W/Q: Kassim Hussein.
Hordhac.
Wixii ka horreeyay labadii qarni ee ugu danbaysay deegaanku waxa uu ahaa goob xasilloon, oo daggan, oo nooluhu xorriyad ugu noolyahay, hawadiisuna ay nadiif tahay, kaymo cuffan oo wasaqowgu ku yaryahay. Dadku waxa ay u noolaayeen si dabiici ah oo falato iyo dhaqato isugu jirta. Inta soo hartayna ganacsiyo fudfudud bay noloshooda ka raadin jireen. Gaadiidku waxa uu ahaa noole kale oo aan uuro iyo qiiq modkoodna sii daynayn. Nidaamka deegaanku meertadiisii dabiiciga ahayd buu ku socday, dadyowguna wax saamayn ah kuma ay lahayn. Sidaas ayaa dhulka nabad loogu daaqayay illaa laga soo gaaray qarnigii 19aad.
Bilowgii qarnigii 19naad iyo dhamaadkii qarnigii 18naad waxaa bilowday kacaankii warshada oo ay boqortooyada ingiriisku garwade ka ahayd. Waxaa bilowday isticmaalka dhuxusha oo markaa noqotay tamarta ugu wayn ee ay dunidu hantiday. Nidaamkii gacanta ahaa ayaa laga guuray oo mishiinno tamar ku shaqaynaya ayaa la adeegsaday. Taas oo saamayn xoog leh ku yeelatay noloshii dhaqandhaqaale ee dunida. Kacaankii warshaduhu waxa uu ku faafay dawladihii Yurub illaa Maraykanka illaa dunida oo dhan. Dhammaadkii qarnigii19naad waxaa soo kordhay in koronto la isticmaalo. Warshado waawayn ayaa dhismay, magaalooyinkii ayaa xawli u koray, ganacsiyada duniduna waa ay xoogaysteen.
Kacaankii Warshaduhu waxa uu si toos ah u horseeday dhibaatooyin waawayn oo caalami ah, kuwaas oo ka dhashay isticmaalkii dhuxusha iyo qiiqa warshadaha. Wasaqowga hawada iyo biyaha ayaa kor u kacay. Shilal halis ah oo deegaanka waxyeelleeyay baa dhacay. Digniino caalami ah iyo kuwo cilmiyeed baa iska soo daba yeeray. Xaaladda deegaankuna waxa ay noqotay run aan indhaha laga qarsan karin. Musiibooyinkii dhacay waxaa ka mid ahaa; Meuse Valley Disaster (Belgium, 1930), Danora smoke USA (1948), Great smoke of London (1953), oo dhammaantood ahaa musiibooyin wasaqoow deegaan iyo dhimashooyin badan sababay, illaa laga soo gaaray musiibadii caalamiga ahayd ee Torrey Canyon Oil Spill (1967), iyada oo markab wayn oo lagu magacaabo Torrey Canyon, oo siday shixno saliid ah oo dhan 10,000 oo saliid cayriin ah uu ku dhex burburay badda dhexdeeda, meel u dhaxaysa Ingiriiska iyo faransiiska.
Dhibaatooyin kaas oo isbiirsaday, iyo kuwo lga baqayay in ay dhacaanba, waxa ay Haayadda Qaramada midoobay sanadkii 1972-dii magaalada Stockholm ee dalka Sweden ku qabatay shir caalami ah oo looga hadlayay dhibaatooyinka deegaan ee isi soo taraya ee aan laga indhasaaban karin ee dunida ku soo foodleh. Shirka oo ay ka soo qayb galeen 113 waddan ayaa furmay maalin isniin ah, 5ta June 1972, waxa uuna soo gabagaboobay 16kii june ee isla sanadkaas. Waxaana maalintii shirkaas furmay oo ahayd 5ta June loo aqoonsaday maalinta caalamiga ah ee deegaanka.
Waxaa shirkaas lagu asaasay Haayadda UNka u qaabilsan arrimaha deegaanka caalamka ee UNEP oo fadhigeedu Nairobi yahay. Waxaa la shaaciyay bayaankii Stockholm (Stockholm declaration) oo ka koobnaa 26 mabda’ oo hagaya sida dadka iyo dawladuhu u ilaalinyaan deegaanka. Waxaa sido kale shirkaas lagu dajiyay qorshe hawleed (Environmental action plan) 109 talooyin ah ku saabsanaa; yaraynta wasaqowga, ilaalinta biyaha, hawada iyo dhulka, cilmibaarista deegaanka iyo warshadaha iyo wacyigalin ta deegaanka. Iyo sido kale maalintaan oo loo asteeyay maalinta caalamiga ah ee deegaanka.
Caqabadaha deegaan ee dunida.
- Isbaddalka Cimilada: Heerkulka sii koraya ee dunida, abaarowga iyo nabaadguurka, fatahaadaha, barafyada cirifyada oo dhalaala, biyaha baddaha oo kordha, duufaannada iyo dabaylaha xooggan iyo dhammaan xaaladalaha Cimilada ee isbaddalaya waxa ay saamayn xooggan ku leeyihiin xasilloonida iyo badqabka deegaanka iyo dadka.
- Luminta kaladuwanaanshaha (biodiversity loss): Tirada kaladuwanaanshaha noolaha oo hoos u dhacda, sida dhirta, xayawaanka, iyo ilma-aragtada. Kuwaas oo ka dhasha xaalufinta dhirta, isbaddalka Cimilada, Wasaqowga, fiditaanka magaalooyinka iyo ugaarsiga xad-dhaaf ka ah.
- WASAQOWGA(Biyaha, hawada iyo carrada): Wasakhayntu waa kolka walxo waxyeello leh ama tamar qaldan leh lagu daro deegaanka (Hawada, biyaha iyo carrada) taas oo dhaawacda badqabka dadka, xayawaanka iyo deegaanka. Qiiqa baabuurta, warshadaha, gubista shidaalka intuba waxa ay saamayn taban ku leeyihiin caafimaadka hawada. Sido kale, qashinka biyo fadhiisinta lagu shubo, kiimikooyinka meelaha biyaha lagu daadiyo iyo bullaacadaha waxa ay keenaan wasaqowga biyaha. Dhanka kale, qashinka dhulka lagu tuuro(sida: walxaha plastic-ga), kiimikooyinka beeraha loo adeegsado, macdan qodista, iwm, waxa ay waxyeelleeyaan badqabka carrada.
Dhibaatooyinka deegaan ee Soomaalida.
- Xaalufinta dhirta: Xaalufinta dhirtu waa baabi’inta dhirta iyo kaymaha deegaanka si dhuxul ama wax kale looga dhigto. Waana mid kamid ah caqabadaha deegaan ee Soomaalidu dhulkeeda haysta. Tirada dhirta ayaa hoos u dhacda mar kasta oo geed/do la gooyo. Mana jirto cid samaysa dib u dhirayn, oo xaalufinta deegaanka wax ka tarta. Taasina waxa ay keentay in dhulkeenna ban geeriyaad noqdo, Ugaartu ka hayaanto, Heerkulkiisu uu kordho, carradiisu dilanto, daadadka iyo fatahaaduhuna kordhaan.
- Abaaraha: Abaartu waa xaalad cimilo oo muddo dheer roob la waayo, ama ay roob yaraani dhacdo. Badankana waxaa keena isbaddalka Cimilada, roob la’aanta, xaalufinta dhirta iyo isticmaalka xad-dhaaf ka ah ee biyaha. Waxaana ka dhasha natiijooyin waawayn oo noolaha oo idil wada saamaysa.
- Daadadka iyo fatahaadaha: Waa marka biyo farabadan ku fatahaan dhul aan asalkii hore biyo lahayn, taas oo ka dhalata, roobabka xad dhaafka ah, webiyada fataha iyo duufaannada. Waana mid kamid ah dhibaatooyinka soo noqnoqda ee dhulkeenna ka dhaca. Iyaga oo gaysta qasaaro nafeed iyo mid hantiyeed. Burburka guryaha, barakinta dadka, xaalufinta beeraha, dhimashada xoolaha iyo waxyeellada deegaanka.
- Qashinka: Qashinku waa haraadiga laga maarmay ee ka soo hara nolosha dadka, sida; caagadaha, biraha, bacaha, waraaqaha, agabyada iwm. Marka qashinka sida saxda ah aan loo maamulin, ee meel aan habboonayn la dhigo waxa uu noqdaa musiibo dadka iyo deegaankaba waxyeellaysa. Waxaa ka dhasha, Wasaqowga carrada, hawada iyo biyahaba. Waxa ay saameeyaan baqdqabka xayawaanka iyo deegaanka. Isbaddalka Cimiladana qay lixaadleh ayay ka qaataan. Caafimaadka dadkana waxyeello ayay u gaystaan.
- Ugaarsiga xad-dhaafka ah: Waa mid ka mid ah dhibaatooyinka deegaan ee dadkeenna haysta. Waa laynta aan loo meeldayin ee duurjoogta lagula kaco. Taas oo keenta hoos u dhaca xayawaanka iyo hayaanka duurjoogta ey u hayaamaan waddamada deriska ah.
- Nabaadguurka Kalluunka: maraakiibta Kallumaysiga sharci darrada ah badaha soomalida uga jillaabta waxa ay gurtaan kalluun xad dhaaf ah iyada oo badaha u soo fogeeya sumaha kiimikooyinka ah ee halista ah. Taas oo waxyeello labaad u sii gaysata kallunkii ay horay u gurteen.
Xalalka lagu dabaqaban karo deegaanka.
- Dib-u-dhirayn: Deegaanka in dib loogu beero dhir badan, dhirtii hore ee jirtayna la tarmiyo, xaalufinta dhirta na la yareeyo waxa ay kaalin wayn ka qaadan kartaa dib usoo noolaynta deegaanka, iyo hoos udhaca Heerkulka Cimilada ee kor usii kacaya.
- Maaraynta qumman ee Wasaqda: Yaraynta, dib u adeegsiga ama dib u warshadaynta haraadiga Qashinku waa mid kamid ah xalalka lagu yarayn karo wasaqowga deegaanka, sare na loogu qaadi karo badqabka dadka iyo xayawaanka.
- Biya kaydinta: Celinta biyaha qulqulaya ee daadadka, samaynta harooyinka iyo biyo-xireennada, iyo isticmaalka qumman ee biyaha waxa ay yarayn karaan abaaraha soo noqnoqda iyo biyo yarida joogtada ah.
- Isticmaalka tamarta la cusboonaysiin karo: adeegsiga tamarta cadceedda iyo tan dabaysha iyo ka maaranka shidaalka waxa ay hoos u dhigaysa wasaqowga hawada iyo xaddiga Kaarboon-laba-oksaydh ee hawada galaya.
Gebogebo.
Meerahaan yar ee Dhulku(earth) waa qol yar oo la wadaago. Mustaqbalka iyo siduu u ekaanayo gacmaheenna ayuu ku jiraa. Sida aan maanta u doorno ayuu barri u ekaanayaa. Maalintaan caalamiga ah ee deegaanku waa in ay ku suntanaataa; dhawrista dabeecadda, abuurista dhirta, kaydinta iyo ka faaiidaysiga biyaha, wacyigalin ta xaalufinta dhirta, maaraynta qumman ee qashinka iyo muhimadda badqabka deegaanka. Fal kasta oo wanaagsan, haba yaraado e waxbuu gooyaa. Ficillada yaryar, sida in geed la beero maalintaan oo kale, in olole nadaafdeed la sameeyo, in dadka qashinka laga wacyigaliyo dhammaantood waa qaaraan waxgal ah oo wax wayn ka taraya caafimaadka deegaanka iyo dadkaba.
