyood ka hor uun ma ahayn? Laakiin hadda saw nin xaas leh ma ihi , sidee baanan u waynayn? Ma waynaan kale ayuu dadkeennu yaqaan? Bal fiiri sida fudud ee adduunku isu beddelay. Fiiri go’aannada nolosha dhanka kale u rogaa sida ay u fudud yihiin. Ha fududaadeen ama ha adkaadeene horta miyaan wax ka fahamsanahay? Waa maya.
Bil kaddib Sawda gurigii hooyadeed bay ku ummushay. Habeenkii waan tagay guriga soddohdey, gabadha ii dhalatay waa la i tusay, iyadiise ma arag oo dumar baa qol kala buuxay. Taleefanka ayaan kula hadlay intii koobnayd baanse is dhaafsannay. Xaaladeeda oo qura baan waraystay, xanuunkeeda iyo waxa fooshu u dhibtay iyo dareenkeeda hoose uma dhaadhicin. Hadda waa xaaskaygii oo xumaan wax la dhahaa labadeennaba nagama dhex jiraan. Waxa dhiig baxayase waa gunta hoose ee nafsaddeenna oo aan waxba kala socon dhiigbaxeeda iyo baroorteedaba.
Hambalyaynta saaxiibbaday baan xoogaa nafis ah ka helay oo niyadda ku dagsaday. Markaan waxay iila muuqataa in arrintii aabbanimada wax ka run yihiin laakiin niyad aabbe lagu noqdaba ma hayo. Soddon iyo sagaal caanamaal dabadood ayaan galab xaafadda soo galay iyada oo la keenay Sawdo oo cillaaman nuunnihii yaraa oo daadax ahna dhabta ku haysta.
Waxaan si dhab ah u xusuustay galabtii arooskeenna iyo wixii rajo iyo tamar naga buuxay. Xoogaa xiise iyo niyad ah baa isoo galay maxayse kuugu taal ? Isla habeenkiiba daqiiqadihii mugdigu waa sidoodii. Ma xiise aan waxba laga fahamsanayn baa macne soo kordhiya ? Kaaga darane waxaa soo kordhay oohin carruureed oo saqda dhexe ah, matag iyo saxaro goor kasta soo uraya.
Qolkii oo dhan baa ii soo uray, waxa aana bilaabay in aan bannaanka gogol dhigto. Sawda arrinkaas ma ka xumaatay ? Haddii ay ka xumaatayna ma nafteeday dambiga saartay ? Masa ma ahe inaan ka fogaado bay rabtay ? Yaa og hadda? Daryeelba waxaa looga fidiyaa xafaayad loo keeno iyo shurbad loo kariyo, dharkana mararka qaarkood waa lala dhaqaa. Maba jirta cid ku baraarugsan in ay wax taas dhaafsiisan u baahan tahay.
Sannadkan fasalkii labaad ee dugsiga sare ayaan fadhiistay, gabadhayduna waa ay gu’ jirsatay halka Sawda mar kale jawi wallac la moodo gashay. Laakiin xaalku markaan sidii hore wuu ka duwan yahay. Waxa aad mooddaa Sawda iyo gabadha yarba inay isla wallaceen, hargab, burukiito iyo dhiigla’aan baa mar kasta laga soo wada sheegayaa, egfashin iyo gaas baa Sawda u dheer.
Lacagta daawada inaan maalin kasta aabbahay u wacaa wax foolxun bay ila noqotay. Waxa aan go’aansaday in aan iskuulkaan joojiyo oo shaqaysto nin is dabbarana noqdo. Aabbahay markii aan warkaas maqalkiisa ku sugay wuu iga diiday. Waxa uu iga baryay in aan ugu yaraan dugsiga sare uguyaraan dhammaysto, rerka biilkiisu inuu awal horaba isaga saarnaa wax culaysana uusan u arag buu igu celceliyay, waanse uga dhaartay.
Hooyaday waa ay ii ducaysay markaan arrinkaa u sheegay, awlaad baarri ah inaan ahay Ilaahayna shaqada ii barakayn doono ayay ii sheegtay. Abbe wixii uu lacag iyo dayn heli karay inta isku daray ayuu maktabad yar oo kutubta cilmiga lagu iibiyo ii furay. Bilihii koowaad way ii kala socotay oo xertaydu meel kale ma aadi jirin. Waxa ayse ceebi dhacday markii aan dayn buugga ka buuxsaday Sawdana sagaalkeedii buuxsatay. Tookadan gurigii hooyadeed kusoo ummuli mayso oo reerkii cusbaa ma ma nihin, marka taasi waa arrin aniga iyo hooyo noo taalla.
Talo ayaa faro ka haadday. Waxa aan bilaabay inaan fekero. Xaalkayga cidna uma sheego, qof kalana imaba waraysto. Maktabaddaas yar baan galinka hore fadhiyaa, galinka dambana kutubta iyo xertaan ku dhex jiraa. Noloshii ayaan qawaday salaad iyo adkaar ayaanse afka ku hayaa. Waa arrin ixtiraam wayn xerta iyo dadku iigu hayaan, dhab ahaanse waxba igama oga. Markii dambe oo wiil ii dhashay ayaan imaamka iyo qaddiibka masjidka noqday xoogaa bille ahna waa la ii qoray. Maalintaa wixii ka dambeeyay meeshii yarayd iyo buuqeediiba waan iska xiray.
Aniga iyo Sawda xaalkeennu waa iska sidii oo qofba qofka kale xaqiisa ayuu ilaalinayay. Iyadu noloshaba waxay ka haysaa carruurtaas, iyagay naftaba ku koobtay. Iyadu waa ay is nacday, laakiin ayagay rabtaa oo u nooshahay. Oo maxay isku rabi lahayd oo aan ka ahayn waajibka Alle gudato ninkeedana addeecto? Intaasba iyada oo dambi ka cararaysa ayay samaysaa. Waxa kaliyay lahaansho ku dareento waa labadeeda cunug.
Sannad ka hor waxa aan is lahaa ‘ilmaha dhashay irsaaqaddiisa ayuu soo kordhin doonaa,’ laakiin hadda waxa aan marayaa inaan isu sheego in meeshii yarayd een isku mashquulin jiray xoogaaga yar ee masjidka dhaantay. Xaafadda ma joogo, oo dagganaasho kuma dareemo, masjidka ayaan tagaa oo arday kitaab ugu celiyaa ama Quraan akhriyaa ilaa salaadda laga gaarayo. Waxa aan aan aqaan oo gawsdambeedka ku haystaa xaddiiskii Nabiga laga wariyay ee ahaa: Arrin waxaa ugu khayr badan tan dhexdhexaadka ah’, laakiin cibaadada xad dhaafka ah iyo barashada badan waxa aan ka raadiyaa nafis waana isku mashquuliyaa.
***
Galab galbaha ka mid ah baan fakaray. Waxa aan iskula faqay in guurkayga wax ka khaldan yihiin, Ilaahayba wuxuu iiga dhigay in aan sixrannahay oo xasad na haysto. Markaas baan baaray culumo ka hadlaysa astaammaha sixirka, isha iyo xasadka lagu garto. Balo! Mase waa dhammaan wixii i haystayba! Waxaan is wayddiiyay waxa iga khaldanaa, sidaan isu ogaan waayay, waaba aqaannay isha iyo sixirka waxa lagu garto e. Waxa aanse isku qanciyay in xasadku qofka qaflad galiyo Ilaahayna hadda ii sacabba goglay oo igu baraarujiyay.
Waxa aan shiikhaygii u sheegay xaalkayga waliba dhabta uma sheegine waxaan ka dhigay arrinku in uu xaaskayga haysto. Wax waynba uma uusan arkine “jimcaha soo socda ayaa Quraan idin saarayaa,” buu tariib iigu yiri.
Maalintii Jimcaha goor barqadii ah bay shiikhii iyo aabbe isla yimaadeen. Xaafaddii oo dhan ba lasoo fariisiyay. In door ah markii Quraankii nagula waday waata Sawda cirkaa ku dhagtay! Waxaan la garanayn oo hadal u badan iyo qaylo ayay isku dartay. Ilmihii yaryaraa iyadoo mid ku istaagtay baan anigiyo aabbe qabannay. Sida wan la xiniinyo siibayaan isugu celinnay labadeennii. Shiikhii fiilo ayuu lasoo dul fariistay afarta faryarana waa laga xiray.
Aniga shakigaygii xaqiiq buu iigu muuqdaa markaan. Wixii rafaad soo mutay cid aan ku eedeeyo ayaan helay. Wadaadkii inta Qur’aankii kor u qaatday oo tuf billaabay buu, “hadal waryaa, yaad tihiin ?”
“Alla waa baxaynnaa, bas naga dhaha. Aaaa!”
“Yaa tihiin waryaa ?”
“Sixir iyo jin isla socda..sixir baa nahay sixir.”
“Yaa idin soo diray ?’
“Islaanta qudaarta gadda ?”
“Islaanyahey miskiintaan maxaad u sixirtay ?”
“Lacagtii adeegga la iiga gadi jiray bay yaraysay oo maaraysay’
“Ma baxaysaa hadda, Masa waa ku gubaa ?”
‘Alla waan baxayaa ee farta iga fura waan baxayaa’
“Baxa! Buuraha gala! Badda gala.”
Isla markiiba sidii qof ruux baxaya ayay dhaqaaq daysay.
Cabbaar kaddib bay soo naaxday Sawda oo laf kastaa jabantay illeen laba nin baa ku fadhidaye. Caadigi ayay kuso noqotay. Inta I aqoonsatay ayay is ururisay. Shiikhii inta kitaabkiisii yaraa kilkisha ku qabsaday ayuu naga tagay. Markaas ayaa Sawda looga warramay wixii dhacay iyaduna u dhegaystay sidii qof kale. Maba aha naagtii jinka iyo sixirka laga quraamiyay.
Ceshadaa aniga oo niyadsan oo wixii hore oo dhan wax xasad ka dambeeyay u arka ayaan qolkii xirannay iyaduna mindhaa sidoo kale. Xasad iyo sxir midna ma jirine, cadaadiska nafeed ee gudeheeda ka jira ayay la qaraxday, cidda la moodayay in ay ka dhex warramaysana waa cod hoose oo ay naftu kusoo bandhigayso culaysyada iyo cabburka ku aamburan tan iyo dhalashadeedii.
Xoogaa dhowr maalmood aniga oo isu arka in xaalkaygu daggan yahay baan galab kale isla sheekaystay. Waxa aan muggan ku fakaray inaan xaas labaad guuriyo. Waxaa aan haystaa labo sababood oo waawayn oo sheegaya in guurka labaad arrintayda dhaqaale iyo tan qoyseed xal u yahay. Waa mide waxaan haystaa xaddiis sheegaya in guurka badan arsaaqadda waasiciyo, barakadiisana la yimaado. Waa tan labaade xaaskayga waan nasinayaa oo haddaba inay wallac tahay baan u badinayaa.
Waxa aan talo ruugaba go’aan kama dambays ah ayaan gaaray. Waxa aan u tabaabushaystay in aan gabar kale doondoono. Lebbiskii, shanlaysigii iyo cadarkii saddex sano ka hor iigu dambaysay baan bilaabay. Nin tigaaddiisa iyo tamartiisa ka badan qooqay ayaan ahay. Sawda dareen baa galay. Way iska caddayd in ay tuhuntay inaan la guursanayo.
Gugan baan 20 jirsaday, iyaduna waa 19 jir. Wiilkii iyo gabdhii ayaan haysannaa, jeerkaanna waa wallac.
Maalmo markii aan wax baadigoobay baan muraadkayga shiikhaygii u sheegay. Shiikhu wuu soo dhaweeyay intii aan xujo ahaan u haystayna buuna ii sii faahfaahiyay. Xoogaaga aan masjidka ka qaataa iguma filna oo biilka aabbaa qaar bixiya.
Toddobaad kaddib buu shiikhii i wayddiiyay inaan gabar helay iyo in kale. Waxba in aanan hayn goortii aan u sheegayna waxa uu igu yiri, ‘ha walwalin Ilaahay baa wax walba fududeeyaye.’ Wuxuu markaas ii sheegay inuu helay gabar hadda machad diini ah ka qalin jabisay oo uu adeer labaad u yahay. Bishaaradaas aad baan uga farxay heer aan garan waayay qaab aan shiikha ugu mahad celiyo.
Fiidkii dambe ayaan khabarkii aabbahay u sheegay. Maya iyo haa toonna ima oran. Waxa uu ahaa nin ka dheregsan macnaha arrintaas uu ninkaygan sannadkan labaatan jirsaday waxba kala socon una hamuun qabo.
Marka laga soo tago arrinta arsaaqadda, dhab ahaan waxa aan guurka u xiisaynayaa waa habeenka arooska uun. Waxaan had iyo jeer xusuustaa sida habeenkii dadabgalka ee aniga iyo ooridaydu uga geddisanaa ugana qaaya badnaa habeennada oo kale oo dhan. Waa habeen uu jeclaysto nin kasta oo naago guursi badan. Intaas marka laga soo tago waxa aan qabaa xoogaa rajo ah oo ii waxyoonaya in aan guurkaan wax uun dhadhan ah ka heli doono.
Habeen aan fiid hore aniga iyo Sawda qolka xirannay ayaan arrintii ku taabtay, hadalkaygu se ‘ninka dameerka wadow warkaagu wuu kaasoo horreeyey’ weeye, oo awalba way i dareensanayd, laakiin aniga oo arkaya ayuu wajigeedii is rogay.
Waxaa gaaray dhaawac nafeed oo aan waxba kala socon inta uu qodan yahay. Ma lahayn garasho aan ku weeleeyo waxyeello gudaha qofka gaari karta, dhaawacuba inta qofka guudkiisa ku dhacda ayuu ii yahay. Sidaas awgeed, aniga oo aan sii raacraacin ayaan aayar waxa foolkeeda ka muuqda masayr dumar u turjumtay. Cawadaas iyo kuwo door ah oo ka dambeeyay lug la isma qaban. Awal horaba wax macno weyn leh ma ahayn, haddana iyadii oo quus ah iyo aniga oo si uga gaabsanaya ayay xaajo ku biyashubatay.
Waa qof diin leh oo waxa ciil iyo caro ay dareemayso waa ay isku aabburtay iyada oo ‘caro Aalle ka baq is leh’. Aniguna nin kayd kale sugayo ayaan isu arkaa oo dhinacayga ayaan is duudduubaa.
***
Xilligan guurkaygii labaad waxaa laga joogaa afar sanadood. Guurkaygii labaad kaliya ma aha ee taariikhdii madoobayd ee igu dhacdaynna waxaa laga joogaa saddex sannadood.
Hadda waxa aan ahay 24 jir iyo wadaad xer leh. Waa uu yar yahay qof sidayda oo kale diinta, reebidda munkarka iyo faridda macruufka ugu adadag. Waxa aan aad uga hadlaa fasaadka iyo xumaanta la caadiyaystay. Dhowr jeer waxaa la igu qabsaday hadallo dumarka ku saabsanaa oo qudbado aan jeediyay ku jiray, waayo waxaan mar kasta ka hadlaa xumaanta dumarka, fasaadkooda iyo sababta ay naarta ugu badan yihiin.
Yaanan idinka gudbine aan idiin sheego masiibada iyo taariikhda madow ee saddex sanadood ka hor igu dhacday. Habeen aan sidaas usii fogayn waxa aan arkay wax iila ekaaday in aan masiibadaas khaladkeeda lahaa. Waxa aan goor fiidkii ah soo ag maray wiil yar oo ardayda ka mid ahaa isaga oo taleefan darbi la hundhura. Isaga oo aan ii jeedin baan gadaal kasoo maray oo soo ag istaagay.
Wiilka yari wuxuu meesha kula soo dhuuntay muuqaal aad u fool xun, laakiin cabbaar baan laftaydu isha ku xaday. Waxa uu daawanayay laba qofood oo qaaqaawan wax xil leh samaynaya. Waxse aan aad ula yaabay habka labada qofood hawsha u gudanayeen. Waligay isma oran noocaasa ayaa hawsha loo sameeyaa. Wiilkii si uusan iiga nixin baan inta gadaal uga baxay shanqar sameeyay isaguna hal mar buu taleefankii dansaday. Waxa kuma orane inta salaamay kaddibna inuu xaafaddii aado ayaan u sheegay.
Xaafaddii markii aan tagay baan arrintii hal saac kasii fakarayay. Mar waan cuduubillaystaa marna xusuustii baan ku celiyaa! Ma laba qofood oo waxaas samaynaya baa dhoollacaddaysa oo qayliya? Kollay dubkoodu wuu caddaaye gaalo ayay ahaayeen. Ma gaaladay ka suurta gashaa ? Shayddaanba aan u aaneeyee arrini waxay gaadhay in aan muuqaal noocaas ah raadiyo.
Nin ilaa dugsi sare gaaray oo wax akhriyo ayaan ahaye fartii aan aqaannayba waa ku raadiyay. Dhawr saacdood kaddib baan meel buuxda ku dhex dhacay. Bisinkiyo burdaha! Ma waxaanaa qof markiisii koowaad arka loogu tala galay ? Naf iyo shayddaan waxa aan la diriraba wixii tirtiray. Waxaase iga dagi wayday in arrintaa laba qofood qoslaya oo is fiirinayaa samayn karaan ? Adduunkaba caawa ayaa iigu horraysa in dhowr jeer lagu ceshan karo oo aan mar qura lugta aan la is qaban.
Waan qarracmay! Kama qarracmin dambiga iyo waxa xil kale ee aan daawaday. Waxa aan weli u qaadan la’ahay 7 sanadood waxa aan lugta hayay inay ahayd hawl khaldan. Toddobadaa sano cid guurka igu tashkiilisa mooyee cid in siyaabo kala duwan la isugu tago igala hadasha ma arag. Oo miyayba jidhaa?
Waxaan ogaaday laga soo bilaabo habeenkii arooskaygii koowaad tan iyo ceshadan inaan meel khaldan ka hayay. Fahan dhab ah wali ma haysto, hase ahaatee gefkayga iyo inaan habowsanaa baan la qarracansanahay.
Bal aan dhacdadii madoobayd idiin sheego. Waqti aan xaaskaygii labaad sannad wada joogno baan guriga Sawda maalin si kadis ah ku imid. Albaabka bannaanka ayaan iska soo furay, balse markii aan gudaha iyo qolka usii gudbay ayaan filanwaa iyo naxdin indhaha saaray. Waa Sawda iyo wiilkii korontada oo wax xil leh samaynaya! Subxaanallaah! Masiiba iyo halaag waynaa!
Wax aan rumaysto iyo wax aan diidaba way noqon waysay. Aniga oo sidii looxii u dul liqdaaran bay igu baraarugeen, markaas ayuu ninkii oo gantaal ka xawaare badan hal mar xuf igu dhaafay isaga oo dharkiisii wax ka haabtay waxna ka cararay. Sawdo wax dhimasho ku siman bay inta naxday meeshii koollo ku noqotay.
Anigii waan qaboobay, tabar dhigay oo hadalba kari waayay. Aniga oo axgab ah baan irriddii kazoo baxay. Aabbahay baan goobtiisii ku abbaaray oo arrinkii u sheegay. Intii aan qarracmay in le’eg buu anfariiray. Waxa igu dhaariyay inaan qof saddexaad arrinkaa maqlin ilaa uu ka xalliyo.
Sawda iyo anigu halkaas baan ku kala dhammaannay aniga oo aan mar kale wajigeeda arag. Qof Ilaahay ka furtay oo lacnad ku dhacday baan u arkayay. Arrinteeda qof labaad oo aan aabbahay ahayn wali uma furin xitaa hooyo aabbe ayaa uga warramay.
Arrintaas waxa aan qaaday shaki, aamminaadla’aan iyo nacayb wayn. Xaaskaygii kale aad baan cadaadis u saaray xorriyaddiina waan ka qaaday. Waa qof ahluddiin ah oo cara Alle ka baqaysa e cadaadiskaas bay la aammusan tahay.
Hadda waxaan ka shakiyaa nin kastoo reeraha gurigood taga, gabdhaha kaligood guryaha jooga iyo bulshadii oo dhan. Nin koronto iyo biyo qora la imaba tuso. Waxaan ku jiraa cadaab adduun oo aysan cidna ila ogayn cidnana iiga garaabayn. Eedaha xadka ka baxa ee dumarka ku saabsan dhammaantood halkaas ay salka ku hayaan.
Aabbahay, hooyaday, Sawda iyo shiikhaygii midna ma khaldanayn, midkoodna guuldarra nololeed nooma qorshayn aniga iyo gabdhahaas masaakiinta ah. Waxaa kun jeer nacladan waaqica hooseeya ee bulshadeenna iyo fahammada khaldan ee diinta laga qaatay. Burburkaas noloshayda iyo xanuunnadaas nafsadeedba waxaan u aanaynayaa fahamkaas waaqaca ka fog ee diinta laga haysto iyo aragtida fadhiidka ehe nolosha laga haysto.
